xaalufiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufiye
-ha: (magac, lab, keli) wax wixii yaalba qaada oo meesha uu maro xaaluf ka dhiga. Dh: xaadhe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiriife
-ha: (magac, lab, keli) qaab dunida mamnuuc ka ah oo kalluumaysi; hab kalluumaysi oo badaha degdeg u xaalufiya: maraakiib iyo qalabkood ku shaqeeya habka bado xaalufineed. Dh: xaalufiye, goofiye, madhiye, jillaabte, jidhiifle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalufi
f.g2 (-iyay, -isay) Dhul xaaluf ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaalufi
f.g2 (-iyay, -isay) Dhul xaaluf ka dhigid. m.f.dh, xaalufin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaalufi
v. graze out (an area), make (land) useless for grazing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaalufi
-yey / say I yeen: (v) make a desert (dhe-zert) out of pasture-land (paas-jar-laandh) by overgrazing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufi
(fal) doog iyo daaqba ka dhammee. Dh: aabaaree. Li: barwaaqee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaalufi
de: graze out (an area), make (land) useless for grazing
initial: x
lx: xaalufi
pd: (xaalufiyey)
ps: v2a=tr
key: xaalufi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaalufid
(Xaalufid-da)
Xaaluf noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalufid
m.f.dh eeg xaaluf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufid
-da: (magac, dhedig, keli) tigaad iyo doog ba wax dhammaaday noqosho. Dh: abaaroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaalufin
(Xaalufin-ta)
Xaaluf ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalufin
m.f.dh eeg xaalufi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufin
-ta: (magac, dhedig, keli) wixii baad yaallay ka dhammayn oo xaaluf ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufis
-ka: (magac, lab, keli) wixii baad yaallay ka dhammayn oo xaaluf ka dhigid. Dh: xaalufin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaaluf
(Xaaluf-ka)
Dhul engegey ama nabaadguurey oo daaqii ka dhammaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaluf
xaaluf¹: m.l.kh Dhulka engegay ama nabaadguuray oo daaqii ka dhammaaday.
xaaluf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Dhul daaq ka dhammaasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaaluf
xaaluf¹: m.l.kh Dhulka engegay ama nabaadguuray oo daaqii ka dhammaaday.
xaaluf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Dhul daaq ka dhammaasho. m.f.dh, xaalufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaaluf
m. n., (mass n.): grazed-out ~ dried-out land, useless pasture
xaaluf [inchoative] v. get grazed out ~ dried out, become useless for pasture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaluf
(fal) abaar aan waxba ku oollin noqo. Dhul yahaw xaaluf ha noqon. Dh: abaar.
xaaluf -ka: (magac, lab, keli) dhul cawskii laga laastay. Sida faras xulaanoo, aan xaaluf aragoo, nugaal xays ka daagoo, baruur sabarku xoodmay!
xaaluf -ka: (magac, lab, keli) wax yar oo xilli abaar ah meel ku hadhay oo dani ku badday ah. Dh: xaaxaab, xashiish. Dh: tigaad, daaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faafiye
m. n. distributor, spreader
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faafiye
-faafiyaha: (n) one who distributes or spreads something: distributor (dis tri-buyuu ter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faafiye
-ha: (magac, lab, keli) qof war ama wax kale baahiya ama fidiya. Dh: baahiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faafiye
de: distributor, spreader
lx: faafiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: faafiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaliye
(Faaliya-ha)
Ninka faalka dhiga; faalallow; faashow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaliye
m.l (-yayaal m.l/dh) Faallalow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faaliye
m. n. fortune-teller, male diviner
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faaliye
-faaliyaha: (n) psychic (male) (saaykik); astrologer; see [eeg] ~ faalalow, wax sheegfaalalow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaliye
-ha: (magac, lab, keli) ninka faalka dhiga ee wax ka sheega; ninka falka dhiga. Faaliye Alla maaha dogonna ka mala roon. Dh: faalallow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faaliye
de: fortune-teller, male diviner
lx: faaliye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: faaliye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaaliye
(Kaaliya-ha)
Gargaare; taageere.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaaliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof caawiya qof hawl haya; gargaare.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaaliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof caawiya qof hawl haya; gargaare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaaliye
m. n. supporter, assistant. deputy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaaliye
-kaaliyaha: (n) 1. assistant (a-siis-tant); helper (helper). 2. deputy (de-pi-yuti)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
KAALIYE
Assistente
Assistant
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kaaliye
Assistente
Assistant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaaliye
-ha: (magac, lab, keli) nin gacanyare u ah dhakhtar ama cid kale. Dh: caawiye, gargaare, taageere, kalkaaliye. Wa: kalkaaliyeyaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaaliye
de: supporter, assistant. deputy
lx: kaaliye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: kaaliye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Waaliye
magac loo bixiyo wiil hooyadii ku dhibaatootay markuu uurka ku jiray ama dhalanayay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalifi
(fal) doog iyo daaqba ka dhammee. Xaalifi beerta adigu. Dh: xaalufi, aabaaree. Li: barwaagee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaaluf_1
de: grazed-out ~ dried-out land, useless pasture
hm: 1
initial: x
lx: xaaluf
pd: (-ka)
ps: n-m-mass
key: xaaluf_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaaluf_2
de: get grazed out ~ dried out, become useless for pasture
hm: 2
initial: x
lx: xaaluf
pd: (xaalufay)
ps: v1=inch
key: xaaluf_2
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maamuliye
m. n. manager, administrator
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maamuliye
-ha: (magac, lab, keli) eeg maamule.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maamuliye
a: maammule
de: manager, administrator
lx: maamuliye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: maamuliye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufitaan
-ka: (magac, lab, keli) xaaluf noqosho Dh: xaalufid, abaaroobitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faasuuliye
-ha: (magac, lab, keli) jaad digirta ka mid ah oo cadcad. Dh: harikoo, atar, digir.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maalgaliye
-maalgaliyaha: (n) investor (investor); financier (finan-siiyer); capitalist
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufdaaq
-a: (magac, lab, keli) xoolo aan ku soofin barwaaqo oo gujufyada iyo wixii dhulkaa xaaluf ku hadhay uun anaanufa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaalhuriye
-ha: (magac, lab, keli) qof ku kaca samaynta warar iyo shaki uu labo dhinac kala dhexdhigo si ay isku dilaan. Dh: dagaal'ooge.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alufle
-ha: (magac, lab, keli) askari alif keli ah sita. Dh: alifle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaluf
-ta: (magac, dhedig, keli) timaha wejiga ku soo faafa. Dh: hoolif, bulbul, dhogor, xaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaaluf
-ka: (magac, lab, keli) noole dugaagga ka mid ah gaar ahaanna dhuljiifka oo dhuuso qadhmuun leh oo qofka uu qaniinaa afartan beri ka dib uu u dhinto suntiisa. Dh: xoor.
kaaluf -ka: (magac, lab, keli) dagaal oogan oo shinnida ka dhex dhaca. Dh: dagaal, khilaaf.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
lumiye
loser
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taliye
(Taliya-ha)
Qof maamul siyaasadeed oo qaran ama urur dowladeed madax u ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof qayb ciidan ah madax u ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof qayb ciidan ah madax u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taliye
m. n. leader, controller; commander, sir
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Taliye
name-m ruler, commander
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taliye
-taliyaha: (n) leader (lii-dher); ruler (ruu-ler); commander (ku-maan-dher) Ex: taliyaha ciidanka cirka; the commander of the air forces. —la taliye -ha: (n) advisor (adveeyser), consultant (kon-saltant), mentor (mentoor); counsellor
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Taliye
Comandante
Commandant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taliye
-ha: (magac, lab, keli) qof maamul siyaasadeed oo qaran ama urur dawladeed madax u ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taliye
de: leader, controller; commander, sir Also a term of address to military or police officers
initial: t
lx: taliye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: taliye
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xaafid
name-m preserver, memorizer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalay
(fal) dan ka gal oo wax ka qabashada arrin jirta xil iska saar. Dh: xaallee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Wax ama cid danayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaalee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Wax ama cid danayn. m.f.dh, xaalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaalee
v. consider, take into consideration, pay attention to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalee
(fal) xil iska saar; ihtimaab sii; il gaar ah ku eeg. Wixii dalka dani ugu jirtaba xaalee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaalee
cf: dan; ka qabo
de: consider, take into consideration, pay attention to
initial: x
lx: xaalee
pd: (xaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: xaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaalid
(Xaalid-da)
Xaal isu sheegasho; xaajeysasho; garramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalid
m.f.dh eeg xaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid laga gar daran yahay xaal siin; cid lagu gefey maydhid. Dh: xaalis, maydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaluq
m.l (-qyo, m.dh) Orgi caato ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaruf
-ta: (magac, dhedig, keli) jabad iyo hadhaa meel lagu ururiyay oon manaafacaad lahayn heer guddaafad lagu magaacabana aan gaadhin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XADIYE
(Hadie) N Maerua oblongifolia (Forsk.) A. Rich. Capparidacea.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xajiye
-ha: (magac, lab, keli) suunka labada dhegood ee kab soomaalida xagga hore isaga haya midkood. Kabtii xajiyihii ayaa go'ay.
xajiye -ha: (magac, lab, keli) biro noocyo badan leh oo kolka wax la dhisayo waxyaalaha in la isku qabto la doonayo een gacantu xajin karayn lagu qabto si la iskgu xajiyo. Dh: maslabad.
xajiye -ha: (magac, lab, keli) suunka kabaha ee xagga dambe mara.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Xajiye
Qodob isu haya qaybo ama xubno isku mid ah ama kala duwan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiye
-ha: (magac, lab, kel) dhulka magaalada ka baxsan ee xoola dhaqatadu dego. Dh: miyi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahiye
-ha: (magac, lab, keli) qof ama qalab war ama wax kale baahiya oo dhul badan gaadhsiiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaluqe
-ha: (magac, lab, keli) qofka baaluqay ee gaadha da'da xilqaadashada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baamiye
m.l Qudaar dhuudhuuban oo yare xoodan ee maraqa lagu dhireeyo, oo dhadhan wanaagsanna ku kordhisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baamiye
m.l Qudaar dhuudhuuban oo yare xoodan ee maraqa lagu dhireeyo, oo dhadhan wanaagsanna ku kordhisa.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAAMIYE
(Bamie) S Abelmoschus esculentus (L) Moench. Malvaceae.
S Abelmoschus ficulneus (L) Wight & Arn. Malvaceae.
S Hibiscus furcatus Willd. Malvaceae.
S Moringa longituba Engl. Moringaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baamiye
-ha: (magac, lab, keli) jaad khudradda ka mid ah. Sariibadda tag oo baamiye noo soo gad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaniye
-ha: (magac, lab, keli) qofka cid bukaan ah baxnaaniya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buufiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (fiisikis) Qalab tamar siiya dareere si uu uga dhaqaajiyo meel ama heer ilaa heer ama kor u qaado cadaadiska.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buufiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (fiisikis) Qalab tamar siiya dareere si uu uga dhaqaajiyo meel ama heer ilaa heer ama kor u qaado cadaadiska.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Buufiye
Pump
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Caabiye
Resistor
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
caabiye
to offer resistance
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Caabiye
Caabiyaha qaydaha.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caafiya
name-f curer, healer
name-m health; one who heals
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caafiyo
m.dh la-mid: caafiyad.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caaliya
name-f exalted, sublime, high, excellent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caamiye
-ha: (magac, lab, keli) aan waxba indhihiisu arag: indhoolle.
caamiye -ha: (magac, lab, keli) aan wax ba qorin wax na akhrin. Buux waa caamiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawiye
-ha: (magac, lab, keli) qofka kaaliye ah oo cid kale u adeega. Inan yar oo caawiye ah ayaa geela ila waraabshey. Dh: kaaliye,kalkaaliye.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAWLIYE
(Aulie) S, C? Maerua oblongifolia (Forsk) A. Rich. Capparidaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaniye
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan yaryar oo madmadaw oo injirta legle'eg dub adagina ku dahaadhan yahay oo hadhuudhka ku dhasha oo dhuuxa u gala. Hadhuudhka daaniyaha ka buufiya.