woxogaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
woxogaa
-ga: (magac, lab, keli) eeg waxoogaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saagootin
-ta: (magac, dhedig, keli) ruux tegaya sagootis, qof tegeya woxogaa sii raacid oo gelbin. Saagootinna soddohday kama helin. Dh: sagootin, sabootin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waxoogaa
(Waxoogaa-ga)
Xoogaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxoogaa
m.l.kh W. ah: wax tiro ahaan aan badnayn. la-mid: xoogaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxoogaa
m. n. small amount, a little bit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxoogaa
-ga: (magac, lab, keli) xoogaa; in yar oon badnayn; wax yar oo kooban. Waxoogaa lacag ah ayaa ii hadhay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxoogaa
de: small amount, a little bit
initial: w
lx: waxoogaa
pd: (-ga)
ps: n-m
see: xoogaa
key: waxoogaa
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wuxoga
peu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoogaa
Wax aan badnayn; in yar; (ama waxoogaa).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogaa
m.l/dh Waxaan badnayn; in yar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xoogaa
m.l/dh Waxaan badnayn; in yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xoogaa
m. n. small amount, a bit, a little, some
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xoogaa
(adj) few (fiyuu); some (sam); several (seva-raal); couple (ka-pel) ~ wax-yar
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
XOOGAA
Qualche, alcuni
Some
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogaa
-ga: (magac, lab, keli) wax aan badnayn oo kooban; in yar. Xoogaa beriis ah ii dar. Dh: qadar, waxoogaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xoogaa
de: small amount, a bit, a little, some
initial: x
lx: xoogaa
pd: (-ga)
ps: n-m
xe: It will be a bit windy tomorrow.
xv: waxoogaa
key: xoogaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mo'ogaan
-ka: (magac, lab, keli) war ma oge aan waxba la socon. Dh: warmahaye. Li: oge.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxoogay
-ga: (magac, lab, keli) eeg waxoogaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xogogaal
m.l.kh X. ah: qof si wanaagsan ula socda xog jirta ama sida wax dhacay u dhaceen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xogogaal
m.l.kh X. ah: qof si wanaagsan ula socda xog jirta ama sida wax dhacay u dhaceen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xogogaal
-ka: (magac, lab, keli) qof meel uu jooga wixii ka dhacay oo dhan aad u og. Dh: xoghaye Li: xogmooge, xoglaawe, warmooge.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ooga
a: xubno-aqoon
de: anatomy
lx: ooga
pd: (-ta)
ps: n0-f-cmp
key: ooga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Looga
(la + uga).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
looga
pron. and preposition: someone ... from
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Looga
name-f hosting; slaughterer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
looga
(preposition) from her or to her.. Ex: waxaa looga keenay Xamar; it was brought to her, from Hamar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
looga
de: someone ... from = la + u + ka
lx: looga
ps: pro + prep
key: looga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moxog
(Moxog-ga)
(oogada dadka) dhabarka intiisa hoose; dhex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moxog
m.l 1. Dhabarka dadka intiisa hoose. 2. la-mid: moxoggo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
moxog
m.l 1. Dhabarka dadka intiisa hoose. 2. la-mid: moxoggo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Moxog
Cassava
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moxog
m. n. waist, waistline; small of the back
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MOXOG
(Mohog) S, C Manihot esculenta Crantz. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
moxog
-ga: (n) cassava; manioc
moxog -ga: (n) 1. back (baak), 2. waist (weeyst) ~ dhabar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moxog
-ga: (magac, lab, keli) oogada dhabarka intiisa hoose.
moxog -ga: (magac, lab, keli) jidhka inta xundhurta iyo cawrada u dhaxaysa iyo goljilicda. Moxoggu hadduu ku garaaco dhakhtar u sheeg. Dh: gumaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
moxog
a: maxog
de: waist, waistline; small of the back
lx: moxog
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: moxog
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nooga
pron. and preposition: to ~ for us ... from (X)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nooga
(pronoun) to us; about him, her or them. Ex: nooga sheekee; tell us the story [about him, her or them]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nooga
de: to ~ for us ... from (X) = na + u + ka
lx: nooga
ps: pro + prep
xe: Get Abdis car for us (from him).
xv: Cabdi baabuurkiisa nooga soo qaad!
key: nooga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oogan
La oogey; aad u shidan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oogan
oogan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) 1. Dab wax la oogay noqosho. 2. Dacwo, rabsho iyo wixi lamida wax la oogay noqosho.
oogan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Dab wax la oogay ahaansho. 2. Wax si wanaagsan loo fuliyey ahaansho (salaad). 3. Dacwo, rabsho iyo wixi lamida wax la oogay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oogan
der. [adjective] blazing, afire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oogan
(tilmaame) aad u abaabulan.
oogan: (tilmaame) ah dab aad u shidan, belbelaya, ololaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oogan
de: blazing, afire
lx: oogan
pd: (oognaa)
ps: adj-der
key: oogan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxaa
qr.dd Qurub soo hor marinaya yeelaha, layeelaha ama dhammeystire kale ee weerta dhexdeeda lagu muujiyo. Tusaale: “Waxaa yimid Xasan”. la-mid: waxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waxaa
qr.dd Qurub soo hor marinaya yeelaha, layeelaha ama dhammeystire kale ee weerta dhexdeeda lagu muujiyo. Tusaale: Waxaa yimid Xasan. la-mid: waxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxaa
the one that ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxaa
(pronoun it plus action verb) ... it ... Ex: waxaa la hubaa inay guulaysan doonaan; it is certain that they will win ~ waxa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxaa
(magacuyaal) sheega wax la tilmaamayo oo farta lagu fiiqayo. Waxaa ku ag yaal waa maxay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxaa
de: the one that ... [CLEFT FOCUS] = wax + baa
initial: w
lx: waxaa
ps: focus
see: waxa
key: waxaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xagaa
(Xagaa-ga)
Afarta nur oo sanada midkood; wuxuu u dhexeeya guga iyo dayrta; xilliga xagaayadu da'do.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaa
xagaa¹: m.l (-aayo, m.dh) 1. Afarta nur oo sanada midkood; wuxuu u dhexeeyaa guga iyo dayrta; xilliga xagaayadu da'do. la-mid: xagaay.
xagaa²: m.l (-aayo, m.dh) (c.fal.) Loolka dhexe, waa xilliga ku xiga guga, xiddigis ahaanna waxa loo tixgeliyaa inuu ku beegan yahay kubbad badhka min hornaqa xagaaga (21 juun) ilaa caano maallada isle eg ee dayrta (21 sebtember).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xagaa
xagaa¹: m.l (-aayo, m.dh) 1. Afarta nur oo sanada midkood; wuxuu u dhexeeyaa guga iyo dayrta; xilliga xagaayadu da'do. la-mid: xagaay.
xagaa²: m.l (-aayo, m.dh) (c.fal.) Loolka dhexe, waa xilliga ku xiga guga, xiddigis ahaanna waxa loo tixgeliyaa inuu ku beegan yahay kubbad badhka min hornaqa xagaaga (21 juun) ilaa caano maallada isle eg ee dayrta (21 sebtember).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xagaa
Summer
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xagaa
m. n. cool season, the lesser dry season [June - September.]
Xagaa m. n. summer, hot season, time of the southwest monsoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xagaa
-ga: (n) summer (sa-mar) Ex: xilliga xagaaga; the summer season
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xagaa
magac loo baxsho wiil dhashay waqti xagaa ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaa
-ga: (magac, lab, keli) mid ka mid ah afarta xilli ee sanadka oo u dhexeeya guga iyo dayrta waana bilaha Juun, Luuliyo, Ogosto iyo Sebteembar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, booqasho ugu tegid. Booqad badan iyo baahi badan la isku пасаа.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coocaa
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar carruurtu ciyaarto oo dhuumaalaysiga ka mid ah. Kolka la ciyaarayo waxa la isku qaybiyaa labo kooxood oo is le'eg waxana la kala doortaa goobo. Kooxda ciyaarta bilawda ayaa meel qarsoon xarriijimo ku samaysa, kooxda kalina way raadisaa. Hadday hesho oo ay ku guulayso isku tallaab ayay ku dhigtaa waxayna tidhaa waan cunay, oo waxay carruurtu isku daraan sawaxan iyo qaylo ay guusha ku cabbirayaan, hadday waayaanna waxay ku soo laabmaan goobtii ay ciyaartu ka bilaabantay waxayna halkaa ka caddeeyaan guul daradooda ka dibna waxa hogaamisa kooxdii kale oo geysa goobtii ay ku yaaleen astaamuhu ama xarriijimuhu ka dibna waxa la xusliyaa xarriijimihii oo inta xusul ee ay noqdaan ayaa duq noqota.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doodaa
(Doodaa-ga)
Hadlaa; hadal yaqaan; codkar; doode.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doodaa
m.l (-aayaal, m.l/dh) Nin hadal yaqaan ah; aftahan; doode. la-mid: doode.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doodaa
m.l (-aayaal, m.l/dh) Nin hadal yaqaan ah; aftahan; doode.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doodaa
m. n. orator; debater, one who states a case
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doodaa
de: orator; debater, one who states a case
lx: doodaa
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: doodaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doogad
(Doogad-ka)
Doogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogad
m.l la-mid: doogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogad
-ka: (magac, lab, keli) dhul, naq helid oo doog yeelasho. Dh: doogasho.
doogad -ka: (magac, lab, keli) nabar hore, soo kacdoomid oo dib u bukood. Dh: doogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foogan
Wax ku taagan: wax ku diran; taagan; kacsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax soo taagan oo aan meel laga maro lahayn ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foogan
der. [adjective] raised, lifted; erected
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Foogan
nickname; name-f busy; raised, lifted; erected
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foogan
(tilmaame) taagan ama qotoma.
foogan: (tilmaame) «ku ~» ku mashquulsan oo ka shaqaynaya. Dh: taagan, hawllan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foogan
de: raised, lifted; erected
lx: foogan
pd: (foognaa)
ps: adj-der
syn: taagan
key: foogan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoogay
hoogay!: (ereydhawaaq) lagu dhawaaqo kolka uu qofku dareemo hungoobid iyo dhiillo. Dh: ba'ay! jabay! tolla'ay!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoomaa
f.mg1 (-aayay, -aayday, -ayi) Meel sare hoos wax uga eegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
looxaa
(falkaabe) erey tusa meel aan fogayn oo farta lagu fiiqayo. Adhigu looxaa buu daaqayaa. Dh: looxeer, halkaa, kobtaa, meeshaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Moogga
1. Kolka; marka.
2. Mugga; hadda; amminka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
moogga
n. phr., time: when; now
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
moogga
de: when; now
lx: moogga
ps: np-time
syn: kolka, marka
key: moogga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax noogay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
noogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax noogay ahaansho. m.f.dh, noognaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Odowaa
magac loo baxsho wiil kolkii uu dhashay, aabbihii dhintay ama caloolkuhadh ahaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soogal
vl. n. act of coming in
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soogal
-ay / soogashay: (v) come inside; enter (en-ter)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soogal
de: act of coming in Opp: siigal
initial: s
lx: soogal
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: soogal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soogan
La soogey; kala jiidan; taagan; miiqan; togan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soogan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Cid meel taagan oo aan dhaqdhaqaaqayn ahaansho. 2. Qof dhuuban oo xoog leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soogan
der. [adjective] stretched (out); thin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soogan
(tilmaame) mid kala jiidan; mid tataagan oo aan fadhi iyo socod toona lahayn. Col soogan baan u galay. Dh: taagan, qotoma.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soogan
de: stretched (out); [ext.] thin
initial: s
lx: soogan
pd: (soognaa)
ps: adj-der
key: soogan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toogad
(Toogad-ka)
Toogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toogad
m.l la-mid: toogasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toogad
vl. n. shooting, execution by a firing squad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toogad
-ka: (magac, lab, keli) arrin ama dan la leeyahay, sidii lagu gaadhi lahaa wax ka qabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toogad
de: shooting, execution by a firing squad
initial: t
lx: toogad
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: toogo
key: toogad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
toogad
رِمَايَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxgal
m.l.kh W. ah: wax waxtara ama muhimad leh; waxtar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waxgal
m.l.kh W. ah: wax waxtara ama muhimad leh; waxtar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxgal
-ka: (magac, lab, keli) qiimo gal; wax faa'iido ah ahaan. Hadal waxgal ah ayaad i tidhi.