xagaysad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaysad
-ka: (magac, lab, keli) eeg xagaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naagaysad
(Naagaysad-ka)
Naagaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naagaysad
m.l la-mid: naagaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naagaysad
-ka: (magac, lab, keli) naag la qabo ka dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajaysad
-ka: (magac, lab, keli) hawl gaar ah qabsasho. Hoggaamiyuhu xaajaysadkiisa wuxu ka horraysiiyaa u xaajaynta dadkiisa. Dh: adeegad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabkaysad
m.l la-mid: xabkaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabkaysad
-ka: (magac, lab, keli) soo gurashada xabagta. Dh: xabkaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjaysad
-ka: (magac, lab, keli) xanjo samaysasho; xanjo ka dhigasho. Adhijirtu geedaha ayay xanjaysad u doontaan. Dh: xanjaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantaysad
-ka: (magac, lab, keli) xantaxanto ciyaarid. Dh: xantaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogaysad
-ka: (magac, lab, keli) xoog yeelasho. Dh: quwaysi, xoogaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagays
-ta: (magac, dhedig, keli) xag qudha neef irmaan ka maalid. Hadduu sucu naasaha dhinac la'yahay xagays ayaa lagu maalaa.
xagays-ta: (magac, dhedig, keli) dhan qudha qof kula legdamid ama labada gacmood midba nin kula qabasho. Ninkaan xagays ku ledgay miyuu iska kay celin karaa. Dh: xagayn, xagagelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax af uu wax ku gooyo ama turqo leh soofaysad. Afaysadka billaawaha ayaa ka horreeya gawraca neefka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agabsad
m.l la-mid: agabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agabsad
-ka: (magac, lab, keli) taageero iyo kaalmo codsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaabsad
(Xaabsad-ka)
Xaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaabsad
m.l la-mid: xaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabsad
-ka: (magac, lab, keli) wax dhulka ku filiqsan urursasho oo wada xaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xagaysi
(Xagaysi-ga)
Xagaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaysi
m.l la-mid: xagaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaysi
-ga: (magac, lab, keli) xagaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagayso
f.g3 (-stay, -satay) Xag ka maalid (xoolo irmaan).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xagayso
v. milk one side
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagayso
(fal) neef irmaan ah dhan keliya ka maal. Ka xagayso hasha dhanka midig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xagayso
de: milk one side
initial: x
lx: xagayso
nt: xagaysasho (/da) [vn-f], xagaysi (ga) [vn-m]
pd: (xagaystay)
ps: v3b=tr
key: xagayso
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xagayya
griffer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanaysad
m.l la-mid: aanaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanaysad
-ka: (magac, lab, keli) aargudasho ku salaysan godob horay loo geystay. Dilalkii dhacay waxay ahaayeen aanaysad. Dh: godobaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaysad
m.l la-mid: bahaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale xigtayso; cid kale la bahaw.
bahaysad -ka: (magac, lab, keli) (is ~) dad, urur, koox iyo waxii la mid ah isutaga, si ay u dhaliyaan awood iyo itaal wax lagu muquuniyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cageysad
m.l la-mid: cageysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danaysad
* (Danaysad-ka)
Danaysasho; danaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysad
m.l la-mid: danaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danaysad
vl. n. following after one's own interests; self-seeking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysad
-ka: (magac, lab, keli) dan la imasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danaysad
a: danaysasho (/da) [vn6-f], danaysi (-ga) [vn2-m]
de: following after one's own interests; self-seeking
lx: danaysad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: danaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Facaysad
(Facaysad-ka)
Facaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facaysad
m.l la-mid: facaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facaysad
-ka: (magac, lab, keli) in uu qof kale kula fac yahay ku doodid; factirsasho la factirsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaysad
(Garaysad-ka)
Garaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaysad
m.l la-mid: garaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaysad
-ka: (magac, lab, keli) garays xidhasho. Garaysadka waxa lagu yaqaanaa gabdhaha Soomaaliyeed.
garaysad-ka: (magac, lab, keli) in arrini gar tahay ama gar ku dhacday garawsasho. Dh: garaysasho, garaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagabsad
m.l la-mid: hagabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagabsad
-ka: (magac, lab, keli) socosho, iyadoon si wanaagsan wax loo arkayn. Dh: hagabsasho, handallafsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogaysad
-ka: (magac, lab, keli) hilib ama cunto kale, hog ku bislaysasho; hog ku dubasho. Dh: hogaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaysad
m.l la-mid: jahaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaraysad
(Jaraysad-ka)
Jaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaraysad
m.l la-mid: jaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaraysad
-ka: (magac, lab, keli) faras iyo wax la mid ah, jare ku xidhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaxaysad
(Kaxaysad-ka)
Kaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaxaysad
m.l la-mid: kaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaxaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax nool ama gaadiid socda la tegid. Dh: kaxaysasho, kaxaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaysad
(Labaysad-ka)
Labaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaysad
m.l la-mid: labaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad horay hal uga qaadatay, mar labaad haddana qaadasho. Dh: lamadasho, labaysasho, labaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaysad
m.l la-mid: macaaneysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaysad
-ka: (magac, lab, keli) eeg macaaneysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magansad
-ka: (magac, lab, keli) cid wax weydiisasho. Magansad baan kuugu imide ha i hongoobin. Dh: tuugid, baryootan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaysad
m.l la-mid: malaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax soo socda si u filasho oo sawir mala'awaal ah ka sugid. Dh: filasho. Li: quusad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naqaysad
(Naqaysad-ka)
1. Naq yeelasho.
2. Xulasho, doorasho, togasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqaysad
m.l la-mid: naqaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naqaysad
vl. n. getting abundant rain and green grass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqaysad
-ka: (magac, lab, keli) xulashada inta fiican. Naqaysad laguma iibinayo alaabra.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naqaysad
de: getting abundant rain and green grass
lx: naqaysad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: naqaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigaysad
m.l la-mid: rigaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax nadiisafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samaysad
(Samaysad-ka)
Samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaysad
m.l la-mid: samaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samaysad
vl. n. act of doing ~ making for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax samaysasho; wax qabsahso; wax qabsad. Dh: waxaysad, suubsad, samaysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samaysad
a: samaysasho ~ sameysasho (/da) [vn-f]
de: act of doing ~ making for oneself
initial: s
lx: samaysad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: samaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraysad
(Waraysad-ka)
Waraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraysad
m.l la-mid: waraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraysad
-ka: (magac, lab, keli) waraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xad loo yeelay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xadaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax xad loo yeelay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadaysan
(tilmaame) xad la yaqaan oon la dhaaf karin leh. Dh: xaddidan.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Xagaafad
Bir af fidsan oo qaro yar ee dhabanna ballaaran iyo gacanqabsi looxa leh oo looga shaqeeyo simidda guud, xanaftiridda, xagaafinta dhoobada qallashay, iltiridda duleellada, karin-gaabadka iyo wixii la xiriira ee ku saabsan simidda dusha salaaxmada darbiyada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamaasad
m.dh 1. Dareen xooggan oo nafsaani ah oo ka dhasha dhacdo beerqaad leh oo qofku muujiyo farxad, jidbo, yaab iyo wixi lamida. 2. Ficil.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xamaasad
m.dh 1. Dareen xooggan oo nafsaani ah oo ka dhasha dhacdo beerqaad leh oo qofku muujiyo farxad, jidbo, yaab iyo wixi lamida. 2. Ficil.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xamaasad
-da: (n) intense emotion (i-moow-shin)-, enthusiasm (en-thuu-zi-yaazim)-, keenness (kiin-nes); passion (paashin); spirit (ispirit) ~ qiiro, xaraarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamaasad
-da: (magac, dhedig, keli) dareen kacdoon ah oo dhiirranaan iyo calood adayg leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamaysan
(tilmaame) xamaasad badani hayso o niyad u halgama ah. Dh: xamaasadaysan.
xamaysan: (tilmaame) xanuunka xamada qaba ah. xambaar: (fal) ilmo ama wax kale dhabarka ku qaad. Xambaar ilmaha yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarafsad
(Xarafsad-ka)
Xarafsasho; xarafsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarafsad
m.l la-mid: xarafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarafsad
-ka: (magac, lab, keli) iskaa u shaqaysi muruqa la maalo. Xarafsad ayaa gacan hoorsi lagaga baxaa. Dh: xarafsasho, xarafsi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaraysan
-xaraysnaa / xaraysnayd: (adj) corralled (ko-raalidh)-, penned up; impounded (im-paawndhidhy driven into and held in a fence ~ xeraysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaasad
-da: (magac, dhedig, keli) maro yar oo daawaha laxooxda lagu dubo lagu masaxo. Dh: xasaas. Wa: xasaasado.
xasaasad -da: (magac, dhedig, keli) cuncun iyo kabxarar laga qaado waxyaalaha kugu wareegsan badhkood oo jidhku diido. Dh: xajiin, xasabo, xasaasiyad, cadanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasaysan
Meel xas ah la geliyey, lagu qariyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la xaseeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasaysan
der. [adjective] hidden
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasaysan
-xasaysnaa / xasaysnayd: (adj) buried (beeridh); concealed (kon-siilidh); hidden (hi-dhen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaysan
(tilmaame) qarsoon oon la arkayn ah. Lacag meel ku xasaysan ayaan helay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasaysan
de: hidden
initial: x
lx: xasaysan
pd: (xasaysnaa)
ps: adj-der
key: xasaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeraysad
(Xeraysad-ka)
Xeraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeraysad
m.l la-mid: xeraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeraysad
-ka: (magac, lab, keli) meel aamin ah dhigasho. Dh: xeraysi.
xeraysad -ka: (magac, lab, keli) xoolo xero ku xeraysasho. Dh: xeraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaraysad
(Yaraysad-ka)
Waxyar ka dhigad; waxyar ahaan u qaadad; saluug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaraysad
m.l la-mid: yaraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaraysad
vl. n. act of belittling, taking lightly, not seriously; taking very little of something