xagutuule
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagutuule
-ha: (magac, lab, keli) qof gooni joog ah; keli socod. Dh: goonijoog, Li: bulshaawi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xartuule
-ha: (magac, lab, keli) nin isaga oo laan qudha geed uga baahan gunta ku jara oon geed qoyan iyo mid engegan midna u aabayelin. Dh: dhirjare.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xuuxuule
nickname; name-m (onomatopoeic). Lit: the one who was born with a whooping cough
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabtuurle
m.l (-layaal, m.l/dh) (jooloji) Muuqaal dhuleed qaanso u eg oo ka dhasha isa soo cadaadinta dhagxaanta dhulka hostiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laabtuurle
m.l (-layaal, m.l/dh) (jool.) Muuqaal dhuleed qaanso u eg oo ka dhasha isa soo cadaadinta dhagxaanta dhulka hostiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabtuurle
-ha: (magac, lab, keli) muuqaal dhuleed oo qaanso u eg oo ka dhasha isa soo cadaadinta dhagxaanta dhulka hostiisa.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BATUUL
(Batul) N Beta vulgaris L. Chenopodiaceae?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guudle
-ha: (magac, lab, keli) shimbir salamadhlahana ka weyn, dhanna gorayada uga eg dhanna digirrinka, oo habeenkii baalasha sida sacabka u tuma. Dh: galaw, fiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guulle
(Guulla-ha)
Keligi guusha leh oo cidduu doono siiya; Ilaah; Eebbe; Rabbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guulle
m.l Ilaah; Eebbe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guulle
m.l Ilaah; Eebbe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Guulle
m. n. giver of victory; God
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulle
-ha: (magac, lab, keli) Ilaaha wax kaste abuuray ee awoodda badan. Dh: Eebbe, Rabbi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Guulle
de: giver of victory; God
lx: Guulle
pd: (/ha)
ps: n0-m
key: Guulle
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xagguu
question word, vl. pron. where ... he?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xagguu
de: where ... he? = xaggee + buu
initial: x
lx: xagguu
ps: qw + vpro
xe: Where does the bus leave from?
xv: Xagguu ka tagayaa basku?
key: xagguu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaluul
m.dh la-mid: xuluul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaluul
-sha: (magac, dhedig, keli) tigaad musaska iyo geedaha dhexdooda ka baxda. Dh: xuluul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamuul
m.l la-mid: xammuul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xamuul
m.l la-mid: xammuul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xamuul
m. n. cargo, load
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xamuul
-ka: (n) load (lowdh)-, cargo (kaar-gow)-, shipment (shiip-mant)-, freight ((fareeyt) ~ xammuul, shixnad, rar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamuul
-ka: (magac, lab, keli) rarka kala duwan ee muurka la saaro. Gaadhi xamuul culus sida ayaa waddada ku banjaray. Dh: xammuul, rar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xamuul
de: cargo, load Alt sp: xammuul
initial: x
lx: xamuul
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: xamuul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuluul
(Xuluu-sha)
1. Cawska jiilaalkii xoolaha dhirta hoosteeda looga guro.
2. Xuluulasho; dhexgal; huluulad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluul
m.dh 1. Cawska jiilaalkii xoolaha dhirta hoosteeda looga guro. 2. la-mid: huluul, xaluul. (-llo, m.l./dh) Xuluulasho; dhexgal; huluulad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuluul
f. n. grass species
xuluul [feminine] n. narrow passage ~ place, tight squeeze, squeezing through
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluul
-ka: (magac, lab, keli) dhexgal gudaha la tego. Xuluul badan iska jir.
xuluul-sha: (magac, dhedig, keli) tigaad geedaha hoostooda ku hadha oo jiilaalkii xoolaha loo guro. Lo'da irmaanka ah xuluul u soo gur.
xuluul-sha: (magacwadareed) talooyn iyo dawyo kala duwan oo mushkilo xal u noqda. Odayadii xuluul badan ayay keeneen.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
attuale
agg. jooga (hadda).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badtuul
Terrigenous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baguuge
(tilmaame) qof ama wax la rigaaxay oo xoog lagu jejebiyay. Dh: burbur, abshax, jajab.
baguuge -ha: (magac, lab, keli) rigaaxaha, burbur iyo jejebin xoog la isticmaalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Batuulo
pr. n., [feminine] Batula
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Batuulo
name-f chaste, virgin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Batuulo
bw: Arabic
de: Batula
lx: Batuulo
ps: name-f
key: Batuulo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
catuute
-ha: (magac, lab, keli) dhillawyahanka geedaha ka dul baxa oo qarbidda iyo kodhayaasha lagu aslo. Dh: dhillawyahan, catuuto, dhulowyahan, dhilowahan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuquule
(Cuquula-ha)
Waxa qaybta loo lee yahay oo la ogaado oo la sugo; dhabiil; (ama cuquul).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuquule
m.l Rajo weyn oo wax in la helo laga qabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuquule
m.l Rajo weyn oo wax in la helo laga qabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuquule
m. n. hope, expectation, trust (in receiving something)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuquule
-ha: (magac, lab, keli) waxa qaybta loo leeyahay oo la ogaado oo la sugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuquule
de: hope, expectation, trust (in receiving s.t.)
lx: cuquule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: cuquule
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gulucle
Nooc ka mid ah baanadaha ee leh caynduub iyo gacanqabsi deri leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maguure
-ha: (magac, lab, keli) eeg maguuraan.
maguure-ha: (magac, lab, keli) reer aan meelihiisa ka guurin oo ku negi. Reer beeraley waa maguure. Li: reerguuraa.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SABUULE
(Sabule) S, May Ocimum spicatum Defl. Labiatae.
May, S Ocimum superbum Musch et Muschler. Labiatae.
S Panicum coloratum L. Gramineae.
S Paspalidium geminatum (Forsk) Stapf. Gramineae.
S,May Echinochloa haplocalda (Stapf) Stapf. Gramineae.
S Asystasia schimperi T. Anders. Acanthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaluulo
f.g/mg3 (-uushay, -uulatay) la-mid: xuluulo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaluulo
(fal) geedo dhexdood ama meel kale oo cidhiidhi ah dhex gal oo dhex jibaax oo gudaha u gal. Bakhaarka xaluulo oo xayawaanka iska eeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xambuul
-sha: (magac, dhedig, keli) inta buuran ee godoxda galoolka. Waxan cunnay xambuul daray ah. Dh: cambuul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammuul
m.l (-llo, m.dh) Rar; qaad. la-mid: xamuul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xammuul
m.l (-llo, m.dh) Rar; qaad. la-mid: xamuul. xamo f.g3 (-antay, -amatay) Qof maqan xumo ka sheegid. m.f.dh, xamasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xammuul
m. n. cargo, load, freight
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xammuul
-ka: (n) load (lowdh)-, cargo (kaar-gow)-, shipment (shiip-ment)-, freight ((fareeyt) ~ xamuul, shixnad, rar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xammuul
bw: Arabic
de: cargo, load, freight Alt sp: xamuul
initial: x
lx: xammuul
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: xammuul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluuli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax xuluul gelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuluuli
v. squeeze something into a small space
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuluuli
-yey / say: (v) squeeze into a narrow opening gently through
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluuli
(fal) meel cidhiidhi ah horay u dhexgeli. Madanaha dabka xuluuli. Dh: geli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuluuli
de: squeeze s.t. into a small space
initial: x
lx: xuluuli
pd: (xuluuliyey)
ps: v2a=tr
key: xuluuli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuluulo
f.g/mg3 (xuushay, xuulatay) 1. Meel kayn ah dhexgelid adiga oo is gaabinaya. 2. Irrid gaaban ka hoos dusid. la-mid: huluulo, xaluulo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuluulo
f.g/mg3 (-luushay, -luulatay) 1. Meel kayn ah dhexgelid adiga oo is gaabinaya. 2. Irrid gaaban ka hoos dusid. m.f.dh, xuluulasho. la-mid: huluulo, xaluulo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuluulo
v. squeeze through; walk bent over in a place with a low ceiling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuluulo
-xuluushay / xuluulatay: (v) pass through a into a narrow opening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuluulo
(fal) meel aan layska arki karin oo jiq ah dhex gal. kaynta xuluulo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuluulo
a: huluulo
de: squeeze through; walk bent over in a place with a low ceiling
initial: x
lx: xuluulo
pd: (xuluushay)
ps: v3b=
key: xuluulo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
abituale
agg. - caadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuguule
-ha: (magac, lab, keli) shimbir af dhuuban go dhoor dheer madaxa ku leh oo si gaar ah u ciya guu… guu. Guuguulihiiyow haddaad gu'ga u ooyeyso, abaar gaag ma reebaa dhacdiyo gaatamoo kalee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magguure
(Magguura-ha)
Aan meeshiisa ka guurin; negi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magguure
m.l (-rayaal, m.l/dh) Wax aan tirmin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magguure
m. n. (adj.): sedentary ~ settled person; immobile; indelible
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magguure
cf: neg
de: sedentary ~ settled person; [atr.] immobile; indelible
lx: magguure
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: magguure
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MANGUULE
(Mangulle) S Strychnos innocua Del. Loganiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudutuul
m.l Muuqaal aan wuxuu yahay la sixi karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudutuul
-sha: (magac, dhedig, keli) wax meel madaw yaalla ama duuduuban oo si wanaagsan u muugan oo wuxu yahay aan la garanayn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xamdulle
name-m be grateful to; gratitude, gratefulness, thanks
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xandulle
m.l la-mid: xangulle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xandulle
magac loo baxsho wiil Ilaahay loogu mahadnaqayo dhalashadiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xangulle
(Xangulla-ha)
1. Dhuuxa dheer oo lafdhabarta dhex mara (daloolka riciraha) oo is-haya, maskaxyarada taniyo riciraha tan ugu hoosaysa; dhuuxdheere.
2. Xuubka maskaxda ku rogan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xangulle
xangulle¹: m.l Cad maskax yaryarta ka mid ah oo birtaawaha lagu masaxo marka canjeerada lagu dubaayo. la-mid: xandulle, xangullo.
xangulle²: m.l (cilmiga naflayda) Qayb ka mid ah sooh maskaxeedka oo ku dhex jira togga xiriirka lafdhabarka oo ka kooban unug maskaxeedyo iyo dareenwadayaal xiriiriya massa-da iyo jirka inta kale, wuxu ka sameysanyahay lakab sooh cas oo ku wareegsanyahay lakab sooh cad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xangulle
m.l (cilmiga naflayda) Qayb ka mid ah sooh maskaxeedka oo ku dhex jira togga xiriirka lafdhabarka oo ka kooban unug maskaxeedyo iyo dareenwadayaal xiriiriya maskaxda iyo jirka inta kale, wuxu ka sameysanyahay lakab sooh cas oo ku wareegsanyahay lakab sooh cad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xangulle
m. n. spinal marrow; membrane surrounding the brain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xangulle
-xangullaha: (n) marrow (maa-roow); spinal marrow ~ dhuux
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xangulle
-ha: (magac, lab, keli) dhuux dheer oo daloolka riciraha lafdhabarta dhex mara, isna haysta oo ku dhereran min maskaxyarada ilaa riciraha ugu hooseeya. Qofka xangulluhu wax noqdo nololshiisu halis ayay gashaa. Dh: dhuuxdheere.
xangulle -ha: (magac, lab, keli) xuubka maskaxda ku rogan. Xangullaha ayaa dhaawacmay ninkii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xangulle
de: spinal marrow; membrane surrounding the brain
initial: x
lx: xangulle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: xangulle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasuuste
-ha: (magac, lab, keli) wax ama qof wixii uu soo maray dib u garta oo maankiisa ku soo xaadiriya. Kombiitarku waa xasuuste wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagajugle
m.l 1. Dhaar iyo handadaad cid loo jeediyo si loo cabsi geliyo. 2. la-mid: cagajugleyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cagajugle
m.l Dhaar iyo handadaad cid loo jeediyo si loo cabsi geliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halunugle
m.dh (-layaal, m.dh) la-mid: halunugley.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
majuscule
majuscule, n.f. - Xarfaha waaweyn ee ereyada lagu bilaabo.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Xagalsuge
Kaadkoone wata saawiyad iyo xagal-bartameed ee xaglaha kala furaanta duwan lagu tooxiyo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laab tuurle
Anticline
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
saxan tuure
discus thrower