xadhigxadhig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadhigxadhig
-ga: (magac, lab, keli) geed dhulka seexda xiliga naqa ah oo aad geelu u jecelyahay Dh: maqalfur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadhigxidhe
-ha: (magac, lab, keli) qof qaraabo ahaan kuu dhaw oo gardarradaada qaban kara gartaadana kuu dooni kara. Dh: aabbo, xidhe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadhaadhi
(fal) qof sumoobay ama bahali qaniintay dawo sii. Dh: balaladi, xaraari.
xadhaadhi: (fal) sumayn aan lagu dhiman ku samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadhaadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof bahali qaniintay ama sumoobay wax xadhaadhka bi'iya siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarigxarig
m.l Nagaar dhaadheer oo dhulka ku faalala, oo geelu aad u jecel yahay
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BADHI-BADHI
(Badi-badi) S, May Rottboellia cochinchinensis (Lour) Clayton. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addindhig
-ga: (magac, lab, keli) meesha labada lugood la saaro ee raadku ku hadho.
addindhig-ga: (magac, lab, keli) saxeexa qofku uu suulkiisa dhigo ama farihiisa kale mid ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhi
(fal) barwaaqo iyo liibaan gaadhsii. Badhaadhi Allahayow maatida baradu ka xumataay. Dh: baraari, barwaaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhfadhi
-ga: (magac, lab, keli) dad, xoolo ama wax kale oo si aan habaysnayn u fadhiya meelo isku dhowdhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhaadhi
(fal) kala hadal; si cabsiyi ku jirto u hantaatac. Dh: wataatac.
wadhaadhi -ga: (magac, lab, keli) hadal is dhec yaac ah oo uu ku hadaaqo qof cabsanaya ama argagaxsani. Wadhaadhiga jooji oo calool adkaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xandhadhi
(fal) wixii yaalba dhammee oo faaruqi. Tukaanka xandhadhi oo leexee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhi
(fal) cid ka war hay oo hoo iyo hiil la garab joog. Qaraabada xidhiidhi. Dh: xiriiri. Li: goo.
xidhiidhi: (fal) wax xidhiidh ah oo is daba teedsan ka dhig: awr mid walba hoggaankiisa midka kale dabadiisa ugu xidh oo haysku xigxigaan. Xidhiidhi awrta. Dh: xiriiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) liibaan helid; farxad iyo raynrayn ku jirtid. Dad iyo duunyo ba badhaadhid Allow na gaadhsii. Dh: baraarid, lii, barwaaqoobid, rayrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) liibaan gaadhsiin; barwaaqo iyo ladnaansho gaadhsiin. Badhaadhin ma helo ninkii caasiyee beenshay Nebigiiye. Dh: baraarin, barwaaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqoobid oo liibaanid. Dh: badhaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagaxdhig
-ga: (magac, lab, keli) jaajuur la dhigo meel in wax laga dhiso la doonyo oo astaan u ah billawga mashruuc la dhisayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhfadhid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fadhfadhad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhmadhid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u kibrid oo xadka dhaafid. Wiilyar oo madhmadhid sanka la taagaya ayaa gabadha caayay. Dh: kibrid.
madhmadhid -da: (magac, dhedig, keli) aad u qudhmid oo urid. Harag la aasay madhmadhid ka sug. Dh: qudhmid, qurmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhiidhid
-da: (magac, dhedig, keli) qadhiidh yar afka ku shubasho; far iyo suul ku qaadasho. Dh: qadhiidhad, qariirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhqadhid
-da: (magac, dhedig, keli) qabaw ama xummad darteed la gariirid. Dh: jarayn, jarcayn, burunjiyeyn, qarqarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadhigjiid
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar ay laba kooxoox kala jiitaan xadhig oo ta wax jiidataayi badiso. Dh: xarigjiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xandhadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) idlayn oo wixii yaalba wada qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhid
-da: (magac, dhedig, keli) xidhiidh isku xiga noqosho.
xidhiidhid-da: (magac, dhedig, keli) cid xidhiidh la yeelasho. Dh: xidhiidhis, xiriirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka war hayn oo hoo iyo hiilba la garab joogid. Dh: xiriirin, xidhiidhis.
xidhiidhin -ta: (magac, dhodig, keli) wax si taxane ah isku dabajoogin oo midba midka ka dambeeya ku aaddin. Dh: xiriirin.
xidhiidhin -ta: (magac, dhedig, keli) cilaaqo wanaagsan la samayn. Dh: xiriiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xidhiidhis
m.l Biyo si kedis ah oo dar-dar ah u shubma ee uu gaar ahaan keeno roobka weyn ee ka da'a waadiyada meelaha lamadegaan-u-ekeyaasha ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhiidhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xidhiidhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhxidhid
-da: (magac, dhedig, keli) in mar ka badan xidhid. Xidhxidhidda jiho qudha u daa. Dh: xirxirid, xirxiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhxidhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xidhxidhid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XARIG-XARIG
(Harig-harig) N Ipomoea sinensis (Desr) Choisy. Convolvulaceae.
N Merremia semisagitta (peter) Dandy. Convolvulaceae.
N Launaea sarmentosa (Willd) Kuntze. Compositae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhgaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku noqnoqosho; meel tegtegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhgaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, u tegtegis; ku noqnoqosho oo ka warhayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isdhinacdhig
-ay/ -tay/ -een/ -nay: (v) 1. compare (kom peer); liken (laay ken); contrast (kontrast) juxtapose (jakis-tapows). 2. put or place side by side ~isbarbar dhig, isgarabdhig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waadhiwaadhi
-da: (magac, dhedig, keli) socod lugaha la kala fogeeyo oo ah sida ay u socdaan carruurta la qudaa. Waadhiwaadhida daa oo saani u soco. Dh: waadhwaadhsi.
waadhiwaadhi -da: (magac, dhedig, keli) xilli barwaaqo la yahay. Dh: bashbash, berisamaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhiradhigad
-ka: (magac, lab, keli) hor Ilaahay, wax loola baxo. Ayaa aakhiradhigad la baxaya oo masaajidka nala dhisaya? Dh: sadaqo, sadaqad, dar-Alle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saddexadhigle
-ha: (magac, lab, keli) askari sita derejada u dhexaysa labaxadhigle iyo xiddigle.