xabkaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabkaysad
m.l la-mid: xabkaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabkaysad
-ka: (magac, lab, keli) soo gurashada xabagta. Dh: xabkaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabkays
-ta: (magac, dhedig, keli) xabag gurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adkaysad
m.l la-mid: adkaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adkaysad
-ka: (magac, lab, keli) «u» u dhabaradaygga iyo xammilidda wax culus ama dhib badan leh. Marka la isla oogsado, u adkaysadkaagaan. inanyahaw ka yaabaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaysad
(Labaysad-ka)
Labaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaysad
m.l la-mid: labaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad horay hal uga qaadatay, mar labaad haddana qaadasho. Dh: lamadasho, labaysasho, labaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabkayse
(fal) xabag soo guro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabkaysi
m.l la-mid: xabkaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabkayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Xabag gurasho. 2. Meelo kala duwan ka qaraabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabkayso
v. collect resin from something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabkayso
de: collect resin from s.t. rw: xabag
initial: x
lx: xabkayso
pd: (xabkaystay)
ps: v3b=tr
key: xabkayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaysad
-ka: (magac, lab, keli) eeg xagaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaysad
-ka: (magac, lab, keli) qori, rasaas dhuunta u geyn oo riddo u diyaarin. Dh: cabbaysasho.
cabbaysad -ka: (magac, lab, keli) wax mug leh, buuxsad; cabbaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbaysad
(Kabbaysad-ka)
Kabbaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaysad
m.l la-mid: kabbaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbaysad
-ka: (magac, lab, keli) caano lagu cabbo cancantuugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabdaysad
(Nabdaysad-ka)
Nabdaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabdaysad
m.l la-mid: nabdaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabdaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, salaamid. Dh: nabdaysasho, nabdaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax rabbaysan ka dhigasho. Dh: rabbaysasho, rabbaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajaysad
-ka: (magac, lab, keli) hawl gaar ah qabsasho. Hoggaamiyuhu xaajaysadkiisa wuxu ka horraysiiyaa u xaajaynta dadkiisa. Dh: adeegad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjaysad
-ka: (magac, lab, keli) xanjo samaysasho; xanjo ka dhigasho. Adhijirtu geedaha ayay xanjaysad u doontaan. Dh: xanjaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantaysad
-ka: (magac, lab, keli) xantaxanto ciyaarid. Dh: xantaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabkaysasho
m.f.dh eeg xabkayso. la-mid: xabkaysad, xabkaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabkaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xabag soo gurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabaraysad
(Tabaraysad-ka)
Tabaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaraysad
m.dh la-mid: tabaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaraysad
-ka: (magac, lab, keli) awood yeelashe: xoogaysadka. Dh: tamaraysadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xambaarsad
m.l la-mid: xambaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xambaarsad
-ka: (magac, lab, keli) dusha saarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarakaysan
Xarako loo yeelay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarakaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Xarako loo yeelay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarakaysan
der. [adjective] given diacritics, with the vowel signs inserted {grammar}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xarakaysan
(adj) marked with a diacritical mark; diacritical (dhaaya-kiri-tikal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarakaysan
(tilmaame) qurxan oo dhaqdhaqaaq iyo soo jiidasho leh.
xarakaysan: (tilmaame) xarako loo yeelay oo kordhaw hoosdhaw iyo gudni leh.
xarakaysan: (tilmaame) farshaxan qurxoon loo yeelay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xarakaysan
de: given diacritics, with the vowel signs inserted {grammar}
initial: x
lx: xarakaysan
pd: (xarakaysnaa)
ps: adj-der
key: xarakaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax af uu wax ku gooyo ama turqo leh soofaysad. Afaysadka billaawaha ayaa ka horreeya gawraca neefka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaabsad
(Xaabsad-ka)
Xaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaabsad
m.l la-mid: xaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabsad
-ka: (magac, lab, keli) wax dhulka ku filiqsan urursasho oo wada xaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabkayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xabag marin si uu meel la rabay u qabsado.
xabkayn-ta: (magac, dhedig, keli) xabko soo gurid; soo shaqayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xakabad
-da: (n) doorstep (dhoor-isteep) ~ kaabad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabaysan
(tilmaame) wax habaysan oo wanaagsan ahaan. Eebbe taladeenna mid aabaysan ha ka yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanaysad
m.l la-mid: aanaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanaysad
-ka: (magac, lab, keli) aargudasho ku salaysan godob horay loo geystay. Dilalkii dhacay waxay ahaayeen aanaysad. Dh: godobaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaarsad
m.l la-mid: abaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaarsad
-ka: (magac, lab, keli) deegaan abaari heshay noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adkaysan
adkaysan¹: m.l la-mid: adkaysi.
adkaysan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la adkeeyay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adkaysan
(tilmaame) wax jiidan oo aan dabacsanayn. Rarku markuu adkaysan yahay ma dheelliyo. Li: debacsan.
adkaysan: (tilmaame) wax kakan ama rib ah oo aan jilicsanayn. Waxa la dhisay deyr adkaysan oo an laga gudbi karin. Li: jilicsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afraysad
-ka: (magac, lab, keli) wax saddex ahaa, afar ka dhigasho. Saddexda jeer ee aan ciyaarnay afraysad bay u baahan yihiin. Dh: afraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allaysad
-ka: (magac, lab, keli) xijaabasho uu qofku dhanka Rabbi u kaco oo uu geeriyoodo. Dh: Allaysi xijaabasho, dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaysad
m.l la-mid: bahaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale xigtayso; cid kale la bahaw.
bahaysad -ka: (magac, lab, keli) (is ~) dad, urur, koox iyo waxii la mid ah isutaga, si ay u dhaliyaan awood iyo itaal wax lagu muquuniyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaysan
(tilmaame) wax kooraamaysan ama wax dab leh ama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danaysad
* (Danaysad-ka)
Danaysasho; danaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaysad
m.l la-mid: danaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danaysad
vl. n. following after one's own interests; self-seeking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaysad
-ka: (magac, lab, keli) dan la imasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danaysad
a: danaysasho (/da) [vn6-f], danaysi (-ga) [vn2-m]
de: following after one's own interests; self-seeking
lx: danaysad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: danaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Facaysad
(Facaysad-ka)
Facaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facaysad
m.l la-mid: facaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facaysad
-ka: (magac, lab, keli) in uu qof kale kula fac yahay ku doodid; factirsasho la factirsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaysad
(Garaysad-ka)
Garaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaysad
m.l la-mid: garaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaysad
-ka: (magac, lab, keli) garays xidhasho. Garaysadka waxa lagu yaqaanaa gabdhaha Soomaaliyeed.
garaysad-ka: (magac, lab, keli) in arrini gar tahay ama gar ku dhacday garawsasho. Dh: garaysasho, garaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaysan
habaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax la nadaamiyey noqosho.
habaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la nadaamiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habaysan
habaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax la nadaamiyey noqosho. m.f.dh, habaysmid.
habaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la nadaamiyey ahaansho. m.f.dh, habaysnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habaysan
-aa: (adj) systematically; ordered (oordheridh), arranged (areenjidh), methodical (methodikal) ~ hannaan leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaysan
(tilmaame) wax nidaamsan oo isku hagaagsan. Waxa lagaa rabaa shaqo habaysan. Dh: nidaamsan, hannaansan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakabsad
m.l la-mid: hagabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilkaysad
(Ilkaysad-ka)
Ilkaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilkaysad
m.l la-mid: ilkaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaysad
m.l la-mid: jahaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaraysad
(Jaraysad-ka)
Jaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaraysad
m.l la-mid: jaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaraysad
-ka: (magac, lab, keli) faras iyo wax la mid ah, jare ku xidhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaxaysad
(Kaxaysad-ka)
Kaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaxaysad
m.l la-mid: kaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaxaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax nool ama gaadiid socda la tegid. Dh: kaxaysasho, kaxaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Libaysad
(Libaysad-ka)
Libaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libaysad
m.l la-mid: libaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid lala tartamayay, ka badin; cid kale ka guulaysasho. Dh: adkaad, libaysasho, libaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaysad
m.l la-mid: macaaneysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaysad
-ka: (magac, lab, keli) eeg macaaneysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaysad
m.l la-mid: malaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax soo socda si u filasho oo sawir mala'awaal ah ka sugid. Dh: filasho. Li: quusad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naqaysad
(Naqaysad-ka)
1. Naq yeelasho.
2. Xulasho, doorasho, togasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqaysad
m.l la-mid: naqaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naqaysad
vl. n. getting abundant rain and green grass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqaysad
-ka: (magac, lab, keli) xulashada inta fiican. Naqaysad laguma iibinayo alaabra.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naqaysad
de: getting abundant rain and green grass
lx: naqaysad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: naqaysad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubaysad
-ka: (magac, lab, keli) jidhka maydhasho. Dh: maydhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabaayad
(Sabaayad-da)
Kimis balballaaran oo si gaar ah loo dubo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabaayad
m.dh (-do, m.l) Kimis balballaaran oo si gaar ah looga dubo bur; burkaaki jabbaati.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sabaayad
m.dh (-do, m.l) Kimis balballaaran oo si gaar ah looga dubo bur; burkaaki jabbaati.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabaayad
f. n. fritter, wide flat-bread
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sabaayad
-da: (n) Somali style pancake; thin baked pancake ~ kibis, jabaati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaayad
-da: (magac, dhedig, keli) kimis balballaaran oo si gaar ah loo dubo.