xagalfarraar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xagalfarraar
m. n., [compound] depression
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xagalfarraar
de: depression
initial: x
lx: xagalfarraar
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: xagalfarraar
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal Abbaar
Angle of incidence
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbarraar
m.l (-ryo, m.dh) Bayd faal, oo manjaha iyo tan ka sarreysa min hal ka ah, madaxa iyo tan ka hoosaysana min labo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baalfallaar
(Baalfallaar-ta)
Mid ka mid ah shinbiro wadajir u duula oo xilliba dal u talaaba; caloosha waa ka caddahay, dhabarkuna waa madow iyo buluug isku darsan; waxay leedahay baalal dheerdheer oo fallaarta u eg, iyo dabo ganto leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalfallaar
m.dh Shinbir dhabarka ka cad, calooshana madow ciiro bus ah ku leh, oo dabo ganto ah iyo baalal dhadheer oo u eg kuwa fallaarta leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baalfallaar
f. n., [compound] swallow (bird)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalfallaar
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baalfallaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baalfallaar
de: swallow (bird)
lx: baalfallaar
pd: (-ta)
ps: n1-f-cmp
key: baalfallaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagalkaddaac
f.mg1 (-cay, -cady) la-mid: xagaldaac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labafarraarle
m.l (-layaal, m.l/dh) Ul gadaal laba ganood ku leh. la-mid: labatarre.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labafarraarle
m. n. walking stick with a small fork at the lower part
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labafarraarle
-ha: (magac, lab, keli) ul caaradkiisu uu labo u kala qaysamo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labafarraarle
de: walking stick with a small fork at the lower part (to give greater balance)
lx: labafarraarle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: labafarraarle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalaraac
-a: (magac, lab, keli) qof muslin ah oo gaalada la jira. Dh: munaafaq, uurkagaalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbaraar
-ka: (magac, lab, kali,) min ka mid ah faalka magiiganaha. Kolka la dhigo ee uu soo hadho nin hub sita iyo wadaad buu gargaaraa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfaraar
-ka: (magac, lab, keli) hadhka geed aan laamihiisu is haysan oo ay kala durugsan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talarraac
m.l Qof madax adkayn oo talada si sahlan u qaata.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
talarraac
m.l Qof madax adkayn oo talada si sahlan u qaata.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
talarraac
m. n. follower, person who follows the opinions of others
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talarraac
-da: (magacwadareed) dadka inta loo taliyo ee la hoggaamiyo. Dh: raciyad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
talarraac
de: follower, person who follows the opinions of others
initial: t
lx: talarraac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: talarraac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaldaac
xagaldaac¹: m.l la-mid: xagaldaacid.
xagaldaac²: f.mg1 (-cay, -cday) Baari ama culays ka batay darti, lugtu la laabmid, la daacid, la kufid. la-mid: xagalkaddaac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xagaldaac
f.mg1 (-cay, -cday) Baari ama culays ka batay darti, lugtu la laabmid, la daacid, la kufid. m.f.dh, xagaldaacid. la-mid: xagalkaddaac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xagaldaac
v. turn one's leg and fall; fail, go awry (of plans)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaldaac
-a: (magac, lab, keli) xagasha oo liicda culays ama cillad darteed oo lala kufo. Korsiimo xumadu xagaldaac way keentaa. Dh: xagdaaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xagaldaac
de: turn one's leg and fall; [ext.] fail, go awry (of plans)
initial: x
lx: xagaldaac
pd: (xagaldaacay)
ps: v1=
key: xagaldaac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawaldaar
m.l Jaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaarnaan
m.f.dh eeg cagaaran. la-mid: cagaarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cagaaran oo doog u eg ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraqarrar
(Faraqarrar-ka)
1. Kalaggoysyada faraha.
2. Rays qotonkiisu faraha dhererkooda le'eg yahay oo aan calaacal gaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqarrar
faraqarrar¹: m.l 1. Fantaxda u dhaxeysa faraha nafleyda. 2. Cudur faraha dhexdooda ku dhaca oo dhaliya dhaawac xanuun badan. 3. la-mid: faraqaris.
faraqarrar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Faraha dhexdooda nabarro ku yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faraqarrar
m.l 1. Fantaxda u dhaxeysa faraha nafleyda. 2. Cudur faraha dhexdooda ku dhaca oo dhaliya dhaawac xanuun badan. 3. la-mid: faraqaris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraqarrar
m. n. knuckles
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraqarrar
-ka: (magac, lab, keli) eeg faraqarradh.
faraqarrar ka: (magac, lab, keli) rays qotonkiisu faraha dhererkooda le'eg yahay oo aan calaacasha gaadhin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraqarrar
de: knuckles
lx: faraqarrar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: faraqarrar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaarraan
(Habaarraan-ta)
Wax habaaran ahaan; (ama habaarnaan).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaarraan
f. n., [abstract] state of being cursed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarraan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof la habaaray ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaarraan
de: state of being cursed
lx: habaarraan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: habaarraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabqarrar
m.l la-mid: laabjeex.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laabqarrar
m. n., [compound] heartburn, upset stomach, indigestion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laabqarrar
-ka: (n) digestive disorders; heartbum (haart-been); gastritis (gaas-taraaytes); acidosis (aasi-dow-sis); indigestion (in-dhe jeshin); ulcer (ol-sar); gastric ulcer ~ laabjeex, gaastariko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabqarrar
-ka: (magac, lab, keli) laabdoox; laabjeex, laabdillaac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laabqarrar
de: heartburn, upset stomach, indigestion
lx: laabqarrar
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: laabqarrar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macalbarar
-ka: (magac, lab, keli) xanuun idaha ku dhaca kolka ay xays daaqaan ee ay biyo ku acabaan. Laxda macalbarar baa haya. Dh: cashi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqaarsaar
(Maqaarsaar-ka)
(xoolo) ilmo dhintay oo maqaarkooda ilmo kale la saaro, si neefkii dhalay ugu dagmo oo u godlado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaarsaar
maqaarsaar¹: m.l 1. Saaridda hal ama sac ilmo ka dhintay maqaarkiisa loo saaro ilmo kale si ay ugu godlato. 2. M. ah: qof waxa uu u magacaabanyahay aan awood u lahayn. 3. la-mid: maqaarsaarid.
maqaarsaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Hal ama sac ilmo aysan dhalin maqaar u saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqaarsaar
m.l 1. Saaridda hal ama sac ilmo ka dhintay maqaarkiisa loo saaro ilmo kale si ay ugu godlato. 2. M. ah: qof waxa uu u magacaabanyahay aan awood u lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqaarsaar
vn-m-idiom: cover up; trick, deceit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqaarsaar
-ka: (n) puppet (pap'it) Ex: dawlad maqaarsaar ah; a puppet government
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqaarsaar
-ka: (magac, lab, keli) maqaarka neef yar oo dhinta oo neef kale la dulsaaro ama tigaad iyo maryo laga buuxiyo oo neefkii loo ekeysiiyo dabadeedna neefkii dhalay lagu irmaaneeyo ama lagaga liso. Hashu ha godlatee maqaarsaar u samee. Dh: haragsaar.
maqaarsaar-ka: (magac, lab, keli) wax la dhalliilayo oon raalli laga ahayn. Gumaysigu wuxu noo dhisi jiray dawlado maqaarsaar ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqaarsaar
de: cover up; trick, deceit
lx: maqaarsaar
pd: (-ka)
ps: vn-m-idiom
see: u maqaarsaar
key: maqaarsaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaylarraac
(Qaylarraac-a)
1. Meel qaylo ka soo yeertay oo la aado ama la tago.
2. Dadka ama qofka soo qaylo raacay; gurmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylarraac
qaylarraac¹: m.l Q. ah: qof ama dad meel qaylo ka soo yeertay aada.
qaylarraac²: f.mg1 (-cay, -cday) Qof ama dad meel qaylo ka soo yeertay dedgdeg u aadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaylarraac
v. run to ~ gather in a place where there is shouting
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaylarraac
de: run to ~ gather in a place where there is shouting
lx: qaylarraac
nt: qaylarraac (a) [vn-m], qaylarraacid (da) [vn-f]
pd: (qaylarraacay)
ps: v1=intr
key: qaylarraac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raafqarrar
(Raafqarrar-ka)
Cudur raafafka gala oo dildillaacsha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raafqarrar
m.l la-mid: raafdillaac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raafqarrar
m. n. disease of animal's hoof
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raafqarrar
-ka: (n) hoof crack
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raafqarrar
-ka: (magac, lab, keli) eeg raafdillaac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raafqarrar
de: disease of animal's hoof
lx: raafqarrar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: raafqarrar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ragaadsaar
(fal) caqabado mashruuc hortaagan ka horqaad oo abuur jawi uu ku taabbagalo. Dh: maaree. Li: cakir.
ragaadsaar -ka: (magac, lab, keli) xal u helidda hawl la xannibay ama la horjoogsaday. Dh: furdaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xagaldaaco
(Xagaldaaca-da)
Lugta oo xagasha ka daacda ama ka laabanta, baari ama culays ay qaadi weydey daraaddeed (ama xagalkaddaaco).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaldaaco
m.dh la-mid: xagaldaacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xagaldaaco
vl. n. twisting one's leg; falling through
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaldaaco
-da: (magac, dhedig, keli) xagasha ka liicid oo kufid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xagaldaaco
de: twisting one's leg; [ext.] falling through
initial: x
lx: xagaldaaco
pd: (/da)
ps: vn-f
key: xagaldaaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wabaxtaraar
m.l Neefka biyaha ka dherga oo iska dhaqaaqa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wabaxtaraar
-ka: (magac, lab, keli) neef biyaha ka dherga oo iska dhaqaaqa.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xad fansaar
Limit of a function
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagal furan
m.dh (-llo ..., m.dh) (xisaab) Xagasha cabbirkeedu ka weynyahay xagal qumman (90°), kana yaryahay xagal toosan (180°).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xagal furan
m.dh (-llo ..., m.dh) (xisaab) Xagasha cabbirkeedu ka weynyahay xagal qumman (90°), kana yaryahay xagal toosan (180°).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal furan
Obtuse angle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagalfiiqan
(tilmaame) xagal uu sameeyo saddex geeska leh xarriiq taagan iyo mid jiifa. Samee xagal fiigan. Dh: xagal toosan, xagal taagan.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Xagalsallax
Qalab lala kaashado xagaltocxinta ee ka samaysan birciideed culus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galabcarraab
v., [compound] travel in the afternoon
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galabcarraab
a: galabcarraw
de: travel in the afternoon
lx: galabcarraab
pd: (galabcarraabay)
ps: v1=cmp
key: galabcarraab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lagamaarmaan
-ka: (magac, lab, keli) wax laga fursan karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagalkaddaacid
m.dh la-mid: xagaldaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabcarraabe
-ha: (magac, lab, keli) gellin dambe socotayn. Socodkeennu waa galabcarraabe. Dh: galabcarrow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manjagaargaar
-ta: (magac, dhedig, keli) nooc quraanjada ka mid ah oo sida jinaca u guurta oo raashinka godad ku kaydsata. Manjagaargaartu dadka ma qaniinto. Dh: mijagaargaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagal daacsan
m.dh (-llo ..., m.dh) (xisaab) Xagasha cabbirkedu ka weynyahay 180° kana yaryahay 360°.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xagal daacsan
m.dh (-llo ..., m.dh) (xisaab) Xagasha cabbirkedu ka weynyahay 180° kana yaryahay 360°.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal daacsan
Reflex angle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xagal daacsan
(n) [Mathematics] obtuse angle (ob-tuus aan-gal) ~ xagal u dhexaysa 90-180 degrees
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal janjeer
Inclination, angle of
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Xagal-bartameed
Qalab loogu isticmaalo bartan-calaamadinta birta duuban.