xadgudbe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadgudbe
-ha: (magac, lab, keli) wax kasta oo xad u yaal dhaafa ama si qalad ah uga gudba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardarane
-ha: (magac, lab, keli) ruux xadgudbe ah oo adyad badan. Gardarane Alle lama jiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xadgudbid
m.f.dh eeg xadgudub². la-mid: xadgudub¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadgudbid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg xad'dhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magudbe
magudbe¹: m.l (-bayaal, m.l/dh) Qof imtixaan ku dhacay.
magudbe²: m.l (-bayaal, m.l/dh) (naxwe) Fal aan lahayn layeele.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magudbe
-magudbaha: (n) loser (luusar); one who fails
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magudbe
-ha: (magac, lab, keli) qof imtixaan ku dhacay.
magudbe-ha: (magac, lab, keli) naxwe ahaan, fal aan lahayn layeele.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xadgudub
xadgudub¹: m.l la-mid: xadgudbid.
xadgudub²: f.g1 (-dbay, -dubtay; -dbi) Ku x.: cid wax aan ku habboonayn ku samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xadgudub
xadgudub¹: m.l eeg xadgudub²
xadgudub²: f.g1 (xadgudbay, xadgudubtay; xadgudbi) Ku xadgudub: cid wax aan ku habboonayn ku samayn. m.f.dh, xadgudbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xadgudub
m. n., [compound] trespassing, territorial violation
xadgudub v., [compound] cross the border ~ limit; transgress, violate; offend
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xadgudub
-ka: (n) abuse (ab-yuus); mistreatment (mis-tiriit-ment); injustice (injastis) ~ caddaalad-darro ~ see [eeg] xad gudub
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xadgudub
Sconfinamento; abuso
Trespass; abuse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadgudub
-ka: (magac, lab, keli) gardarro cid lagu sameeyo. Dh: gardarro, daandaansi. Li: ixtiraan, xaqdhawr. Wa: xadgudubyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xadgudub_1
de: trespassing, territorial violation
hm: 1
initial: x
lx: xadgudub
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: xadgudub_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xadgudub_2
de: cross the border ~ limit; transgress, violate; offend (with preposition ku)
hm: 2
initial: x
lx: xadgudub
pd: (xadgudbay)
ps: v1=cmp
key: xadgudub_2
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xad gudub
Anomaly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xad gudub
-ka: (n) violation (vaaya-leey-shin)-, breach (biriif); trespass (tarees-pas); transgression (taraanis-garee-shin)
ku xadgudub -ay / tay: (v) 1. violate (vaaya-leeyt)-, trespass (tarees-pas). 2. treat a person or thing wrongfully; mistreat (mis-tiriit)-, abuse (ab-yuus).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudbe
gudbe¹: m.l Qof tartan ama imtixaan ku guuleystay.
gudbe²: m.l.kh (naxwe) G. ah: fal wax qabadkii u tallaabo wax kale ama yeele iyo layeele u baahan. Tusaale: “Cali baa aqalkii dhisay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gudbe
gudbe¹: m.l Qof tartan ama imtixaan ku guuleystay.
gudbe²: m.l.kh (naxwe) G. ah: fal wax qabadkii u tallaabo wax kale ama yeele iyo layeele u baahan. Tusaale: Cali baa aqalkii dhisay.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gudbe
Transitive
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaguda
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha intooda badan ee da'da' xilli u wada dhala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudgude
m.l Roob habeen da'a oo dhaqso dhul weyn maaruqa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudgude
-ha: (magac, lab, keli) roob habeennimo da'a oo soo guda dhul badanna isu mara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargudbi
f.g2 (-iyay, -isay) Webi, war, haro iyo wixi lamida labadooda dhan isaga gudbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xangulle
(Xangulla-ha)
1. Dhuuxa dheer oo lafdhabarta dhex mara (daloolka riciraha) oo is-haya, maskaxyarada taniyo riciraha tan ugu hoosaysa; dhuuxdheere.
2. Xuubka maskaxda ku rogan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xangulle
xangulle¹: m.l Cad maskax yaryarta ka mid ah oo birtaawaha lagu masaxo marka canjeerada lagu dubaayo. la-mid: xandulle, xangullo.
xangulle²: m.l (cilmiga naflayda) Qayb ka mid ah sooh maskaxeedka oo ku dhex jira togga xiriirka lafdhabarka oo ka kooban unug maskaxeedyo iyo dareenwadayaal xiriiriya massa-da iyo jirka inta kale, wuxu ka sameysanyahay lakab sooh cas oo ku wareegsanyahay lakab sooh cad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xangulle
m.l (cilmiga naflayda) Qayb ka mid ah sooh maskaxeedka oo ku dhex jira togga xiriirka lafdhabarka oo ka kooban unug maskaxeedyo iyo dareenwadayaal xiriiriya maskaxda iyo jirka inta kale, wuxu ka sameysanyahay lakab sooh cas oo ku wareegsanyahay lakab sooh cad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xangulle
m. n. spinal marrow; membrane surrounding the brain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xangulle
-xangullaha: (n) marrow (maa-roow); spinal marrow ~ dhuux
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xangulle
-ha: (magac, lab, keli) dhuux dheer oo daloolka riciraha lafdhabarta dhex mara, isna haysta oo ku dhereran min maskaxyarada ilaa riciraha ugu hooseeya. Qofka xangulluhu wax noqdo nololshiisu halis ayay gashaa. Dh: dhuuxdheere.
xangulle -ha: (magac, lab, keli) xuubka maskaxda ku rogan. Xangullaha ayaa dhaawacmay ninkii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xangulle
de: spinal marrow; membrane surrounding the brain
initial: x
lx: xangulle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: xangulle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadguree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Wax badan meel si degdeg ah uga qaadid. 2. Wax iyadoo meel kale la geynayo halis ka badbaadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daadguree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Wax badan meel si degdeg ah uga qaadid. 2. Wax iyadoo meel kale la geynayo halis ka badbaadin. m.f.dh, daadgurayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daadguree
v. transfer, evacuate (a large quantity of something); resettle, relocate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daadguree
- yey / daadgureysay: (v) evacuate (ivaaku-weeyt); clear out; pull out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadguree
(fal) eeg daadguray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daadguree
de: transfer, evacuate (a large quantity of s.t.); resettle, relocate
lx: daadguree
pd: (daadgureeyey)
ps: v2b=
key: daadguree
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaduudane
nickname-m reddish, brownish or reddish-brown
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gaduudane
magac loo baxsho wiil midabkiisu aad u cas yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargudbid
m.f.dh eeg gargudub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargudbid
-da: (magac, dhedig, keli) labada dhinac webi iyo wax la mid ah, u kala tallaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargudbin
m.f.dh egg gargudbi. la-mid: gargudbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargudbis
m.l la-mid: gargudbin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
magudbiye
-magudbiye ha: (n) [Physics] insulator (insuleeytar); nonconductor (kon-dhak-tar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magudbiye
-ha: (magac, lab, keli) walax aan qulqulka danabku ka gudbin sida looxa iyo caagga; alaabta aan oggalaanin inuu danabku dhexmaro. Looxu waa magudbiye. Li: gudbiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadhigxidhe
-ha: (magac, lab, keli) qof qaraabo ahaan kuu dhaw oo gardarradaada qaban kara gartaadana kuu dooni kara. Dh: aabbo, xidhe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xagga dambe
n. phr., loc. in back (of), in the rear
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xagga_dambe
de: in back (of), in the rear
initial: x
lx: xagga dambe
ps: np-loc
key: xagga_dambe