wishirrin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wishirrin
-ta: (magac, dhedig, keli) qosolka iyo sawaxanka waraabuhu sameeyo kolka uu raq ka dhergo. Ma wishirin ayaamahan tixdii waafiga ahaaye. Dh: sawaxan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wishiirri
-ga: (magac, lab, keli) eeg washiirri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shirin
(Shirin-ta)
Shir u samayn, isugu keenid: kulmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirin
m.f.dh eeg shiri. la-mid: shiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad meel isugu keenid, shir u wicid; kulmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirrin
(Diirrin-ta)
Wax diirran ka dhigid; (ama diirin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirrin
m.dh la-mid: diirin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hishiin
-ta: (n) the act of agreeing
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ishirdi
Collision
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isjirin
(verbplus negative)-, not being careful or taking care
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mishiin
m.l la-mid: mashiin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Mishiin
Machine
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mishiin
m. n. machine, motor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mishiin
-ka: (n) machine (mashiin); engine (en jin); motor (mootar) ~ mashiin, matoor-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mishiin
-ka: (magac, lab, keli) biro la isku geeyey kuna shaqeeya saliid iyo shidaal si uu tamar iyo dab u dhaliyo. Dh: matoor, mashiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mishiin
a: mashiin {Eng}
de: machine, motor
lx: mishiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mishiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shinrin
shinrin¹: m.l 1. Neef xoolo ah oo xilligii laga rabay in uu rimo rimay. 2. la-mid: shinrimid.
shinrin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Neef xoolo ah waqtigii laga filayey in uu rimo rimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinrin
-ka: (magac, lab, keli) hasha geela ugu hor rinta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirbin
m.f.dh eeg shirbi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirbin
-ta: (magac, dhedig, keli) cayaar shirbayn ah ciyaarid.
shirbin -ta: (magac, dhedig, keli) tallaabo aayar u qaadid. Dh: siriqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digirrin
-ka: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah baadleyda oo digaagga ka yara weyn oo habeenkii geedaha dulseexda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Washiran
La washirey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
washiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la washiray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
washiran
der. [adjective] built, constructed (of a ship)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
washiran
de: built, constructed (of a ship)
initial: w
lx: washiran
pd: (washirnaa)
ps: adj-der
key: washiran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Washirid
(Washirid-da)
Wesherid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
washirid
m.f.dh eeg washir². la-mid: washir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
washirid
-da: (magac, dhedig, keli) weshirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weshirid
(Weshirid-da)
Doonni ama markab ama gaadiid kaloo badda samayn, dhisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weshirid
-da: (magac, dhedig, keli) doonni, markab ama gaadiid badeed oo kale samayn. Weshiridda doonyaha dadbaa ku takhasusa. Dh: dhisid; washarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiswisin
m.dh eeg wiswisi. la-mid: waswaasin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiswisin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale wiswis ku abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xashirin
(Xashirin-ta)
(badar) xashir ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xashirin
m.f.dh eeg xashiri. la-mid: xanshirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashirin
-ta: (magac, dhedig, keli) shuqlid ama tumid oo buushiga ka sifayn. Dh: feedagid.
xashirin -ta: (magac, dhedig, keli) soo saarid Ilaahay dadka uu soo saari doono maalinta qiyaame.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bishiicin
m.dh la-mid: bashiicin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Bishishin
Tab, hannaan, qaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
washiirri
(fal) farxad iyo raynrayn ku maag wax aad u muurmuursanaysay ood hantiday. Weligaaba ii washiirri anna waan kugu maqanahay.
washiirri-ga: (magac, lab, keli) qosolka iyo sawaxanka waraabuhu sameeyo kolkuu raq cunayo ama uu orgoonayo. Waraabaha washiirigiisaa la gartaa kolkuu neef dilo. Dh: wishiirri, qosol.
washiirri-ga: (magac, lab, keli) ci'da dhurwaaga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wishaarid
(Wishaarid-da)
Weshaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wishaarid
m.f.dh eeg wishaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wishaarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg weshaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanshiirid
m.f.dh eeg wanshiir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanshiirid
-da: (magac, dhedig, keli) nafley, daal haleelid. Dh: wanshiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
washirnaan
m.f.dh washiran. la-mid: washirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
washirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhisnaan; dhisme diyaar u ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biirin
(Biirin-ta)
Gundhig hadba wax yar ku sii darid si uu u bato; kordhin; badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirin
m.f.dh eeg biiri. la-mid: biiris¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ku darid. Biirinta mishaarada waxa laga sugayaa batroonka. Dh: siyaadin, kordhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bishin
m.dh (-no, m.l) la-mid: burshin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bishin
f. n. lip
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bishin
-ta: (n) [Plural bishimo-ha] lip (lip) ~ bushin, dibin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bishin
-ta: (magac, dhedig, keli) labada cad ee afka ku doobalan middood. Cadhada iyo ciilkuu qabo bishinta la cunayaa. Dh: bushin, dibin, faruur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bishin
de: lip
lx: bishin
pd: (-ta Pl: bishimo (/ha))
ps: n1-f
key: bishin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cisiin
m.f.dh eeg cisii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirin
(Diirin-ta)
Wax yar kululayn; qandac ka dhigid; (ama diirrin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirin
m.f.dh eeg diiri. la-mid: diiris¹, diirrimaad, diirrin, diirris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirin
-ta: (magac, dhedig, keli) dabka saarid oo in yar kulaylin ama qabawga ka bi'in. Dh: kulaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: diiri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diirri
v. warm up something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diirri
de: warm up s.t.
lx: diirri
pd: (diirriyey)
ps: v2a=tr
see: diiri
key: diirri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiirin
(Fiirin-ta)
1. Indhaha ku dhugasho; jeedaalin; eegid; arkid.
2. Fiiro u yeelasho; fekerid; baarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiirin
m.f.dh eeg fiiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiirin
-ta: (magac, dhedig, keli) fiiro iyo feker u yeelad. Dh: fiiris, fekerid, baadhid.
fiirin -ta: (magac, dhedig, keli) indhaha ku dhugasho; fiiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirqin
m.f.dh la-mid: harqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirqin
-ka: (magac, lab, keli) weel aad u buuxin; buuxdhaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hirrig
(Hirrig-ta)
Meel dhir badan; jiq; humin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hirrig
f. n. forest, thickly wooded place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirrig
-ta: (magac, dhedig, keli) duud jiq ah oo geedo badan. Dh: jiq, cuun, hurrun, kayn, duud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hirrig
de: forest, thickly wooded place
lx: hirrig
pd: (-ta)
ps: n-f
key: hirrig
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ihidin
v., pl., neg., present tense: you all are not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ihidin
de: you all are not
lx: ihidin
ps: v5a-2pl-neg-pres
xe: You are not students.
xv: Ardey ma ihidin.
key: ihidin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ishkin
(Ishkin-ka)
Xoolaha waaweyn: geela iyo lo'da (ama ishin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ishkin
m.l (-nno, m.dh) Geela iyo lo'da (xoolo). la-mid: ishin (1), isjin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ishkin
m.l (-nno, m.dh) Geela iyo lo'da (xoolo). la-mid: ishin, isjin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ishkin
m. n., [collective] adult livestock ~ domestic animals, cattle; main herd
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ishkin
-ka: (n) sellable livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ishkin
-ka: (magac, lab, keli) xoolaha iyo ugaadha intooda waaweyn, sida lo'da, geela iyo biciidka. Dh: ishin, isjin, gaanni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ishkin
de: adult livestock ~ domestic animals, cattle; main herd
lx: ishkin
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: ishkin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isniin
(Isniin-ta)
Maalinta u dhexaysa axadda iyo talaadada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isniin
m.dh Maalinta u dhexeysa axadda iyo talaadada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isniin
m.dh Maalinta u dhexeysa axadda iyo talaadada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Isniin
f. n. Monday (third day of the Somali week)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Isniin
-ta: (n) Monday (man dheey); Mon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isniin
-ta: (magac, dhedig, keli) ayaamaha toddobaadka, midda saddexaad ee u dhexaysa Axadda iyo Talaadada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Isniin
bw: Arabic
cf: maalin
de: Monday (third day of the Somali week)
lx: Isniin
pd: (-ta)
ps: n0-f-time, n2-f
key: Isniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lihiin
(Lihiin-ta)
1. Adkaysan, karti.
2. Waxtar danbe; meecaad; liil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lihiin
m.l 1. Adkaysi, karti. 2. Wax, waxtarkiisu raago.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lihiin
f. n. capability, internal strength; forbearance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lihiin
-ka: (magac, lab, keli) karti wax lagu qabto. Dh: taag, awood, karti.
lihiin -ta: (magac, dhedig, keli) waxtar danbe; meecaad; liil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lihiin
cf: karti
de: capability, internal strength; forbearance
lx: lihiin
pd: (-ta)
ps: n-f
key: lihiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirin
m.dh la-mid: miyirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shilin
1. (Shilin-ka) Lacag ka dhigan gini labaatan meelood loo qaybshey meeshi; 100 senti; astaantiisu waa (/–).
2. (Shilin-ta) Xasharaad jaadad badan ah, oo dhiigga nuuga, oo aan baalal lahayn, oo dadka iyo nafleyda kaleba cuna, cudurrana keena.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shilin
shilin¹: m.l (-mmo/-maad, m.l/dh) Lacag sarrif ah oo ka samaysan bir qiimaheeduna u dhigmo 100 senti.
shilin²: m.dh Xasharaad siddeed lugood leh oo jaadad badan, baalalna aan lahayn oo dhiigga xoolaha ku nool cudurrana keenta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shilin
shilin¹: m.l (-mmo/-maad, m.l/dh) Lacag sarrif ah oo ka samaysan bir qiimaheeduna u dhigmo 100 senti.
shilin²: m.dh Xasharaad siddeed lugood leh oo jaadad badan, baalalna aan lahayn oo dhiigga xoolaha ku nool cudurrana keenta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shilin
m. n. shilling
shilin [feminine] n., [collective] tick (parasite)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shilin
-ka:,(n) a basic unit of currency in Somalia; shilling
shilin -ta: (n) bloodsucking parasitic insect; tick (tik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shilin
-ka: (magac, lab, keli) lacag ka dhigan gini labaatan meelood loo qaybshay meeshii; 100 senti.
shilin -ta: (magac, dhedig, keli) xasharaad noocyo badan leh, oo dhiigga nuuga, oo aan baalal lahayn, oo dadka iyo nafleyda kaleba cuna, cudurrana keena.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la shiray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shiran
der. [adjective] blocked; forbidden, prohibited, off limits
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiran
(tilmaame) mid shiro ahaan loo qalay.