xaadsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadsi
-ga: (magac, lab, keli) aayar dusha uga qaadasho. Wa: xaadxaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax la qoray, ganka iyo xaadda ka xiirid, ka gurid; tifaftirid; salaaxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaadi
v. polish up ~ off, smooth out, apply finishing touches to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadi
(fal) ganka xaadda ah ka xiir. Xaadi oo ganka ka jar. Dh: tafaftir, kagur.
xaadi: (fal) shay dushiisa sare wax yar oo biira ah ama nadaafad xuma ah oo dul yaal aayar uga qaad. Hadhuudhka kolkaad goolabto dusha ka xaadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaadi
cf: salaax; tifaftir
de: polish up ~ off, smooth out, apply finishing touches to
initial: x
lx: xaadi
pd: (xaadiyey)
ps: v2a=tr
key: xaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaasi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley tabardaran daryeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaasi
v. care for one's family; provide for someone (weak ~ dependent)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaasi
de: care for one's family; provide for s.o. (weak ~ dependent)
initial: x
lx: xaasi
pd: (xaasiyey)
ps: v2a=tr
key: xaasi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg haadsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaadsi
(Kaadsi-ga)
Kaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadsi
m.l la-mid: kaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadsi
-ga: (magac, lab, keli) u fiirsi iyo degdeg la'aan marka hawl la qabanayo ama arrin lagu dhaqaaqayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg maadeysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadsi
m.l la-mid: raadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg raadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saadsi
(Saadsi-ga)
Saadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saadsi
m.l la-mid: saadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadsi
-ga: (magac, lab, keli) jeclaysasho.
saadsi -ga: (magac, lab, keli) wax dhiciddooda awaalad, dhiciddooda u yeedhad. Dh: saadsaho, saadsad,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaabsi
(Xaabsi-ga)
Xaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaabsi
m.l la-mid: xaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabsi
-ga: (magac, lab, keli) wax dhulka ku filiqsan urursasho oo wada xaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadso
f.g3 (-saday, -satay) Ul, qori iyo wixi lamida sulub ka dhigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaadso
v. cut off ~ remove any protruding part of something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadso
(fal) dusha aayar uga qaado. Xaadso kereemka oo gunta ha u dhaadhicin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaadso
cf: xaadi
de: cut off ~ remove any protruding part of s.t. for oneself
initial: x
lx: xaadso
pd: (xaadsaday)
ps: v3a=tr
key: xaadso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dusha aayar uga qaadasho. Dh: xaadsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laxaadsi
m.l la-mid: lixaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laxaadsi
-ga: (magac, lab, keli) tamar iyo laxaad yeelasho; lixaadsasho; laxaadsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lixaadsi
(Lixaadsi-ga)
Lixaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lixaadsi
m.l la-mid: lixaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lixaadsi
-ga: (magac, lab, keli) yeelashada taag iyo xoog badan. Dh: itaalsi, laxaadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaadsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1. Wax la ekeysiin, wax lagu shubi karo ama lagu ridi karo ama la saari karo. 2. Xoog ama tabcid wax ku oggoleysiin. 3. Cudur cid ku ridid. 4. Nafley meel marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaadsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1. Wax la ekeysiin, wax lagu shubi karo ama lagu ridi karo ama la saari karo. 2. Xoog ama tabcid wax ku oggoleysiin. 3. Cudur cid ku ridid. 4. Nafley meel marin. m.f.dh, qaadsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaadsii
v.caus: force ~ constrain someone to accept something; transmit (a disease)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaadsii
-yey I say: (v) 1. make it fit; make capable of holding or containing. 2. make someone contract a disease or catch a bug [virus]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadsii
(fal) shey ku kale le'ekaysii mug ama dherer ahaan. Dharka qaadsii shandadda. Dh: deeqsii.
qaadsii: (fal) noole inuu wax qaado xoog ama xeelad ku yeelsii. Wiilka yar ha diline sasabo alaabta ku qaadsii. Dh: yeelsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaadsii
de: force ~ constrain s.o. to accept s.t.; [ext.] transmit (a disease)
lx: qaadsii
nt: qaadsiin (ta) [vn-f], qaadsiis (ka) [vn-m]
pd: (qaadsiiyey)
ps: v2a=caus
key: qaadsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) harid oo qashin meel ka nadiifin. Xaadhidda waddooyinka waxa loo soo iibiyay qalab casri ah. Dh: fiiqid, salabayn, xaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadhif
-ta: (magac, dhedig, keli) diirka adag ee dadka jidhkooda ka kaca xilliyada dhaxanta. Dh: jidhif.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel bannaan oo xooluhu fadhiistaan. Dh: xaarin, ambo. Wa: xaadhimo.
xaadhin -ta: (magac, dhedig, keli) meel uu xayawaan galo oo uu deggen yahay. Libaaxu kaynta reerka agteeda ayuu xaadhin ka samaystay. Dh: xaarin, xero, degaan. Wa: xaadhimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadiri
f.g2 (-iyay, -isay) Dad meel jooga si loo ogaado kan maqan iyo kan jooga, magacyadooda yeerin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaadiri
f.g2 (-iyay, -isay) Dad meel jooga si loo ogaado kan maqan iyo kan jooga, magacyadooda yeerin. m.f.dh, xaadirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaadiri
v. make someone attend ~ be present; call roll
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaadiri
-yey -say: (v) check attendance or presence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadiri
(fal) yeedhi oo mid mid inuu joogo u hubi. Ardayda xaadiri. Dh: yeedhi.
xaadiri: (fal) u yeedh oo goobta soo jooji. Ninkii falka geystey soo xaadiri. Dh: keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaadiri
de: make s.o. attend ~ be present; [ext.] call roll
initial: x
lx: xaadiri
pd: (xaadiriyey)
ps: v2a=tr
key: xaadiri
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xaadsan
pr. n., [feminine] Hadsan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xaadsan
name-f blemishless, smooth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xaadsan
magac loo baxsho gabadh jidh dumar oo qurxoon leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadsan
(tilmaame) dusha laga xaadiyay ah; xaad iyo gan laga dhameeyey ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xaadsan
de: Hadsan
initial: x
lx: Xaadsan
ps: name-f
key: Xaadsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaanshi
m.dh la-mid: xaashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xaanshi
magac loo bixiyo wiil caddaan iyo qurux ku dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaanshi
-da: (magac, dhedig, keli) waraaq wax lagu qorto. Dh: xaashi, waraaq, wargad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaarsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: xaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg xadaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xagaysi
(Xagaysi-ga)
Xagaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaysi
m.l la-mid: xagaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaysi
-ga: (magac, lab, keli) xagaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarafsi
(Xarafsi-ga)
Xarafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarafsi
m.l la-mid: xarafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarafsi
-ga: (magac, lab, keli) shaqaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaasi
m.l.kh X. ah: wax taabashadooda, ka hadliddooda iyo talakeenkoodu keeni karo dhibaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xasaasi
m.l.kh X. ah: wax taabashadooda, ka hadliddooda iyo talakeenkoodu keeni karo dhibaato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasaasi
m. n. delicate object
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasaasi
-ah: (adj) sensitive (san-si-tif); delicate (dela-keeyt). Ex: arrin xasaasi ah; a sensitive matter
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasaasi
bw: Arabic
de: delicate object
initial: x
lx: xasaasi
pd: (-ga)
ps: n-m
key: xasaasi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayaysi
-ga: (magac, lab, keli) qof aan hilib lahayn oo wayd ah. Xayaysi la lama borotomo. Dh: caato, xiidxiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadi
f.g2 la-mid: aaddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaad
(Xaad-da)
Timo gaaggaaban oo jilicsan oo aan korin oo oogada ku wada rogan meelo yar maahee (afarta cadcad, madaxa, ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaad
m.dh Timo jilicsan oo oogada dadka ka soo baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaad
m.dh Timo jilicsan oo oogada dadka ka soo baxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaad
f. n., (mass n.): body hair
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaad
-da: (n) soft, silky hair that grows on the human body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xaad
magac loo baxsho wiil jidhkiisa oo xaad leh dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaad
-da: (magac, dhedig, keli) timo yaryar oo jilicsan oo aan korin oo inta badan oogada ku wada yaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaad
de: body hair
initial: x
lx: xaad
pd: (-da)
ps: n0-f-mass
key: xaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaas
(Xaas-ka)
1. Afada iyo carruurta.
2. Cidda inta tabarta yar; maato.
3. Xoolaha inta isnuugta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaas
xaas¹: m.l (-sas, m.l) 1. Oori, afo. 2. (-sas, m.l) Carruurta iyo haweeney la qabo. 3. X. ah: wax tabardaran; maato. 4. X. ah: qof carruur badan leh oo hanti yar.
xaas²: f.mg1 (-say, -stay) Nafley caato noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaas
xaas¹: m.l (-sas, m.l) 1. Oori, afo. 2. (-sas, m.l) Carruurta iyo haweeney la qabo. 3. X. ah: wax tabardaran; maato. 4. X. ah: qof carruur badan leh oo hanti yar.
xaas²: f.mg1 (-say, -stay) Nafley caato noqosho. m.f.dh, xaasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaas
m. n. family (wife and children), man's household ~ dependents; spouse
xaas m. n., [collective] dependents; weak ~ infirm people; cows and unweaned calves
xaas [inchoative] v. become weak and debilitated, get thin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaas
-ka: (n) 1. wife (waayf) ~ oori. Ex: xaaskayga; my wife. 2. family (faamili). Ex: xaas ballaaran baan nahay; we are a largefamily
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xaas
Famiglia
Family
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaas
-ka: (magac, lab, keli) qoys ka kooban labadi isqabta iyo carruurtooda. Xaas hortii xoolo dhaqa col hortiina hub samayso. Dh: reer.
xaas -ka: (magac, lab, keli) reerka inta tabarta yar een xilku saarnayn. Dh: maati, maxas.
xaas -ka: (magac, lab, keli) islaanta la qabo oo qudha. Dh: afo, islaan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xaas
أُسْرَةَ، بَعْلَهُ بَعْلَ
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xadi
name-m divine ordinance
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaddi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid meel ku toosin; la-mid: aadi, aadsii. 2. Ku aa.: wax dalool ciriiri ah oo uu geli karo ku beegid. 3. Ku aa.: wax muuqaalkooda wax kale ku gudbid. 4. Isku aa.: wax aan nidaamsanayn sida ay isu raaci karaan u nadaamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aaddi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid meel ku toosin; la-mid: aadi, aadsii. 2. Ku aa.: wax dalool ciriiri ah oo uu geli karo ku beegid. 3. Ku aa.: wax muuqaalkooda wax kale ku gudbid.
4. Isku aa.: wax aan nidaamsanayn sida ay isu raaci karaan u nadaamid. m.f.dh., aaddin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aaddi
v. direct, send
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aaddi
-yey / say: (n) [with preposition kul align (a laayn); arrange in a line or line up. Ex: safka ku aaddi: keep in line -aad-daanaan -ta: (n) [ with preposition ku] 1. alignment also alignment (a-layn-ment); in parallel lines; opposite (op-pezit) ~ ka soo horjeed. 2. expected ~ la filayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaddi
(fal) (ku ~) jiho gaar ah, qof ama wax kale ku toosi. Ruuxaa da'da ah jidka ku aaddi. Dh: toosi, beeg.
aaddi: (fal) (isku ~) wax kala daadsan isku habee. Isku aaddi lambarrada buugaagta oo u dhig sida ay u kala horreeyaan. Dh: dubbarrid, habee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aaddi
de: direct, send = aad + -i
lx: aaddi
pd: (aaddiyey)
ps: v2a=
key: aaddi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadmi
m.l la-mid: aadami.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aadmi
m.l la-mid: aadami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadmi
-ga: (magac, lab, keli) abuuraha Bebbe kuwa ku abtirsada Nebi Aadan. Dh: aadame, bani'aadam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadni
-da: (magac, dhedig, keli) «ku ~» eeg ku aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarsi
(Aarsi-ga)
Aargudad; aarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarsi
m.l la-mid: aarsasho.

m. n. revenge