xaamilo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaamilo
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo uur leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaammilo
m.dh (-ooyin, m.l) Haweeney uur leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaammilo
m.dh (-ooyin, m.l) Haweeney uur leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaammilo
f. n. pregnant woman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaammilo
-xaammilada: (n) a pregnant woman especialy after 7 months; pregnancy (pareg-nan-si); gestation (jas-teey-shin) ~ uur
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaammilo
de: pregnant woman
initial: x
lx: xaammilo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xaammilo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaamil
(fal) adkayso oo dhibta jirta u jilib dhig Laba sano oo tacliin ah xaamil. Dh: adkayso.
xaamil: (tilmaame) uur leh; caloosha ilmo ku sidda. Dh: xaamilo, uurray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taamilo
-da: (magac, dhedig, keli) dhacdo qofka tusaale u noqota oo wax lagu cibraqaato. Taamilo kuugu filan miskiinka iyo curyaanka. Dh: cibaaro.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gestante
agg.e s.f. uur leh; xaamilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaalo
(Xaala-da)
1. Xaal.
2. Uurkujir; xiidmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalo
m.dh 1. Xubnaha ragga. 2. Uurkujir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaalo
f. n. intestines, entrails, internal organs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalo
-da: (magac, dhedig, keli) si ay wax yihiin xilli gaar ah. Dh: xaalad.
xaalo -da: (magac, dhedig, keli) uur kujir. Dh: xiidmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaalo
cf: uurkujir, xaab, xiidmo
de: intestines, entrails, internal organs
initial: x
lx: xaalo
pd: (/da)
ps: n-f
key: xaalo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xamil
(Xamil-ka)
1. Haragga indhaha ku rogan oo dhawra.
2. Rar; qaad.
3. Daah sumalka caloosha lagaga xiro, si uusan idaha u saaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamil
m.l (-llo, m.dh) 1. Haragga indhaha ku rogan oo dhawra. 2. Rar; qaad. 3. Daah sumalka caloosha lagaga xiro, si uusan idaha u saaran. 4. la-mid: xamli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xamil
m.l (-llo, m.dh) 1. Haragga indhaha ku rogan oo dhawra. 2. Rar; qaad. 3. Daah sumalka caloosha lagaga xiro, si uusan idaha u saaran. 4. la-mid: xamli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xamil
m. n. enlarged ~ swollen eyelid
xamil m. n. load
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamil
(fal) dulu yeelo; u dulqaado; adkaysi badan. la imo. Xamil yeelo oo walaalkaa u dhaaf.
xamil -ka: (magac, lab, keli) wax la tolo oo sumalka adhaxda lagaga xidho oo hoos u raaraca oo ka ilaasha inuu idaha asooliyo.
xamil -ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah jaadadka tigaadda ka mid ah. Dh: cagaar.
xamil -ka: (magac, lab, keli) rar uu muur sido. Awrka xamilka ka fur. Dh: qaad.
xamil-ka: (magac, lab, keli) adkaysi iyo itaal wax lagu qaado.
xamil -ka: (magac, lab, keli) haragga isha ku rogan. Dh: baad, baal, xirrib.
xamil -ka: (magac, lab, keli) dulqaad iyo cadho la'aan. Hoggaamiyuhu waa nin xamil badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaqilo
-da: (magac, dhedig, keli) inkaar la kala galabsado, haddii dhib wax laga qaban karayay la isku dhaafo. Aaqilo ha gelin, ee ubadka dhawr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaamil
kaamil¹: m.l.kh K. ah: wax dhan.
kaamil²: f.g1 (-ilay, -ishay) Wax kala dhiman dhameystirid. la-mid: kammil.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaamil
kaamil¹: m.l.kh K. ah: wax dhan.
kaamil²: f.g1 (-ilay, -ishay) Wax kala dhiman dhameystirid. m.f.dh, kaamilid. la-mid: kammil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaamil
m. n. (adj.): whole, entirety; complete, entire
kaamil v. complete something
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kaamil
name-m whole, complete, entire; entirety (Arb)
name-m perfection, completed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaamil
-ah: (adj) complete (kompiliit) ~ dhammays. Ex: kaamil miyarz? it's complete?
kaamil: -ay / kaamishay: (v) make complete ~ dhammaystir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaamil
(fal) wax kala dhiman dhameystir. Dh: kammil.
kaamil: (tilmaame) aan waxba ka maqnayn. Dh: dhan, ebyoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaasil
(Xaasil-ka)
Wax la tiriyey wax ka soo banbaxay, wax ka soo haray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaasil
m.l (-llo, m.dh) Wax la kala jaray inta soo harta; baaqi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaasil
m.l (-llo, m.dh) Wax la kala jaray inta soo harta; baaqi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaasil
m. n. result; remainder, residue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasil
-ka: (magac,lab, keli) wax la kala iibsanayo wixii saafi ah een kharash la socon. Dh: saafi.
xaasil -ka: (magac, lab, keli) shay marka wixii xumaada laga saaro inta saafi ahaan soo hadha. Hadhuudhkii ii baxay shan kiintaal ayaa xaasil noqday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaasil
de: result; remainder, residue
initial: x
lx: xaasil
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: xaasil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaawil
(fal) wax inaad karto iyo in kale isku day. Xaawil inaad su'aasha ka jawaabto. Dh: tijaabi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xammil
v. bear, carry; accommodate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xammil
-ay / xammishay: (v) endure (en-duur)-, bear with tolerance; tolerate (tola-reeyt)-, show patience (peey-shansi) ~ u dulqaado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammil
(fal) dul u yeelo; u dulqaado; adkaysi badan la imo. Dh: adkayso.
xammil -ka: (magac, lab, keli) dulqaad iyo cadho la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xammil
a: xammaal
de: bear, carry; accommodate
initial: x
lx: xammil
pd: (xammilay)
ps: v1=tr
key: xammil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabilo
-da: (magac, dheddig, keli) lafdhabarleyda, soo baxyo uu jidhku leeyahay oo u soo baxa dubdhuleedka, ku waas oo kordhiya halka ay isaga yimaadaan labo nudood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caa'ilo
(Caa'ila-da)
Xaas; reer; qoys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caa'ilo
m.dh.u (-ooyin m.l) Qoys, qaraabo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caa'ilo
-caa'ilada: (n) family (faamili) ~ xaas, reer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caa'ilo
-da: (magac, dhedig, keli) qoys hooyo iyo aabbo iyo carruur ka kooban, ama dad qaraabo ah oo abtirsiini ka dhexayso. Sucuudiga waxa xukuma caa'iladda reer Benii Sucuud. Dh: jilib, reer, qoys, xaas, ehelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caa'ilo
de: household, family unit
lx: caa'ilo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: xaas
key: caa'ilo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaqilo
(Caaqila-da)
Nabsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaqilo
m.dh Ciqaabta Rabbi ee ku dhaca cid cid kale ama wax kale ku gabbood fasha; nabsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caaqilo
f. n. recompense, divine retribution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaqilo
-da: (magac, dhedig, keli) gef ama dembi qof laga galo. Waaberi, waalidkii ayuu dayacay oo caaqilo ka galay. Dh: cuqubo, nabsi, aaqilo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caaqilo
de: recompense, divine retribution Something bad that happens to someone as punishment for the wrong he or she has done
lx: caaqilo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: nabsi
key: caaqilo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kaamila
name-f perfection, completed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maamulo
f.g3 (-ushay, -ulatay) la-mid: maammulo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maamulo
(fal) hanti aad leedahay si dani ku jirto oo baylah la' u wado oo u maarayso. Maamulo xoolahaaga adigu. Dh: maarayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabilo
(fal) cid kale soo dhaweyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaafilo
(Qaafila-da)
Dad badan oo geddisley ah ama Xaj u socda, oo iyagoo awri u raran tahay, wadajir ku maraya dal cabsi ah ama lamaddegaan; garawaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaafilo
m.dh Awr badan oo safar ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaafilo
f. n. caravan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafilo
-da: (magac, dhedig, keli) dad badan oo iyagoo gaadiid u raran yahay safar ku wada jira. Qaafiladii budhcad ayaa dhexda u joogsatay: Dh: garawaan.
qaafilo -da: (magac, dhedig, keli) waxgarad odayaal waayeel ah oo meel u baxay. Qaafilaa arrinka maanta gashay: Dh: guurti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaafilo
bw: Arabic
de: caravan
lx: qaafilo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qaafilo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamile
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dad badan wax ka dhexeeya saami ku leh. la-mid: sahmile.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saamile
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dad badan wax ka dhexeeya saami ku leh. la-mid: sahmile.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saamile
m. n. sharer; shareholder, stock holder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saamile
-saamilaha: (n) shareholder (sheer hoo-ldhar); stockholder (istaak-hool-dhar) ~ shariig
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Saamile
Azionista
Shareholder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamile
-ha: (magac, lab, keli) shirkad qof ku leh saami, wax la qaybsanayo qof ku leh qayb. Waa shan saamileyda shirkaddu.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saamile
de: sharer; [ext.] shareholder, stock holder
initial: s
lx: saamile
pd: (/ha Pl: saamiley (da))
ps: n5b-m
key: saamile
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Taakilo
nickname-m helper; philanthropic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taawilo
-da: (magac, dhedig, keli) wakhtiga soo socda ama dhacdo iman doonta, wax ka sheegid. Xidaar waa taawilo. Dh: xidigiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajiyo
-da: (magac, dhedig, keli) haweenay xajka tegtey. Dh: xaajiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaammil
(Xaammil-ka)
Qof dumar ah oo uur leh (ama xaammilo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaammil
m.l.kh Qof dumar ah oo uur leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaammil
m. n., [abstract] (adj.): pregnancy; pregnant (of woman)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaammil
-ah: (adj) pregnant (parag-nent) ~ uur leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaammil
(tilmaame) uur leh. Dh: xaamil.
xaammil: (fal) adkayso; dhabar adayg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaammil
bw: Arabic
de: pregnancy; [atr.] pregnant (of woman)
initial: x
lx: xaammil
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: xaammil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaamilo
m.l la-mid: macaammilo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macaamilo
-da: (n) mutual dealings or connections; relations (rileey-shinis); corporation (korpareeyshin); relationships (rileey shin-shiipis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaamilo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg macaamil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caamnimo
m.dh Caam ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caamnimo
-da: (magac, dhedig, keli) guud ahaan.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
FRAASILO
Sedici chilogrammi
Sixteen kilograms
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaameelo
-da: (magac, dhedig, keli) dhogor badan oo geelu kuruska iyo garbaha ku yeesho. Gaameelada waxaa laga toshaa koofiyado. Dh: gas, bulbul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaamil_1
de: whole, entirety; [atr.] complete, entire Alt sp: kaammil
hm: 1
lx: kaamil
pd: (-ka)
ps: n-m
key: kaamil_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaamil_2
de: complete s.t.
hm: 2
lx: kaamil
pd: (kaamilay / kaamishay)
ps: v1=
key: kaamil_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaamilan
kaamilan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax la kaamilay noqosho. la-mid: kammilan¹.
kaamilan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la kaamilay ahaansho. la-mid: kammilan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaamilan
kaamilan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax la kaamilay noqosho. m.f.dh, kaamilmid. la-mid: kammilan.
kaamilan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la kaamilay ahaansho. m.f.dh, kaamilnaan. la-mid: kammilan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaamilan
(tilmaame) mid kaamil ah; mid buuxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaamilid
m.f.dh eeg kaamil². la-mid: kammilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaamilid
-da: (magac, dhedig, keli) dhammaystirid. Dh: ebyid, dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maammulo
f.g3 (-ushay, -ulatay) Hawl si wanaagsan u agaasimasho. la-mid: maamulo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maammulo
f.g3 (-ushay, -ulatay) Hawl si wanaagsan u agaasimasho. m.f.dh, maammulasho. la-mid: maamulo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maammulo
v. manage, direct ~ organize for oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maammulo
de: manage, direct ~ organize for oneself
lx: maammulo
nt: maammulasho (/da) [vn6-f]
pd: (maammushay)
ps: v3b=
key: maammulo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macmiilo
(fal) maalin walba iibso oo si joogto ah u gado. Masaariifta bisha meel keliya ka macmiilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxaamil
m.dh eeg maxmil¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaabbilo
m.dh Maalinta uu dirirku la fadhiyo dayaxa oo dadku aaminsan yihiin in ay tahay maalin cawo leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabbilo
-da: (magac, dheddig, keli) maalinta uu dirirku la fadhiyo dayaxa oo dadku aaminsan yihiin in ay tahay maalin cawo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamiley
m.dh Naag wax dad badan ka dhexeeya saami ku leh.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Saamiley
Azionisti
Shareholders
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamiley
-da: (magac, dhedig, keli) qof saami meel ku leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaawilid
-da: (magac, dhedig, keli) isku dayid; isku tijaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaamiloo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: macaammiloo.