wuu
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wuu
class, vl. pron. he / it [masc.] is / does ...
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wuu
il (+ verbe).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wuu
(pronoun he plus verb) he is..; used masculine nouns ending -ka; -ga; Ex: gaarigu wuu cusub yahay; the car is new
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wuu
de: he / it [masc] is / does ...
initial: w
lx: wuu
ps: class + vpro
xe: The grapes look good. = waa + uu
xv: Canabku wuu arag fiicanyahay.
key: wuu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saa
1. Maxaayeelay; maxaawacay; waxay ku noqotay; sabab.
2. Kolkaas; markaas; haddaba; kaddib.
3. Armaa; billaa; sow.
saa- — (saan: saa waan, saa anigu; suu: saa wuu, saa isagu; kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waa
1. Erey tixaha ulajeeddooyin kala duwduwan u yeela (waa maxay? Waa wiil; waa tahay; Cali waa uu (= wuu) yimid; waa kee? waa tee; ...).
2. (Waa-ga) a) Waqti; jeer; goor. b) Waabberi.
Waa- (waan = waa aan; waad = waa aad; wuu = waa uu; ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
af
af¹: m.l (afaf, m.l) 1. Xubinta nafleydu ay wax ku cunto oo bushimaha, carrabka iyo ilkuhu ay ku yaalliin. 2. Dhinaca ay middidu wax goyso. 3. Waddo, tog, xarig iyo wixi lamida dacalka ay ka bilowdaan. 4. Wax guda leh meesha wax looga shubi ama gelin karo. 5. A. leh: sida fiican ee birta la adeegsadaa wax u goyso.
af²: m.l (afaf, m.l) 1. (naxwe) Hadal ay bulsho u adeegsato sidii ay isku wargaarsiin lahayd, luqad. 2. A. guud: af ka dhexeeya ummad isku qaran ah, waxaana loo adeegsadaa siiba xagga warbaahinta iyo waxbarashada; a. qoraal: qaab afeedka la adeegsado marka wax la qorayo, kaasoo u dhow ama la xariira qaabka suugaanta, sidaa daraaddeed wuu ka adagyahay, siiba xagga weereynta, qaabka afka ee tiraab ahaan loo adeegsado; a. tirabeed: qaab afeedka la adeegsado marka si caadi ah loo hadlayo; a. maldahan: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ay ku dhex qarsoontahay; wuxuuna xallad u yeela siiba hadalka suugaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ba (-ba)
qr. 1. (naxwe) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tusaale: “Waxba ma aha”. 2. (naxwe) Mid kasta; wax kasta. Tusaale: “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (naxwe) In badan. Tusaale: “Wuxuu doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tusaale: “Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (naxwe) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqo
f.mg3 (-qday, -qatay) 1. Meel tegiddeeda ka maqnaan. 2. Ka b.: wax waqtigii loogu talaggalay dib uga dhicid. Tusaale: “Shirkii wuu baaqday”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baar
baar¹: m.l 1. Fiidda sare ee geed ama timo iyo wixi lamida. 2. Dhoqor dhaadheer ah oo ka baxda kuruska geela dushiisa. 3. Ciyaarta daba-kaeriga, hal mar oo turubka la qeybiyo laguna ciyaaro. 4. Isha baalkeeda. 5. (-rar, m.l) Meel lagu iibsho cabitaanka iyo cunto fudud.
baar²: m.dh (baar, m.dh) 1. Geedka cawdu ka baxdo, waa dhir oo ay isku bah yihiin timirta, bixiya miraha qoonaha iyo caw oo ka baxa meelaha kulul ee biyaha leh. 2. Nagaar dhulka ku faalala oo xooluhu daaqaan.
baar³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax qarsoon raadin. 2. Wax la qaadan waayay noqosho (badeeco). Tusaale: “Hilibkii wuu baarey”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baas
baas¹: m.l (-sas, m.l) 1. Dhibaato aad u weyn; belo. 2. Warqad aqoonsi oo lagu galo meel gaar ah sida xeryaha ciidamada, dekedaha iyo wixi lamida. 3. Rasaas si is daba joog ah u dhacda.
baas²: f.g1 (-say, -stay) Imtixaan gudbid. Tusaale: “Cali, imtixaankii wuu baasay”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbarafow
m.l (-ro ..., m.l) (fiisikis) Heerkulka hoor iyo wejigiisa adkuhu ay noqdaan kuwo isku dheelitiran, iyagoo ku sugan cadaadis beegal ah. Heerkulkaas wixii ka hooseeya hoorku wuu barafoobaa ama adkaadaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqorraxeed
m.l (-dyo, m.dh) (c.fal.) Bar qorraxda dusheeda ah, marmarka qaarkoodna waxa laga arki karaa lakab daruureed khafiif ah ama muraayad madow isha qaawan. Bilowgeedu wuu qarsoonyahay, laakiin waxa la rumaysanyahay inuu ka koobanyahay neefo ku meersan gibilka qorraxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caarood
caarood¹: m.l la-mid: caaroobid.
caarood²: m.l (daawo) Kahsi muddo gaaban ama muddo dheer oo jirku yeelanayo barbarar wareegsan maqaarka korkiisa cabbirkooduna kala waaweynyahay, cuncun badanna wuu leeyahay; saacado ama ayaamo ayuu jiri karaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-gibileed
cadaadis-gibileed¹: m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Culayska saaran bar ee ka dhasha cadaadiska hawada ka sarraysa bartaas.
cadaadis-gibileed²: m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Cadaadiska ka dhasha culeyska hawada ee ka saaraysa bar kasta oo ku taal oogada dhulka. Marka laga qiyaaso heerka badda, gibilku waxa uu celin karaa tiir meerkaari oo jooggiisu yahay 760 mm. Cadaadiskaas wuu sii yaraadaa marka sare loo sii kaco. Qiimo beegaalka c. g. (heerka badda ee halbeegga (H.C.) waa 1.01325 x 10 5 Baaskal (N/m2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaarside
m.l (-dayaal, m.l/dh) (baayoloji) Cagaarside laga helo unugyada dhirta waaweyn iyo aljiga. Marka laga reebo cagaarbuluugga ah dhirta waaweyn. C.duhu wuu wareegsanyahay sida saxanka oo kale, laakiin ka aljigu wuu muuqaalo badanyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilo-buureed
m.l (juqraafi) Nooc cimilo oo ay keenaan kala sarraynta iyo joogga dhulka halkii ay ka keeni lahaayeen loolka iyo xaaladda badeedda ka jirta meesha; waxaa dhici karaysa in laga helo gobol kasta, wuuna ka baxsanyahay habka cimilo goboleedka waaweyn ee jira. Marka loo fiirsho dhulalka hoose, buuruhu waxay muujiyaan hoos u dhac xagga cadaadiska hawada, heerkulka, huurka, iyo kaah qorraxeedka oo kordha, iyo marka la gaaro joog door ah oo roobku bato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duud-oogeed
m.l (jooloji) Oogo dhadhaab shiileed ah, inta badan ufuq ahaan, wuxuu samaysmaa marka magma soo herdiyo laba lakab oo dhadhaab lakabeed dhexdood oo halkaa ku qaboobo kuna adkaado; qaradiidu waxay gaadhi kartaa xoogaa sentimitirro ah ama dhowr boqol mitir, laakiin ufuqiisu inta badan wuu ka weynyahay marka la barbardhigo qaradiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duufaan-kulaalay
m.l (-nno ..., m.dh) (juqraafi) Gobol cadaadis hoose leh, dhulkeedu wuu yar yahay, laakiin waxay leedahay duufaan xoog leh, oo ka soo bilaabma gobollada kullalayda, runtii, waxay la mid tahay godan, laakiin way yartahay aadna way u xoog badantahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ee
ee¹: xi. 1. Eray lagu xiriiriyo laba weerood aan xor ahayn. Tusaale: “Nin wanaagsan ee geesi ah”, “Xarunta dhexe ee xisbiga”. 2. Eray lagu xiriiriyo laba weerood xor ah. Tusaale: “Ha kicin wuu bukaa ee ama wuu bukaa ee ha kicin”, “Meel kastaba aynu ka eegno ee heli mayno”, “Cali wuu shaqayay ee Maryam baa seexatay”. la-mid: e.
ee²: u.j Eray qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo. Tusaale: “Ee aabbe!”. la-mid: eeyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fal
fal¹: m.l (-lal, m.l) 1. Wax qabad; samays. 2. Ficil. 3. Sixir. 4. la-mid: falid.
fal²: m.l (naxwe) Qayb ka mid ah koox naxweedda isbedbeddesha, waxayna tilmaantaa wax la sameeyo ama wax la ahaado. Tusaale: “Guuleed wuu yimid”, “Sucaad way kortay”. F. gudbe: waxaa lagu magacaabaa fal u baahan layeele toosan si uu u hawlgalo sida “arag”, “cun”, “taabo”. Tusaale: “Sabriye ayaa tufaaxa cunay”; f. magudbe: fal aan oggolaanayn in uu si toos ah u yeesho layeele sida “soco”, “buub”, “weynow”. Tusaale: “Ismahaan baa soo socota”, “Ismahaan baa u soo socota dugsiga”; f. sifo: waxaa jira falal aan muujinayn waxa uu qabto yeeluhu, balse muujiya xaaladda uu ku suganyahay iyo sifadiisa; falalkani waxay mar waliba ay ku tiirsanyihiin fal “ahaansho”. Tusaale: “Gabadhu way wanaagsantahay”.
fal³: f.g1 (-alay, -ashay) 1 . Wax samayn. Tusaale: “Arrintan anigaa falay”. 2. Wax sixrid. 3. Beer qodid. Tusaale: “Beertii baan soo falay”. 4. Dhul bannayn. Tusaale: “Ciisaa dhabbe falay”. 5. Harag jilcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gobol-kulaale-xige
m.l (-llo ..., m.dh) (juqraafi) Gobolka u dhexeeya kulaleyaasha iyo gobolka dhexdhexaadka ah. Wuu ka duwanyahay kulaaleyaasha wuxunna leeyahay xilliyo kala duwan oo ay ugu muhiimsanyihiin jiilaalka iyo xagaagu, cimiladuse guud ahaan way ka diirantahay gobolka dhexdhexaadka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaanso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Hurdo ama caajis awgiis af la kala qaadid. 2. Naftii baa ka h. satay: wuu dhintay. 3. la-mid: hamaan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wuxu
npsubject case: the thing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wuxu
de: the thing = wax + -u [subject]
initial: w
lx: wuxu
ps: np-subj
key: wuxu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uu
1. Xarafka u oo dheer; (ū).
2. Uyaalka qofka aan lala hadlayn oo lab oo keli ah; isagu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uu
uu¹: mu.dhm.y Magacuyaal tilmaamaya qofka saddexaad ee kelida lab ah (kan laga hadlayo). Tusaale: “Wuxuu rabaa inuu wax ka barto”
uu²: e.d Erey dareen oo tilmaamaya wax kedo ah ama wax naxdin ah, iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uu
uu¹: mu.dhm.y Magacuyaal tilmaamaya qofka saddexaad ee kelida lab ah (kan laga hadlayo). Tusaale: Wuxuu rabaa inuu wax ka barto.
uu²: e.d Erey dareen oo tilmaamaya wax kedo ah ama wax naxdin ah, iyo wixi lamida.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uu
(n) long vowel of u letter of Somali alphabet. Ex: uurka; the pregnancy (pareg-nan-si)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uu
shaqalka dheer ee xarafka 'u'. guur, buur.
uu: (ereydhawaaq) qaylodhaan ah oo gurmad lagu doonayo. Uu, uu... Waar ayaa Soomaali ahey!
uu: (magacuyaal) magacuyaalka qofka saddexaad ee lab. Aadan waxa uu tegey dugsigii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buu
vl. pron. he,
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buu
(pronoun he plus past tense verb). Ex: saacad cusub buu gatay; he bought a new watch
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buu
de: he + [FOCUS] = baa + uu
lx: buu
pd: (ayuu)
ps: focus + vpro
xe: He saw something.
xv: Wax buu arkay.
key: buu
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duu
(ereydhawaaq) la adeegsado marka awrka la celinayo. Duu dheh awrka. Dh: dooh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juu
e.d la-mid: tuu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juu
(ereydhawaaq) lagu fadhiisiyo neef geel ah. Dh: ju', oho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuu
Erey leh ulajeeddooyin ay kamid yihiin: a) Adiga (sida: Yaa kuu sheegay?). b) Adiga dartaa (sida: Yaa kuu doonay? Yaa kuu dhisay?).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuu
pron. and preposition: to ~ for you; on your behalf
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kuu
pour toi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuu
(pronoun you plus preposition such as to) to...you ~ kuugu. Ex: Maxuu kuu sheegay? what did he tell you?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muu
vl. pron., neg. he ... not
muu question word, vl. pron. does he ? / is he ...?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muu
[pronoun plus negative] 1. he..not. Ex: Cali muu arag; Ali didn't see ~ muusan 2. (interrogative word) why., he..?/ is..he..? ~ miyuu. Ex: Muuse muu orday? did Muse run?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muu
(ereycodeed) erey lagu asteeyo ci'da waraabaha. Dh: aaw.
muu: (falkaabe) erey falkaab ah oo u dhigma miyuu aarmuu. Muu iskaba aamuso.
muu-da: (magac, dhedig, keli) xoolo la dhaqdo. Muuda usha ka daa. Dh: makas, xoolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suu
(saa + wuu)
saa waa uu; saa isagu wuu.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suu
conj., vl. pron. in order that he ...; well, then he...; anyway he...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suu
(conjunction plus pronoun) the manner or way in which he...; how he.... Ex: suu yiri? how he said?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suu
(falkaabe) su'aaleed u dhigma: siduu?.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suu
a: siduu
de: in order that he ...; well, then he...; anyway he...
initial: s
lx: suu
ps: conj + vpro
xe: How is he? = si (da) + uu
xv: Suu yahay?
key: suu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuu
e.d Juu! la-mid: tu' (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuu
inter. down!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuu
a: tu'
de: down! (command to make a camel kneel down)
initial: t
lx: tuu
ps: intj
key: tuu
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yuu
question word, vl. pron. whom ... he?
yuu: pron., neg., opt. form: may he not!, don't let him ...!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yuu
(interrogative word) who (huu)? whom (hum)? which person?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wuuna
class, vl. pron., [conjunction] and he is / was ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wuuna
de: and he is / was ...
initial: w
lx: wuuna
ps: class + vpro + conj
key: wuuna
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wuuse
class, vl. pron., [conjunction] but he ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wuuse
de: but he ...
initial: w
lx: wuuse
ps: class + vpro + conj
key: wuuse
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wuxuu
vl. pron. what he ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wuxuu
[personal pronoun [he] plus action verb] he is..; used masculine nouns ending -ka; ga; Ex: wuxuu igu yiri...; he said to me...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wuxuu
de: what he ... [CLEFT FOCUS] = waxa + uu
initial: w
lx: wuxuu
ps: focus + vpro
key: wuxuu