xalleefi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalleefi
f.g2 (-iyay, -isay) Xalleef ka dhigid (wax).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xalleefi
v. smooth, flatten
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalleefi
(fal) aad u qarayaree; xoog u bal. Dh: xaliif.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xalleefi
de: smooth, flatten
initial: x
lx: xalleefi
pd: (xalleefiyey)
ps: v2a=tr
key: xalleefi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalleefin
(Xalleefin-ta)
Xalleef ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalleefin
m.f.dh eeg xalleefi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalleefin
-ta: (magac, dhedig, keli) balid oo wax aad u xaliifsan oo ballaadhan ka dhigid. Dh: balid, qarayarayn, xaliifid. Li: qaraweynayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalleefis
-ta: (magac, dhedig, keli) balid; ballaadhin; qarayarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalleef
m.l.kh X. ah: wax aan qiro lahayn oo dhuuban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xalleef
m.l.kh X. ah: wax aan qiro lahayn oo dhuuban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xalleef
m. n. (adj.): smoothness, flatness; smooth, slender, flat (object ~ surface)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xalleef
-ka: (n) smooth slice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalleef
(fal) aad u ballaadhi oo qara yaree. Dh: bal.
xalleef -ka: (magac, lab, keli) qaro yaraan uu shay leeyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xalleef
de: smoothness, flatness; [atr.] smooth, slender, flat (object ~ surface)
initial: x
lx: xalleef
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: xalleef
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flatten
/flaaten/ (v) xalleefin, kala-bixin, fidin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeem
(fal) dubka sare ee jidhka, si farsamo ah in yar dusha uga xalleefi.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Mandhaw
Birjare, birxalluufe, birgooye. Sida maaraanku looxa u xalleefiyo ayaa mandhawguna birta u xalleefiyaa ama u jaraa.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Raando
Faarad. Qalabka looga shaqeeyo farsamda looxa ee xalleefin iyo xaad-dhawrid looxa ku sulbisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleeci
f.g2 (-iyay, -isay) Wax janjeerin. la-mid: dhalleeci.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jalleeci
v. incline, tilt, bend down
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jalleeci
-yey / say: (v) incline (inkalaayn)-, slant (islaant), lean (liin), slope (isloop), tilt (tilt), tip ~ janjeeri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalleeci
(fal) dhinac u qallooci; janjeedhi; qallooci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jalleeci
de: incline, tilt, bend down
lx: jalleeci
pd: (jalleeciyey)
ps: v2a=tr
key: jalleeci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalleeti
(Kalleeti-da)
1. Kaadi la dhiijiyo, oo sida qaanso-roobaad yar isu qaroofta.
2. Gantaal xoog leh oo biyo ah ama wax kale, oo meel fog gaarta; talleeji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalleeti
kalleeti¹: m.dh 1. Gantaal xoog leh oo kaadi ama biyo oo meel durugsan gaara. 2. Istaagga oo lagu kaadsho. la-mid: talleeji, tallooji.
kalleeti²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Ku k.: kaadi ama wax la mid ah, oo si ganid ah, u sii dayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalleeti
f. n. jet (of urine), spurt (of liquid)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalleeti
-yey: (v) urinate while standing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalleeti
(fal) sarajoog ku kaadi; meel kaa fog kaadida ku saydh. Dh: taleeji, kalleedhi.
kalleeti-da: (magac, dhedig, keli) kaadida oo lagu saydho meel kaa durugsan gaar ahaan ragga. Dh: kalleedhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalleeti
cf: kaadi, biyo
de: jet (of urine), spurt (of liquid)
lx: kalleeti
pd: (-da)
ps: n-f
key: kalleeti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talleeji
m.dh la-mid: kalleeti¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talleeji
(fal) sara joog ku kaadi; kaadi hore u dhiiji. Dh: taylooji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalleefsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg xalleefsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalleefato
(Xalleefata-da)
Qalab afka ku leh bir yar oo godan, oo waxa la qoro, lagu xafleefiyo oo qorka lagaga saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalleefato
m.dh (-ooyin, m.l) Qalab ka kooban ul iyo bir godan oo labada dhanba af ku leh oo weelasha qoriga ah gudaha looga qoro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xalleefato
f. n. chisel, engraving tool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalleefato
-da: (magac, dhedig, keli) bir xaga dambe daab laga geliyo oo af godan oo wax lagu qoro leh. Dh: gooshaan, qadduun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xalleefato
de: chisel, engraving tool
initial: x
lx: xalleefato
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xalleefato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalleefsan
Xalleef ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalleefsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax xalleef laga dhigay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xalleefsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax xalleef laga dhigay ahaansho. m.f.dh, xalleefsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xalleefsan
der. [adjective] flat, smooth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalleefsan
(tilmaame) ballaadhan oo aad u qara yar ah. Dh: balan, xaliifsan, qarayar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xalleefsan
de: flat, smooth
initial: x
lx: xalleefsan
pd: (xalleefsanaa)
ps: adj-der
key: xalleefsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleeci
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dhalleexi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleeci
(fal) dhan u janjeedhi. Soo dhalleeci xeedhada. Dh: janjeedhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleexi
f.g2 (-iyay, -isay) Weel janjeerin. la-mid: dhalleeci, janjeeci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleexi
(fal) weel soo dhalleeci oo janjeedhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalleecid
(Jalleecid-da)
Wax dhinac ama gadaal jira, dhugasho madaxa la wareejina hayo; eegid yar, dhinac ama gadaal eegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleecid
m.f.dh eeg jalleec². la-mid: dhalleexid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalleecid
-da: (magac, dhedig, keli) adiga oo aan wada daymoonayn, eegid.
jalleecid-da: (magac, dhedig, keli) dhinac daymoosho aan aad wax loo eegayn.
jalleecid-da: (magac, dhedig, keli) dhinac u qalloocid; janjeedhid; qalloocid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleecin
m.f.dh eeg jalleeci. la-mid: dhalleexin, jalleecis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalleecin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac u qalloocin; janjeedhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleecis
m.l la-mid: jalleecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalleecsi
m.l la-mid: dhalleexsasho, jalleecsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalleetin
-ta: (magac, dhedig, keli) sarajoog ku kaadin. Dh: talleejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salleelli
m.l 1. Qof nacas ah oo aad u garasho yar naacoo. 2. S. ah: wan ama orgi la xiniinyo baxshay ama la tumay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salleelli
-ga: (magac, lab, keli) qof dogon ah. Kaasi waa salleelli oo naf ma leh. Dh: dhaandhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talleejin
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere cadaadis ku soo baxaya sii deyn; kaadi horay u dhiijin. Dh: nay, talleejis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talleejis
-ka: (magac, lab, keli) eeg talleejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalluufid
-da: (magac, dhedig, keli) jeemid oo wax adag in ka goyin; wax isku yaalla xagga sare ka baarqaadid. Dh: xaadin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
allée
allée, n.f. - Surin, Wadiiqo yar oo dhismayaasha kala dhex marta.; Wadiiqo; Waddo-Luugeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: leefsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
leefi
v. cause to lick
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
leefi
a: leefsii (leefsiiyey) [v2a=caus]
de: cause to lick
lx: leefi
pd: (leefiyey)
ps: v2a=tr
key: leefi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalli
xalli¹: m.l (-iyo, m.dh) Maaro.
xalli²: f.g2 (-iyay, -isay) Mushkilo ama mas'alo xal u helid.
xalli³: f.mg2 (-iyay, -isay) Nafley ama dad si saf ballaaran ah u socosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xalli
f.g2 (-iyay, -isay) Mushkilo ama mas'alo xal u helid. m.f.dh, xallin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xalli
v. solve, resolve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xalli
-yey / say: (v) resolve (ri-zoolv)-, solve (soolv)-, settle (se-tal). Ex: xal u raadi; find a solution to...
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalli
(fal) mushkilo jirta xal u hel; ka gungaadh. Adu xalli dhibaatada reerkaaga. Dh: maaree, xallil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xalli
cf: xal
de: solve, resolve
initial: x
lx: xalli
pd: (xalliyey)
ps: v2a=tr
key: xalli
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aallee
v., sg., opt. form: I may be (in a place)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aallee
de: I may be (in a place)
lx: aallee
ps: v4c-1sg-pot
key: aallee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleemi
f.g2 (-iyay, -isay) Aleen ka dhawaajin (geel).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Ilmo markaa dhashay booqashadiisa ugu horrayn (dhaqankuna wuxuu qabaa in ilmahaas dabeecaddiisu ay u ekaato midda qofkaas hore). la-mid: billee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ballee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Ilmo markaa dhashay booqashadiisa ugu horrayn (dhaqankuna wuxuu qabaa in ilmahaas dabeecaddiisu ay u ekaato midda qofkaas hore). m.f.dh, ballayn. la-mid: billee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballee
v. be the first to see ~ visit a newborn baby
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballee
yey say: (v) be the first who sees the newborn baby, it is believed that, the baby will behave like that person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballee
(fal) ilmo yar oo afartan cisho jira tunka ku qaad oo gardaadi si uu kuugu dabeecad ekaado. Dh: gardaadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballee
de: be the first to see ~ visit a newborn baby
lx: ballee
pd: (balleeyey)
ps: v2b=
key: ballee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callee
(fal) eeg callay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallee
f.g2 (-leeyay, -laysay) naacawi ka soo gasho u hoosaasin. 1. Aqal meel yeelid. 2. Cid
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dallee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Aqal meel naacawi ka soo gasho u yeelid. 2. Cid hoosaasin. m.f.dh, dallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallee
(fal) cid kale, hoosaasin.
dallee: (fal) sheego wax aad qabto. Warkaaga dallee. Dh: caddee, bayaami. Li: ed, gari. dalleen: (tilmaame) si aad u fudud. Dalleen aniga iigama tagee waan dig siin jiraye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hallee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Wax qarribid. 2. Ku h.: qof wax ku aaminid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hallee
f.g2 (-leeyay, -laysay) 1. Wax qarribid. 2. Ku h.: qof wax ku aaminid. m.f.dh, hallayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hallee
v. ruin, spoil, put out of order; lose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hallee
-yey I halleysay: (v) inflict damage; mess up; disable (diseeybel)-, impair (impeer)-, mar (maar)-, spoil (ispooyl) ~ kharrib. Ex: waa cunug la halleeyey; this is a spoiled child
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallee
(fal) eeg hallay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hallee
de: ruin, spoil, put out of order; lose
lx: hallee
pd: (halleeyey)
ps: v2b=tr
key: hallee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qallee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Qalle gudasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qallee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Qalle gudasho. m.f.dh, qallayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qallee
v. fulfill later an obligation one had omitted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qallee
-yey / qalleysay: (v) perform missed prayer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallee
(fal) eeg qallay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qallee
de: fulfill later an obligation one had omitted
lx: qallee
pd: (qalleeyey)
ps: v2b=
key: qallee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallef
-ka: (magac, lab, keli) eeg qallaf.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
vallée
vallée, n.f. - dooxo.
vallée étroite - jar dhuuban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wallee
-da: (magac, dhedig, keli) eeg wallaahi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Wax ama cid danayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaalee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Wax ama cid danayn. m.f.dh, xaalayn.