xabaalnololi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalnololi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid nool aasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabaalnololi
v., [compound] bury someone alive
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabaalnololi
de: bury s.o. alive
initial: x
lx: xabaalnololi
pd: (xabaalnololiyey)
ps: v2a=cmp
key: xabaalnololi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalnololin
m.f.dh eeg xabaalnololi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalnolol
-ka: (magac, lab, keli) noolaha oo isaga oo weli nafi ku jirto god lagu aaso. Xabaalnololku waa labagoor dil. Dh: nololxabaal, nolol-aas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaalceli
f.mg2 (-iyay, -isay) U a.: abaal la isu galay gudid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaalceli
v. reward, return a favor ~ kindness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalceli
(fal) cid wanaag kuu samaysay, same ugu gud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaalceli
de: reward, return a favor ~ kindness
lx: abaalceli
pd: (abaalceliyey)
ps: v2a=
key: abaalceli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaanfooli
-ga: (magac, lab, keli) qof faan iyo is qadqaad badan. Dh: faantaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalato
-da: (magac, dhedig keli) dadka xabaalaha ka shaqeeya ee qoda. Dh: xafaarato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baatooloji
m.l (daawo) Qayb ka mid ah cilmiga daawada oo ku shuqul leh cudurrada, waxyaabaha sababa iyo dhibaatada ay gaadhsiiyaan jidhka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baatooloji
m.l (daaw.) Qayb ka mid ah cilmiga daawada oo ku shuqul leh cudurrada, waxyaabaha sababa iyo dhibaatada ay gaadhsiiyaan jidhka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaaljoog
(Dabaaljoog-ga)
Biyaha dhexdooda istaag, iyadoo aan cagaha dhulka lagu hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaaljoog
m.l Nooc dabaasha ka mid ah oo qofka dabaalanaya la moodo inuu taaganyahay. la-mid: dabaajoogle, dabaaljoogto, dabbaaljoog.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaaljoog
v., [compound] tread water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaaljoog
-ta: (magac, dhedig, keli) dabbaal aan la socon dhulkana la taabanayn oo biyah la iska dul sabbeeyo iyadoo la moodo inuu qofku dhulka ku joogo. Dh: dabbaaljoog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaaljoog
de: tread water
lx: dabaaljoog
pd: (dabaaljoogay)
ps: v1=cmp
key: dabaaljoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldalooli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax daloollo badan yeelid. la-mid: dulduleeli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daldalooli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax daloollo badan yeelid. m.f.dh, daldaloolin. la-mid: dulduleeli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daldalooli
v. pierce repeatedly; make holes in
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daldalooli
-yey / say: (v) make holes in; pierce (piirs); perforate (peer-fa-reeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalooli
(fal) meelo badan ka banbannee oo daloollo badan u yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daldalooli
de: pierce repeatedly; make holes in
lx: daldalooli
pd: (daldalooliyey)
ps: v2a=pl
key: daldalooli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalasho
m.f.dh eeg xabaalo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalnaan
m.f.dh eeg xabaalan. la-mid: xabaalnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax god ku jira oo la aasay ahaan; dhulka hoostiisa ku aasnaan. Dh: aasnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaaloquf
-ka: (magac, lab, kelii) xabaalaha oo dib loo faqo wixii ku jirayna laga saaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) xamaal tunka wax ku qaada ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaldooris
m.l Samafal la isu galay oo xummaan lagu beddelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaldooris
-ka: (magac, lab, keli) inkiraadda wanaag la taray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaaljooji
f.g2 (-iyay, -isay) Dirir joojin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dagaaljooji
f.g2 (-iyay, -isay) Dirir joojin. m.f.dh, dagaaljoojin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dagaaljooji
v., [compound] cease fighting; make someone stop fighting, cause to abandon a struggle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaaljooji
(fal) dagaal soo afjar oo xabbadjoojin iyo heshiis samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dagaaljooji
de: cease fighting; make s.o. stop fighting, cause to abandon a struggle
lx: dagaaljooji
pd: (dagaaljoojiyey)
ps: v2a=cmp
key: dagaaljooji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaaloobid
m.f.dh eeg tabaalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof tabaalaysan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalaqode
m.l (-dayaal, m.l/dh) Nin dadka dhinta qabriyada u qoda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabaalaqode
m. n., [compound] grave-digger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xabaalaqode
-xabaalaqodaha: (n) gravedigger (gareeyv-dhi-ger); mortician (moor-ti-shin); undertaker (andhar-taay-kar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalaqode
-ha: (magac, lab, keli) qof xaba qoda; qof qabriyada qoda oo laga iibsado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabaalaqode
de: grave-digger
initial: x
lx: xabaalaqode
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: xabaalaqode
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalentoloji
m.l (taar.) Barashada noolayaashii dabar go'ay, dhismahooda, degaankooda, tadawurkooda iyo filiqsanaantooda, sida ay muujnayaan hadhaaga raadkoodu.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baalentoloji
m.l (taar.) Barashada noolayaashii dabar go'ay, dhismahooda, degaankooda, tadawurkooda iyo filiqsanaantooda, sida ay muujnayaan hadhaaga raadkoodu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaaljoogle
(Dabaaljoogla-ha)
Iyadoo la dabaalana hayo oo layska dhigo sidii qof taagan: istaagid aan cagaha dhulka lagu hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaaljoogle
m.l la-mid: dabaaljoog.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaaljoogle
m. n., [compound] treading in water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaaljoogle
-ha: (magac, lab, keli) eeg dabaaljoog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaaljoogle
de: treading in water
lx: dabaaljoogle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: dabaaljoogle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabaal joogle
-ha: (n) breaststroke (bareesti-istarook)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaaljooglee
f.mg2 (-leeyey, -leysay) Dabaaljoogle samayn. la-mid: dabaaljoogtee, dabbaaljooglee, dabbaaljoogtee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaaljooglee
v. stand up ~ erect in the water; tread water
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabaaljooglee
-yey / dabaaljoogleysay: (v) make breaststroke
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaaljooglee
(fal) dabaaljoog ciyaar oo adoo jooga badda dul sabbee. Dabaaljoogee si aanad u daalin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaaljooglee
de: stand up ~ erect in the water; tread water; splash about
lx: dabaaljooglee
pd: (dabaaljoogleeyey)
ps: v2b= intr
key: dabaaljooglee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaaljoogle
m.l la-mid: dabaaljoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaaljoogle
-ha: (magac, lab, keli) eeg dabbaljoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labacaloolyaa
(Labacaloolyaa-ga)
Geed-nagaar aan qodax lahayn, oo badanaa xooluhu ayan daaqin, hadday daaqaanse ay ku bukoodaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labacaloolyaa
m.l Geedgaab aan qodax lahayn oo marka ay xooluhu daaqaan ku jirradaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labacaloolyaa
m. n., [collective] plant species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labacaloolyaa
-ga: (magac, lab, keli) geed nagaadh ah oo aan qodax lahayn oo hadday xooluhu daaqaan ay badanaa ku bukoodaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labacaloolyaa
de: plant sp. (makes livestock sick if they graze on it)
lx: labacaloolyaa
pd: (-ga)
ps: n-m-col
key: labacaloolyaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalbilaash
m.dh Iilka maahane xabaasha inteeda kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalbilaash
-ta: (magac, dhedig, keli) bora ay bahaluhu qotaan. Xabaalbilaash ayuuj Dh: god.
xabaalbilaash-ta: (magac, dhedig, keli) xabaasha inta aan iilka ahayn ee hoos loo qodo. Dh: xabaal-faras.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalnaansho
m.l/dh la-mid: xabaalnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax meel ku aasan ama lagu aasay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xafaalootamid
-da: (magac, dhedig, keli) xifaaltan is weydaarsasho oo isla kaftamid. Dh: isxifaalayn, xifaaltamid.