xaajeys
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajeys
-ta: (magac, dhedig, keli) xaajo wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaajeysi
(Xaajeysi-ga)
Xaajeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaajeysi
m.l la-mid: xaajeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaajeyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. La x.: cid arrin kala doodid. 2. Dan dhammaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaajeyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. La x.: cid arrin kala doodid. 2. Dan dhammaysasho. m.f.dh, xaajeysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaajeyso
v. talk together (over a matter), negotiate, enter into a negotiation, have a discussion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajeyso
(fal) xaajo gaar ah gudo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaajeyso
de: talk together (over a matter), negotiate, enter into a negotiation, have a discussion
initial: x
lx: xaajeyso
nt: xaajeysad (ka) [vn-m], xaajeysasho (/da) [vn-f], xaajeysi (ga) [vn-m]
pd: (xaajeystay)
ps: v3b=intr
key: xaajeyso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaajeysasho
(Xaajeysasha-da)
Wada hadlid; garramid; jitamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaajood
(Xaajood-ka)
Xaajeysasho; garramid; xaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaalid
(Xaalid-da)
Xaal isu sheegasho; xaajeysasho; garramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaajeysasho
m.f.dh eeg xaajeyso. la-mid: xaajeysad, xaajeysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaajeysad
(Xaajeysad-ka)
Xaajeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaajeysad
m.l la-mid: xaajeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajeysad
-ka: (magac, lab, keli) xaajo wada galid oo wada tashi samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg xaajaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajayso
(fal) arrimo kuu gaar ah oo kaa baylahsan qabso. Dh: adeego.
xaajayso: (fal) cid la malayso; cid xaajo la yeelo. Walaalahaa la xaajayso intaanad go'aan qaadan. Dh: arrinso, malayso, tasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadeys
-ka: (magac, lab, keli) eeg xadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabeys
m.l la-mid: jaabeyn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LAALEYS
(Laleis) N Celosia polystachia (Forsk) Townsend Amaranthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maadeys
(Maadeys-ka)
Sheeko suugaaneed oo dhacday ama dhici karta, oo inta dad jilo la daawado si waxbarasho ama aqoon kale looga dheefa ama muusikada iyo cayaaraha ku jira loogu raaxaysto; riwaayad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeys
m.l 1. (riw.) (-syo, m.dh) Jilid qosol leh. 2. la-mid: maadeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maadeys
m.l 1. (riw.) (-syo, m.dh) Jilid qosol leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maadeys
m. n. comedy, comic act; play; concert
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maadeys
-ka: (n) amusement; laughter; wit, humor ~ maad-da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeys
-ka: (magac, lab, keli) eeg maadays.
maadeys -ta: (magac, dhedig, keli) eeg maadeyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maadeys
cf: riwaayad
de: comedy, comic act; play; concert
lx: maadeys
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: maadeys
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
naaneys
لَقَب
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taaxeys
-ta: (magac, dhedig, keli) neefka ayrada ah ee xoolaha kale caanaha ka badsha. Hadday curato taaxeys mar baa la candhasaabaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabays
-ta: (magac, dhedig, keli) xaabo gurasho. Meel magaalo ka fog ayaa xaabays lagu yagaan. Dh: qoryays, xaabays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajiyo
-da: (magac, dhedig, keli) haweenay xajka tegtey. Dh: xaajiyad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaajeysan
der. [adjective] hungry
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaajeysan
a: gaajaysan
de: hungry Opp: dheregsan
lx: gaajeysan
pd: (gaajeysnaa)
ps: adj-der
key: gaajeysan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gaajeysan
جائع
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajaysad
-ka: (magac, lab, keli) hawl gaar ah qabsasho. Hoggaamiyuhu xaajaysadkiisa wuxu ka horraysiiyaa u xaajaynta dadkiisa. Dh: adeegad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caadeyso
v.auto: get used to something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caadeyso
-caadeystay / caadeysatay: (v) accustom (a-kas-tam)-, habituate; get used to ~ caadayso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caadeyso
de: get used to s.t.
lx: caadeyso
pd: (caadeystay)
ps: v3b=auto
see: caadayso
key: caadeyso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caanyeys
(Caanyeys-ka)
Calaanji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanyeys
-ka: (magac, lab, keli) canyayuubka iyo cidhiidhiga nolosha. Dh: calaanji, caanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaweysi
(Daaweysi-ga)
Si, ama wax ka dhexeeya ku heshiin; daawadhigad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweysi
m.l la-mid: daaweysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaweysi
vl. n. treating someone medically
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweysi
-ga: (magac, lab, keli) cid wax qabta oo adi kaa bugta is u dawaysasho. Dh: dawaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaweysi
de: treating s.o. medically
lx: daaweysi
pd: (-ga)
ps: vn7-m
key: daaweysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweyso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax jirran daawo siisasho. 2. (f.mg) Wax si isla eg u qaybsasho. la-mid: daweyso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaweyso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax jirran daawo siisasho. 2. (f.mg) Wax si isla eg u qaybsasho. m.f.dh, daaweysasho. la-mid: daweyso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaweyso
v.auto: treat oneself with medicine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweyso
(fal) cid kaa jirran dhakhtarka intaad geyso ka soo daawee ama adiguba dawayso. Cidi kuuma maqnee, daaweyso bukaankaaga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daaweyso
a: daawayso
de: treat oneself with medicine
lx: daaweyso
pd: (daaweystay)
ps: v3b=auto
key: daaweyso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darajeyn
(Darajeyn-ta)
Magac iyo darajo u yeelid; weyneyn; muunayn; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darajeyn
m.f.dh eeg darajee. la-mid: derejeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darajeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) maamuusid oo qiimo iyo qaayo u yeelid. Darajeynta culumadu waa u adeegga cilmiga. Dh: derejeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafeysi
(Gaafeysi-ga)
Wadaag, qaarba kol wax qabto; toogaysi; kaltan; jilaysi; moogtan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafeysi
m.l la-mid: gaafeysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaafeysi
vl. n. alternating, taking turns
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafeysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg gaafaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaafeysi
de: alternating, taking turns
lx: gaafeysi
pd: (-ga)
ps: vn7-m
key: gaafeysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Wax kaltan ku qaybsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabeysi
m.l la-mid: jaabeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Jaabo urursasho. la-mid: jaabajaabeyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaanweys
-ka: (magac, lab, keli) rabadh madow oo u dhexeeya daawaha iyo tiyuubka taayirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaayeysi
(Kaayeysi-ga)
Kaltan; miilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaayeysi
m.l la-mid: kaayeysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaayeysi
vl. n. turn, chance
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaayeysi
de: turn, chance
lx: kaayeysi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: kaayeysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaayeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Wax ku kaltamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeysi
m.l la-mid: maadeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg maadeysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Ku m.: qof ku dheeldheelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maadeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Ku m.: qof ku dheeldheelid. m.f.dh, maadeysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maadeyso
v. amuse, enjoy oneself, entertain each other with jokes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadeyso
(fal) is maaweeli oo maad iyo kaftan iska samayso. Intaad welwel iyo walbahaar ku jiri lahayd iska maadeyso.
maadeyso: (fal) ka ka tooxso oo iskaa ama wax kale ku qosqosol. Dh: tooxso, majaajillayso, riwaayadayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maadeyso
de: amuse, enjoy oneself, entertain each other with jokes
lx: maadeyso
pd: (maadeystay)
ps: v3=intr
key: maadeyso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maareyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Bir daxalaysasho. 2. Biyo muddo fadhiyey wasakh yeelasho. 3. Arrin xal u raadsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maareyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Bir daxalaysasho. 2. Biyo muddo fadhiyey wasakh yeelasho. 3. Arrin xal u raadsasho. m.f.dh, maareysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maareyso
v. be damaged, get spoiled, go bad ~ off (water, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maareyso
(fal) wax kuu gaar ah si wanaagsan u maamulo. Maareyso shirkaddaada. Dh: maamulo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maareyso
de: be damaged, get spoiled, go bad ~ off (water, etc.) See also: maarayso
lx: maareyso
pd: (maareystay)
ps: v3b=intr
key: maareyso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ramaleys
m.l la-mid: ramaleyn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xaabeeya
name-f fire-feeder
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaajiyad
m.dh (-do, m.l) (dii.) Haaweenay xajinayso ama xajisay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaajiyad
m.dh (-do, m.l) (dii.) Haaweenay xajinayso ama xajisay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaajiyad
f. n. pickup truck (with covered back)
xaajiyad [feminine] n. female Muslim pilgrim to Mecca
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaajiyad
-da: (n) a woman who has made or is making a pilgrimage to Mecca
xaajiyad -da: (n) pickup truck, usually Toyota pickup truck
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaajiyad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo islaam ah oo xajka gudanaysa ama soo gudatay.
xaajiyad-da: (magac, dhedig, keli) baabuur yar oo inta danbe bannaan oo dhigo inta loo yeelo meelaha miyiga ah ama hayjadaha u adeega. Dh: dhaadsan, biikaab. Wa: xaajiyado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaallays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xaallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasaysi
-ga: (magac, lab, keli) guursi oo islaan iyo carruur yeelad. Dh: xaasaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaxeeyo
m.dh (-ooyin, m.l) (cilmiga naflayda) Mid ka mid ah noocyo badan oo xayawan yar ah sida moolaska, oo leh jidh jilicsan, wax lugo ah aan lahayn, caadi ahaanna qalfoof adag leh. Xaaxeeyadu socod ahaan, aad ayey u gaabisaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaaxeeyo
m.dh (-ooyin, m.l) (cilmiga naflayda) Mid ka mid ah noocyo badan oo xayawan yar ah sida moolaska, oo leh jidh jilicsan, wax lugo ah aan lahayn, caadi ahaanna qalfoof adag leh. Xaaxeeyadu socod ahaan, aad ayey u gaabisaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaxeeyo
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan badeed yar oo dahaadh ku jira oo kolkay dhimato dahaadhkiisa aleel laga dhigto. Dh: baclool, aleel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xakamays
-ka: (magac, lab, keli) eeg xakamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjaysi
-ga: (magac, lab, keli) xanjo samaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjayso
(fal) xanjo samayso. Gacayrtan kaalay ka xanjayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarakays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xarakayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waajibeyso
v. consider something as one's obligation ~ duty
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waajibeyso
bw: Arabic
de: consider s.t. as one's obligation ~ duty
initial: w
lx: waajibeyso
pd: (waajibeystay)
ps: v3b=intr
key: waajibeyso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarakeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Far wax xarako loo yeelay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xarakeysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Far wax xarako loo yeelay ahaansho. m.f.dh, xarakaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajey
(fal) biyo jooga wasakhay. Dh. ajay.