xaaqin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaaqin
(Xaaqin-ka)
Qalab wax lagu xaaqo; minfiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaqin
m.l (-nno, m.dh) Mafiiq, minfiiq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaaqin
m.l (-nno, m.dh) Mafiiq, minfiiq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaaqin
m. n. broom, brush
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaaqin
-ka: (n) broom (buruum); sweeper (iswiiper) ~ mafiiq, minfiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaqin
-ta: (magac, dhedig, keli) qalab wax lag haro. Dh: mafiiq, manfiiq, salabe, xaarin, duugme.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaaqin
de: broom, brush
initial: x
lx: xaaqin
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: mafiiq ~ minfiiq
key: xaaqin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xaaqin
مكنسة، مِكْسَحَة مِقَشَةً كَنَّاسَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqin
(Baaqin-ka)
Baaqimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqin
baaqin¹: m.l la-mid: baaqimo.
baaqin²: m.dh Summad alif ah oo idaha shanshada ama tagoogta loogu dhigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaqin
m. n. dairy animal that does not produce much milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baaqimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaqin
de: dairy animal that does not produce much milk
lx: baaqin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: baaqin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laaqin
(Laaqin-ta)
Heesid; luuqin; tuuqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaqin
m.f.dh eeg laaqi. la-mid: laaqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaqin
-ta: (magac, dhedig, keli) hees ku luuqayn; heesitaan. Dh: laaqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaabin
(Xaabin-ta)
Wada qaadid; xaaqid; xankakaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaabin
m.f.dh eeg xaabi. la-mid: xaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) iday! wada qaadis. Guddaafaddu xaabinta kol qudha la wada xaabiyo ayay ku wanaagsan tahay. Dh: xankakaabin. Li: reebis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaadin
(Xaadin-ta)
Wax la qoray, ganka iyo xaadda ka xiirid, ka jarid, ka gurid; tifaftirid; salaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadin
m.f.dh eeg xaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) dusha sare wixii ku hadhay ka qaadid; ka sifayn. Dh: xaadis.
xaadin -ta: (magac, dhedig, keli) wax la qoray ganka iyo xaadda ku hadha ka xiirid. Dh: xaadis, tafaftirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaakin
(Xaakin-ka)
1. Nin dal xukuma; taliye.
2. Garsoore; qaalli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaakin
m.l 1. (-nno/-immo, m.dh) Gar yaqaan ama qaalli maxkamad u jooga in uu dadka u garnaqo. 2. Qof aan eex samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaakin
xaakin: m.l 1. (-nno/-immo, m.dh) Gar yaqaan ama qaalli maxkamad u jooga in uu dadka u garnaqo. 2. Qof aan eex samayn.
xaakin: m.l (-nno/-immo, m.dh) 1. Gar yaqaan ama qaalli maxkamad u jooga in uu dadka u garnaqo. 2. Qof aan eex samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaakin
Common N. judge, magistrate; ruler, governor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaakin
-ka: (magac, lab, keli) qof caddaalad iyo xeer wax ku kala socodsiiya. Oday xaakin ah ayuu Ilaahay nagu hagaajiyay. Dh: xaakim, xeeriye.
xaakin -ta: (magac, dhedig, keli) khaakho ama xaako xoog ku keenid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaakin
bw: xukun
de: judge, magistrate; [ext.] ruler, governor
initial: x
lx: xaakin
pd: (-ka Pl: xukaan (ta))
ps: n2(c)-m, n8-m
syn: garsoore, qaalli; taliye
xv: Arabic
key: xaakin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaqan
(tilmaame) haran oo wixii qashin ama guddaafad yaal la nadiifiyay ah. Dh: xaadhan, fiigan, salabaysan.
xaaqan: (tilmaame) sifaysan oo dhicis daatay wixii riximka ku hadhay laga soo nadiifiyey ah.
xaaqan: (tilmaame) xasuuqan oo aad loo laayay ah. Dadbaa meesha ku xaaqane soo gurmada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaaqid
(Xaaqid-da)
1. Minfiiq ku nadiifin; fiiqid.
2. Wax badan isku kol layn, dilid, baabbi'in, marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaqid
m.f.dh eeg xaaq.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaaqid
-da: (n) sweeping (iswiip-ing); sweep (iswiip) ~ fiiqid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) salabayn guddaafad iska xaadhid.
xaaqid -da: (magac, dhedig, keli) rixim naag w ilmo ka daatay wixii ku hadhay ka soo sifayn o soo nadiifin. Dh: sifayn, xaaqis, sifays. xaaqid-da: (magac, dhedig, keli) wax badan dild oo aad wax u layn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaqis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaarin
(Xaarin-ka)
Weel la tolo oo fidsan oo badarka lagu haadiyo oo lagu kala sooco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaarin
xaarin¹: m.l (-nno/-immo, m.dh) Weel, fidsan, godan, wareegsan oo badanaa caw ka samaysan oo badarka lagu haadiyo ama lagu kala saaro.
xaarin²; m.f.dh eeg xaari.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaarin
m.l (-nno/-immo, m.dh) Weel, fidsan, godan, wareegsan oo badanaa caw ka samaysan oo badarka lagu haadiyo ama lagu kala saaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaarin
Common N. winnowing basket, container for carrying ~ winnowing grain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaarin
-ka: (n) a basket for winnowing grain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel bannaan oo xooluhu fadhiistaan. Xaarin fiican geela u sahami. Dh: xaarin, ambo. Wa: xaadhimo.
xaarin -ta: (magac, dhedig, keli) meel uu xayawaan galo oo uu deggen yahay. Dh: degaan, xaadhin, xero. Wa: xaarimo.
xaarin -ta: (magac, dhedig, keli) weel la tolo oo kala fidsan oo badarka lagu haadiyo. Xaarinta sarriig ayaa laga tolaa. Dh: mansaf, masaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaarin
de: winnowing basket, container for carrying ~ winnowing grain
initial: x
lx: xaarin
pd: (-ka)
ps: n2(c)-m
key: xaarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaasin
(Xaasin-ta)
Inta xaaska ah, si gaar ah u dhaqaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaasin
m.f.dh eeg xaasi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasin
-ta: (magac, dhedig, keli) masaariif iyo xanaanoba u samayn. Dh: masruufid, daryeelid.
xaasin -ta: (magac, dhedig, keli) xaas samayn; guursasho oo reer dhisid. Dh: xaasayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaawin
(Xaawin-ta)
Socod culus, socosho; tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaawin
m.f.dh eeg xaawi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaawin
-ta: (magac, dhedig, keli) socod culus socosho. Dh: xaawis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mafiiq
(Mafiiq-da)
Xaaqin; (ama minfiiq).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Minfiiq
(Minfiiq-da)
Xaaqin; (ama mafiiq).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mafiiq
m.dh (-qo, m.l) Xaaqin. la-mid: minfiiq.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
broom
/buruum/ (n) xaaqin; minfiig
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
broomstick
/buruumistik/ (n) usha xaaqinka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sweep
/swiip/ (v) 1. xaaqid (fiiqid) (v) 2. xoog u abraarid (n) 3. xaaqin (xaaqin marin).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mafiiq
-a: (n) broom (buruum); sweeper (iswiiper) ~ xaaqin, minfiiq
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
minfiq
-a: (n) broom (buruum); sweeper (iswiiper) ~ xaaqin, mafiiq
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scópa
s.f. - xaaqin.
Ereyo Talyaani-Soomaali - Maxamuud Garyare, Cabdikariim Daa'uud Weyre
La scopa
Xaaqinka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mafiiq
-da: (magac, dhedig, keli) salabe caw ka samaysan oo dhulka lagu xaadho. Bisaddii mafiq baa lala dhacay Dh: xaaqin, duugmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salabe
-ha: (magac, lab, keli) laamo yaryar oo dhuudhuuban oo kuwa cawda ah ama wax la mid ah oo la isku xidho oo guryaha lagu fiiqo oo lagu nadiifsho. Salabaha qaado oo ku soo xaadh aqalka. Dh: mafiiq, minfiiq, manfiiq, xaaqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tire
-ha: (magac, lab, keli) mafiiqda dhulka lagu. xaaqo. Dh: duugmo, xaaqin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mafiiq
bw: minfiiq
de: broom, brush
lx: mafiiq
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: salabo, xaaqin
key: mafiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaqniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg xaaqitaan. xaaqo: (fal) haro; fiiqo; qashinka ka salabayso Qolkaaga xaago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaqsin
(Daaqsin-ta)
Meel xooluhu daaq ku gaaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqsin
m.dh (-nno, m.l/dh) 1. Daaq. 2. Fogaanta u dhexeysa guriga iyo meesha ay xooluhu daaqa ugu tagaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaqsin
m.dh (-nno, m.l/dh) 1. Daaq. 2. Fogaanta u dhexeysa guriga iyo meesha ay xooluhu daaqa ugu tagaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daaqsin
Pasture
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqsin
f. n. grazing place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daaqsin
-ah: (n) grazing land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhulka tigaadda iyo dhirta leh ee ay xooluhu daagaan. Dooxada daaqsin fiican baa ku taalla.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaqsin
de: grazing place
lx: daaqsin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: daaqsin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel bannaan oo xooluhu fadhiistaan. Dh: xaarin, ambo. Wa: xaadhimo.
xaadhin -ta: (magac, dhedig, keli) meel uu xayawaan galo oo uu deggen yahay. Libaaxu kaynta reerka agteeda ayuu xaadhin ka samaystay. Dh: xaarin, xero, degaan. Wa: xaadhimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xagatin
(Xagatin-ta)
Ciddi xoog wax loogu jiidey ama wax kale oo la mid ah, raadka ama nabarka ay reebaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagatin
m.dh (-imo, m.l) Ciddi xoog wax loogu jiiday ama wax kale oo la mid ah, raadka ama nabarka ay reebaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xagatin
m.dh (-imo, m.l) Ciddi xoog wax loogu jiiday ama wax kale oo la mid ah, raadka ama nabarka ay reebaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xagatin
f. n. scratch, abrasion, laceration; scar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xagatin
-ta: (n) scratch (iska-raaj) ~ xoqniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagatin
-ta: (magac, dhedig, keli) xarruufid: xagasho. Dh: xagasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xagatin
de: scratch, abrasion, laceration; scar
initial: x
lx: xagatin
pd: (-ta Pl: xagatimo (/ha))
ps: n1-f
key: xagatin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xagatin
خمش، خدش
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqin
m.f.dh eeg aqi. la-mid: caqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunnaxumo u dhimasho. Dh: caqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaan
-ka: (magac, lab, keli) go'aan falcelis ah Ilmuhu wuu kaa yar yahaye ha ka xaan qaadan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaq
f.g1 (-qay, -qday) 1. Meel wasakh ka nadiifin. 2. Nafley baabi'in.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaaq
f.g1 (-qay, -qday) 1. Meel wasakh ka nadiifin. 2. Nafley baabi'in. m.f.dh, xaaqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaaq
v. sweep (up), tidy up; wipe out, destroy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaaq
-ay / day: (v) clean with a broom or brush; sweep(swiip)~fiiq, xaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaq
(fal) har wixii qashin ama guddaafad yaal oo ka nadiifi meesha. Dh: xaadh. fiiq, salabee.
xaaq: (fal) dhicis daatay wixii riximka ku hadhay ka soo sifee oo soo nadiifi. Dh: maydh, sifee.
xaaq: (fal) wax badan laa oo dil xasuuq ah samee Dh: xasuuq, madhi, gumaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaaq
cf: fiiq; baabbi'i, mari
de: sweep (up), tidy up; [fig.] wipe out, destroy
initial: x
lx: xaaq
pd: (xaaqay)
ps: v1=tr
key: xaaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadin
m.dh la-mid: aaddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawin
m.f.dh eeg aawi. la-mid: aawis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqi
(Baaqi-ga)
Wax la bixiyey, inta ka soo harta; dheeri; hanbo; haraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqi
m.l Tiro go'an inta ka baxday mooyee inta kale ee ka soo harta; haraa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaqi
m.l Tiro go'an inta ka baxday mooyee inta kale ee ka soo harta; haraa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaqi
m. n. leftover, excess, remainder, the rest; change (money)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaqi
-ga: (n) 1. change (janji); 2. remnant (rimnant); leftover, remainder~ haraa, hambo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqi
-ga: (magac, lab, keli) inta ka soo hadha wax la cunay ama la iibsaday ama la isticmaalay. Inta baaqu badan iyo baaqiqaa hadhi. Dh: hadhaa, hanbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaqi
de: leftover, excess, remainder, the rest; change (money)
lx: baaqi
pd: (-ga)
ps: n2-m
xe: Keep the change!
xv: Arabic
key: baaqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqin
m.dh la-mid: aqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqin
-ta: (magac, dhedig, keli) harraadin; oomin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqi
m.l Nooc shabaagta ka mid ah oo lagu dabo libaaxbadeedka yaryar.