xabeebi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabeebi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid xabeeb u yeelid. 2. Cid xiijin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebi
(fal) aad uga hadalsii ilaa uu xabeebsada: xabeeb u yeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabeebid
m.f.dh eeg xabeeb².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebid
-da: (magac, dhedig, keli) xabeeb yeelasho. Dh: xabeebis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabeebin
m.f.dh eeg xabeebi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale daalin oo aad uga hadalsiin ilaa uu xabeebsanayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xabeebid.
xabeebis-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale xabeebin oo wax xabeeb leh ka dhigid. Dh: xabeebin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg xabeebsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabeeb
(Xabeeb-ta)
Codka dadka oo qeexnaantu ka ba'do ama si fiican u soo bixi waaya, dalqada iyo cunaha oo wax gaareen darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabeeb
xabeeb¹: m.dh (daawo) Codka dadka oo qeexnaantu ka ba'do ama si fiican u soo bixi waaya, dalqada iyo cunaha oo wax gaareen darteed.
xabeeb²: f.mg1 (-bay, -btay) Cod, xabeeb yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xabeeb
m.dh (daaw.) Codka dadka oo qeexnaantu ka ba'do ama si fiican u soo bixi waaya, dalqada iyo cunaha oo wax gaareen darteed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabeeb
f. n., [abstract] hoarseness
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xabeeb
nickname-m hoarseness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabeeb
-ta: (n) low voice; sounding throaty (tharow-ti); husky (has-ki) or hoarse (hoors); cracked voice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xabeeb
magac ama naanays loo bixiyo qof ay xadhkaha codka ee hungurigu wax qabaan oo xabeeb leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeeb
-ta: (magac, dhedig, keli) cillad ku dhacda xadhkaha codka ee dhuunta oo codku uu qeexnaan waayo ama si fiican u soo wada bixi waayo. Durigii ayaa wiilka yar xabeeb ku reebay. Dh: xuuxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabeeb
de: hoarseness
initial: x
lx: xabeeb
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: xabeeb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebo
(fal) xabeeb yeelo. Akhriska Qur'aanka ku xabeebo. Dh: xabeebso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuunxiran
f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Xabeebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabeebid
(Cabeebid-da)
Cabeeb ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabeebid
m.f.dh eeg cabeeb².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabeebid
-da: (magac, dhedig, keli) cabeeb ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebi
f.g2 (-iyay, -isay) Goor galab ah cid haasaawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labeebid
-da: (magac, dhedig, keli) labeeb noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabeebso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax xabeeb yeeshay noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabeebso
inch. v. become hoarse, get a 'frog in one's throat'
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabeebso
-xabeebsaday I xabeebsatay: (v) have a low voice; speak in hushed tones; speak sotto voce (satow-vowji)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebso
(fal) xabeeb yeelo. Akhriska qur'aanka ku xabeebso. Dh: xabeebo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabeebso
de: become hoarse, get a 'frog in one's throat'
initial: x
lx: xabeebso
nt: xabeebsasho (/da) [vn-f]
pd: (xabeebsaday)
ps: v3a=inch
key: xabeebso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeebi
(fal) illaa xeebta ku hagaaji oo agteeda mari. Safarka berriga ha u saarine xeebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabeeb
(Cabeeb-ka)
Cudur dadka afka kaga dhaca siiba carruurta yaryar; afdhalow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabeeb
cabeeb¹: m.l Cudur lo'da iyo carruurta ku dhaca oo nabarro afka ugu yeela, dhareerna ka keena.
cabeeb²: f.mg1 (-bay, -btay) Cabeeb ku dhicid (lo' ama carruur).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabeeb
m.l Cudur lo'da iyo carruurta ku dhaca oo nabarro afka ugu yeela, dhareerna ka keena.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabeeb
m. n. sore lips, thrush
cabeeb v. have sore lips, suffer from thrush
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabeeb
ka: (n) thrush (thuraash); disease that affects the mouth, throat, and tongue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabeeb
(fal) afdhalow ha kugu dhaco.
cabeeb -ka: (magac, lab, keli) cudur dadka afka kaga dhaca siiba caruurta yaryar. Cabeeb ayaa ilmihii yaraa afka kaga dhacay. Dh: afdhalow.
cabeeb -ka: (magac, lab, keli) xanuun lo'da ku dhaca oo dhogortu ka daadato. Neefka dhareer badan baa ka data, cadceedda na uma adkaysan karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabeeb
(Dabeeb-ta)
Hadal la tooxdo; dabuub; dood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeeb
m.dh Hadal dood ah. la-mid: dabuub (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabeeb
m.dh Hadal dood ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabeeb
f. n. argument
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabeeb
-ta: (magac, dhedig, keli) marka aad wax caddaysid ama aad soo bandhigtid. Dabeeb hadalka oo ka gudub ararta dheer. Dh: dabuub, dood, baan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabeeb
de: argument
lx: dabeeb
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: dabeeb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabeeb
-ta: (magac, dhedig, keli) jalbeeb iswaydaarsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labeeb
(Labeeb-ka)
Qof astaamihii laboodka iyo dheddigoodka, labadaba leh; labeebyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labeeb
labeeb¹: m.l (-byo, m.dh) 1. Nafley astaamihii dheddigga iyo labkaba leh. 2. Xayawaan ama geed ubaxley ah oo xubnaha taranka ee dheddigga iyo labkaba leh. la-mid: labeebshe, labeebyo.
labeeb²: f.g1 (-bay, -btay) Nafley labeeb ka yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labeeb
m.l (-byo, m.dh) 1. Nafley astaamihii dheddigga iyo labkaba leh. 2. Xayawaan ama geed ubaxley ah oo xubnaha taranka ee dheddigga iyo labkaba leh. la-mid: labeebshe, labeebyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labeeb
m. n. hermaphrodite, physically bisexual
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labeeb
-ka: (n) bisexual organism; bisexual (baay-sak-shuwal)-, androgyn (an daroo jan)-, hermaphrodite (heer-maafaradoot) ~ labeebshe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labeeb
-ka: (magac, lab, keli) qof ama xayawaan ay astaamihii laboodka iyo kuwii dhedigoodkuba ka wada muuqdaan; qof ama xayawaan aan lab iyo dhedig midna si buuxda u ahayn. Dh: nimownaag, labeebyo, laboodhedig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labeeb
de: hermaphrodite, physically bisexual
lx: labeeb
nt: labeeb (labeebay) [v1=]
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: labeeb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabeeb
-ka: (magac, lab, keli) afbeelidda qolxad ama bir kale oo wax goysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabeed
m.dh (cilmiga naflayda) Walax isjiidanayso oo ay ku dhiijiyaan unugyada “goblet” xuub xabeedka korkiisa si uu u ilaaliyo una subko, iyo si uu u soo dabo bakteeriyada, saxarrada boodhka iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xabeed
m.dh (cilmiga naflayda) Walax isjiidanayso oo ay ku dhiijiyaan unugyada 'goblet' xuub xabeedka korkiisa si uu u ilaaliyo una subko, iyo si uu u soo dabo bakteeriyada, saxarrada boodhka iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeebo
f.mg3 (-btay, -batay) U d.: Cid, hadal u jeedin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabeebo
v. argue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabeebo
(fal) dood badan jeedso. Dabeebo oo ha xanaaqine.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabeebo
de: argue
lx: dabeebo
pd: (dabeebtay)
ps: v3b=
key: dabeebo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeedi
f.mg2 (-iyay, -isay) Isku h.: geel kaadi isku daadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeedi
(fal) kaadi isku saydhi sida geela, sarajoog ku kaadi. Dh: kaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xameeti
-da: (magac, dhedig, keli) dheecaan huruud ah oo beeryartu cuntada ku sii dayso. Dh: beertaxaniin, xaammayti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xareedi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dugaag, shimbiro iyo wixi lamida ciyaaro, ci' ama dhaqdhaqaaq kale oo ay ku muujinayaan barwaaqo samayn. 2. Shimbiro ci' iyo dhaqdhaqaaq la aamminsanyahay in ay ku roobdoonayaan samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xareedi
v. speak rhythmically ~ poetically, modulate, make harmonious
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xareedi
(fal) dacawooy ci'. Sida dacawada u xareedi. Dh: ci'.
xareedi: (fal) baryo ah roobow xareed noo da'. Rooboow nabad, rooboow noo xareedi sidii gugii hore. Li: ajee.
xareedi: (fal) miir oo dhoobada ka reeb. Guntii oo dhoogo leh baa hadhaye inyar nooga xareedi. Dh: miir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xareedi
de: speak rhythmically ~ poetically, modulate, make harmonious
initial: x
lx: xareedi
pd: (xareediyey)
ps: v2a=
key: xareedi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayeesi
(Xayeesi-ga)
Caato; weyd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayeesi
m.l.kh Caato; weyd.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xayeesi
m.l.kh Caato; weyd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xayeesi
m. n., [abstract] thinness, slimness; thin ~ skinny person
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xayeesi
nickname-m thinnes, slimness; thin~ skinny person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xayeesi
-ah: (adj) lean or slender in form: skinny (skini); thin (thin); slim (islim) ~ caato caataysan. Ex: wiil xayeesi ah; a thin boy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayeesi
magac loo baxsho wiil dhuuban ama caato ah.
xayeesi -ga: (magac, lab, keli) caato aan hilib lahayn. Dh: weyd, xayeysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xayeesi
cf: caato, macaluul, weyd
de: thinness, slimness; thin ~ skinny person
initial: x
lx: xayeesi
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs; n2a-m
key: xayeesi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg xabeebsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebin
m.f.dh eeg jalbeebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebsi
m.l la-mid: jalbeebasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarbeebid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sarbeeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabeebsad
m.l la-mid: xabeebsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg xabeebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabeebsan
Xabeebi ku dhacday; xabeeb leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabeebsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax xabeeb yeeshay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xabeebsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax xabeeb yeeshay ahaansho. m.f.dh, xabeebsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabeebsan
der. [adjective] hoarse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabeebsan
-aa / nayd: (adj) throaty (tharow-ti); husky (has-ki); hoarse (hoors); guttural (getaraal) ~ xabeeb leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabeebsan
(tilmaame) xabeeb leh; xabeebi ku dhacday. Isaga oo xabeebsan ayuu heesaayay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabeebsan
de: hoarse
initial: x
lx: xabeebsan
nt: xabeebsan (xabeebsamay) [v1=inch]
pd: (xabeebsanaa)
ps: adj-der
key: xabeebsan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabeeb_1
de: sore lips, thrush
hm: 1
lx: cabeeb
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cabeeb_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabeeb_2
de: have sore lips, suffer from thrush
hm: 2
lx: cabeeb
pd: (cabeebay)
ps: v1=
key: cabeeb_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabeebad
(Dabeebad-ka)
Dabeebasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeebad
m.l la-mid: dabeebasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabeebad
vl. n. arguing, argument
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabeebad
-ka: (magac, lab, keli) dabeebasho samayn; dabuub jeedsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabeebad
a: dabeebasho (/da) [vn-f]
de: arguing, argument
lx: dabeebad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: dabeebad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galbeedi
m.l.kh Wax kastoo galbeed loo nisbeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galbeedi
(fal) dhinaca qorraxda u kac ama aad.
galbeedi: (tilmaame) wax kaste oo jihada galbeedka ka yimaadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeedin
m.f.dh eeg habeedi. la-mid: habeedis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeedin
-ta: (magac, dhedig, keli) geel, habeed isku saydhin ama iska keenid. Dh: kaadin, habeedis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeedis
m.l la-mid: habeedin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeedis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg habeedin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HAMBEEBE
(Hambebe) S Jubae fluvii Chiov. Sapindaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebo
f.mg3 (-btay, -batay) Kaftan iyo sheeko aan turxaan lahayn cid u jeedin. la-mid: jalbeebso.