xaaraanquute
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaraanquute
m.l (-tayaal, m.l/dh) Qof hanti xaaraan ah cunay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraanquute
-ha: (magac, lab, keli) qof aan xalaasha iyo xaaraanta midna u aabayeelin oo kuu arkaba cuna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalaalquute
m.l (-tayaal, m.l/dh) 1. Nin hanti xalaal ah ku nool. 2. Nin dhawrsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xalaalquute
m.l (-tayaal, m.l/dh) 1. Nin hanti xalaal ah ku nool. 2. Nin dhawrsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalquute
-ha: (magac, lab, keli) qof xalaal inuu cuno ku dadaala oo xaaraanta iska ilaaliya. Dh: xalaalmiirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaraantimee
f.g2 (-meeyay, -maysay) la-mid: xaaramee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraantimee
(fal) xaaran sharciga waafaqsan ka dhig. Wixii dalil had u hayso xaaraantimee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaraamee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Wax xaaraan ka dhigid. la-mid: xaaraantimee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaaraamee
v. prohibit, render something ritually unclean
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaaraamee
-yey / xaaraameysay: (v) make unlawful (an-loo-ful) or illegal (i-liigal); forbid (feer-bidh); prohibit (poro-hi-bit) ~ mamnuuc
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraamee
(fal) xaaraan ka dhig oo isticmaalkiisa si sharci ah u jooji. Dh: xaaraantinimee, mamnuuc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaaraamee
de: prohibit, render s.t. ritually unclean
initial: x
lx: xaaraamee
pd: (xaaraameeyey)
ps: v2b=tr
key: xaaraamee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaaraan_1
bw: xaaraam ~ xaraam
cf: duuf, karaahiyo
de: what is prohibited in Muslim law; [atr.] impure, unclean, immoral, illegal
hm: 1
initial: x
lx: xaaraan
pd: (-ta)
ps: n0-f-col
xv: Arabic
key: xaaraan_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaaraan_2
de: foreskin, prepuce
hm: 2
initial: x
lx: xaaraan
pd: (-ta)
ps: n-f
syn: balag, beejo, buuryo, yuub
key: xaaraan_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaraadubbe
-ha: (magac, lab, keli) jaad xawaashka ka mid ah oo sida xabxabka u baxa oo inta la qashiro sooska iyo maraqa lagu daro; waa geed sida ubbada u dagaaga kase caleen balballaadhan oo iniin ta xabxabka u egna dhala. Dh: dubbe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaaquuto
-da: (magac, dhedig, keli) shimbir dabo dheer leh oo af yuuban oo cas leh oo geedaha waawayn godad ka samaysata. Dh: quutoquuto, quuto, qudunquuto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaraansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la xaaraameeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaaraansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la xaaraameeyey ahaansho. m.f.dh, xaaraansanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraansan
(tilmaame) xaaraan ah; mamnuuc ah sharci ahaan oon loo dhawaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaanduule
(Abbaanduula-ha)
Col ama ciidan duullaan ah, kan u madax ah; colwade; maqaddin (ama ammaanduule).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaanduule
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof taliye u ah col duullaan ah. 2. Taliyexigeenka gaas, guuto, qayb iyo wixi lamida ee ciidamada. la-mid: ammaanduule.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abbaanduule
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof taliye u ah col duullaan ah. 2. Taliye-xigeenka gaas, guuto, qayb iyo wixi lamida ee ciidamada. la-mid: ammaanduule.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abbaanduule
m. n., [compound] commander; head of army
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abbaanduule
-abbaanduulaha: (n) commander (ka maan dher); Commander in Chief ~ ammaan-duule
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaanduule
-ha: (magac, lab, keli) hoggaamiyaha ciidan ama col dagaal. Abbaanduuleha ab baan u lahayn. Dh: colwade, mirix, taliye, ammaanduule, maqaddin. Wa: abbaanduuleyaal.
abbaanduule-ha: (magac, lab, keli) sargaalka ugu sarreeya ciidamada qalabka sida gaar ahaan dhinacyada maamulka iyo hawlgelinta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abbaanduule
a: ammaanduule
de: commander; head of army
lx: abbaanduule
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: abbaanduule
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaanduule
m.l la-mid: abbaanduule.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ammaanduule
m. n. commander; head of state
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ammaanduule
-ammaanduulaha: (n) commander (kamaandher)-, Commander in Chief ~abbaanduule
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanduule
-ha: (magac, lab, keli) hoggaamiyaha ciidan duullimaad ah. Dh: abbaanduule.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ammaanduule
a: abbaanduule
de: commander; head of state
lx: ammaanduule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: ammaanduule
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaraannimo
m.dh Xaaraan ahaansho. la-mid: xaaraantinnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraannimo
-da: (magac, dhedig, keli) xaaraan ahaan; wax sharci ahaan la oggolayn oo xalaasha ka soo horjeeda ahaan. Ribada xaaraannimo ayaa loo nacaa. Dh: xaaraantinimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaraanyahan
m.l Nin ku xeel dheer xaaraan cunidda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraanyahan
-ka: (magac, lab, keli) qof xaaraanta aad u isticmaala oon xalaal aqoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaasaanqabow
(Xaasaanqabow-ga)
Xaasaan iska qabow, iska roon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaasaanqabow
m.l.kh Nafley aan aad caato u ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaasaanqabow
m. n., [compound] (adj.): slight thinness ~ weakness; somewhat thin ~ lean
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasaanqabow
-ga: (magac, lab, keli) xaasaan iska qabow. Xasaanqabaw weeyaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaasaanqabow
de: slight thinness ~ weakness; [atr.] somewhat thin ~ lean
initial: x
lx: xaasaanqabow
pd: (-ga)
ps: n0-m-cmp
key: xaasaanqabow
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xaaraan (Cr.)
Illegale
Illegal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaraansanaan
m.f.dh eeg xaaraansan. la-mid: xaaraansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xaaraan aan loo dhawaan ahaan: wax mamnuuc ah oon sharci ahaan loo dhawaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaraantimayn
m.dh la-mid: xaaraamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraantimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax sharci ahaan xaaraan ah ka dhigid oo mamnuucid. Dh: xaaraamayn.