xagmaalid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagmaalid
m.f.dh eeg xagmaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamaalid
m.dh la-mid: xammaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax culus dusha ku qaadid. Dh: xammaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xammaalid
(Xammaalid-da)
Hawsha xammaalka qabasho; tunka wax culus ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammaalid
m.f.dh eeg xammaal². la-mid: xamaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax culus tunka ama dhabarka ku qaadid. Dh: qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagmar
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Xagmaalid. 2. Qayb candhada xoolaha mayrax ku marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaali
f.g2 (-iyay, -isay) Dheri xagaal ka hoolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagmaal
f.g1 (-aalay, -aashay) Xag ka maalid, siiba dhanka bidix (xoolo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xagmaal
v. milk an animal from one side (generally from the left side)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagmaal
-ka: (magac, lab, keli) qof neef irmaan dhan uun ka maala; dhan qudha ka maalid. xagmaalid -da: (magac, dhedig, keli) dhan keliya ka maalid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xagmaal
de: milk an animal from one side (generally from the left side)
initial: x
lx: xagmaal
pd: (xagmaalay)
ps: v1=tr
key: xagmaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamaali
m.l la-mid: xammaali.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xamaali
m.l la-mid: xammaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaalid
(Dagaalid-da)
(qof wax dhimay) dagaal ula tegid; eedayn; ku carabbaabbi'id; haaraamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaalid
m.f.dh eeg dagaal². la-mid: dagaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, la diririd, u hanjabid. Dh: hanjabid, diririd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabaalid
(Xabaalid-da)
Dhulka god uga qodid oo ku qarin; ciid ku rogid; aasid; duugid; asaruurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalid
m.f.dh eeg xabaal³. la-mid: xabaal¹, xawaal¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabaalid
-da: (n) burying (beer-ing); interring (in-teer-ing); the act of burying ~ meyd aasid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalid
-da: (magac, dhedig, keli) qabri ku aasid; meel god ah ku duugid. Xabaalidda dadku waa fardulkifaaya. Dh: aasid, duugid, asaruurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaafid
m.f.dh eeg xagaaf³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaafid
-da: (magac, dhedig, keli) xagaaf ku shaqayn oo haramaha ka gurid daadkana beerta u sallixid. Dh: xagaafis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaalin
m.f.dh eeg xagaali. la-mid: xagaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaalis
m.l la-mid: xagaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagmarid
m.f.dh eeg xagmar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagmarid
-da: (magac, dhedig, keli) laba naas oo dhan wada ah marqid. Hasha nirigtu ha wada nuugtee xagmaridda ka daa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xamaalis
Transport
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamaarid
m.f.dh eeg xamaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammaali
m.l Qof ay shaqadiisu tahay in uu dusha wax ku qaado. la-mid: xamaal¹, xamaali, xammaal¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xammaali
m.l Qof ay shaqadiisu tahay in uu dusha wax ku qaado. la-mid: xamaal, xamaali, xammaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xammaali
m. n. porter, carrier, loader, stevedore
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xammaali
-ga: (n) porter (poortar)-, cargo handler; redcap (reedh-kaap)-, stevedore (istii-vidoor); coolie (kuu-li)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammaali
-ga: (magac, lab, keli) eeg xamaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xammaali
de: porter, carrier, loader, stevedore
initial: x
lx: xammaali
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: xammaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halmaalid
m.f.dh eeg halmaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halmaalid
-da: (magac, dhedig, keli) xirfad iyo wixii la mid ah, ku shaqaysi lagu shaqaysto oo wax lagaga dheefo.
halmaalid -da: (magac, dhedig, keli) (la ~) cid kale, wax la wadaagid ama kala mid ahaansho; wax kala sinnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magmaagid
m.f.dh eeg magmaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magmaagid
-da: (magac, dhedig, keli) gudbin xoog cid ugu tuurid. Magmaagid ka daa oo ku darbo. Dh: gudbid, kaynaanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammaagid
m.f.dh eeg xammaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalxaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax horay looga shaqeeyey gacanta marin oo qurqurxin. Dh: tafaftirid, xaalxaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maalid
(Maalid-da)
Neef xoolo ah oo irmaan caano ka lisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalid
m.f.dh eeg maal³. la-mid: maal¹ (3), maalis², maalniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalid
-da: (magac, dhedig, keli) naas irmaan caano ka lisasho. Dh: lisasho, maalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaalid
(Xaalid-da)
Xaal isu sheegasho; xaajeysasho; garramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalid
m.f.dh eeg xaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid laga gar daran yahay xaal siin; cid lagu gefey maydhid. Dh: xaalis, maydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaal
m.l (-llo, m.dh) 1. Guggub. 2. Fandhaal dheri x. looga hoolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagmid
m.f.dh eeg xagan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamaal
xamaal¹: m.l la-mid: xammaali.
xamaal²: f.g/mg1 (-aalay, -aashay) la-mid: xammaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamaal
(fal) wax culus qaad. Joonyaddan xamaal oo gaadhiga saar. Dh: xammaal.
xamaal -ka: (magac, lab, keli) qof tunkiisa wax ku qaada oo ku shaqaysta. Wa: xamaaliin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agmarid
m.f.dh eeg agmar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agmarid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aan kaa fogayn maritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amaagid
m.dh la-mid: ammaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaarid
-da: (magac, dhedig, keli) geela goojintiisa. Amaaridda geelu waa calaamadda lagu garto in uu rimay.
amaarid -da: (magac, dhedig, keli) dareenka lulo iyo caajiska kaa xoog badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awaalid
(Awaalid-da)
Filid; malayn; sugid; saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaalid
m.dh la-mid: aawil¹, aawilid, awaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax saadin; wax saadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaafi
f.mg2 (-iyay, -isay) Si cagajiid ah u socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaggaad
question word, vl. pron. where ... you?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaggaad
(pronoun you plus where) where., you... ~ xaggeed. Ex: xaggaad ka timid? where did you come from?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaggaad
de: where ... you? = xag + kee + baad
initial: x
lx: xaggaad
ps: qw + vpro
xe: Where did you find this money?
xv: Xaggaad ka heshey lacagtan?
key: xaggaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xambali
m.l.kh 1. Nin rumaysan ama raacsan mad-habta Xambali. 2. Afarta mad-hab ee diinta islaamku u qaybsan tahay middood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xambali
m.l.kh 1. Nin rumaysan ama raacsan mad-habta Xambali. 2. Afarta mad-hab ee diinta islaamku u qaybsan tahay middood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xambali
m. n. Hambali Muslim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xambali
-ga: (magac, lab, keli) qof mad-habta xambaliyada haysta oo ku cibaada fala. Dh: xanbali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xambali
bw: Arabic
de: Hambali Muslim
initial: x
lx: Xambali
pd: (-ga)
ps: n-m
see: Xanbali
key: Xambali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamilid
-da: (magac, dhedig, keli) adkaysi oo dulqaad yeelasho; dul u yeelasho. Dh: xamilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xammaal
(Xammaal-ka)
Kan hawshiisu tahay inuu dadka alaabada iyo waxyaalaha kaloo culculus u qaado ama u guro, badanaana tunka wax ku qaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammaal
xammaal¹: m.l la-mid: xammaali.
xammaal²: f.g/mg1 (-aalay, -aashay) Dusha wax ku qaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xammaal
m. n. porter, carrier, loader, stevedore
xammaal v. carry baggage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xammaal
-ay / xammaashay: (v) carry on the back or the shoulders; carry (keeri) —xammaal -ka: (n) freight (fareeyt)-, cargo (kaargow); load (lowdh) ~ xammuul, rar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammaal
(fal) dusha wax ku qaad. Joonyadda illaa tukaanka ii xammaal. Dh: qaad.
xammaal -ka: (magac, lab, keli keli) qof muruqmaal ah oo shaqadiisu tahay qaadidda alaabaha iyo dejintooda oo uu tunka ku guro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqmaal
-ka: (magac, lab, keli) qof xalaalmiirad ah oo wuxuu xaq u leyahay wax an ahayn aan dondoonin.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
XARMALI
Cierodendron sp. 10
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawaalid
-da: (magac, dhedig, keli) ka warramidda wax aan weli dhicin iyada oo la kaashanayo astaamaha lagu tilmaansan karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abqaalid
-da: (magac, lab, keli) geed biqlay meel kale u rarid oo ku beerid. Dh: abaqaalid, tallaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaagid
m.f.dh eeg ammaag². la-mid: amaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ammaanid
(Ammaanid-da)
Hadal ammaan ah ku dhihid; faanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaanid
m.f.dh eeg ammaan³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanid
-da: (magac, dhedig, keli) wax fiican ka sheegid, wanaaggiisa ka warramid. Dh: faanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagaagid
(Cagaagid-da)
Meel cagaag leh oo cago caddaan lagu maray, xanuunkeed dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaagid
m.f.dh eeg cagaag². la-mid: cagaag¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaagid
-da: (magac, dhedig, keli) kabo cagaha la geliyo waayid.
cagaagid -da: (magac, dhedig, keli) meel dhagax, quruurux iyo wixii la mid ah leh, cagacaddaan ku kor marid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaarid
-da: (magac, dhedig, keli) haan la lulayo, cagaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalid
m.dh la-mid: callaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cigaalid
(Cigaalid-da)
Riddo dheer, ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cigaalid
m.f.dh eeg cigaal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cigaalid
-da: (magac, dhedig, keli) qalab iyo sharraxaad kale wax ku qurxin. Dh: shaqlid. cigaalid -da: (magac, dhedig, keli) riddo dheer, ridid. Cigaalida warmaha aad baan u aqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadaalid
(Dadaalid-da)
Dadaal la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaalid
m.f.dh eeg dadaal². la-mid: dedaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qabad dheeraad ah oo muruq iyo maskax ah samayn si yool loo gaadho. Dh: dadaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaagid
(Dagaagid-da)
Gaajo iyo diihaal darti la qaxid; dalaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaagid
m.f.dh eeg dagaag². la-mid: dagaag¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaagid
-da: (magac, dhedig, keli) baahid oo dhulka ku dul ballaadhasho; sida ay u baxaan geedaha aan jirridda lahayn sida xabxabka. Dh: dagaagis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dumaalid
(Dumaalid-da)
Guursashada walaalku guursado afadii walaalki ka dhintay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumaalid
m.f.dh eeg dumaal². la-mid: dumaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumaalid
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh nimaad xigto tihiin ka dhintay guursashadeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fataalid
(Fataalid-da)
Fataalnimo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataalid
m.f.dh eeg fataal².