xaawilid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaawilid
-da: (magac, dhedig, keli) isku dayid; isku tijaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawilid
m.f.dh la-mid: awaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawilid
-da: (magac, dhedig, keli) saadaasha iyo ifafaalaha wax soo socda ka warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawilid
m.f.dh eeg xawil. la-mid: xawilad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naawilid
(Naawilid-da)
Filid; malayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naawilid
m.f.dh eeg naawil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naawilid
-da: (magac, dhedig, keli) wanaag soo socda filid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taawilid
m.dh la-mid: taawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taawilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax filasho. Dh: rajayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaawilaad
-da: (magac, dhedig keli) cid kale u gudbin. Dh: isdhaafis.
xaawilaad -da: (magac, dhedig, keli) hab lacagaha iyo alaabaha qiimaha leh la iskugu xawilo. Dh: xawilaad.
xaawilaad -da: (magac, dhedig, keli) isku day wax kol lagu fashilmay mar kale la isku dayo. Dh: tijaabin. Li: quusad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaalid
(Xaalid-da)
Xaal isu sheegasho; xaajeysasho; garramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalid
m.f.dh eeg xaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid laga gar daran yahay xaal siin; cid lagu gefey maydhid. Dh: xaalis, maydhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaawil
(fal) wax inaad karto iyo in kale isku day. Xaawil inaad su'aasha ka jawaabto. Dh: tijaabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la waayay, beddelkiisii keenid ama siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaaniid
m. n., [collective] preserved fish ~ meat
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaaniid
de: preserved fish ~ meat
initial: x
lx: xaaniid
pd: (-ka)
ps: n-m-col
see: xaniid
key: xaaniid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamilid
-da: (magac, dhedig, keli) adkaysi oo dulqaad yeelasho; dul u yeelasho. Dh: xamilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasilid
(Xasilid-da)
Si xasil ah, ku sugnaan; joogsasho; degid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasilid
m.f.dh eeg xasil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasilid
-da: (magac, dhedig, keli) si xasillooni ah ku sugnaan; aguug iyo xuuraan la'aan ku joogid. Dh: degid.
xasilid-da: (magac, dhedig, keli) dagaal iyo iska hor imaad joojin oo qaboojin. Dh: degid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawilad
m.dh la-mid: xawilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawimid
m.dh la-mid: caawinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawimid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmayn iyo gargaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawinid
m.f.dh eeg caawin². la-mid: caawimid, cawimid, cawinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawinid
-da: (magac, dhedig, keli) u gargaarid; kaalmayn; taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawiyid
m.f.dh eeg caawi. la-mid: caawin, caawis, cawin¹, cawis, cawiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawiyid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid; kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaamilid
m.f.dh eeg kaamil². la-mid: kammilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaamilid
-da: (magac, dhedig, keli) dhammaystirid. Dh: ebyid, dhammayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabilid
-da: (magac, dhedig, keli) cid ka hor imansho oo soo dhoweyn.
qaabilid -da: (magac, dhedig, keli) ka hor tegid oo soo dhawayn. Dh: tarxiibin.
qaabilid-da: (magac, dhedig, keli) ku toosni oo ku aaddani. Qaabilidda uu albaabku dariiqa uu qaabilsan yahay carruurta waa u halis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raawisid
(Raawisid-da)
(doon, markab) majare ku wadid, ku toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raawisid
m.f.dh eeg raawis³. ld. raawis¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raawisid
-da: (magac, dhedig, keli) doon ama mar kab majare toosan ku wadid oo ku toosin.
raawisid -da: (magac, dhedig, keli) saawir afdaran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabilid
m.f.dh eeg saabil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadirid
m.f.dh eeg xaadir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadirid
-da: (magac, dhedig, keli) xaadir ahaan; u joogid. Dh: xaadiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasidid
-da: (magac, dhedig, keli) xasad samayn; xaasid ahaan; u quudhid la'aan oo wanaagga cidda kale ka xumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawaawilid
m.f.dh eeg tawaawil².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahiilid
m.dh la-mid: diihaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaawicid
(Dhaawicid-da)
Dhaawac gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaawicid
m.f.dh eeg dhaawac².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaawicid
-da: (n) the act of injuring or inflicting a wound
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaawicid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhaawac gaadhsiin oo cawirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haawilood
(Haawilood-ka)
Uurjiifka libaax-badeedka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawilood
m.l (-dyo, m.dh) Uurjiifka libaax badeedka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haawilood
m. n. shark fetus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haawilood
-ka: (magac, lab, keli) uurjiifta libaaxbadeedka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haawilood
cf: uurjiif
de: shark fetus
lx: haawilood
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: haawilood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaamilmid
m.f.dh eeg kaamilan¹. la-mid: kammilmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaawisid
m.f.dh eeg khaawis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masawirid
(Masawirid-da)
Masawir u yeelid, samayn; sawirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masawirid
m.f.dh eeg masawir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masawirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax taswiirid; sawir qaadid. Masawiridda xeryaha ciidanku waa mamnuuc. Dh: taswiirid, sawirid, sawiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naawilaad
-da: (magac, dhedig, keli) filasho iyo rajayn wax iman doona laga dhur sugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaabbilid
(Qaabbilid-da)
1. Ka hor imaansho; ka hor tegid.
2. (marti, kd.) si wanaagsan u soo dhoweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabbilid
m.f.dh eeg qaabbil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaawirid
-da: (magac, dhedig, keli) xaajo rogrogiddeeda iyo faallaynteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ta'wiilid
m.f.dh eeg ta'wiil². la-mid: ta'wiil¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ta'wiilid
-da: (magac, dhedig, keli) riyo fasirid. ta'wiilo: (fal) riyo iskaa adigu u fasiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaawabilaad
-da: (magac, dhedig, keli) dhul ciid ah oo wixii dul mara hoos ula go'a. Dh: liqa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawil
aawil¹: m.l la-mid: awaal¹, awaalid.
aawil²: f.mg1 (-ilay, -ishay) Wax dhicitaankooda ama imaatinkooda filid. la-mid: awaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawil
(fal) wax soo socdo saadi oo ka sii warran.
aawil -ka: (magac, lab, keli) saadaasha wax soo socda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xaali
pr. n., [feminine] Holly
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaali
adj., [expression] sweet
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xaali
name-f sweet; holy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xaali
magac loo baxsho gabadh dabeecad fiican iyo wanaag loo rajaynayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaawi
f.mg2 (-iyay, -isay) Qof socod cagajiid ah socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaawi
v. move along slowly, drag one's feet while walking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaawi
(fal) si deggen u soco. Ha is waaline xaawi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaawi
de: move along slowly, drag one's feet while walking
initial: x
lx: xaawi
pd: (xaawiyey)
ps: v2a=intr
key: xaawi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xalid
(Xalid-da)
Mayrid; qasaalid; dhaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalid
m.f.dh eeg xal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalid
-da: (magac, dhedig, keli) maydhid gaar ahaan ta weelasha. Dh: maydhid, xalis, qasaalid. Li: uskagayn. Wa: xalxalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawil
f.g1 (-ilay, -ishay) Lacag iyo wixi lamida meeshay yiilleen maahee meel kale u beddelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xawil
f.g1 (-ilay, -ishay) Lacag iyo wixi lamida meeshay yiilleen maahee meel kale u beddelid. m.f.dh, xawilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xawil
v. transfer (usually money ~ responsibility)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xawil
-ay / xawishay: (v) 1. transfer (taraanis-feer); assign (a-saayn); give to another. 2. transfer money through a money transferring agency
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawil
(fal) meel ka dir oo meel kale u dir. Kun faran xawil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xawil
de: transfer (usually money ~ responsibility)
initial: x
lx: xawil
pd: (xawilay)
ps: v1=tr
key: xawil
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xawli
m.l Dheeraynta wax ordaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawli
-ga: (magac, lab, keli) inta uu yahay qiyaasta orodku. Dh: xawaare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilid
(Xilid-da)
Xil saarid, xiloodin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilid
m.f.dh eeg xil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilid
-da: (magac, dhedig, keli) xil guur ama xil masuuliydeed saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aallid
m.f.dh eeg aal². la-mid: oollid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalid
bąalid¹: m.l B. ah: wax muddo dheer jiray oo aad u gaboobay.
bąalid²: f.mg1 (-day, -dday) Wax muddo dheer jiray, aad u gaboobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalid
-ka: (magac, lab, keli) walax duug ah. Baalid dharku wuxuu noqdaa markaan, boodhka laga maydhin.
baalid -ka: (magac, lab, keli) weel aan bilo waxba lagu shuban ama lagu ridan. Baalid gaawuhu wuu ka bixi markuu, geelo wada irmaanaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalid
m.f.dh eeg caal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax caal ku dhacay oo buka ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawlid
-da: (magac, dhedig, keli) midab cawl ah, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalid
(Daalid-da)
Daal iska garasho; daal hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalid
m.f.dh eeg dąal². la-mid: daalis.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
daalid
tired
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl darteed oo aad dareento tabartii oo kaa dhammaatay. Dh: noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawid
m.f.dh eeg haaw².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawlid
(Hawlid-da)
Hawl u yeelid; wax la qabto ku qaybin, ku jaadid, u dhiibid; dhibid; shiidaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlid
m.f.dh eeg hawl³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl la qabto u dirid. Dh: hawlis.
hawlid-da: (magac, dhedig, keli) hawl u yeelid; wax la qabto ku qaybin ama u dhiibid.
hawlid -da: (magac, dhedig, keli) cid kale dhibid; qof kale shiddayn.