xadis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadis
-ta: (magac, dhedig, keli) qaadasho aan sharci ahayn oo oggolaansho la'aan si qarsoodi ah loo qaato hanti ay cid kali leedahay. Dh: xadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) dusha sare wixii ku hadhay ka qaadid; ka sifayn. Dh: xaadin.
xaadis -ta: (magac, dhedig, keli) wax la qoray ganka iyo xaadda ku hadha ka xiirid. Xaadistii mooyaha ayaan ku raagay: Dh: tafaftirid, xaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xadiis
m. n. sayings of the Prophet Mohammed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadiis
-ka: (magac, lab, keli) cilmi kooba wixii Nebiga, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, laga soo weriyay oo hadal, fal ama oggolaansho ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xadiis
bw: Arabic
de: sayings of the Prophet Mohammed
initial: x
lx: Xadiis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: Xaddiis
key: Xadiis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhiig xayd ah keenis.
xaydis -ta: (magac, dhedig, keli) lugaha xaggooda hoose qaawin oo marada ka soo laalaabid. Dh: xaydid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xadi
name-m divine ordinance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badis
m.l la-mid: badiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadis
-ta: (magac, dhedig, keli) lacag ku baddalasho. Alaab gadis ayaan u imid suuqa.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
jadis
jadis, adv. - waqti hore; mar hore
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kadis
m. n. (adj.): surprise; unexpected
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kadis
-ah: (adj) 1. without warning; sudden (sadhan); unforeseen (an-foor-siin); impetuous (impajuwas); hasty (heeysti) ~ Ex: dhuufaan kadis ah; a sudden storm 2. quiz show; quiz (kuwiiz)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kadis
a: kedis
de: surprise; [atr.] unexpected
lx: kadis
pd: (-ka)
ps: n-m
key: kadis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ladid. laditaan-ka: (magac, lab, keli) hawl ay ahayd in la qabto, sahlasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadis
m.dh la-mid: qadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale qadin.
qadis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
radis
-ta: (magac, dhedig, keli) jilicid oo aad u qoyid.
radis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg radin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
radis
radis, n.m. - bagal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xadid
(Xadid-da)
1. Wax cid kale leedahay si qarsoodi ah u qaadasho.
2. (°) Xad cid lagu xukumay fulin, ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xadid
m.f.dh eeg xad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xądid
m.f.dh eeg xąd³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xadid
vl. n. stealing; embezzlement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xadid
-da: (n) theft (thef-ti); stealing (istiil-ing)-, larceny (laar-sa-ni)-, burglary (boor-galari) ~ tuugannimo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xadid
Ruberia
Stealing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadid
-da: (magac, dhedig, keli) qaadashada war ciddii lahayad iyadoon arkayn hoos ahaan ka qaato; tuugo samayn. Dh: xadis.
xadid-da: (magac, dhedig, keli) cid dembi gashay xad ku oogid. Dh: xadis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xadid
de: stealing; embezzlement
initial: x
lx: xadid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: xadid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalis
-ta: (magac, dhedig, keli) maydhid: dhaqid Dh: xalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xudis
-ta: (magac, dheddig, keli) wax mus ku dhuumanaya qori ku gujin. Dh: xudin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
embezzlement
/imbesalment/ (n) lunsi, tagri-fal, xadis.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
larceny
/larsani/ (n) xadis (tuugeysi).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
larcin
larcin, n.m. - Xadis; tuugeysi.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
homily
n., xadis, -ki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaddiis
(Xaddiis-ka)
Cilmi kooba waxyaalaha Nebi Maxamed laga hayo: waxyaaluhuu ku hadlay ama uu falay ama siyaaluhuu ahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaddiis
m.l (axaadiis/-syo, m.dh) (dii.) Falalkii ama hadalladii Rasuulka (n.k.h.a.) laga guuriyey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaddiis
m.l (axaadiis/-syo, m.dh) (dii.) Falalkii ama hadalladii Rasuulka (n.k.h.a.) laga guuriyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xaddiis
m. n. tradition derived from the acts and sayings of the Prophet Mohammed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaddiis
-ka: (n) the sayings of the Prophet Mohammed [peace be upon him]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaddiis
-ka: (magac, lab, keli) cilmi kooba wixii Nebiga, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, laga soo weriyay oo hadal, fal ama oggolaansho ah. Dh: xadiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xaddiis
bw: Arabic
cf: Quraan, Ijmaac, Qiyaas
de: tradition derived from the acts and sayings of the Prophet Mohammed
initial: x
lx: Xaddiis
pd: (-ka Pl: Axaadiis (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: Xaddiis
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xaddiis
حديث
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadis
-ta: (magac, dhedig, keli) kala maqnaanshaha muddo dheer. Anna baadistaadaa, boholyow i gelisoo, naftaa kuu ba'aysee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badcis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusub bilaabid. Dh: badcid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadis
m.l la-mid: daadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg daadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadis
-ta: (magac, dhedig, keli) rogidda maro ama daah. Dh: faadid.
faadis-ta: (magac, dhedig, keli) hurdo daal keenay la gam'id; hurdo aan waxba lala dareemin gam'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg fadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadlis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fadlin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaadis
(Gaadis-ta)
Gaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadis
m.l la-mid: gaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaadis
vl. n. ambushing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaadis
-ta: (n) the act of ambushing; ambush (aam buush); waylaying (weey leeying)', bushwhacking (bush waaking) ~ gaadmo, gaadniin, gaatin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, si kadis ah u qabasho ama wax u yeelid; u gabbasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadis
de: ambushing
lx: gaadis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: gaadis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaddis
m.l la-mid: geddis.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gaddis
Cambio; commercio; baratto
Trade; barter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaddis
-ka: (magac, lab, keli) ganacsi samayn. Dh: rogrogad, ganacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haadis
haadis¹: m.l la-mid: haadin.
haadis²: m.dh la-mid: haadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg haadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hadhin.
hadhis-ta: (magac, dhegig, keli) eeg hadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadiso
m.dh (-ooyin, m.l) Wax aan lagu talaggelin oo si lama filaan ah u dhaca. la-mid: kediso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kadiso
f. n. surprise, something unexpected
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kadiso
-kadisada: (n) emergency (imeerjansi); suddenness (sadan nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadiso
-da: (magac, dhedig, keli) wax si degdeg iyo lamafilaan ah kugu dhaca. Dh: lamafilaan, kedo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kadiso
cf: kedis
de: surprise, s.t. unexpected
lx: kadiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: kadiso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg laadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ladhid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ladies
/leydhis/ (n) murwooyin (haween)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadis
m.l la-mid: maadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhan u soocid; kala saarid oo inba dhan u saarid. Adhi jirtaa kala madhista adhigeeda taqaan.
madhis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naadis
-ka: (magac, lab, keli) yeedhmo lagu raadinayo wax maqan ama wax la helay lagu sheegayo. Dh: baafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaadis
m.dh la-mid: qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadis
m.l la-mid: raadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadis
-ka: (magac, lab, keli) wax lumay ama hallaabay raadintii
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
radish
n., baqal, -ki.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Radius
Gacan
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Radius
Mataanta weyn
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
radius
(n) the outer, shorter bone of the forearm.
lafta debedda xigta ee gaabana kuna taal dhudhunka
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
radius
/ reydhiyas/ (n) 1. gacan (dhex-roorka goobada) 2. wareegga goobo (qiyaas wareeg ah oo go'an).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
radius
radius, n.m. - lafta gacanta (adin)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saadis
m.l la-mid: saadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadis
-ka: (magac, lab, keli) wax dhiciddooda awaalis; hadal saad ah ku hadlid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sadism
/saadhizam/ sadistic; qabiidnimo (ku raaxaysiga dhibidda iyo dilka dadka).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sadist
/saadhist/ (n) qabiid ah (ku raaxaysta dhibka uu dadka u geysto).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tandis
tandis, conj. - agal xun aan nadiif ahayn; agal aad u liita
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
X-axis
Dhidib-X
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaabis
m.l la-mid: xaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabis
-ka: (magac, lab, keli) idayl wada qaadis.
xaabis-ta: (magac, dhedig, keli) urursi wixii hambo ama xaab laga tego oo dhan la urursado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaadin
(Xaadin-ta)
Wax la qoray, ganka iyo xaadda ka xiirid, ka jarid, ka gurid; tifaftirid; salaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadin
m.f.dh eeg xaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) dusha sare wixii ku hadhay ka qaadid; ka sifayn. Dh: xaadis.
xaadin -ta: (magac, dhedig, keli) wax la qoray ganka iyo xaadda ku hadha ka xiirid. Dh: xaadis, tafaftirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadir
xaadir¹: m.l 1. Meel joogid (qof); jooge. 2. Haatan.
xaadir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Qof meel ku sugnaan ama tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaadir
f.mg1 (-ray, -rtay) Qof meel ku sugnaan ama tegid. m.f.dh, xaadirid.

v. be present