xaaqasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaqasho
-da: (magac, dhedig, keli) xaadhasho qashin iyo wixii yaalba ka salabayn oo ka nadifi Gaari xaaqashada aqalkeeda looma tilmaamo. Dh harasho, xaadhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaqsasho
m.f.dh eeg xaaqso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg xaaqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqasho
(Baaqasha-da)
Wax dhici lahaa oo aan dhicin; meel la aadi lahaa ama la iman lahaa iska deyn ama dib u dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqasho
m.f.dh eeg baaqo. la-mid: baaqad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaqasho
vl. n. failure to arrive ~ occur; remaining absent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaqasho
-baaqashada: (n) arrival or departure cancellation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax daba mara oo ka dibdhaca waqtigii lagu waday in uu dhaco ama uu yimaaddo. Dh: dibudhac, dibdhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaqasho
a: baaqad (ka) [vn-m]
de: failure to arrive ~ occur; remaining absent
lx: baaqasho
pd: (/da)
ps: vn-f
see: baaqo
key: baaqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaarasho
(Xaarasha-da)
Meel xaaran samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaarasho
m.f.dh eeg xaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) harasho oo qashin ka salabaysaho.
xaarasho-da: (magac, dhedig, keli) sallaxasho oo qalab ama agab wixii yaal ka rafacasho oo bannaan ka dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqasho
-da: (magac, dhedig, keli) indho araggoog naaqusmay, daaweysasho.
fiiqasho-da: (magac, dhedig, keli) waran iyo war la mid ah, caaradiisa yuubasho.
fiiqasho-da: (magac, dhedig, keli) meel, qushaashka ka xaaqasho.
fiiqasho -da: (magac, dhedig, keli) aale iyo war mid ah, diirka ka qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqsasho
m.f.dh eeg baaqso. la-mid: baaqsad, baaqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ka baaqsasho - gudasha la'aanta hawl aad qaban lahayd ama meel aad tegi lahayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaqsasho
(Daaqsasha-da)
Daaqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqsasho
m.f.dh eeg daaqso. la-mid: daaqsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqsasho
vl. n. taking one's livestock out for grazing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo foofsasho. Daaqsasho ayey xooluhu ku dhaqmaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaqsasho
de: taking one's livestock out for grazing
lx: daaqsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: daaqsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasaqasho
m.dh la-mid: fasakhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waaqsasho
(Waaqsasha-da)
(ka soo waaqsasho) Dhib ama waxyeello hore ka baansasho; ka kabasho; ka biskood; ka soo noolaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waaqsasho
m.f.dh eeg waaqso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaqsasho
vl. n. recovery
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) kabasho laga soo kabto dhib hore; dhib iyo waxyeello hore ka soo rayn. Haddaad lafahaaga u talin weydo ka soo waaqsasho yeelan maysid. Dh: kabasho.
waaqsasho -da: (magac, dhedig, keli) gurmad dirsasho, gayladhaan dirasho. Waaqsasho diro si laguugu yimaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waaqsasho
de: recovery
initial: w
lx: waaqsasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: waaqsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaabsasho
(Xaabsasha-da)
Si boob ku jiro, wax u qaadasho; xankakaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaabsasho
m.f.dh eeg xaabso. la-mid: xaabsad, xaabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabsasho
-da: (magac, dhedi, keli) wax dhulka ku filiqsan urursasho oo wada xaabid. Xaabsashada aayar cidi kaama boobaysee. Dh: xankakaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadhasho
-da: (magac, dhedig, keli) harasho co qashin iyo gudaafadba ka nadiifsasho.
xaadhasho-da: (magac, dhedig, keli) sallaxashoo wixii alaab yaal oo dhan ka gurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadsasho
m.f.dh eeg xaadso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dusha aayar uga qaadasho. Dh: xaadsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aqasho
(Aqasha-da)
Aq u dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqasho
m.f.dh eeg aqo. la-mid: caqasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqasho
vl. n. starvation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqasho
-aqashada: (n) extreme lack of water and food; starvation (staarveeyshen) ~ aq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhanqale la'aan dartii dhimasho; harraad u dhimasho. Dadkani aqasho ayay u daateen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqasho
de: starvation
lx: aqasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: aqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaqso
f.mg3 (-saday, -satay) Xaako tufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaaqso
v. spit, expectorate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaaqso
-xaaqsaday / tay: (v) spit out phlegm (faleem); expectorate ~ xaako tuf
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaaqso
de: spit, expectorate
initial: x
lx: xaaqso
pd: (xaaqsaday)
ps: v3a=intr
key: xaaqso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqasho
(Baqasha-da)
Wax cabsi leh, ka cararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqasho
m.f.dh eeg baqo². la-mid: baqe, baqo¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baqasho
vl. n. fear, flight from fear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baqasho
-baqashada: (n) 1. the feeling of fear; fearfulness. 2. the state or condition of fleeing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareen cabsiyeed oo xoog leh. Dh: baqdin, bajin. Li: dhiirrasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baqasho
de: fear, flight from fear
lx: baqasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: baqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqasho
m.dh la-mid: aqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg caqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haqasho
m.f.dh eeg haqo. la-mid: haqad (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadasho
-da: (magac, dhedig, keli) xad samaysasho.
xadasho -da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo itixaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xagasho
(Xagasha-da)
1. Ilkaha hore afkooda xoog wax ugu xoqid, ugu dildillaacin, ugu muruxsasho.
2. Ciddiyaha wax ku nabrid, ku dhaawicid; xangaruufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagasho
m.f.dh eeg xago.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xagasho
f. n. scratch, abrasion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagasho
-da: (magac, dhedig, keli) ciddiyaha faraha ama ilkaha hore afkooda wax meel ku dhejisan ku xoqid oo ku goosasho. Dh: feenasho.
xagasho -da: (magac, dhedig, keli) ciddiyaha wax ku xarruufasho. Dh: xagad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xagasho
a: xagatin
cf: xago
de: scratch, abrasion
initial: x
lx: xagasho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xagasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xamasho
(Xamasha-da)
Qof maqan, hadal ama warxun, oo hadduu joogo aan lagula dhaceen, ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamasho
m.f.dh eeg xamo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xamasho
vl. n. gossip, back-biting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xamasho
-xamashada: (n) gossip (gaa-sap); talebearing (teeyl-beer-ing) ~ xan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamasho
-da: (magac, dhedig, keli) xan samayn qof maqan ama aan ku maqlayn wax aanu jeclayn ka sheegid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xamasho
cf: xamo
de: gossip, back-biting
initial: x
lx: xamasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: xamasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoqasho
m.f.dh eeg xoqo. la-mid: xoqad¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoqasho
-xoqashada: (n) the act of scratching (iska-raaj-ing); rubbing (rab-ing); scraping (iskareeyp-ing); scrubbing (iskaraab-ing) ~ xoqid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoqasho
-da: (magac, dhedig, keli) ku cacaminta cidiyaha oogada jidhka si dareen jira loo bi'iyo. Dh: xoqad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanqasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof baad iyo biyo la'aan u liita. Dh: aq, caq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahasho
m.f.dh eeg baaho².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kaa maqan rabtid. Baahasho booli looma qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baanasho
(Baanasha-da)
Cunno baan noqon karta siin; baanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baanasho
m.f.dh eeg baano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baanad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baarasho
(Baarasha-da)
(nafley culus) jiif ku galgalasho; ku rafasho; is rogrogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarasho
m.f.dh eeg baaro. la-mid: baarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bąarasho
m.f.dh eeg bąaro. la-mid: bąarad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baarasho
vl. n. inspection, examination (for oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baarasho
-da: (n) 1. an act of searching; seeking
baarasho -da: (n) writhe (reeyth); agitation (a-ji-teey-shin); flounder (falawn-dher)~ fargasho, fargad, rafasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kaa maqan ama kaa qarsoon raadsasho; iskaa u baadhasho ku samayn. Dh: baadhasho.
baarasho -da: (magac, dhedig, keli) galgalashada geela iyo faadhumaysigiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baarasho
de: inspection, examination (for oneself)
lx: baarasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: baarasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balqasho
(Balqasha-da)
Walcasho; daadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balqasho
m.f.dh eeg balqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balqasho
vl. n. spilling over; drooling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balqasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareere ka daadashadiisa hareeraha weelka uu ku jiray. Balqashay caanihii ku idlaadeen. Dh: walcasho, daadasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balqasho
de: spilling over; [fig.] drooling
lx: balqasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: balqasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarasho
-da: (magac, dhedig, keli) sheemidda neefka geela ah ee lab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daabasho
(Daabasha-da)
1. Daab la qabto u yeelasho.
2. Caano cusub oo danbar leh dhamid oo ku bukood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabasho
m.f.dh eeg daabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabasho
-da: (magac, dhedig, keli) gudin iyo wixii la mid ah, daab u samaysasho.
daabasho -da: (magac, dhedig, keli) ilmo caano dambar ah ku shubmid. Maqasha dhalatay daabashada dambarkaa u keenay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacasho
m.dh la-mid: daacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacasho
-da: (magac, dhedig, keli) dib u soo celinta ay xooluhu uuska dib u soo ceshedaan ee ay dib u raamsadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daadasho
(Daadasha-da)
Qubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadasho
m.f.dh eeg daado. la-mid: daadad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daadasho
vl. n. state of getting spilled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadasho
-da: (magac, dhedig, keli) walax ama wax kale oo meeshii uu ku jirey ka qubta.
daadasho-da: (magac, dhedig, keli) xoolo si aan la ogayn uga baxa xeradii ay ku jireen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daadasho
de: state of getting spilled
lx: daadasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: daadasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daahasho
(Daahasha-da)
Daah u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahasho
dąahasho: m.f.dh eeg dąaho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daahasho
vl. n. curtaining, screening, draping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax ama meel, daah u samaysasho, daah ku xirasho.