xallismid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xallismid
m.f.dh eeg xallisan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xallismid
-da: (magac, dhedig, keli) nabad ku dhammaasho; xal u helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fallisid
(Fallisid-da)
Meel madal ah, wax naado lagu iibina hayo, lacag qof ku dhawaaqay mid ka korraysa sheegid; haweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fallisid
m.f.dh eeg fallis². la-mid: fallis¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallisid
-da: (magac, dhedig, keli) meel madal ah, wax naado lagu iibinayo, lacag qof ku dhawaaqay mid ka korraysa sheegid. Dh: haaweyn.
fallisid -da: (magac, dhedig, keli) caydhoobid ama khasaarid ganacsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gallimid
m.dh la-mid: gellimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallimid
m.f.dh eeg sallim. la-mid: sellimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallimid
-da: (magac, dhedig, keli) oggolaanshaha in lagaa adkaaday.
sallimid-da: (magac, dhedig, keli) lacag iyo wax la mid ah oo lagugu lahaa, iska bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaglisid
m.f.dh eeg xaglis². la-mid: xaglis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaglisid
-da: (magac, dhedig, keli) neef irmaan dhan keliya ka maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galliimid
(Galliimid-da)
Gelliimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galliimid
m.dh la-mid: gelliimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galliimid
vl. n. peace-making delegation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galliimid
-da: (magac, dhedig, keli) cid u ergeyn si nabad iyo xasillooni loo helo. Dh: gelliimid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galliimid
cf: gelliin
de: peace-making delegation
lx: galliimid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: galliimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halligmid
m.dh la-mid: halaagmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halligmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax halaagmay oo dabargo'ay noqosho. Dh: dabargo'id, baabi'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallibmid
m.f.dh eeg qalliban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallibmid
-da: (magac, dhedig, keli) rogmasho oo jirjirka u dhicid. Dh: genbismid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falliirmid
m.f.dh eeg falliiran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lismid
m.f.dh eeg lisan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lismid
-da: (magac, dhedig, keli) mindi iyo wixii la mid ah, soofaysmid.
lismid -da: (magac, dhedig, keli) is xoqidda labo walxood kolkay is xoqaan. Dh: xoqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xallis
m.l la-mid: xallin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xallis
vl. n. solution
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xallis
a: xallin
de: solution
initial: x
lx: xallis
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: xallis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
allifid
m.f.dh eeg allif². la-mid: allif¹, allifaad (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
allifid
-da: (n) creation (kiriyeey-shin); invention (inveenshen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
allifid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg allifaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalliin
-ka: (magac, lab keli) maydhid oo weel biyo ku qasaalid. Dh: xalitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aloosmid
m.f.dh eeg aloosan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballamid
(Ballamid-da)
Wax isku ogaansho; ballan dhigasho: wacad isu gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballamid
m.f.dh eeg ballan². la-mid: ballan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballamid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl, shir ama wax kale, bal u qabsasho. Ballamid baynu isku ogayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balliqid
(Balliqid-da)
(albaab) wada furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balliqid
m.f.dh eeg ballaq². la-mid: ballaq¹, ballaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balliqid
-da: (magac, dhedig, keli) furid oo albaab si weyn u bannayn. Albaabka balliqidda ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dallicid
(Dallicid-da)
1. (cunno) dallac ka dhigid.
2. Darajo kore gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallicid
m.f.dh eeg dallac². la-mid: dallac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallicid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto suugayn oo idaam u samayn.
dallicid-da: (magac, dhedig, keli) derejo sare gaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalligid
-da: (magac, dhedig, keli) si basarxumi ah wax farabbadan u cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halligid
(Halligid-da)
Halaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halligid
m.dh la-mid: halaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halligid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg halligaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kallifid
(Kallifid-da)
Wax aan maaro loo hayn, cid dusha ka saarid, ku qaybin; dhibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kallifid
m.f.dh eeg kallif².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kallifid
-da: (magac, dhedig, keli) qof wax uunu karayn ku dirqiyid. Dh: dirqiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kallihid
m.dh la-mid: kallahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallibid
m.f.dh eeg qallib². la-mid: qallib¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallicid
m.f.dh eeg qallac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallidid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qallidasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallixid
m.dh la-mid: qaldhicid, qaldhocod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallidid
m.f.dh eeg sallid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallidid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) dhib kaga dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sallixid
(Sallixid-da)
Hagaajin; farsamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallixid
m.f.dh eeg sallax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sallixid
-da: (magac, dhedig, keli) diyaarin oo hagaajin. Dh: diyaaris, farsamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salliyid
m.f.dh eeg salli².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sellimid
(Sellimid-da)
Bixin; dhiibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sellimid
m.dh la-mid: sallimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sellimid
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta ka gelid; bixin dhiibid: siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tallamid
(Tallamid-da)
Labo arrimood kala doorashadood durba goosan waayid; laballaabow ku dhicid; walaacid; shakiyid; waswaasid; walbahaarid; taraddamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tallamid
m.f.dh eeg tallan². la-mid: tallan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallamid
-da: (magac, dhedig, keli) labo arrimood kala doorashadood iyo xal u helis la'aantooda. Dh: walaacid, walbahaarid, waswaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabbisid
(Xabbisid-da)
Xabbis gelin; xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbisid
m.f.dh eeg xabbis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbisid
-da: (magac, dhedig, keli) jeel ku xidhid; xabsi gelin. Dh: xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xallisan
xallisan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax la xalliyey noqosho.
xallisan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la xalliyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xallisan
der. [adjective] solved, resolved
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xallisan
-xallisnaa / xallisnayd: (adj) solved (soolvidh)-, settled (se-talidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xallisan
(tilmaame) heshiis laga gaadhay ah maaro loo helay ah.
xallisan: (tilmaame) kala diran oo sharci ahaan jirin ah. Urur xallisani ma shiri karo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xallisan
de: solved, resolved
initial: x
lx: xallisan
nt: xallisan (xallismay) [v1=inch]
pd: (xallisnaa)
ps: adj-der
key: xallisan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammisid
m.f.dh eeg xammis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayirmid
(Xayirmid-da)
Wax xayiran ama la xayiray noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayirmid
m.f.dh eeg xayiran². la-mid: xayiran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayirmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xayiran noqosho; dhan walba ka go'id. Dh: xannibmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaqmid
m.f.dh eeg ballaqan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
callaqmid
m.f.dh eeg callaqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xanniban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falliirid
m.f.dh eeg falliir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falliirid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg falliidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelliimid
(Gelliimid-da)
Cid u ergeyn si heshiis loo helo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelliimid
m.f.dh eeg gelliin². la-mid: galliimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gelliimid
f. n. apology; peace-making delegation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelliimid
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax tabanaysa, u ergeyn si heshiis loo helo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gelliimid
de: apology; peace-making delegation
lx: gelliimid
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: gelliimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalladmid
(Jalladmid-da)
1. (il) Haragga xalleefsan oo isha ku rogan oo kor u laabma.
2. Xuub rogmada oo docdiisa caloosha ahi soo kor marto; (ama jillad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalladmid
m.f.dh eeg jalladan¹. la-mid: jelledmid, jilladmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalladmid
-da: (magac, dhedig, keli) haragga xalleefsan ee isha, intiisa hoose, dusha u soo rogmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaasmid
m.f.dh eeg malaasan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaasmid
-da: (magac, dhedig, keli) buuxsamid oo wax daf ah noqosho. Taangigu wuu buuxaa oo malaasmidi uma hadhin. Dh: buuxsamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalluufid
-da: (magac, dhedig, keli) jeemid oo wax adag in ka goyin; wax isku yaalla xagga sare ka baarqaadid. Dh: xaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xannibmid
m.f.dh eeg xanniban¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarrishid
m.f.dh eeg xarrish. la-mid: xarrishaad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ballistics
Cilmi gantaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falliidhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax weyn oo isku yaal, wax yar oo ka mid ah ka dillaacin. Dh: falliirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jallaadmid
m.f.dh eeg jallaadan¹. la-mid: jillaadmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jallaadmid
vl. n. turning of upper eyelid; anything turned inside-out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jallaadmid
-da: (magac, dhedig, keli) jeldi adag yeelasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jallaadmid
de: turning of upper eyelid; anything turned inside-out
lx: jallaadmid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: jallaadmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laballisid
(Laballisid-da)
Labo qof ama labo gacmood ku wada lisid; xoog iyo dhaqso u lisid; darandoorriyid.