xabawaris
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabawaris
m.l la-mid: xabawarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabawaris
-ta: (magac, dhedig, keli) naq roobaad la doonasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabawari
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo iyadoo aan la nasin socod dheer oo aan kalago' lahayn wadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabawari
v. drive one's herd ~ flock to new grass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabawari
(fal) rar oo nag la doono. Aaranka xabawari. Dh: naq gee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabawari
de: drive one's herd ~ flock to new grass
initial: x
lx: xabawari
pd: (xabawariyey)
ps: v2a=tr
key: xabawari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabawarin
(Xabawarin-ta)
Xabawar geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabawarin
m.f.dh eeg xabawari. la-mid: xabawaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabawarin
-ta: (magac, dhedig keli) rarid oo naq la doonasho. Dh: rarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabawaaris
m.dh la-mid: kabawaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabawar
(Xabawar-ka)
Xoolo cidda laga wado oo meel naq leh la geeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabawar
m.l.kh Xoolo cidda laga wada oo meel naq leh la geeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabawar
m. n., [collective] herd ~ flock being driven to new grass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabawar
(tilmaame) qarbaqarbo iyo habacsanaan loo guuro.
xabawar-ka: (magac, lab, keli) naq la doonashada xoolaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabawar
de: herd ~ flock being driven to new grass
initial: x
lx: xabawar
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: xabawar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, Ilaahay wax xun uga baryid. Dh: habaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraaris
-ta: (magac, dhedig; keli) eeg xaraarin.
xaraaris-ta: (magac, dhedig, keli) wax caleen ku sumoobay noqosho. Dh: xadhaadhis, xadhaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xambaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) dusha ku qaadid; dhabarka saard.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanbaaris
(Xanbaaris-ta)
Xanbaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbararis
-ta: (magac, dhedig, keli) barbararitaan yeelasho. Barbararista boogta biyahaa ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabawaarid
m.f.dh eeg kabawaar². la-mid: kabawaar¹, kabawaaris, kawaweer¹, kawaweerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabawaarin
m.f.dh eeg kabawaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tababbaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tababbarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaari
v. afflict with drought
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaari
de: afflict with drought
lx: abaari
pd: (abaariyey)
ps: v2a=
key: abaari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaris
(Baaris-ta)
Baaritaan; baarandeg; baarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaris
baaris¹: m.l Neef irmaan oo candhadiisa ayan caano ka muuqan.
baaris²: m.l la-mid: baariyid.
baaris³: m.dh la-mid: baarid².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaris
m.dh eeg baar³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaris
vl. n. research, investigation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaris
-ta: (n) 1. research (ri-seerj); inspection (inis pek shan); screen (iskiriin); 2. checkup (jeek ap). Ex: baaris caafimaad; medical checkup [general physical examination]
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Baaris
Analisi; ricerca
Analysis; research
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaris
-ta: (magac, dhedig, keli) wax magan raadin. Dh: baadhis.
baaris -ta: (magac, dhedig, keli) tijaabista la hubiyo wax in uu hirgelayo iyo inkale. Dh: tijaabis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaris
a: baaraan, baarid, baaritaan
de: research, investigation
lx: baaris
pd: (-ta)
ps: vn1-f, vn2-f
key: baaris
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xaaris
name-m protector, watchman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaawis
-ta: (magac, dhedig, keli) socod dheer oon nasasho lahayn socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aayarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabis
m.dh la-mid: Abaabid; ababid. la-mid: ababis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) neef ama ilmo dhowaandhalad ah, sida wax loo cuno baris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg abaadid. abaaditaan -ka: (magac, lab, keli) waaritaan ama raagid. Dh: abaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaahis
m.l la-mid: abaahiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaahis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhoodidda awrka ee hasha uu u tego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) deegaan, xaaluf iyo oomane ka yeelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararis
m.l Ciir in caano dhay ah lagu daray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bararid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaris
-ta: (magac, dhedig, keli) shismaha la dhiso doonta. Dawarista doontu waqti bay qaadan doontaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabawar
-ka: (magac, lab, keli) u garaabid la'aan; garowshiiyo la'aan. Ma dhab ayay sidani ka tahay mise waa gabawar. Dh: carigsi. Li: garowshiiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof buka ama dhaawac ah baanin. 2. la-mid: kharaari. Wax qaraar ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaraari
v. make bitter ~ sour
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraari
(fal) khadhaadh ka dhig. Bunka adkee oo xaraari. Dh: qadhaadhee.
xaraari: (fal) wax sumaysan dawo sunta ka fadhaxda sii. Dh: balalatir, xadhaadhi.
xaraari: (fal) cunto lagu xadhaadho sii oo wax balalooday ka dhig. Dh: xadhaadhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaraari
a: kharaari
de: make bitter ~ sour
initial: x
lx: xaraari
pd: (xaraariyey)
ps: v2a=tr
key: xaraari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abataqis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg abataqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) beegsashada meel ama yool cayiman. Dh: abbaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abraaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg abraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraaris
m.dh la-mid: baraarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaris
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqo iyo dhereg. Dh: badhaadhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cabaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaaris
m.l la-mid: cagaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaaris
-ka: (magac, lab, keli) haan, burcad ka keenid; burcad ka bixin; cagaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ku dahaarid. Dh: dahaadhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaabis
m.l la-mid: habaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) jidkii toosnaa ka leexad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaarid
(Habaarid-da)
Qof, kd., wax xun ugu duceyn; inkaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarid
m.f.dh eeg habaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax xun iyo dhib Alle uga baryid. Habaaridda laguma degdego. Li: ducayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaaris
m.l la-mid: karaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaalis
-ka: (magac, lab, keli) eeg sabaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaadis
-ka: (magac, lab, keli) neef dhedig oo xilliguu rimi lahaa dhaafay ama rimi waayey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warwaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg warwarid. warwarrood: geed ay laamihiisu dhuudhdhuuban yihiin oo samayooyin laga dhigto oo leh qodxaan soo qarqarroofan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadiris
m.l la-mid: xaadirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadiris
-ta: (magac, dhedig, keli) xaadir ahaan; u joogid. Dh: xaadirid.
xaadiris -ka: (magac, lab, keli) yeedhin oo mid mid inuu joogo u hubin. Dh: yeedhin, xaadirin.
xaadiris-ka: (magac, lab, keli) u yeedhid oo goobta soo joojin. Dh: keenid.
xaadiris-ta: (magac, dhedig, keli) meel imasho oo goob joog ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabaalid
(Xabaalid-da)
Dhulka god uga qodid oo ku qarin; ciid ku rogid; aasid; duugid; asaruurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalid
m.f.dh eeg xabaal³. la-mid: xabaal¹, xawaal¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabaalid
-da: (n) burying (beer-ing); interring (in-teer-ing); the act of burying ~ meyd aasid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalid
-da: (magac, dhedig, keli) qabri ku aasid; meel god ah ku duugid. Xabaalidda dadku waa fardulkifaaya. Dh: aasid, duugid, asaruurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbajis
m.l la-mid: xabbajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaafis
m.l la-mid: xagaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaalis
m.l la-mid: xagaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xakaarid
m.f.dh eeg xakaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xakaarid
-da: (magac, dhedig, keli) kaydin oo xilli loo baahdo qiimo qaali ah ku iibin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xamaalis
Transport
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamaarid
m.f.dh eeg xamaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xambaari
v. carry on one's back; carry something while holding it; uphold
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xambaari
(fal) dhabarka u saar oo u xambaarsii. Xaabada ii xambaari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xambaari
a: xambaar ~ xanbaar
de: carry on one's back; carry s.t. while holding it; uphold
initial: x
lx: xambaari
pd: (xambaariyey)
ps: v2a=tr
key: xambaari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaajis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xanaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraarid
m.f.dh eeg xarąar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraarid
-da: (magac, dhedig, keli) shaah, bun, Jaad, sigaar iyo wax la mid ah u baahasho oo caajis iyo hamaahsi badan yeelasho. Dh: hamuumid.
xaraarid -da: (magac, dhedig, keli) wax xadhaadhay oo balalooday noqosho. Dh: xadhaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaraarin
(Xaraarin-ta)
Xaraar ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraarin
m.dh eeg xaraari. la-mid: kharaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto uu ku xadhaadho siin. Dh: xadhaadhin.
xaraarin -ta: (magac, dhedig, keli) khadhaadh ka dhigid. Dh: xaraaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaadis
-ka: (magac, lab, keli) geed dharkaynka oo kale ah oo caano leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaajis
-ta: (magac, dhedig, keli) xasaajin; xasilin. xasaanad -da: (magac, dhedig, keli) xuquuq gaar ahaaneed oo la siiyo qof masuul sare ah si aar xadgudub loogu geysan isaga iyo hantidiisaba. Xildhibaanku wuxu leeyahay xasaanad oo lama xidhi karo. Dh: xaqdhawr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbaaris
m.dh la-mid: barbaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) gaashaanqaad noqod. Dh: hanaqaadis, koris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabakarid
m.f.dh eeg dabakar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqaris
m.l Cabbir da'mada roobka lagu cabbiro oo rays-qotonku faraha dhexdooda le'egyahay. la-mid: faraqarrar¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaaris
m.l la-mid: haybaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabawaari
f.g2 (-iyay, -isay) Roob da'aya joojin (Ilaah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaqaris
m.l M. ah: biyo meel fadhiya oo aan jilibka soo gaarin.