xabbaday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbaday
(fal) rasaas ku rid oo ku toogo. Dh: xabbadee, rasaasee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabbadayn
(Xabbadayn-ta)
Xabbado la dhicid, ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbadayn
m.f.dh eeg xabbadee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabbadayn
vl. n. shooting, fusillade, strafing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xabbado la dhicid; rasaas ku ridid. Dh: rasaasayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabbadayn
de: shooting, fusillade, strafing
initial: x
lx: xabbadayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: xabbadayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbadays
-ka: (magac, lab, keli) xabbado ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbaday
(fal) sabbad ku shub, dhis, sabbad ka dhig. Sabbaday saqafka agalka. Dh: shub, sagbadee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fusillade
/fiyusilaydh (n) xabbadayn
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gun down
/gan-dhawn/ (v) xabbadayn, toogasho. e.g. The robbers gunned down the villagers.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sparare
v.tr. - toogasho, xabbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) rasaas ku aa'id. Rasaasayn baa libaaxii lagu dilay. Dh: xabbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
risaasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) risaas la dhicid; xabbadayn. Dh: rasaasayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbalday
m.l la-mid: gabbaldaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbalday
-ga: (magac, lab, keli) qorraxdu dhanka ay jirto eegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sabbad ku dhisid, ka dhigid; sabbadays; shubid; sagbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbadays
-ka: (magac, lab, keli) sabbadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaay
m.dh la-mid: abbaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaay
-da: (magac, dhedig, keli) erey gabadha loogu yeedho oo uu macnihiisu yahay; walaaley. Waxa isugu yeedha, kuwa wada dhashay, xigtada iyo inta isjecel. Dh: abbaayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabbad
(Xabbad-da)
1. Saanadda buntukha laga rido middeed; waxay ka kooban tahay fuuq (qashar) baaruudi ku jirto iyo gumuc; rasaas.
2. Cudur dadka ku dhaca; waraabow.
3. Wax keli ah; mid.
4. Iniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbad
m.dh 1. (-do, m.l) Saanadda buntukha laga rido middeed; rasaas. 2. Cudur dadka ku dhaca; waraabow. 3. Wax keli ah; mid. 4. (-do, m.l) Iniin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xabbad
m.dh 1. (-do, m.l) Saanadda buntukha laga rido middeed; rasaas. 2. Cudur dadka ku dhaca; waraabow. 3. Wax keli ah; mid. 4. (-do, m.l) Iniin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabbad
num. piece, one unit (of something); single thing, sole, solo
xabbad [feminine] n. bullet, round of ammunition, cartridge; grain, seed, bead
xabbad [feminine] n., [collective] syphilis
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xabbad
nickname; name-m piece, one unit of something; single, solo, sole; bullet, cartridge; grain, seed, bead; sprinter. Cf: Rasaas
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabbad
-da: (n) [plural xabbado] 1. bullet (bulit); shell (sheet); gunfire (gan-faayar); piece of ammunition ~ rasaas, saanad. 2. single item; one (wan) ~ hal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xabbad
magac loo baxsho wiil loogu magac daray laabta oo ujeedadu na tahay in uu yahay mid laabta laga jecel yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbad
-da: (magac, dhedig, keli) hal keliya; mid aan labo lahayn. Xabbad xabxab ah qaado.
xabbad -da: (magac, dhedig, keli) laf yar col jirta miraha.
xabbad -da: (magac, dhedig, keli) rasaasta lagu dagaallamo ee bunduqyada noocyadooda kala duwan laga rido. Dh: afcas, rasaas. Wa: xabbado.
xabbad -ka: (magac, lab, keli) cudur habdhiska taranka ku dhaca oo galmada laysku qabadsiiyo. Dh: jabti, waraabowi.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xabbad
رَصَاصَة، قَذِيفَةُ الْبُنْدْقِيَّةِ أَو المُسَدَّسِ إِلحَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Babbaay
(Babbaay-ga)
Geed dhulka kulul ka baxa oo yare baarta u eg; baarka sare wuxuu ku lee yahay caleemo balballaaran; wuxuu dhalaa miro waaweyn oo qaraha u eg oo iniino badan oo filfil u eki dhexda uga buuxaan; (ama mafafaay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babbaay
m.l Geed-mirood dheer, lugtool ah oo baarka sare ku leh caleemo balballaaran iyo miro waaweyn, macaan oo leh iniino filfisha u eg; mafafaay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
babbaay
m.l Geed-mirood dheer, lugtool ah oo baarka sare ku leh caleemo balballaaran iyo miro waaweyn, macaan oo leh iniino filfisha u eg; mafafaay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
babbaay
m. n. papaya, pawpaw
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BABBAAY
(Babai) N, S Carica papaya L. Caricaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
babbaay
-ga: (n) papaya (papaaya); papaw also pawpaw ~ mafafaay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babbaay
-ga: (magac, lab, keli) eeg babay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
babbaay
de: papaya, pawpaw
lx: babbaay
pd: (-ga)
ps: n2-m-enum
syn: mafafaay
key: babbaay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabaday
Waa salaaman tihiin (ama tahay); nabadgelyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nabaday
inter. goodbye!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nabaday
(interjection); goodbye (guudhbaay); bye-bye (baay-baay) ~ nabadgalyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaday
(fal) laba dhinac oo colaadi dhextaal heshiisii; nabad ka dhig. Eebboow dhulka noo nabadee. Dh: nabadee.
nabaday: (fal) salaan ugu baydh oo bariidada ka qaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nabaday
a: nabadgelyo
de: goodbye!
lx: nabaday
ps: intj
key: nabaday
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabbaar
(Xabbaar-ta)
(badanaa xoolo) qayb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbaar
xabbaar¹: m.dh.u Qaybinta la qaybiyo xoolo la soo dhacay.
xabbaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Xoolo la soo dhacay qaybin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabbaar
f. n., [collective] share (especially of a flock ~ herd)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbaar
(fal) eeg xabaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabbaar
cf: qayb
de: share (especially of a flock ~ herd)
initial: x
lx: xabbaar
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: xabbaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabhaday
(fal) dagaal ku qaad oo maamul uga hortag si goosgoos ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabalay
-da: (magacwadareed) dad xaaba gurashadu ay meherad u tahay Dh: xaaboolay, xaabaysato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xab adag
m.l (-bab ..., m.l) Walax xab oo kale ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabbad_1
de: piece, one unit (of s.t.); single thing, sole, solo Used as counter for transnumeral nouns
hm: 1
initial: x
lx: xabbad
pd: (-da)
ps: num-f
xe: an orange
xv: xabbo
key: xabbad_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabbad_2
bw: Arabic
de: bullet, round of ammunition, cartridge; grain, seed, bead
hm: 2
initial: x
lx: xabbad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: xabbad_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabbad_3
de: syphilis
hm: 3
initial: x
lx: xabbad
pd: (-da)
ps: n0-f-col
syn: waraabow
key: xabbad_3
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) 1. Cid xabbad ku ridid. 2. Wax hal hal ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xabbadee
f.g2 (-deeyay, -daysay) 1. Cid xabbad ku ridid. 2. Wax hal hal ka dhigid. m.f.dh, xabbadayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabbadee
v. shoot (at), strafe; shoot down
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabbadee
-yey / xabbadeysay: (v) shoot (shuut); shoot by firing a weapon ~ toogo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbadee
(fal) xabbado ku aa'; rasaasee. Dh: xabbaday, rasaasee.
xabbadee: (fal) xabbad xabbad u qaad oo kol ha wada qaadin. Dh: halhalee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabbadee
de: shoot (at), strafe; shoot down
initial: x
lx: xabbadee
pd: (xabbadeeyey)
ps: v2b=tr
key: xabbadee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbadna
(tilmaame) hal qudhana ha ahaatee: mid keliyana ku dhehoo. Dh: halna, midna.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalladay
(fal) macaanee oo wax dadka soo jiita ka dhig. Dh: qurxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarfaday
(fal) si xeelad iyo maskaxi ku jirto ujeeddadaada u gudo. Ragga xarfaday oo bilaa dhibaato iska dhaaf. Dh: xarfadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbaldaye
(Gabbaldaya-ha)
Geed la abuuro oo jaadad badan u kala baxa; wuxuu lee yahay ubax dhexda ku leh gaashi weyn oo ah cawl ama cillaan ama darmad ama madow; gaashida qarkeeda waxaa ku teedsan caleemo ubax oo cillaan ah, gudeheedana waxaa ka buuxa abuur (iniino) faro badan oo saliid la cuno laga liso. Ubuxu hadba docda qorraxdu jirto buu u jeestaa; qorraxday; (ama gabbalday).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaldaye
m.l Geed-gaab la beero oo leh caleemo balballaaran iyo ubax wareegsan oo hurud ah oo hadba meesha qorraxdu ka jirto u jeesta oo laga miiro mirihiisa saliid. la-mid: gabbalday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabbaldaye
m.l Geed-gaab la beero oo leh caleemo balballaaran iyo ubax wareegsan oo hurud ah oo hadba meesha qorraxdu ka jirto u jeesta oo laga miiro mirihiisa saliid. la-mid: gabbalday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbaldaye
m. n. sunflower
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabbaldaye
-gabbaldayaha: (n) sunflower (saan falaawer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbaldaye
-ha: (magac, lab, keli) geedcaleemeed la beero oo xilliroobaadka oo baxsha midho saliid laga shiido. Waxa kale oo uu caan ku yahay ubax ballaadhan oo kolba dhanka qorraxdu ka xigto u jeesta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbaldaye
de: sunflower
lx: gabbaldaye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gabbaldaye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shabbadayn
(Shabbadayn-ta)
Shabbad ku dhufasho, la dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbadayn
m.dh la-mid: shaabbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shabbad ku dhufasho; tiimbarayn; shaabbadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbadays
m.l la-mid: shaabbadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbadqaad
m.l 1. Hab loo falkiyo dermooyinka kabahooda casaan ku jiro. 2. Bilawga shax ciyaaridda marka la rabo in la guuro hogta la qaado si loo helo jid. 3. (-dyo, m.dh) buntukh hal xabbad kaliya qaada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbadqaad
-ka: (magac, lab, keli) qori hal rasaas ah qaada. Halluhu wuxu ahaa bunduq xabadgaad u dhaca. Dh: halqaad.
xabbadqaad -ka: (magac, lab, keli) wax kasta o hal shay ama xabbad qudh ah wax ka badan aan qaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabbacay
(fal) geel, dhereg aawadii la orod oo cagaha dhulka la dhac. Geel baa ku baabbaceeyey adhi. Dh: baabbacee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabbahay
(fal) wax aan gudihisa wax ku jirin ka dhig: eber ka dhig. Dh: baabbahee, madhi, faaruqi, dhammee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbadayn
m.f.dh eeg darbadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyaha lagu dabbaalanayo inta hoos loo galo, labada lugood la soo kor mariyo oo lagu dhufdhufto biyaha. Dh: shaambadayn.
darbadayn-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka badin.
darbadayn-ta: (magac, dhedig, keli) kubbad si fiican u laagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel godan, kaabad u samayn; buundo u samayn oo dhisid.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xabbad-da
cartouche.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) macaanayn oo wax dadka soo jiita ka dhigid. Dh: xalladays, qurxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalladays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xalladayn. xalladee: (fal) xallad u yeel oo wax dadka soo jiita ka dhig. Dh: qurxi, xalladay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbadane
-ha: (magac, lab, keli) qof dadka aad u xanta. Dh: xandaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarfadayn
m.f.dh eeg xarfadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarfadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si xariifnimo ah ula ciyaarid. Cali xarfadaynta aad buu u yagaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarfadays
-ta: (magac, dhedig, keli) xeelad iyo xarfad adeegsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaraday
(fal) cid kale xasarad kula kac. Aaddaday baa isoo yidhi: dadka wada xasaraday, ka ku dilaa dad kuma jiro, kaad dishaana dayid ma leh. Dh: xasaradee, alyadee, maag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) maarayn iyo maamul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbaaxaday
(fal) sabbaaxad ku leged, ku dhufo. Ninku wuu sabbaaxadeeyey si kale ii ma legdeene.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaabbadayn
m.f.dh eeg shaabbadee. la-mid: shaabbadays, shabbadayn, shabbadays, shabbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaabbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaabbad ku dhufasho; shabbadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaabbadays
m.l la-mid: shaabbadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbadayso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: shaabbadayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbasowdaa
-da: (magac, dhedig, keli) iniinyo yaryar oo madmadaw oo xulbadda legle'eg oo iyaga ama saliiddooda daawo ahaan loo isticmaalo. Dh: xabasuud, xamasuud, xabaasuud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baday
-ga: (magac, lab, keli) huudhiga yar looxa lagu wado. Badaygii badduu ku dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabad
(Xabad-ka)
Laab; gaaddo; shaf; (ama xabud).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabad
m.l Laab; gaaddo; shaf.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xabad
m.l Laab; gaaddo; shaf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabad
m. n. chest, breast; fat from the flank
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabad
-ka: (n) chest (fast); breast (bareest) ~ laab, shaf