xakumitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xakumitaan
-ka: (magac, lab, keli) maxkamadaynta lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xukumitaan
-ka: (magac, lab, keli) u talitaan.
xukumitaan -ka: (magac, lab, keli) xukun ku riditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax xun ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alkumitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg alkumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casuumitaan
-ka: (magac, lab, keli) martiqaaditaan iyo sooryayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufitaan
-ka: (magac, lab, keli) xaaluf noqosho Dh: xaalufid, abaaroobitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xakuman
(tilmaame) wax xukun ku dhacay oo go'aan laga gaadhay ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lumitaan
-ka: (magac, lab, keli) hallaabid oo wax la waayey noqod. Dh: habaabid, ambasho,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax mamay oo welfay ahaan. Mamitaanku iimaan xumuu keenaa. Dh: walfitaan, mamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qumitaan
-ka: (magac, lab, keli) kicitaan oo cid isu taagitaan. U qumitaanka culimadu waa ixtiraam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumitaan
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar lagu soo jeedo, qalab u garaacid, ama sacab jiib iyo jaanba leh. Tumitaanka aroosku halkee weeyaan.
tumitaan-ka: (magac, lab, keli) dhufaanitaanka laboodka xoolaha. Tumitaanka way ku naaxaan xooluhu.
tumitaan-ka: (magac, lab, keli) farsamaynta birta, wixii la doonayo laga sameeyo.
tumitaan -ka: (magac, lab, keli) garaacitaanka, albaab iyo wixii la mid ah oo la tumo. Tumitaanka albaabka aayar.
tumitaan-ka: (magac, lab, keli) habka firida looga rido galka ay ku dhrx jirto, ama qaab kale looga dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaditaan
-ka: (magac, lab, keli) qaaditaan hanti ciddii lahayd hoos ahaan looga qaato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalitaan
-ka: (magac, lab, keli) xalidda qudheeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) xaqii uu lahaa siin; magdhaw siin. Dh: xaqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xugitaan
-ka: (magac, lab, keli) eryitaan oo aad u bullin. Dh: caydhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xulitaan
-ka: (magac, lab, keli) dix kor u qaaditaan. Dh: xulliin.
xulitaan-ka: (magac, lab, keli) inta u wanaagsan naqayn. Dh: madhitaan.
xulitaan -ka: (magac, lab, keli) dhex mushaaxitaan. Xulitaanka kaymuhu waa cabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasmitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax aasan noqosho; wax ay ciidi ku rogmatay ahaansho. Aasmitaanka magaalada waxa dhaliyay dhulgariirkii dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg afurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akiditaan
-ka: (magac, lab, keli) adkaynta iyo xoojinta xog ama talo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalmitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel sare ka soo lalmad; ka soo laallaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) xaab urursasho. Xaabitaankuu xariif isku moodaa. Dh: xaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) nadiifin ilmaga leen ilmo ka daatay la nadiifyo.
xaaqitaan -ka: (magac, lab, keli) haritaan qashin meel laga haro. Dh: fiiqitaan, xaadhitaan.
xaaqitaan -ka: (magac, lab, keli) xasuuqitaan oo aad u layn. Dh: gumaaditaan, xasuuqitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) fiiqitaan; haritaan, xaaqitaan.
xaaritaan-ka: (magac, lab, keli) sindho keenitaan; wax saxaroonaya ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashitaan
-ka: (magac, lab, keli) qooshitaan; faraha ku ruquusitaan. Dh: rufaaqitaan, cajiimitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayditaan
-ka: (magac, lab, keli) dhiigga xaydka keenitaan oo xilligii qaangaadhista gaadhid.
xayditaan -ka: (magac, lab, keli) feyditaan xagga hoose marada laga soo gaabiyo. Dh: xaydniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xukumnaan
m.f.dh eeg xukuman. la-mid: xukumnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cakiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg cakirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg shakalitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukubitaan
-ka: (magac, lab, keli) qunyar u socodka, la tiirsado usha, ee gabowga, xanuunka iyo itaaldarridu keento.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadhitaan
-ka: (magac, lab, keli) xaadhidda lafteeda. Dh: haritaan, xaaqitaan, fiiqitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamilitaan
-ka: (magac, lab, keli) dul u yeelad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasiditaan
-ka: (magac, lab, keli) xasad samayn. Dh: xaasidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayiritaan
-ka: (magac, lab, keli) xannibitaan samayn; cunaqabatayn saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macsuumitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg casuumad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamuumitaan
-ka: (magac, lab, keli) shamuumidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalluufitaan
-ka: (magac, lab, keli) dusha sare wax ka xaadin; badh ka xalluufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aakhiritaan
m.l la-mid: aakhir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aakhiritaan
m.l la-mid: aakhir. aakhiro m.dh Meesha iyo nolosha dambe ee lagu noolaan doono marka adduunka laga tago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aakhir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarguditaan
-ka: (magac, lab, keli) «u» aano la geystay, ciddii lahayd ka goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaluqitaan
-ka: (magac, lab, keli) qaangaadh noqod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baatulitaan
-ka: (magac, lah, keli) baytimaalin iyo daadaadin siyaado ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baduugitaan
-ka: (magac, lab, keli) burburitaanka walax iyo waxii la mid ah. Dh: jejebitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baguugitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg baguugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg bakaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballamitaan
-ka: (magac, lab, keli) ballan dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkumataal
(tilmaame) wax aan waxtar lahayn; wax aan faa'iido lahayn. Allahayow badbaadada, ha ku xidhin bayuuraha, bullashada wirteediyo, baga iyo bagaaleey iyo lihi barkumataal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaamitaan
-ka: (magac, lab, keli) xanuun iyo jirro qabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabuditaan
-ka: (magac, lab, keli.) eeg caabudid. caabuq': (fal) nabur hoosta ka buka noqo. caabuq-a: (magac, lab, keli) meel jidhka ka mid ah oo bugta oo nabarkii ku yiil hunbululuqay ama malaxaystay; nabar hoosta ka bukooda. Dh: millil, hurgun, hurgumo, arami, caabaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg caabuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajiimitaan
-ka: (magac, lab, keli) rufaaqitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbusitaan
-ka: (magac, lab, keli) canyayuubitaan; mid jactadsan ka dhigitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coldumitaan
-ka: (magac, lab, keli) col ururitaan; col isugu yeedhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daa'imitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax waara oo weligii jira ahaan. Dunidan daa'imitaan loogama fadhiyo. Dh: waaritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faquuqitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg faquuqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faruuritaan
-ka: (magac, lab, keli) biyo ama dareere kale oo joogay ama socday, dhinac u jeexitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habqamitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg habqamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgamitaan
-ka: (magac, lab, keli) loollamitaanka iyo dagaallamitaanka ujeeddo ku salaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaamitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel fog oo abaari ka sokayso, u guuritaan. Dh: kaynaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hujuumitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hujuumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgumitaan
-ka: (magac, lab, keli) hurgumo yeelasho; calladhitaan; fasasitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kackacitaan
-ka: (magac, lab, keli) fadhi ka kackacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maamulitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg maamulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakaritaan
-ka: (magac, lab, keli) bishilitaan; iltirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasiditaan
-ka: (magac, lab, keli) xasad samayn; xaasid ahaan; u quudhid la'aan oo wanaagga cidda kale ka xumaan. Dh: xaasidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel god ah wax ku aasitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xannibitaan
-ka: (magac, lab, keli) xannibaad samayn.
xannibitaan -ka: (magac, lab, keli) shakiritaan oo meel ku xajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaqusinnaan
f. n., [abstract] equality of rights
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaqusinnaan
de: equality of rights
initial: x
lx: xaqusinnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: xaqusinnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugitaan
-ka: (magac, lab, keli) cugista iyo hogaynta weelka caanaha lagu liso, lagu lulo ama lagu kaydiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulitaan
-ka: (magac, lab, keli) darbidda iyo isku dubbariditaanka. Dh: abaabulitaan.
ulitaan-ka: (magac, lab, keli) qüiq ku shiditaan iyo bukhuurin. Dh: ulniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uritaan
-ka: (magac, lab, keli) uridda lafteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xakumid
m.dh la-mid: xukumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xakumid
-da: (magac, dhedig, keli) xakun ku ridid oo dembi ku helid ama beriyeelid.
xakumid -da: (magac, dhedig, keli) arrin dacwadi ka socotay go'aan ka soo saarid oo xukun ka gaadhid. Dh: xukumid.
xakumid-da: (magac, dhedig, keli) hogaan maamul hayn oo masuul ahaansho. Dh: xukumid, talin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xukuman
Guddoon ku dhacay; la xukumay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xukuman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Wax xukun ku dhacay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xukuman
der. [adjective] sentenced, convicted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xukuman
-xukunaa / xukunayd: (adj) sentenced (sen-tanisidh) Ex: dil ku xukuman; sentenced to death
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xukuman
(tilmaame) la xukumay ah. Labo sano xabsi ah ayuu ku xukuman yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xukuman
de: sentenced, convicted
initial: x
lx: xukuman
pd: (xukumnaa)
ps: adj-der
key: xukuman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aa'itaan
-ka: (magac, lab, keli) tuuritaanka iyo riddaynta walax meel ama qof lagu abbaaray. Aa'itaanka rasaasta ha loo meel dayo. Dh: riditaan, tuuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaditaan
-ka: (magac, lab, keli) meel ka dhaqaaqid oo tu kale u socdaalid. Dh: aadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arkitaan
-ka: (magac, lab, keli) aragti ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg awdid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ba'itaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg ba'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqitaan
-ka: (magac, lab, keli) carar iyo didmo ku jirid.
baqitaan-ka: (magac, lab, keli) dareemidda baqis ama cabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baritaan
-ka: (magac, lab, keli) waxbaritaan, u dhigitaanka cashir. Baritaanka Soomaaliga berri baa la bilaabi.
baritaan -ka: (magac, lab, keli) (is ~) isbaritaanka dad aan is aqoonin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basitaan
-ka: (magac, lab, keli) basid aan wax ba ka soo hadhin gubo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxitaan
-ka: (magac, lab, keli) ka tegitaan; ka baxniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bujitaan
-ka: (magac, lab, keli) furidda weel ama wax kale oo daboolan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulitaan
-ka: (magac, lab, keli) bul u yeelitaan. Bulitaanka cidaadda badi. Dh: bulniin.
bulitaan-ka: (magac, lab, keli) wakhtika abaaraha geedaha dhaadheer ee xoolaha loo tumo si caleentu u soo daadato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buritaan
-ka: (magac, lab, keli) fal ama cibaado la gudanayay, sharci ahaan jabid ama qaldamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabitaan
m. n. beverage, drink
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabitaan
ka: (n) drink (dirink); beverage (bevareej) ~ cabbitaan, sharaab
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabitaan
de: beverage, drink
lx: cabitaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cabitaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cabitaan
شَرَاب
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cubitaan
-ka: (magac, lab, keli) gufayn; awditaan; cubniin.