xagal quman
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Xagal quman
Ku taagan 90°.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagal qumman
m.dh (-llo ..., m.dh) (xisaab) Xagasha cabbirkeedu dhanyahay 90° ama P/2 gacasin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal qumman
Right angle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagal furan
m.dh (-llo ..., m.dh) (xisaab) Xagasha cabbirkeedu ka weynyahay xagal qumman (90°), kana yaryahay xagal toosan (180°).

Xagal furan
Obtuse angle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mawjad-gaaban
m.dh (-o gaagaaban, m.l) (juqraafi) Hirar ballac yar oo abuurma marka cufisjiidadka qorraxdu uu lid ku noqdo si xagal quman ah kan dayaxa.

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qotome
-ha: (magac, lab, keli) meesha ay ku kulmaan labo dhidib oo midi jiifo midna taagan yahay; diilin kasta iyo sagxad kasta oo u la kulma si xagal quman ah (90) diilin iyo sagxad kale.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal jihan
Directed angle
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal taban
Negative angle
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal togan
Angle, positive
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jajab qumman
Proper fraction
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagal fiiqan
m.dh (-llo ..., m.dh) (xisaab) Xagasha cabbirkeedu ka weynyahay 0° kana yaryahay xagal qumman (90° ama P/2 gacansin).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xagal fiiqan
m.dh (-llo ..., m.dh) (xisaab) Xagasha cabbirkeedu ka weynyahay 0° kana yaryahay xagal qumman (90° ama P/2 gacansin).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal fiiqan
Acute angle
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal kacsan
Elevation, angle of
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal kacsan
Elevation angle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagal toosan
m.dh (-llo ..., m.dh) (xisaab) Xagasha cabbirkeedu le'egyahay 180° ama laba xaglood oo qumman.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xagal toosan
m.dh (-llo ..., m.dh) (xisaab) Xagasha cabbirkeedu le'egyahay 180° ama laba xaglood oo qumman.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal toosan
Straight angle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xagal toosan
(n) [Mathematics] right angle (raayt aan-gal)-, 90° degree angle ~ xagal 90°digrii ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagalfiiqan
(tilmaame) xagal uu sameeyo saddex geeska leh xarriiq taagan iyo mid jiifa. Samee xagal fiigan. Dh: xagal toosan, xagal taagan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagal daacsan
m.dh (-llo ..., m.dh) (xisaab) Xagasha cabbirkedu ka weynyahay 180° kana yaryahay 360°.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xagal daacsan
m.dh (-llo ..., m.dh) (xisaab) Xagasha cabbirkedu ka weynyahay 180° kana yaryahay 360°.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal daacsan
Reflex angle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xagal daacsan
(n) [Mathematics] obtuse angle (ob-tuus aan-gal) ~ xagal u dhexaysa 90-180 degrees
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal dhacsan
Angle of depression
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falgal taxan
m.l (-llo ..., m.dh) (kiimika) Falgal iswada oo maxsuulka tallaabada hore uu curiyo tallaabada xigta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falgal taxan
m.l (-llo ..., m.dh) (kiim.) Falgal iswada oo maxsuulka tallaabada hore uu curiyo tallaabada xigta.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Falgal taxan
Chain reaction
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magaalaqaran
m.dh Qaran hal magaalo ka kooban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magaalaqaran
f. n. city-state
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalaqaran
(tilmaame) magaalo aan qabiil iyo qolo toona gaar u hayne oo dadka dal wada gala oo dhan u dhaxaysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magaalaqaran
de: city-state
lx: magaalaqaran
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: magaalaqaran
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saami qumman
(adj) proportional (paro-poor-shinal)
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal Abbaar
Angle of incidence
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal weecad
Deviation angle
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xegal kacsan
Angle of elevation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamuuman
(tilmaame) mid si aan weecweecad lahayn oo sigib tiran u go'an.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halqaman
-ka: (magac, lab, keli) daboolka daawaha laxooxda lagu dubo. Dh: halqaban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaqusan
(tilmaame) an buuxin oo wax ka dhiman yihiin ah. Codka makarafoonku wuu naaqusan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaalufin
(Xaalufin-ta)
Xaaluf ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalufin
m.f.dh eeg xaalufi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufin
-ta: (magac, dhedig, keli) wixii baad yaallay ka dhammayn oo xaaluf ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agaasiman
La agaasimey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agaasiman
f.mg4 (-innaa, -innayd) Wax la agaasimay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agaasiman
der. [adjective] organized, methodical, well managed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
agaasiman
-aa: (adj) organized (orgenaayzid); managed ~ nidaamsan. -Syn: arranged; marshaled, ordered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agaasiman
(tilmaame) arrin maamul habaysan leh; shaqo la habeeyay oo si fiican loo alkulmay. Waxaad soo qabanqaabiseen xaflad agaasiman. Dh: maamulan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agaasiman
de: organized, methodical, well managed
lx: agaasiman
pd: (agaasinnaa)
ps: adj-der
key: agaasiman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqaldumin
-ta: (magac, dhedig, keli) kalatagga labo qof oo isqabay; isfuridda labo ruux oo isqabtay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aragqumin
m.dh (daaw.) Awoodda ishu ay ku qumiso dhererka kulmiska bikaacadeeda, ayna u tusto hummaagyo bayaan ah ee walxo yaala fogaanno kala duwan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaluqsan
(tilmaame) qof gaadhay xilligii baaluqitaanka; qof qaangaadhay. Bildhaantiisa markaad eegto waa nin baaluqsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganguuman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Geed iyo wixi lamida wax jirridda laga jaray ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garruuman
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax timihii laga xiiray ahaansho (qof). 2. Wax baarka sare laga jaray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garruuman
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax timihii laga xiiray ahaansho (qof). 2. Wax baarka sare laga jaray ahaansho. m.f.dh, garruunnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waa kuwan
here they are
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaldaac
xagaldaac¹: m.l la-mid: xagaldaacid.
xagaldaac²: f.mg1 (-cay, -cday) Baari ama culays ka batay darti, lugtu la laabmid, la daacid, la kufid. la-mid: xagalkaddaac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xagaldaac
f.mg1 (-cay, -cday) Baari ama culays ka batay darti, lugtu la laabmid, la daacid, la kufid. m.f.dh, xagaldaacid. la-mid: xagalkaddaac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xagaldaac
v. turn one's leg and fall; fail, go awry (of plans)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaldaac
-a: (magac, lab, keli) xagasha oo liicda culays ama cillad darteed oo lala kufo. Korsiimo xumadu xagaldaac way keentaa. Dh: xagdaaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xagaldaac
de: turn one's leg and fall; [ext.] fail, go awry (of plans)
initial: x
lx: xagaldaac
pd: (xagaldaacay)
ps: v1=
key: xagaldaac
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Xagalsuge
Kaadkoone wata saawiyad iyo xagal-bartameed ee xaglaha kala furaanta duwan lagu tooxiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanaaqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caro hayso ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xanaaqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caro hayso ahaansho. m.f.dh, xanaaqsanaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xanaaqsan
-aa / ayd: (adj) angry (ang-geri), disgruntled (dis-garantlidh) ~ caraysan, dhirifsan, xayraansan, ciishaysan, dudsan. —Syn: furious, indignant, irate, mad, wrathful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaaqsan
(tilmaame) cadhaysan oo laga xanaaqsiiyay ah. Dh: dhirifsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adaa mudan
certainly; don't mention it; you're welcome
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adaa mudan
(expr) you are welcome; an expression of gratitude to reply “thank you”
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arag-qumin
m.dh (daawo) Awoodda ishu ay ku qumiso dhererka kulmiska bikaacadeeda, ayna u tusto hummaagyo bayaan ah ee walxo yaala fogaanno kala duwan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Arag-qumin
Accomodation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kala duwan
adj., [expression] various; different
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kala duwan
-aa: (adj) different from each other; dissimilar (disimilaar); unlike (anlaayk)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kala duwan
Differenti
Different
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaluulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Nafley caato ahaansho. la-mid: macaluushan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macaluulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Nafley caato ahaansho. m.dh, macaluulnaan. la-mid: macaluushan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaluulan
(tilmaame) macaluuli hayso oo gaajo iyo baahi la tiicaya ah. Dh: macaluulsan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaab sugan
n. phr. formula {mathematics}
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal adke
Solid angle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camalxumaan
m.f.dh eeg camalxun. la-mid: camalxumaansho, camalxumi, camalxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camalxumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dabeecadxumaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magac ahaan
(adj) nominal (nominal)
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal gooye
Diagonal
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal islis
Angle of friction
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal noqod
Angle of reflection
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Xagalsallax
Qalab lala kaashado xagaltocxinta ee ka samaysan birciideed culus.