xabsijire
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabsijire
m. n., [compound] jail-keeper, warden
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabsijire
de: jail-keeper, warden
initial: x
lx: xabsijire
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: xabsijire
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xariire
name-m silk (cloth ~ fabric); bleed, doctor an eye disease by bleeding. Lit: purity. Syn: Xariir, Xariiro
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabsiiye
nickname-m he who frightens, scares, intimidator, endangerer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cabsiiye
magac loo baxsho wiil ay hooyadii fooshu ku adkaatay oo ay halis ku gashay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bartijire
m. n. selfish person, egoist
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bartijire
de: selfish person, egoist
lx: bartijire
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: bartijire
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kahsitire
m.l (-ayaal, ml./m.dh) (daawo) Dawo joojisa falka “istamiinka” ayadoo dabooleysa meelaha ay qabsato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kahsitire
m.l (-ayaal, ml./m.dh) (daaw.) Dawo joojisa falka 'istamiinka' ayadoo dabooleysa meelaha ay qabsato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kahsitire
-ha: (magac, lab, keli) dawo joojisa falka 'istamiinka' ayadoo dabooleysa meelaha ay qabsato.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
abjure
v.tr., diinta diid, or iska diid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abshir
(Abshir-ta)
1. Labo talo tan wanaagsan; tawfiiq.
2. Hadal bishaaro ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abshir
m.dh 1. War wanaagsan oo farxad leh. 2. Dariiq toosan oo kheyr lagu gaaro. Tusaale: “Abshirta Alle hana waafajiyo”.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Abshir
name: Abshir
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abshir
f. n. good news; congratulations; the better of two ideas
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abshir
name-m good news; congratulations; the better of two ideas
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abshir
-ta: (n) congratulation (kon-graajuleeyshin); an expression of joy or acknowledgment ~ hambalyo, awguuriyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Abshir
magac loo baxsho wiil dhashay gabdho badan dabadood ama arrin wanaagsan oo la naawilayay ku soo beegmay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abshir
(fal) bishaarayso; erey bishaarayn ah oo qof war fiican laga sugayay uu hadalkiisa ku bilaabo. Abshir! Ardaydii itixaannadii dhammaan way ku guulaysteen. Dh: bishaaro!
abshir-ta: (magac, dhedig, keli) laba talo tan roon oo la jecel yahay. Tawfiiqda Eebbiyo, abshir baan sugaynnaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Abshir
de: Abshir
hm: 2
lx: Abshir
ps: name-m
key: Abshir_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
absiis
-ka: (magac, lab, keli) dhidibka jiifa ee kulannada garaafka. Inta badan absiiska waxa halbeeg looga dhigaa 2 togan ama -2° taban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arijir
(Arijir-ka)
Qof ama dad ari ilaaliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arijir
m.l/dh A. ah: qof mehereddiisu tahay ari raacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arijir
m.l/dh A. ah: qof mehereddiisu tahay ari raacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arijir
m. n., [compound] shepherd, goatherd
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arijir
-ka: (n) one who herds, guards, and tends sheep and goats
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arijir
-ka: (magac, lab, keli) eeg adhijir.
arijir-ta: (magacwadareed) dadka xooladhaqatada ah, intooda adhiga raacda oo soo daajisa. Adhijir eed ma kala sheegato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arijir
de: shepherd, goatherd
lx: arijir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: arijir
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
aspire
/aspaayar/aspires, aspiring, aspired; (v) gool qgof doonayo inuu gaaro, damac ama hammad u hayn. e.g. He aspires to become a lawyer.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
aspire
(to or after), v.tr., damac, ku tabac.
aspire to or after, v.tr., damac, ku tabac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Nafley cabsi ku abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cąbsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Biyo, caano iyo wixi lamida nafley af ka siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Nafley cabsi ku abuurid. m.f.dh, cabsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cąbsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Biyo, caano iyo wixi lamida nafley af ka siin. m.f.dh, cąbsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabsii
v. frighten, scare
cabsii v.caus: make someone drink, give something to drink
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabsii
-yey say: (v) cause someone to drink; drive someone to drink
cabsii -yay say: (v) frighten (fraayten); alarm (a-laarm); intimidate (intimadeyt); scare (iskeer)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
casiir
-ka:(n) juice (/uns); fruit juice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casiir
-ka: (magac, lab, keli) sharaabka laga tuujiyo jaadadka kala duwan ee khudradda; miidda midhaha dhirta laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Ilmo xoolaad, yar, aan hooyo lahayn, neef kale nuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabsii
(fal) waxar kolba ri' la jaqsii mid kale. Doog waynihii baad ri' xuna iga dabsiiseene.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gasiir
(Gasiir-ka)
Gesiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąsiir
m.l la-mid: gesiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gasiir
m. n. woman's traditional beaded girdle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasiir
-ka: (magac, lab, keli) tax yaryar oo midabyo badan iyo dun ka samysan cabbaadhyo oo ay dumarku xarrago ahaan u qaataan oo surka ku xidhaan,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gasiir
a: gesiir
de: woman's traditional beaded girdle
lx: gasiir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gasiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid kalgacayl dartii isku duubid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid kalgacayl dartii isku duubid. m.f.dh, habsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habsii
v. hug, embrace
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habsii
-yey / say: (v) hug (haag); embrace (embareey); cuddle (kadhel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsii
(fal) Cid kalgacayl dartii isku duubid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habsii
de: hug, embrace
lx: habsii
pd: (habsiiyey)
ps: v2a=
key: habsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabiir
(Kabiir-ka)
1. Ardayga hadba dugsiga looga dhigo madax.
2. (saqiir iyo kabiir) qof weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabiir
m.l (-rro, m.dh) Arday horjooge u ah arday Quraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabiir
m.l (-rro, m.dh) Arday horjooge u ah arday Quraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabiir
m. n. senior student in Koranic school who acts as assistant to the teacher
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabiir
-ka: (n) prefect (piriifekt); student monitor ~ horjooge, kaabe galaas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabiir
-ka: (magac, lab, keli) ardayga fasalka ilaaliya inta uu baruhu ka maqanyahay, macalin yare, ku sime. Dh: horjooge.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabiir
cf: arday
de: senior student in Koranic school who acts as assistant to the teacher
lx: kabiir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kabiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabsii
(fal) xoolahaaga cid wax ka sii. Qabsii walaalkaa waad ka xoola badantahaye.
qabsii: (fal) qasab ku qaadsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wasiir
(Wasiir-ka)
1. Qof wasaarad u madax ah.
2. (Wasiir-ta) Waraso; ubad; dhal; ilmo; carruur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wasiir
wasiir¹: m.l (-rro, m.dh) Qof wasaarad u madax ah.
wasiir²: m.dh Ubad; dhal; carruur; ilmo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wasiir
m.l (-rro, m.dh) Qof wasaarad u madax ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wasiir
m. n. minister
wasiir [feminine] n., [collective] children; descendants
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wasiir
-ka: (n) minister (minis-tar). Ex: Wasiirka Arrimaha Dibadda; the Minister of Foreign Affairs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasiir
-ta: (magac, dhedig, keli) ubad yaryar; Dh: dhal, carruur, ilmo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
wasiir
وزیر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabiib
(Xabiib-ka)
Qof aad loo jecel yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabiib
m.l (-bbo, m.dh) Qof gacal ah ama saaxiib lillaahi ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xabiib
m.l (-bbo, m.dh) Qof gacal ah ama saaxiib lillaahi ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xabiib
name: Habib
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabiib
m. n. close male friend; beloved, sweetheart, lover
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xabiib
name-m beloved, dear one; darling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabiib
-ka: (n) dearly beloved male; darling (daa-ling)
xabiib: -ta: (n) dearly beloved female; darling (daa-ling)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xabiib
magac loo bixiyo wiil la jecel yahay ama Rasuulka, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene, lagala magac dhigayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabiib
mid ka mid ah magacyada Rasuulka, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene. Xabiibki la doortee, xubbigiisa haynoow yaa Rasulallaahi.
xabiib-ka: (magac, lab, keli) qof nasteex ah oo aan dhagarta aqoon. Dh: saalix.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xadiir
présent.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xagjir
(Xagjir-ka)
(geel, ...) neef irmaan oo aan gayax (sidig) ahayn, oo xag laga maalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagjir
m.l.kh (-rro, m.dh) 1. Neef irmaan oo aan gayax (sidig) ahayn (geel ama lo'). 2. X. ah: fallaar keligeed la gano oo aan laake ahayn. 3. X. ah: qof aan dhexdhexaad ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xagjir
m.l.kh (-rro, m.dh) 1. Neef irmaan oo aan gayax (sidig) ahayn (geel ama lo'). 2. X. ah: fallaar keligeed la gano oo aan laake ahayn. 3. X. ah: qof aan dhexdhexaad ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xagjir
m. n., [compound] milk-producing camel that is partially milked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagjir
-ka: (magac, lab, keli) qof wax uu rumaysan yahay aad ugu talax tega oo ku adadag. Nin xagjir ihi xaagaan ma yagaan. Dh: mutadarrif. Li: qunyar socod, dhexdhexaad. Wa: xaqjirro.
xagjir-ka: (magac, lab, keli) cadaaladxumo laba dhinac oo is haya dhan loo xagliyo.
xagjir-ka: (magac, lab, keli) neef geel ah oo irmaan oo xag keliya laga maalo. Dh: gayax
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xagjir
cf: gayax
de: milk-producing camel that is partially milked (two udders for human consumption; two for its calf)
initial: x
lx: xagjir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: xagjir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xajiye
-ha: (magac, lab, keli) suunka labada dhegood ee kab soomaalida xagga hore isaga haya midkood. Kabtii xajiyihii ayaa go'ay.
xajiye -ha: (magac, lab, keli) biro noocyo badan leh oo kolka wax la dhisayo waxyaalaha in la isku qabto la doonayo een gacantu xajin karayn lagu qabto si la iskgu xajiyo. Dh: maslabad.
xajiye -ha: (magac, lab, keli) suunka kabaha ee xagga dambe mara.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Xajiye
Qodob isu haya qaybo ama xubno isku mid ah ama kala duwan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamiir
m.l Qashinka badda ama webigu dibadda u soo saaraan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaqiir
-ka: (n) mean (miin) or selfish (sal-fish) man; bad person ~ qof xun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqiir
-ka: (magac, lab, keli) qof liita oo la quadhsado isna is bahdila. Dh: liiti. Li: muxtaram.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xariir
1. (Xariir-ka) a) Caano iyo biyo la isku daro; barax. b) Sarmo indhaha baalkooda hoose, docdiisa gudaha ah oo xagga isha u jeedda, lagu dhigo oo dhiig yar looga keeno (waa farsamo lagu daweeyo xanuun indhaha ku dhaca). c) Summad xoolaha lagu dhigo. d) Hadal la qoonsado oo bareer la isu yiraahdo; (xan iyo xariir).
2. (Xariir-ta) a) Dun qurux badan oo jilicsan oo diirdiirxariireeddu samayso. b) Dharka duntaas laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xariir
xariir¹: m.l Caano biyo badan lagu daray; candiid; cindiid.
xariir²: m.dh 1. Dhar jilicsan oo qurxoon qaalina ah oo duntiisa ay samayso diirdiirxariireedu. 2. (-ryo, m.dh) Summad idaha dhegaha looga dhigo oo labo alif ah.
xariir³: f.g1 (-ray, -rtay) Barxid (caano). la-mid: xariiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xąriir
xąriir¹: m.dh Lafdhabar; arxan. la-mid: xiriir².
xąriir²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: xiriir³ (3).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xariir
m.dh 1. Dhar jilicsan oo qurxoon qaalina ah oo duntiisa ay samayso diirdiirxariireedu. 2. (-ryo, m.dh) Summad idaha dhegaha looga dhigo oo labo alif ah.
xąriir¹: m.dh (cilmiga naflayda) Lafdhabar; arxan.
xąriir²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: xiriir².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xariir
f. n., (mass n.): silk (cloth ~ fabric)
xariir m. n., (mass n.): milk diluted with water, milk and water mixed together
xariir v. dilute milk with water, put (a lot of) water into milk
xariir m. n. method of doctoring diseases of the eye by bleeding
xariir v. bleed, doctor an eye disease by bleeding
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xariir
name-m diluted; silk (cloth~ fabric); bleed, doctor an eye disease by bleeding. Lit: purity. Syn: Xariiro, Xariirre
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xariir
-ta: (n) silk (silk)
xariir -ka: (n) see [eeg] xiriir -ka
xariir -ka: (n) watered milk ~ barax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xariir
magac loo baxsho wiil quruxsan oo loo rajaynaayo dabeecad dabacsan sida xariirta oo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xariir
(fal) il nabar ku dhacay baalka sare oo xagga hoose ah ka sar oo dhiig isha dhexdeeda ku sii daa. Isha xariir intaanu nabarku bu'da gaadhin.
xariir: (fal) caano iyo biyo isku badhax. Caanahu xariir. Dh: badhax.
xariir: (fal) summad xariir ah xoolaha ku same Lo'da xariir. Dh: calaamadee, summadee.
xariir: (fal) xidhiidh la samee. Aabbo la xariir innoo yimaaddee.
xariir -ka: (magac, lab, keli) caano iyo biyo la isku daro. Dh: badhax.
xariir -ka: (magac, lab, keli) sarmo indhaha baa kooda hoose docdiisa gudaha ah ee xagga isha jeedda lagu dhigo oo dhiig yar looga keeno.
xariir -ka: (magac, lab, keli) hadal lagoonsade badheedh la isku yidhaahdo. Hadalka xanum odhanaaye waa xariir. Li: xan.
xariir -ka: (magac, lab, keli) cilaago laba dhina iyo in ka badan ka dhaxaysa. Dh: xidhiidh.
xariir -ta: (magac, dhedig, keli) dhar laga sam dun qaaliya oo jilicsan oo ay samayso jaadada dirindiirta jaad ka mid ahi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xashir
(Xashir-ka)
(badar) tumid yar; ilbixin; buunshabbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xashir
m.l Badar tuman oo jajab ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xashir
m.l Badar tuman oo jajab ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xashir
f. n. husk (from grain)