xaarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaarin
(Xaarin-ka)
Weel la tolo oo fidsan oo badarka lagu haadiyo oo lagu kala sooco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaarin
xaarin¹: m.l (-nno/-immo, m.dh) Weel, fidsan, godan, wareegsan oo badanaa caw ka samaysan oo badarka lagu haadiyo ama lagu kala saaro.
xaarin²; m.f.dh eeg xaari.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaarin
m.l (-nno/-immo, m.dh) Weel, fidsan, godan, wareegsan oo badanaa caw ka samaysan oo badarka lagu haadiyo ama lagu kala saaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaarin
Common N. winnowing basket, container for carrying ~ winnowing grain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaarin
-ka: (n) a basket for winnowing grain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel bannaan oo xooluhu fadhiistaan. Xaarin fiican geela u sahami. Dh: xaarin, ambo. Wa: xaadhimo.
xaarin -ta: (magac, dhedig, keli) meel uu xayawaan galo oo uu deggen yahay. Dh: degaan, xaadhin, xero. Wa: xaarimo.
xaarin -ta: (magac, dhedig, keli) weel la tolo oo kala fidsan oo badarka lagu haadiyo. Xaarinta sarriig ayaa laga tolaa. Dh: mansaf, masaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaarin
de: winnowing basket, container for carrying ~ winnowing grain
initial: x
lx: xaarin
pd: (-ka)
ps: n2(c)-m
key: xaarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ilmo si uu u saxaroodo majasaarid. 2. Cariish dhiriq marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarin
baarin¹: m.f.dh la-mid: baariyid.
baarin²: m.dh Meesha gacatada laga qoto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarin
-ta: (magac, dhedig, keli) badeeco la naadiyay qof u xukumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caarin
m.dh la-mid: caaryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daarin
-ta: (magac, dhedig, keli) kodhe, haan iyo wixii la mid ah, in yar ka soo shubidda caanaha la lulayo iyadoo la eegayo inay baxday iyo in kale. Daarinta caanaha la lulayo carruurta jecel. Dh: daaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarin
m.f.dh eeg faari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarin
-ta: (magac, dhedig, keli) caano fadhiisin oo faar u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maarin
m.dh la-mid: maadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarin
-ta: (magac, dhedig, keli) xallin oo dil iyo colaad baajin. Dh: maadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waarin
(Waarin-ta)
1. Wax aan dhiman ama waara ka dhigid.
2. Waar ku cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waarin
m.f.dh eeg waari².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waarin
-ta: (magac, dhedig, keli) waar ku cabbirid.
waarin -ta: (magac, dhedig, keli) cimri dherer siin oo adduunka ku daa'imin. Geesiga waxa taariikhda loogu xusaa waa waarinta magiciisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaabin
(Xaabin-ta)
Wada qaadid; xaaqid; xankakaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaabin
m.f.dh eeg xaabi. la-mid: xaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) iday! wada qaadis. Guddaafaddu xaabinta kol qudha la wada xaabiyo ayay ku wanaagsan tahay. Dh: xankakaabin. Li: reebis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaadin
(Xaadin-ta)
Wax la qoray, ganka iyo xaadda ka xiirid, ka jarid, ka gurid; tifaftirid; salaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadin
m.f.dh eeg xaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) dusha sare wixii ku hadhay ka qaadid; ka sifayn. Dh: xaadis.
xaadin -ta: (magac, dhedig, keli) wax la qoray ganka iyo xaadda ku hadha ka xiirid. Dh: xaadis, tafaftirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaakin
(Xaakin-ka)
1. Nin dal xukuma; taliye.
2. Garsoore; qaalli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaakin
m.l 1. (-nno/-immo, m.dh) Gar yaqaan ama qaalli maxkamad u jooga in uu dadka u garnaqo. 2. Qof aan eex samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaakin
xaakin: m.l 1. (-nno/-immo, m.dh) Gar yaqaan ama qaalli maxkamad u jooga in uu dadka u garnaqo. 2. Qof aan eex samayn.
xaakin: m.l (-nno/-immo, m.dh) 1. Gar yaqaan ama qaalli maxkamad u jooga in uu dadka u garnaqo. 2. Qof aan eex samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaakin
Common N. judge, magistrate; ruler, governor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaakin
-ka: (magac, lab, keli) qof caddaalad iyo xeer wax ku kala socodsiiya. Oday xaakin ah ayuu Ilaahay nagu hagaajiyay. Dh: xaakim, xeeriye.
xaakin -ta: (magac, dhedig, keli) khaakho ama xaako xoog ku keenid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaakin
bw: xukun
de: judge, magistrate; [ext.] ruler, governor
initial: x
lx: xaakin
pd: (-ka Pl: xukaan (ta))
ps: n2(c)-m, n8-m
syn: garsoore, qaalli; taliye
xv: Arabic
key: xaakin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaaqin
(Xaaqin-ka)
Qalab wax lagu xaaqo; minfiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaqin
m.l (-nno, m.dh) Mafiiq, minfiiq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaaqin
m.l (-nno, m.dh) Mafiiq, minfiiq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaaqin
m. n. broom, brush
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaaqin
-ka: (n) broom (buruum); sweeper (iswiiper) ~ mafiiq, minfiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaqin
-ta: (magac, dhedig, keli) qalab wax lag haro. Dh: mafiiq, manfiiq, salabe, xaarin, duugme.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaaqin
de: broom, brush
initial: x
lx: xaaqin
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: mafiiq ~ minfiiq
key: xaaqin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xaaqin
مكنسة، مِكْسَحَة مِقَشَةً كَنَّاسَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaaran
La sinsimay oo la fiiqay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xąaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la xąaray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaaran
der. [adjective] swept (clean); smoothed (out)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaran
(tilmaame) haran oo la fiiqay ah. Daarad xaaran wax ku akhri. Dh: fiiqan, xaaqan, haran.
xaaran: (tilmaame) sallaxan oo wixii alaab yaal oo dhan laga guray ah.
xaaran: (tilmaame) caaray oo caloosha laga hayo ah. Hal xaaran ayaa xerada jiifta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaaran
de: swept (clean); smoothed (out)
initial: x
lx: xaaran
pd: (xaarnaa)
ps: adj-der
key: xaaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaarid
(Xaarid-da)
1. Xaar dhigid.
2. (°) Kob la doonayo in la fariisto ama la dego ama la dhiso ama dan kale laga lee yahay gebiib siman oo fiiqan ka dhigid; kabxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaarid
m.f.dh eeg xaar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xąarid
m.f.dh eeg xąar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaarid
-da: (magac, dhedig, keli) saxaro dhigid; xaar keenid; sindho sii dayn. Dh: sindhood.
xaarid -da: (magac, dhedig, keli) neef xoola ah xanuun darteed shuban la sii dayn. Dh: xaaris.
xaarid -da: (magac, dhedig, keli) harid oo qashin meel ka nadiifin. Dh: fiiqid, salabayn, xaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaarif
-ta: (magac, dhedig, keli) diirka adag ee dadka jidhkooda ka kaca xilliyada dhaxanta. Dh: jidhif.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xaaris
name-m protector, watchman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaasin
(Xaasin-ta)
Inta xaaska ah, si gaar ah u dhaqaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaasin
m.f.dh eeg xaasi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasin
-ta: (magac, dhedig, keli) masaariif iyo xanaanoba u samayn. Dh: masruufid, daryeelid.
xaasin -ta: (magac, dhedig, keli) xaas samayn; guursasho oo reer dhisid. Dh: xaasayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaawin
(Xaawin-ta)
Socod culus, socosho; tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaawin
m.f.dh eeg xaawi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaawin
-ta: (magac, dhedig, keli) socod culus socosho. Dh: xaawis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawrin
m.f.dh eeg xawri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masaf
1. (Masaf-ka) Dhuun af ballaaran iyo af dhuuban leh, oo kolka wax shubma oo weel ku jira weel kale loo wareejina hayo, lagu isticmaalo; dublad.
2. (Masaf-ta) Weel ballaaran oo caw, qabo ama mayrax kale ka samaysan, oo badarka iyo wixii la mid ah, lagu haadiyo; xaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaf
masaf¹: m.l (-fyo, m.dh) Weel leh af ballaaran iyo dabo dhuuban oo daloosha oo hoorayaasha ku shuba weelasha afka dhuuban; dublad.
masaf²: m.dh (-fo, m.l) Saxan weyn oo caw, qabo iyo wixi lamida laga tolay, oo badarka la tumay lagu hufo; xaarin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masaf
m.dh (-fo, m.l) Saxan weyn oo caw, qabo iyo wixi lamida laga tolay, oo badarka la tumay lagu hufo; xaarin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
castigate
/kaastigeyt/ (v) 1. xaar-xaarin (canaanasho) (v) 2.ciqaabid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
chide
/jaaydh/ (v) xaar-xaarin (canaanasho).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
reprove
/ripruuv/ (v) xaar-xaarin (canaanasho).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
scold
/skowld/ (v) xaar-xaarin (canaanasho).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tell off
/tel of/ (infl) (v) xaar-xaarin (canaanasho).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
upbraid
/ap breydh/ (v) xaar-xaarin (canaanasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadirin
m.f.dh eeg xaadiri. la-mid: xaadiiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadirin
-ta: (magac, dhedig, keli) yeedhin oo mid mid inuu joogo u hubin. Dh: yeedhin, xaadirin.
xaadirin -ta: (magac, dhedig, keli) u yeedhid oo goobta soo joojin. Dh: keenid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaarniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg xaaritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaarsiin
m.dh la-mid: xaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaraarin
(Xaraarin-ta)
Xaraar ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraarin
m.dh eeg xaraari. la-mid: kharaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto uu ku xadhaadho siin. Dh: xadhaadhin.
xaraarin -ta: (magac, dhedig, keli) khadhaadh ka dhigid. Dh: xaraaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayarin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin ama wax kale, si tartiib ah oo aanu degdeg ku jirin u wadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) deegaan, xaaluf iyo oomane ka yeelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araarin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka shaqayn colaad dhexdhexaadinteed.
araarin -ta: (magac, dhedig, keli) xoolo sii daajin inta aanay ceelka tegin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararin
m.f.dh eeg barari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararin
-ta: (magac, dhedig, keli) xanuun ama nabar wax barariya. Bararinta maxaa keenaya?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basarin
m.f.dh eeg basari².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basarin
-ta: (magac, dhedig, keli) si qun yar ah oo xeelad iyo maskaxi ku jirto xal u helid. Hawluhu basarin ayay u baahan yihiin. Dh: basaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cadar iyo udgoon ku samayn. Dh: udgoonayn, cadrin.
cadarin -ta: (magac, dhedig, keli) marka cirku daruuro yeesho ee roobku na tiixtiixayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararin
m.dh la-mid: cararayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dararin
(Dararin-ta)
Darar ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dararin
m.f.dh eeg darari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dararin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, candhada caano ka buuxin. Daaqa badhkii ayaa dararinta kordhiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawarin
m.f.dh eeg dawari. la-mid: dawerin, dawrin, dewerin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawarin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dawaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaarin
(Dhaarin-ta)
Dhaar marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarin
m.dh eeg dhaari³. la-mid: dhaaryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof la hubinayo inuu run sheegayo, inuu Ilaahay ku dhaarto ku amrid; dhaar ka codsasho. Dhaarinta markhaati ayaa ka horreeya. Dh: dhaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaardin
m.dh la-mid: gaardiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaardin
-ta: (magac, dhedig, keli) socod jaadad badan ah oo wadajir askartu ku samayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaarrin
-ta: (magac, dhedig, keli) aayar u socosho. Dh: gaargaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarrin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaab caalwaa ah u socosho. Dh: hulluuqid, luudid, tukubid, tegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habarin
-ta: (magac, dhedig, keli) daboolid ama aabbudhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaarrin
(Jaarrin-ta)
Hadal muran ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaarrin
m.f.dh eeg jaarri².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaarrin
-ta: (magac, dhedig, keli) muran iyo jikaartan; murmid ama yooyootan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maharin
m.dh la-mid: meherin.