xaadxaadso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadxaadso
(fal) aayar dusha uga qaadqaado. Cunto kulul dusha ka xaadxaadso si aanad ugu guban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadxaadsi
-ga: (magac, lab, keli) aayar dusha uga qaadqaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxaadso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: lixaadso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laxaadso
v. acquire force; gain strength
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxaadso
(fal) xoog iyo itaal yeelo. Dh: lixaadso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laxaadso
de: acquire force; gain strength
lx: laxaadso
pd: (laxaadsaday)
ps: v3a=intr
see: lixaadso
key: laxaadso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbaadso
f.mg3 (-saday, -satay) Ka b.: qof, wax khatar ku sugnaa ka samatabbaxsasho. la-mid: badbaadayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badbaadso
f.mg3 (-saday, -satay) Ka b.: qof, wax khatar ku sugnaa ka samatabbaxsasho. m.f.dh, badbaadsasho. la-mid: badbaadayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaadso
(fal) waxaaga samatabaxso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaanso
f.g3 (-saday, -satay) Awr la rarayo si gaadaan ah u xirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadqaado
(fal) haldhabaalayso: kolba in yar qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaamxaamo
(fal) xaamxaamad samee. Intaan laguu iman sii xaamxaamo. Dh: diyaargaraw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaarxaaro
(Xaarxaara-da)
Canaan foolxun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaarxaaro
m.dh Canaan foolxun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaarxaaro
f. n. scolding, strong reprimand (with abuse ~ vituperation)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaarxaaro
-xaarxaarada: (n) censure (sen-sher), especially with the use of harsh or abusive language
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xaarxaaro
Rimprovero
Reprimand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaarxaaro
(fal) meel qashinka ka harharo oo la nadiifso. Dh: xaadhxaadho, fiiqfiiqo, harharo.
xaarxaaro: (fal) hadal canaan ah dheh oo noqnoqo. In badan xaarxaaro ha cabsadee. Dh: cancanaano.
xaarxaaro -da: (magac, dhedig, keli) canaan lagu noqnoqdo oo foolxun. Dh: cancanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaarxaaro
cf: canaan
de: scolding, strong reprimand (with abuse ~ vituperation)
initial: x
lx: xaarxaaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xaarxaaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydxaydo
(fal) marada laalaabo; xaydo oo haddana xaydo. Waa la yaacayaaye xaydxaydo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadlandso
(fal) wax adu aad leedahay xagga sare qabo isaga oo dhiniciisa hoose lulmayo oo aan waxba ku hayn. Dh: laalaadso, wadhfiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waadhwaadhso
(fal) si isdhawrid ah oo lugaha aad kala fogeynayso u soco. Sida wiil la guday buu u waadhwaadhsanayaa. Dh: waaxwaaxso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaamxaamasho
-da: (magac, dhedig, keli) kicitaan u diyaar noqosho oo hareeraha kolba wax kat qabsad.
xaamxaamasho-da: (magac, dhedig, keli) wax ku ag yaal gacanta la laaclaacid oo qof dhaqaaqaya iska yeelid. Dh: xaamxaamad, tabaabulshaysi. Li: fukuclayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaarxaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) hadal canaan ah wadid oo kolba soo celin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydxaydasho
-da: (magac, dhedig, keli) laalaabasho oo guntiga ama googoradda tafaha geysasho. Dh: xaydasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaddaxayso
(fal) ilmo yar socodka bar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadlaadsad
-ka: (magac, lab, keli) walax gacanta ama afku ku qaadasho, iyadoo hoos kaa jirta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadlaadsan
(tilmaame) walax soo lulata ama soo deldelan. Dh: laalaadasan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maradhaarso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax tashiilasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaarmaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax xaadhan oo haran ahaan. Dh: fiiqnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xąarnaansho
m.l/dh la-mid: xąarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaarxaarsii
(fal) carruur mid ka badan meel ay xaarxaaraan kolba mid gee. Dh: xaargee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaydnaansho
m.l/dh la-mid: xaydnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydnaansho
-da: (magac, dhedig, keli) wax xaydan oo guntiga ama surwaalka xagga hoose ka soo laalaabay ahaan. Dh: xaydnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadlaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax la sido, korka sare qabasho oo sidaas ku qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballaxaadso
(fal) soco oo aad u tallaabso adiga oo aan waxba la hadhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laballixaadso
f.mg3 (-saday, -satay) Xoog u socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laballixaadso
v., [compound] walk fast, run hard (with twice one's strength)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballixaadso
(fal) xoog u soco; dheeree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laballixaadso
de: walk fast, run hard (with twice one's strength)
lx: laballixaadso
nt: laballixaadsad (ka) [vn-m], laballixaadsasho (/da) [vn-f], laballixaadsi (ga) [vn-m]
pd: (laballixaadsaday)
ps: v3a=cmp
key: laballixaadso
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saadaad
name-unisex the right thing to do; lucky hand. Cf: Sadat
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sadaado
(Sadaada-da)
Daal; jiiraggo'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadaado
m.dh Jiiraggo'; daal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sadaado
f. n., [abstract] fatigue, weariness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaado
-da: (magac, dhedig, keli) rafaad uu daal ka muuqdo. Socod waa sadaado. Dh: dhib. Li: raaxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sadaado
de: fatigue, weariness
initial: s
lx: sadaado
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: sadaado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadhad
-ka: (magac, lab, keli) xaadhin samaysasho.
xaadhad -ka: (magac, lab, keli) qosol ama sakaraad la rafasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaalado
-xaaladaha: (n) [ plural of xaalad] conditions (kon-di-shinis); circumstances (sir komistansis). Ex: xaalado kala duwan; different circumstances
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaxaab
-ka: (magac, lab, keli) wax dhammaaday inta yar ee ka sii hadh hadha. Dh: hadhaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaddaad
m. n. blacksmith; welder
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaddaad
bw: Arabic
cf: tumaal
de: blacksmith; welder
initial: x
lx: xaddaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: xaddaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaddayso
(fal) cid kale, ka yeelo qof aad aaddo tihiin. Dadka isku dhow way is aaddaystaan. Dh: walaalayso, huunnayso, boowayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awlaadso
f.mg3 (-saday, -satay) Duco Eebbe iyo werdi samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awlaadso
(fal) carruur dhalmadeed, raadso oo guurso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badbaado
(Badbaada-da)
Cabsi iyo wax laga baqo oo dhan la'aan; nabad ku sugnaan; nabadgelyo; nabaaddiino; samatabbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbaado
m.dh Xaalad aan khatar lahayn oo ay wax ku sugnaadaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badbaado
m.dh Xaalad aan khatar lahayn oo ay wax ku sugnaadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badbaado
f. n. safety, security; salvation; immunity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badbaado
-badbaadada: (n) salvation (saal veey shan); an act of rescuing; a deliverance; rescue (res kiyuu) ~ badbaadin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Badbaado
Sicurezza
Safety
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaado
-da: (magac, dhedig, keli) ka samata-bixidda col ama dhibaato kale oo la filanayay. Allahayow badbaadada, ha ku xidhin bah iyo reer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badbaado
de: safety, security; salvation; immunity
lx: badbaado
pd: (/da)
ps: n6-f
key: badbaado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbadso
(fal) biirbiirso oo in badan qaadqaado. Li: yaryarayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) Wax caado ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caadayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) Wax caado ka dhigasho. m.f.dh, caadaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caadayso
v.auto: get used ~ accustomed to something; form ~ make into a habit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caadayso
-caadaystay I caadaysatay: (v) accustom (a-kas-tam) habituate; get used to ~ caadeyso. Ex: waxaan caadaystay inaan saacado badan shaqeeyo: I have accustomed myself to working long hours
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadayso
(fal) si joogto ah u samee; fal samayntiisa caado ka dhigo. Caadayso in aad tukato. Dh: joogtayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caadayso
a: caadeyso
de: get used ~ accustomed to s.t.; form ~ make into a habit
lx: caadayso
pd: (caadaystay)
ps: v3b=auto
key: caadayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadaadi
(fal) marka lagu farayo inaad dhulka dushiisa si filiqsan wax ugu tuurtuurtid ama aad si tashiil la'aan ah u isticmaashid. Meel qudha ha ku wada shubine daadaadi biyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaadaddo
(Gaadadda-da)
Qodax-badeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaddo
m.dh Nafley badda ku jirta oo xiddigtadhul u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaadaddo
f. n. thorny marine plant species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadaddo
-da: (magac, dhedig, keli) noole badda ku nool oo dushiisu wada qodax tahay. Dh: qodaxbadeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadaddo
de: thorny marine plant sp.
lx: gaadaddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gaadaddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadso
f.mg3 (-saday, -satay) Da' wax lagu fahmi karo gaarid. la-mid: garaadayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaadso
v. reach the age of reason, reach maturity
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaadso
de: reach the age of reason, reach maturity
lx: garaadso
nt: garaadsi (ga) [vn-m]
pd: (garaadsaday)
ps: v3a=intr
key: garaadso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaadjaad
(tilmaame) dhalan iyo samays kala geddisnaan; walxo kala isir iyo sinji duwan. Dh: cayncayn, noocnooc, jaadbajaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laadadyo
m.dh Laqanyo, wadnabaab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laadadyo
m.dh Laqanyo, wadnabaab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laadadyo
f. n. nausea
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadadyo
-da: (magac, dhedig, keli) lallabo; yaqyaqsi; liidaanyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laadadyo
bw: ladaadyo
de: nausea
lx: laadadyo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: laqanyo
key: laadadyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladaadyo
(Ladaadya-da)
Laqanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladaadyo
m.dh Laqanyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ladaadyo
f. n. nausea
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaadyo
-da: (magac, dhedig, keli) dareen in hunqaaco ku hayso la dareemo. Xumadda badani ladaadyo ayay keentaa. Dh: laqanyo, yalaalugo, daalalyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ladaadyo
de: nausea
lx: ladaadyo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: laadadyo
key: ladaadyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxaadsi
m.l la-mid: lixaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxaadsi
-ga: (magac, lab, keli) tamar iyo laxaad yeelasho; lixaadsasho; laxaadsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lixaadso
f.mg3 (-saday, -satay) Xoog yeelasho. la-mid: laxaadso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lixaadso
f.mg3 (-saday, -satay) Xoog yeelasho. m.f.dh, lixaadsasho. la-mid: laxaadso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lixaadso
v. gain strength, acquire force ~ vigor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lixaadso
(fal) xoog iyo tamar yeelo. Dh: itaalayso, laxaadso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lixaadso
bw: laxaadso
de: gain strength, acquire force ~ vigor
lx: lixaadso
nt: lixaadsasho (/da) [vn-f], lixaadsi (ga) [vn-m]
pd: (lixaadsaday)
ps: v3a=intr
key: lixaadso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawaadso
(fal) xishood gobanimo yeelo. Nayaa sida hablaha filkaaya mawaadso. Dh: xishoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabdaado
m.dh Salaan; bariido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nąbdaado
m.dh Si cabsi ku jirto uga kicidda hurdada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabdaado
-da: (magac, dhedig, keli) salaan iyo bariido.
nabdaado -da: (magac, dhedig, keli) si cabsi ku jirto, hurdo uga kicid.