x,x
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
X,x
/ekis/ xarafka labaatan iyo afraad ee alifbeetada ingirusiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abyane huban
m.l (-nayaal ..., m.l/dh) (xisaab) Jawaabta abyanka fansaar kasta ee hal doorsoome f(x), ee u dhexeeya laba qiime oo magacaaban ee x: x, iyo x2.

aragti-haraa
m.dh (-iyo ..., m.dh) (xisaab) Aragtida loo tibaaxo isle'egta f(x) = (xa) gx+f(a) taas oo micnaheedu yahay haddii tibxaale f(x) ee doorsoome x, loo qaybiyo (xa), oo a ay tahay madoorsoome; tibixda haraaga waxa ay le'eg tahay qiimaha tibxaalaha marka x = a. Tibxaalaha sare f(1) = 2+3-1-4= 0, sidaa daraadeed (x-1) waa isir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aragti-isir
m.dh (-iyo ..., m.dh) (xisaab) Xaaladda ay (x-a) ku noqonayso isirka tibxaalaha f(x) ee doorsoome x, haddii iyo haddii oo keliya f(a) = 0. Tusale ahaan, haddii f(x) = x +x-6 = 0 f(-3) = 9-3-6= 0; f(2) = 4+2-6 = 0. Sidaa daraadeed isirrada f(x) waa (x-2) iyo (x+3). Aragtida isirka waxa laga soo diiray aragtida haraaga.

iskudhufasho
m.dh (xisaab) Summad x. Xisaabfalka labaale ee lagu helo taranka laba ama dhowr xaddi. Dhinac kale marka laga eego iskudhufashadu waa isugeyn soo noqnoqata. Tusaale ahaan, 3 x 4 = 3 + 3 + 3 + 3 = 12.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaaha-altaratyolet
m.l (-tyo, m.dh) (fiisikis) Kaahinta birlabdanabeed ee hirbaacoodu u dhexeeya kan midabka cinab sare iyo fallaadhaha-x (x=egs), taas oo ah inta u dhexeysa 400 naanomitiri (nm) iyo 4 naanoomitiri (nm).

xayuubi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ka x.: wax qof dusha ka saarnaa xoog uga qaadid. 2. Ka x.: xil, derejo iyo wixi lamida qof ka qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiisoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U x.: xiiso dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abyane huban
m.l (-nayaal ..., m.l/dh) (xisaab) Jawaabta abyanka fansaar kasta ee hal doorsoome f(x), ee u dhexeeya laba qiime oo magacaaban ee x: x, iyo x2.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aragti-isir
m.dh (-iyo ..., m.dh) (xisaab) Xaaladda ay (x-a) ku noqonayso isirka tibxaalaha f(x) ee doorsoome x, haddii iyo haddii oo keliya f(a) = 0. Tusale ahaan, haddii f(x) = x +x-6 = 0 f(-3) = 9-3-6= 0; f(2) = 4+2-6 = 0. Sidaa daraadeed isirrada f(x) waa (x-2) iyo (x+3). Aragtida isirka waxa laga soo diiray aragtida haraaga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aragtiharaa
m.dh (-iyo ..., m.dh) (xisaab) Aragtida loo tibaaxo isle'egta f(x) = (x-a)gx+f(a) taas oo micnaheedu yahay haddii tibxaale f(x) ee doorsoome x, loo qaybiyo (x-a), oo a ay tahay madoorsoome; tibixda haraaga waxa ay le'eg tahay qiimaha tibxaalaha marka x = a. Tibxaalaha sare f(1) = 2+3-1-4= 0, sidaa daraadeed (x-1) waa isir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskudhufasho
m.dh (xisaab) Summad x. xisaabfalka labaale ee lagu helo taranka laba ama dhowr xaddi. Dhinac kale marka laga eego iskudhufashadu waa isugeyn soo noqnoqata. Tusaale ahaan, 3 x 4 = 3 + 3 + 3 + 3 = 12.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaaha-altaratyolet
m.l (-tyo, m.dh) (fiisikis) Kaahinta birlabdanabeed ee hirbaacoodu u dhexeeya kan midabka cinab sare iyo fallaadhaha-x (x=egs), taas oo ah inta u dhexeysa 400 naanomitiri (nm) iyo 4 naanoomitiri (nm).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xayuubi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ka x.: wax qof dusha ka saarnaa xoog uga qaadid. 2. Ka x.: xil, derejo iyo wixi lamida qof ka qaadid. m.f.dh, xayuubin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiisoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U x.: xiiso dareemid. .
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
X-rays astronomy
Fallaadha-X, xidigaha
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaah'altaratyolet
-ka: (magac, lab, keli) kaahinta birlabdanabeed ee hirbaacoodu u dhexeeya kan midabka cinab sare iyo fallaadhaha-x (x=egs) taas oo ah inta u dhexeysa 400 naanomitiri (nm) iyo 4 naanoomitiri (nm).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
x
(xa'): xarafka labo iyo labaatanaad ee xuruufta Af Soomaaliga ahna shibbane u qorma: X, x.