xabaaloquf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaaloquf
-ka: (magac, lab, kelii) xabaalaha oo dib loo faqo wixii ku jirayna laga saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabaalaquf
(Xabaalaquf-ta)
Qarandi; saddex-suulley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalaquf
m.dh Qarandi; saddexsuulley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabaalaquf
f. n., [compound] African anteater species, aardvark
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabaalaquf
-ta: (n) aardvark (aad-vaak) ~ qarandi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalaquf
-ka: (magac, lab, keli) xabaalaha @) loo fago wixii ku jirayna laga saaro.
xabaalaquf -ta: (magac, dhedig, keli) xayawar dugaagga ka mid ah oo dacawada ka weyn waabahana ka yar oo godadka qodda beeraha cunta. Dh: kobdarro, saddexsuulley, qarandi.
xabaalaquf -ta: (magac, dhedig, keli) xayawaan dugaagga ka mid ah oo dacawada ka weyn waraabahana ka yar oo godadka qodda beerahana cunta. Dh: kobdarro, saddexsuulley, qarandi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabaalaquf
de: African anteater sp., aardvark Lit: emptier of graves
initial: x
lx: xabaalaquf
pd: (-ta)
ps: n-f-cmp
syn: qarandi, saddexsuulley
key: xabaalaquf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalo
xabaalo¹: m.l 1. Qubuuro. 2. eeg xabaal².
xabaalo²; f.g3 (-aashay, -aalatay) Wax dhulka ku aasasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xabaalo
xabaalo¹: m.l Qubuuro.
xabaalo²: f.g3 (-aashay, -aalatay) Wax dhulka ku aasasho. m.f.dh, xabaalasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabaalo
-xabaalaha: (n) graveyard (gareeyv-yaadh) cemetery (sama-tari) ~ qabuuro, qubuuro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalo
(fal) dhulka ku aaso oo ciidda hoosteeda gasho. Haddaad hadhuudhka joonyado u wedo bohol ku xabaalo. Dh: aaso, duugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalaqode
m.l (-dayaal, m.l/dh) Nin dadka dhinta qabriyada u qoda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabaalaqode
m. n., [compound] grave-digger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabaalaqode
-xabaalaqodaha: (n) gravedigger (gareeyv-dhi-ger); mortician (moor-ti-shin); undertaker (andhar-taay-kar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalaqode
-ha: (magac, lab, keli) qof xaba qoda; qof qabriyada qoda oo laga iibsado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabaalaqode
de: grave-digger
initial: x
lx: xabaalaqode
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: xabaalaqode
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalnolol
-ka: (magac, lab, keli) noolaha oo isaga oo weli nafi ku jirto god lagu aaso. Xabaalnololku waa labagoor dil. Dh: nololxabaal, nolol-aas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaalo
f.mg3 (-aashay, -aalatay) Dabaal samayn. la-mid: dabbaalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabaalo
f.mg3 (-aashay, -aalatay) Dabaal samayn. m.f.dh, dabaalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaalo
v. swim
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabaalo
-dabaashay / dabaalatay: (v) swim (iswim). Ex: ma dabaalan taqaan? can you swim?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaalo
(fal) biyaha dul sabbee adoon dhulka taabanayn waxna fuushanayn. Kaalay badda dabaalo. Dh: dabbaalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaalo
de: swim
lx: dabaalo
pd: (dabaashay)
ps: v3b=
key: dabaalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaalo
-da: (magac, dhedig, keli) sasabaad; sabaalayn.
sabaalo -ha: (magac, lab, keli) wax sabid, wax sasabid ku wadid. Sabaalo ku wad carruurta oo ha dilin. Dh: sasabo, sasabaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabaalo
(Tabaala-ha)
(weligeed: koox) waayaha adduunka; sah; xaal; waxtabasho; dhibo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaalo
m.dh 1. Dhib waxtabasho. 2. Waayaha adduunka; sah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tabaalo
m.dh 1. Dhib waxtabasho. 2. Waayaha adduunka; sah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabaalo
m. n. trouble; financial difficulty; physical weakness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tabaalo
-tabaalaha: (n) destitution (des-ta-tuushin); poverty (pover-ti); bad times; misfortune (mis-foor-jin); adversity (adh-veersiti); difficulty (difi-kalti) ~ dhibaato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaalo
-da: (magac, dhedig, keli) dhib iyo kadeed laga dhaxlo duruuf nololeed oo adkaata; waayaha adduunka. Tabaalaha adduunku yaanu mabda'aaga tirtirin. Dh: sah, xaal. Li: badhaadhe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabaalo
de: trouble; financial difficulty; physical weakness
initial: t
lx: tabaalo
pd: (/ha ~ /da)
ps: n6-m/f
key: tabaalo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaalgud
(Abaalgud-ka)
Wanaag iyo samafal laysu galay oo wanaag kale lagu gudo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaalgud
abaalgud¹: m.l (-dyo, m.dh) 1. Wax qiimo leh oo la siiyo qof hawl dheeraad ah qabtay; abaalmarin. 2. la-mid: abaalgudid.
abaalgud²: f.mg1 (-day, -dday) U a.: abaal la isu galay mid la mid ah ku beddelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaalgud
abaalgud¹: m.l (-dyo, m.dh) 1. Wax qiimo leh oo la siiyo qof hawl dheeraad ah qabtay; abaalmarin. 2. la-mid: abaalgudid.
abaalgud²: f.mg1 (-day, -dday) U a.: abaal la isu galay mid la mid ah ku beddelid. m.f.dh, abaalgudid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaalgud
v., [compound] return a favor, repay a kindness
abaalgud vl. n., [compound] recompense, reward, bonus
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaalgud
-ka: (n) reward (ri-woordh); bonus (boo nes); award (a-woordh) ~ abaalmarin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Abaalgud
Ricompensa
Reward
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalgud
(fal) «u ~» cid wanaag kuu samaysay u abaalceli. U abaalgud cid walba oo wanaag kuu yeelatay, haddii ad weydo wax aad ugu abaalguddo u ducee. Dh: abaalmari.
abaalgud -ka: (magac, lab, keli) mooro ama martabo la guddoonsiiyo qof ama koox waxtar la qaayibay soo hoysay. Madaxweynuhu abaalgud qaali ah ayuu sannadkan hormuudka jaamicadda siiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaalow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cid tabaale ku dhacay noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabaalow
inch. v. find oneself in financial difficulties; be ~ get physically exhausted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaalow
(fal) qof tabaalaysan ahaw.
tabaalow -ga: (magac, lab, keli) dhib iyo kadeed laga dhaxlo duruuf nololeed, qabitaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabaalow
a: tabaaloob
de: find oneself in financial difficulties; be ~ get physically exhausted
initial: t
lx: tabaalow
pd: (tabaaloobay)
ps: v1=inch
key: tabaalow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taqaaquf
-ka: (magac, lab, keli) tiif iyo diihaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabaal_1
cf: iil, loxod, magguur, qabri
de: tomb, grave, cemetery
hm: 1
initial: x
lx: xabaal
pd: (/sha)
ps: n1-f
key: xabaal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabaal_2
de: bury (a person), inter; dig a grave
hm: 2
initial: x
lx: xabaal
pd: (xabaalay)
ps: v1=tr
key: xabaal_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la xabaalay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xabaalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la xabaalay ahaansho. m.f.dh, xabaalnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabaalan
der. [adjective] buried, interred
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabaalan
-xabaalnaa / xabaalneyd: (adj) buried (bee-ridh) underground; interred
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalan
(tilmaame) xabaal ku duugan, qabri ku aasan. Qof xabaalan sidii qof nool ayaa loo xushmeeyaa. Dh: aasan, duugan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabaalan
de: buried, interred
initial: x
lx: xabaalan
pd: (xabaalnaa)
ps: adj-der
key: xabaalan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabaalid
(Xabaalid-da)
Dhulka god uga qodid oo ku qarin; ciid ku rogid; aasid; duugid; asaruurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalid
m.f.dh eeg xabaal³. la-mid: xabaal¹, xawaal¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabaalid
-da: (n) burying (beer-ing); interring (in-teer-ing); the act of burying ~ meyd aasid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalid
-da: (magac, dhedig, keli) qabri ku aasid; meel god ah ku duugid. Xabaalidda dadku waa fardulkifaaya. Dh: aasid, duugid, asaruurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taallaquf
f.g1 (-fay, -ftay) Raaf dhul ku xoqid si uu u guulo dibi kale (dibi).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalato
-da: (magac, dhedig keli) dadka xabaalaha ka shaqeeya ee qoda. Dh: xafaarato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaasuud
-da: (magac, dhedig, keli) iniinyo yaryar oo madmadaw oo iyaga ama saliiddooda daawo ahaan loo isticmaalo Nebiguna dawo ku sheegay. Dh: xabasuud, xamasuud, xabbasowdaa.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Tabaalo-da
fatigue.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Xabaala-ha
cimetière.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalasho
m.f.dh eeg xabaalo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalfure
m.l Dugaagga intooda xabaalaha qodda oo meydka la soo baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalnaan
m.f.dh eeg xabaalan. la-mid: xabaalnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax god ku jira oo la aasay ahaan; dhulka hoostiisa ku aasnaan. Dh: aasnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalxalluuf
(fal) si foolxun oo qaab daran wax u qor, si aan dheelli tirnayn wax ad qorayso kolba qolof uga qaad. Geedka qolofta sare ka xalxalluuf.
xalxalluuf -ka: (magac, lab, keli) qorid aan habaysnayn oo kolba qor iyo kolba qolof weyn laga xalluufo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalmaguur
-ta: (magac, dhedig, keli) xabaal waqtiyo hore lagu aasay dad ama qalabkoodii ay isticmaali jireen oo dhagax badan iyo ciidwey leh. Dh: xabaalmaguurto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalnololi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid nool aasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabaalnololi
v., [compound] bury someone alive
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabaalnololi
de: bury s.o. alive
initial: x
lx: xabaalnololi
pd: (xabaalnololiyey)
ps: v2a=cmp
key: xabaalnololi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalaquud
-da: (magac, dhedig, keli) dadka gala hayjadaha iyo reeraha magaalada weyn ku dhaw ee dhaqaalohooda iyo noloshooduba ku xidhan tahay. Dh: baal'agar, jilbalaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaaloobid
m.f.dh eeg tabaalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof tabaalaysan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel god ah wax ku aasitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xafaalootan
(fal) kaftan oo dad kale la xifaaltan. Saaxiibbadaa la xafaalootan oo ha xanaaqin. Dh: xifaaltan.
xafaalootan -ka: (magac, lab, keli) xifaaltan is weydaarsasho oo isla kaftamid. Dh: xafaalootamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalaalquute
m.l (-tayaal, m.l/dh) 1. Nin hanti xalaal ah ku nool. 2. Nin dhawrsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xalaalquute
m.l (-tayaal, m.l/dh) 1. Nin hanti xalaal ah ku nool. 2. Nin dhawrsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalquute
-ha: (magac, lab, keli) qof xalaal inuu cuno ku dadaala oo xaaraanta iska ilaaliya. Dh: xalaalmiirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalnololin
m.f.dh eeg xabaalnololi.