xaalufdaaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufdaaq
-a: (magac, lab, keli) xoolo aan ku soofin barwaaqo oo gujufyada iyo wixii dhulkaa xaaluf ku hadhay uun anaanufa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laansaredaaq
-a: (magac, lab, keli) neef ama xoolo barwaaqo jooga oo aan dhirta iyo daaqa baarkooda mooyee jirridda gaadhin. Li: xaalufdaaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufitaan
-ka: (magac, lab, keli) xaaluf noqosho Dh: xaalufid, abaaroobitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaldaaq
-a: (magac, lab, keli) neef gooni xoolaha kale uga daaga. Neefka baaldaaga ahi waraabuu u halis yahay. Dh: goonidaaq, goonijoog, feedhjoog, adoole, manoy, sagandaaq, muudaa, keliginoole, xaalwaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabdaaq
-a: (magac, lab, keli) qofka waxa uu la kulmaba iska cuna ee aan xaaraan iyo xalaal kala soocin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baldaaq
m.l Xilliga beeraha laga goosto miraha oo ku beegan dhammaadka guga ama dayrta, oo xoolaha lagu daayo balka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baldaaq
m.l Xilliga beeraha laga goosto miraha oo ku beegan dhammaadka guga ama dayrta, oo xoolaha lagu daayo balka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baldaaq
-a: (magac, lab, keli) labada xilliyood; dhammaadka gu'ga ama dayrta ee reeraha raacata beeralayda ah, ay soo kor degaan beertii oo la goostay, xoolaha na daaqsin aan loo dirine, balka lagu siiyo xeradooda dhexdeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalufi
f.g2 (-iyay, -isay) Dhul xaaluf ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaalufi
f.g2 (-iyay, -isay) Dhul xaaluf ka dhigid. m.f.dh, xaalufin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaalufi
v. graze out (an area), make (land) useless for grazing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaalufi
-yey / say I yeen: (v) make a desert (dhe-zert) out of pasture-land (paas-jar-laandh) by overgrazing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufi
(fal) doog iyo daaqba ka dhammee. Dh: aabaaree. Li: barwaaqee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaalufi
de: graze out (an area), make (land) useless for grazing
initial: x
lx: xaalufi
pd: (xaalufiyey)
ps: v2a=tr
key: xaalufi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xandaaq
-a: (magac,lab, kelii) qof dadka aad u hadal haya oo xan badan. Dh: xanbadane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulufaaq
f.mg1 (-qay, -qtay) Si dan la'aan ah hore iyo gadaal ugu socosho (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulufaaq
-a: (magac, lab, keli) si dan la'aan ah hore iyo gadaal ugu socosho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaaluf_1
de: grazed-out ~ dried-out land, useless pasture
hm: 1
initial: x
lx: xaaluf
pd: (-ka)
ps: n-m-mass
key: xaaluf_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaaluf_2
de: get grazed out ~ dried out, become useless for pasture
hm: 2
initial: x
lx: xaaluf
pd: (xaalufay)
ps: v1=inch
key: xaaluf_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaalufid
(Xaalufid-da)
Xaaluf noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalufid
m.f.dh eeg xaaluf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufid
-da: (magac, dhedig, keli) tigaad iyo doog ba wax dhammaaday noqosho. Dh: abaaroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaalufin
(Xaalufin-ta)
Xaaluf ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaalufin
m.f.dh eeg xaalufi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufin
-ta: (magac, dhedig, keli) wixii baad yaallay ka dhammayn oo xaaluf ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufis
-ka: (magac, lab, keli) wixii baad yaallay ka dhammayn oo xaaluf ka dhigid. Dh: xaalufin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalxaal
(fal) wax horay looga shaqeeyey oo hawsha intii badnayd la dhammeeyey gacanta mari oo qurqurxi. Dh: tafaftir.
xaalxaal -ka: (magac, lab, keli) israacinta hawl inteedii badnayd la soo qabtay. Dh: dhamaystir.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caabudaad
-da: (n) worship (woor-shiip); devotion (di-vow-shin), prayers; the act of worshipping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaalufiye
-ha: (magac, lab, keli) wax wixii yaalba qaada oo meesha uu maro xaaluf ka dhiga. Dh: xaadhe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaldaac
xagaldaac¹: m.l la-mid: xagaldaacid.
xagaldaac²: f.mg1 (-cay, -cday) Baari ama culays ka batay darti, lugtu la laabmid, la daacid, la kufid. la-mid: xagalkaddaac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xagaldaac
f.mg1 (-cay, -cday) Baari ama culays ka batay darti, lugtu la laabmid, la daacid, la kufid. m.f.dh, xagaldaacid. la-mid: xagalkaddaac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xagaldaac
v. turn one's leg and fall; fail, go awry (of plans)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaldaac
-a: (magac, lab, keli) xagasha oo liicda culays ama cillad darteed oo lala kufo. Korsiimo xumadu xagaldaac way keentaa. Dh: xagdaaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xagaldaac
de: turn one's leg and fall; [ext.] fail, go awry (of plans)
initial: x
lx: xagaldaac
pd: (xagaldaacay)
ps: v1=
key: xagaldaac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xawaldaar
m.l Jaajin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caabudwaaq
nickname; name-m sky God's worshiper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masalufitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg masallafitaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagalkaddaac
f.mg1 (-cay, -cady) la-mid: xagaldaac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalluufitaan
-ka: (magac, lab, keli) dusha sare wax ka xaadin; badh ka xalluufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaluqitaan
-ka: (magac, lab, keli) qaangaadh noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalindhaaf
m.l.fk Wax maalin la sameeyo malinna la dhaafo; fal hawl iyo wixi lamida oo inta maalin la qabto maalinna la baajiyo..
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maalindhaaf
m.l.fk Wax maalin la sameeyo malinna la dhaafo; fal hawl iyo wixi lamida oo inta maalin la qabto maalinna la baajiyo..
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalindhaaf
-ka: (magac, lab, keli) labadii maalmoodba maalin; maalin ka bood. Lo'du jilaalkii waxay ku cabtaa maalindhaaf. Li: maalinle.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Tagallewaaq
name-m sky God's grace
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagal furan
m.dh (-llo ..., m.dh) (xisaab) Xagasha cabbirkeedu ka weynyahay xagal qumman (90°), kana yaryahay xagal toosan (180°).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xagal furan
m.dh (-llo ..., m.dh) (xisaab) Xagasha cabbirkeedu ka weynyahay xagal qumman (90°), kana yaryahay xagal toosan (180°).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagal furan
Obtuse angle