xalladays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalladays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xalladayn. xalladee: (fal) xallad u yeel oo wax dadka soo jiita ka dhig. Dh: qurxi, xalladay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalladay
(fal) macaanee oo wax dadka soo jiita ka dhig. Dh: qurxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) macaanayn oo wax dadka soo jiita ka dhigid. Dh: xalladays, qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galladaysi
(Galladaysi-ga)
Galladaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladaysi
m.l la-mid: galladaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladaysi
-ga: (magac, lab, keli) cid kale, nimcad iyo wanaag siin. Dh: gallaysasho, galladaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Cid abaal u gelid si abaalgud looga helo. 2. (f.mg) Ku g.: cid nimco weyn siin (Eebbe).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galladayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Cid abaal u gelid si abaalgud looga helo. 2. (f.mg) Ku g.: cid nimco weyn siin (Eebbe). m.f.dh, galladaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galladayso
v. reward, do a favor for someone (in order to get something in return)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladayso
(fal) cid kale, wanaag gasho; abaal u dhigo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galladayso
de: reward, do a favor for s.o. (in order to get s.t. in return)
lx: galladayso
nt: galladaysasho (/da) [vn6-f], galladaysi (ga) [vn2a-m]
pd: (galladaystay)
ps: v3b=
key: galladayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xallays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aaladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cilladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladayn
m.f.dh la-mid: galladid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, guulayn oo mahad iyo wanaag gaadhsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasladays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wasladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbadays
-ka: (magac, lab, keli) xabbado ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalaalays
m.l la-mid: xalaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xalaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalladeyn
(Xalladeyn-ta)
Xallad u yeelid, ka xareedin, qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalladeyn
m.f.dh eeg xalladee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalladeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xallad u yeelid oo wax dhadhan leh oo dadku ku raaxaystaan ka dhigid. Dh: macaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarfadays
-ta: (magac, dhedig, keli) xeelad iyo xarfad adeegsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) maarayn iyo maamul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeladays
-ka: (magac, lab, keli) eeg xeladay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladaysad
m.l la-mid: galladaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, wanaag gashad. Dh: galladaysasho, galladaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galladaysan
Gallad qaba; ladan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gallad la kulmay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galladaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax gallad la kulmay ahaansho. m.f.dh, galladaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galladaysan
der. [adjective] favored, rewarded, blessed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galladaysan
-aa: (adj) blessed (baleesidh)-, fortunate; graced ~ nicmaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladaysan
(tilmaame) mid gallad iyo nimcad qaba. Dh: ladan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galladaysan
de: favored, rewarded, blessed
lx: galladaysan
ps: adj-der
key: galladaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cilladaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladayso
(fal) qof ama qalab, kharriban; xumaw; caddilan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalmadays
-ta: (magac, dhedig, keli) dhalmada oo la joojiyo iyada oon cimrigii dhalmadeyska la gaadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fallaagays
-ka: (magac, lab, keli) fallaago noqod ama cid kale fallaago ka dhigid. Dh: fallaagayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lallabaysi
m.l la-mid: lallabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lallabaysi
-ga: (magac, lab, keli) lallabaysasho: lallabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lallabayso
f.mg3 (-stay, -satay) Ka l.: wax meel yaal wada xaraasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lallabayso
(fal) wax aad midh ka haysatay hadba labo kusoo darso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg xalaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalaalayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Wax aan xalaal ahayn xalaal ka dhigasho. 2. Hanti dad kale leeyahay isasiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xalaalayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Wax aan xalaal ahayn xalaal ka dhigasho. 2. Hanti dad kale leeyahay isasiin. m.f.dh, xalaalaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xalaalayso
v. permit something religiously; consider something allowed ~ pure for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalayso
(fal) ilmo aad dhashay gud oo baarada ka gooso. Ilmahaaga xalaalayso intaad kuwa dadka kale hadal hayso. Dh: gudo.
xalaalayso: (fal) neef dhimanaya biree oo sharci ku gawraco. Saca xalaalayso intuu duufayo. Dh: gawraco, galo.
xalaalayso: (fal) wax si sharci la'aan ah iskaga cun oo adu isku xalaalee. Dh: bannayso.
xalaalayso: (fal) wax aadan lahayn oo gacanta kuugu jira si aan sharci ahayn xalaal uga dhigo. Dh: bannayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xalaalayso
de: permit s.t. religiously; consider s.t. allowed ~ pure for oneself
initial: x
lx: xalaalayso
nt: xalaalaysad (ka) [vn-m], xalaalaysasho (/da) [vn-f]
pd: (xalaalaystay)
ps: v3b=tr
key: xalaalayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaradays
-ka: (magac, lab, keli) eeg xasaradayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeladayso
(fal) xeelad aad wax ku waajahdo samayso. Markaad ka cabsanayso in lagaa badiyo xeeladayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xallad
(Xallad-da)
Quruxda iyo dhadhan wanaagga hadalka siiba jaadadka suugaanta; quluud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xallad
m.dh Qurxinta iyo nuxur u yeelidda hadalka, gaar ahaan qaybaha suugaanta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xallad
m.dh Qurxinta iyo nuxur u yeelidda hadalka, gaar ahaan qaybaha suugaanta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xallad
f. n., [abstract] grace, beauty, harmony, elegance of expression ~ style
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xallad
-da: (n) something done in a nice or skillful way
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xallad
-da: (magac, dhedig, keli) hadal, fal ama qaab kale oo qurux iyo dareen farxadeed leh oo dadka soo jiita.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xallad
cf: quluud
de: grace, beauty, harmony, elegance of expression ~ style
initial: x
lx: xallad
pd: (-da)
ps: n1-f-abs
key: xallad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xallay
(fal) saabuunta ka saar; biyihii hore kuwo ka nadiifsan kagaga daba maydh. Dh: biyarraaci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladay
(fal) qalab geli ama dhig. Geerash intaanad furin horta aaladay. Dh: qalabee, aaladee.
aaladay: (fal) hub iyo ciidan sii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaas
m.l (-syo, m.dh) Nooc ka mid ah noocyada ashuumada waaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg caadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callays
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg callayn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dallays
name-f shade; she who shades or provides cover-as from the sun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hallays
m.l la-mid: hallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hallayn. hallaysan: (tilmaame) wax xumaaday oo cillaysan ama kharriban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadays
-ka: (magac, lab, keli) bandhig maaweelo iyo maadi ka buuxdo oo qof ama wax ka badani jilaan lana daawado. Waa maadays adduunyadu dadkuna way matalayaan. Dh: majaajillo, maweelo, maadeys.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mallaas
-ta: (n) spatula (ispaajula) ~ bir dhismaha lagu salaaxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mallaay
(Mallaay-ga)
Kalluun (ama Mallay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mallaay
m.l.u Kalluun. la-mid: mallay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mallaay
m.l.u Kalluun. la-mid: mallay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mallaay
m. n. fish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mallaay
-ga: (n) fish (fiish) ~ kalluun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mallaay
-ga: (magac, lab, keli) xayawaan biyaha ku nool oo jaadad badan leh oo dhiig qabaw kana neefsada waafyo. Cad wanaagsan weeyee cuna mallaayga. Dh: kalluun, mallay, samag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mallaay
a: mallay
de: fish
lx: mallaay
pd: (-ga)
ps: n-m-enum
syn: kalluun {C & S}
key: mallaay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg gallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabays
-ta: (magac, dhedig, keli) xaabo gurasho. Meel magaalo ka fog ayaa xaabays lagu yagaan. Dh: qoryays, xaabays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xallaaf
-ka: (magac, lab, keli) go' sida furaashka u samaysan kase qarayar oo la huwado ama la goglado. Dh: xalaash.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) saabuuntii lagu maydhay ka saarid: biyihii hore kuwo ka nadiifsan kagaga daba maydhid, Dh: xalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qalab kala duwan oo waxtar leh dhigid. Meel berriba aad ka guuraysaayi aaladayn uma baahna. Dh: hubayn.
aaladayn-ta: (magac, dhedig, keli) qalab millateri iyo awood u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adyadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg adyadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalays
-ka: (magac, lab, keli) eeg calalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilladay
(fal) wax hagaagsan cillad u yeel; wax hagaagsan, kharrib oo iin yeel. Dh: xumay, xumee, waxyeellee, cilladee. Li: hagaaji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalarays
-ka: (magac, lab, keli) dalayn u samayn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dallaayo
name-f shade; umbrella. Syn. Dallaayad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg falakayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg halakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalladad
m.l la-mid: jalladasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalladad
-ka: (magac, lab, keli) haragga xalleefsan ee isha, intiisa hoose dusha soo marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalladan
jalladan¹: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) Wax la jilladay noqosho (maqaar iyo wixi lamida). la-mid: jalledan¹, jelledan¹, jilladan¹.
jalladan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la jilladay ahaansho (maqaar iyo wixi lamida). la-mid: jalledan¹, jelledan², jilladan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jalladan
inch. v. be turned over ~ inside out, get refolded
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalladan
(tilmaame) haragga xalleefsan ee isha oo dusha soo marsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jalladan
de: be turned over ~ inside out, get refolded (e.g., the border of s.t.)
lx: jalladan
pd: (jalladmay)
ps: v1=inch
key: jalladan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalabays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qalabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg salabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salladan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Ku s.: wax, wax kale dhibaato joogto ah ku sameeya ahaansho. la-mid: sallidan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salladan
(tilmaame) la isku salladay ama cid kale ku diran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayladay
(fal) saylad ka dhig, saylad goy, suuq gay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasladay
(fal) googoo cad oo waslado ka dhig. Cadka wasladay oo masaakiinta sii. Dh: wasladee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayladay
-ga: (magac, lab, keli) saca labadiisa gees xagga hore ujeedaan.