wir-igo
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
WIR-IGO
Tephrosia pumila (?uniflora) 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Tiriigo
eeg Tiriig.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WIRIIQO
(Wirigo) C Tephrosia pumila (Lam.) Pers. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iigo
-da: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah. ligo ayuu naftiisii iyo taydiiba geliyey. Dh: cidhiidhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigo
m.dh Isu imaanshaha ciidan ay si nidaam ah meel isugu imaadaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rigo
rigada: (n) assemblage of soldiers or troops; line-up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigo
-da: (magac, dhedig, keli) isu imaanshaha ciidan ay si nidaam ah meel isugu imaadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiig
m.l (-gag, m.l) Muddo toddoba beri ah oo isku xigta; toddobaad; usbuuc; sitimaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wiig
m. n. week
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wiig
-ga: (n) week (wiik) ~ usbuuc, toddobaad. Ex: labad wiig; two weeks
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiig
-ga: (magac, lab, keli) erey ajnabi ah oo la macno ah doddobaad ama ayaan ayaan teed inta u dhaxaysa. Laba wiig anaa kula joogi. Dh: ayaan, usbuuc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wiig
de: week
initial: w
lx: wiig
pd: (-ga Pl: wiigag (ga))
ps: n4-m
syn: toddobaad {Eng}
key: wiig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiri
(tilmaame) inan yar oo qalqaalli ah. Ta yari waa wiri oo way na daalisay. Dh: qalqaalliyad. Li: marwo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biigo
biigada: (n) [biigooyin-ka] pleat (piliit)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirgo
f.mg3 (-gaday, -gatay) Socod jiitaan socosho (nafley).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirgo
v. move a little, make a motion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirgo
(fal) dhan u hinqo ama u dhaqaaq. Dh: ruqaanso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dirgo
de: move a little, make a motion
lx: dirgo
pd: (dirgaday)
ps: v3a=
key: dirgo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigo
-da: (magac, dhedig, keli) neef la lisi karin oo dadka ka baxsada. Dh: faradiid, toojo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firgo
f.mg3 (-gaday, -gatay) la-mid: fargo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firgo
(fal) neef la gawracay, xanuun daran dartii u rafo. Dh: fergo.
firgo: (fal) wax yar oo adag, sida quruuruxa oo kale, faraha si xooggan ugu finiini.
firgo: (fal) xoog u carar oo baxso.
firgo: (fal) ciyaar, qasiido iyo wixii la mid ah, ku jibbood oo bururid. Dh: qiirood.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
frigo
s.m. - qaboojiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiigo
f.g3 (-gtay, -gatay) Meel isku xoqid (xoolo)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirgo
(eraydhawaaq) eray la yiraahdo marka awrka awr kale lagu dirayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirig
m.dh Xidh, hawd, juq, jiq iyo wixi lamida oo marka la dhex maro, dadka iyo xoolaha maqaarkooda dhibaato soo gaarsiiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirig
(tilmaame) wax xidhmay ama joogsaday: wax aan dhaqaaq danbe ku jirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irkig
irkig¹: m.l Dhakafaar iyo dhabanna hayn. la-mid: argag², erkeg¹.
irkig²: f.mg1 (-gay, -gtay) Aad u yaabid. la-mid: erkeg², argag²
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
irkig
m.l Dhakafaar iyo dhabanna hayn. la-mid: argag, erkeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irkig
-ga: (magc, lab, keli) la yaab aad u weyn. Dh: anfariir, amaajac, argagax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miigo
miigo¹: m.dh la-mid: miige.
miigo²: f.mg3 (-gtay, -gatay) Ku m.: wax ku margasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miigo
v. choke (on); have difficulty in swallowing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miigo
(fal) wax aan jilicsanayn dirqi ku liq. Miigo kiniinkan qadhaadh. Dh: siib, isdhaafi.
miigo -da: (magac, dhedig; keli) nooc ciqaabta askarta ka mid ah oo qofka inta bogga loo jifiyo lugaha oo la soo laabay gacmihiisa oo dib loo jebiyay lagu xidho gadhkana dhulka loo geliyo.
miigo -da: (magac, dhedig, keli) firida oo kolka la shinniyaynayo abuurka xabbad xabbad godad yar yar oo loo qoday lagu rido. Hadhuudhka miigada loo beeraayi waa ka bixi og'yahay ka kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miigo
de: choke (on); have difficulty in swallowing
lx: miigo
nt: miigasho (/da) [vn-f]
pd: (miigtay)
ps: v3b=
key: miigo
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MIRIG
(Mirhig) N Euphorbia cameronii N. E. Br. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nirig
(Nirig-ta)
Ilmo yar oo geel ah oo dheddig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nirig
nirig¹: m.l (-rgo, m.l) Ubadka geela midka lab; qurbac.
nirig²: m.dh (-rgo, m.l) Ubadka geela midka dheddig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nirig
nirig¹: m.l (-rgo, m.l) Ubadka geela midka lab; qurbac.
nirig²: m.dh (-rgo, m.l) Ubadka geela midka dheddig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nirig
m. n. camel foal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nirig
-ta: (v) baby female camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nirig
-ga: (magac, lab, keli) maqasha geela mida lab. Dh: qurbac.
nirig -ta: (magac, dhedig, keli) maqasha geela midda dhedig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nirig
cf: guumis
de: camel foal
lx: nirig
pd: (-ga ~ -ta Pl: nirgo (/ha))
ps: n3-m/f
key: nirig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siigo
(Siiga-da)
Habaas; bus; awaare; boor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siigo
m.dh 1. Habaas; boor; bus. 2. Dabayl xooggan oo carro wadata.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siigo
m.dh 1. Habaas; boor; bus. 2. Dabayl xooggan oo carro wadata.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siigo
f. n., (mass n.): dust
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siigo
-siigada: (n) dust (dhsat); a cloud of dust ~ boor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siigo
-da: (magac, dhedig, keli) habaas; bas: awaare; boor; boodh, bus, fidho.
siigo -da: (magac, dhedig, keli) dabayl qalalan oo ciid wadata. Dh: khamsiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siigo
a: siiso
de: dust
initial: s
lx: siigo
pd: (/da)
ps: n-f-mass
key: siigo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiigo
f.mg3 (-gtay, -gatay) 1. Cid socod ku fogaansho. 2. Ku t.: cid aad ugu xadgudbid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiigo
(fal) u adeeg doono meel kaa durugsan u tiigo shaqadaada.
tiigo: (fal) «ku ~» xoog ka badan kii loo baahnaa saar. Tiigo oo ka faaiidayso. Dh: ku talaxtag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiilo
m.dh Gabar u saansaan eg wiil.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Wiilo
nickname-f boyish; she who dresses or behaves like boys; tomboy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Wiilo
magac loo bixiyo gabadh wiil u eg ama keligeed rag la dhalatay ama raganimo laga filayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiiro
m.dh 1. Xumaan uurka la isugu hayo; utun. 2. Cayaar beeralaydu tumato oo ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wiiro
m.dh 1. Xumaan uurka la isugu hayo; utun. 2. Cayaar beeralaydu tumato oo ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiiro
-da: (magac, dhedig, keli) digasho lagu digto qof islaweyni is bidayay oo waxyeello gaadho; farxad lagu farxo waxyeelo gaadha cid tartan inniga dhexeeyay. Wiirada ha ii jebin oo faruurta qaniin. Dh: wiirsi, digasho.
wiiro-da: (magac, dhedig, keli) eeg wiirawiire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wilgo
(Wilga-da)
Hees raggu qaado (ama wiglo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wilgo
m.dh la-mid: wiglo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wilgo
f. n. men's poem form, poetry that includes a dance step
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wilgo
-da: (magac, dhedig, keli) hees raggu qaado. Wilgo ayey ku ciyaarayeen gegada reerka u dhaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wilgo
a: wiglo
cf: wilgee ~ wiglee
de: men's poem form, poetry that includes a dance step Contrast: gabay, geeraar, jiifto, masafo
initial: w
lx: wilgo
pd: (/da)
ps: n-f
key: wilgo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wirdi
-ga: (magac, lab, keli) xilli; muddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wirfi
v. swing something round and around
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wirfi
(fal) xadhig, maro ama wax kale, afka intaad qabato, hawada dhexdeeda xoog ugu wareeji. Marada wirfi ha lagu arkee. Dh: wadhfi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wirfi
cf: wareeji
de: swing s.t. round and around
initial: w
lx: wirfi
pd: (wirfiyey)
ps: v2a=tr
key: wirfi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wirif
v. swing around, be swung around
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wirif
de: swing around, be swung around
initial: w
lx: wirif
pd: (wirfay)
ps: v1=intr
key: wirif
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiriq
(Wiriq-da)
1. Biriq.
2. Halaq aan wax qaniinin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiriq
m.dh 1. Halaq aan wax qaniinin. 2. la-mid: biriq¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Wiriq
Crystal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wiriq
f. n. lightning, thunderbolt
wiriq [feminine] n. harmless snake species, with red stripes
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WIRIQ
(Wirikh) S Manilkara mochisia (Bak) Dubard. Sapotaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wiriq
-da: (n) thunderbolt (than-der boolt); a flash of lightning ~ biriq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiriq
-a: (magac, lab, keli) meesha ay sinta iyo bawdadu iska galaan. Shirkado wiriga loo kala baxshoo, waax la' baa jira'e. Dh: wiiq.
wiriq -da: (magac, dhedig, keli) macdan si dabiici ah u samaysanta oo qurux iyo adaygba leh oo sawaabisa baraf muraayadeedka oo inta badan baalal iyo dhinacyo xalleefsan docaha ku leh.
wiriq-da: (magac, dhedig, keli) mas dheereeya oo subxaanyada u eg oo aan wax qaniinin. Dh: biriq.
wiriq -da: (magac, dhedig, keli) meel oodan oo cidhiidhi ah. Wiriq oodan baan gallay: Dh: jiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiris
m.dh Shimbir la shaqaysa herinta; maras.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wirix
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqdhaqaaqa saxarku isha ku dhex sameeyo. Wixii isha iga galay wirix ayuu iga dhex leeyahay oo wuu xanuuninayaa.
wirix-da: (magac, dhedig, keli) erey lagu cabbiro rafashada qosol lala galgasho, xalay oo dhan ayaan wirixda haynnay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wirso
(fal) car dheh; dhafoortaabad samee, Wirso oo u sheeg in uuna ku dhici karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
witig
erey tusmeeya muuqaalka uu dhutigu sameeyo. Lugbuu ka witig leeyahay. Dh: hitiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filigo
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh socod badan oo aan gurigeeda fadhiyin. Dh: biligo, fudud, fidhiqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firiqo
m.l/dh (-ooyin, m.l) Wiil yar ama gabar yar oo anshax xun.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
giriig
-ga: (n) jack (jaak); lifter (lif ter)- a tool for raising heavy objects ~ dallace
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giriig
-ga: (magac, lab, keli) qalab noocyo badan ah oo waxa culus dhulka lagaga fujiyo siiba baabuurta markay banjaraan. Dh: jeeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hirrig
(Hirrig-ta)
Meel dhir badan; jiq; humin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hirrig
f. n. forest, thickly wooded place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirrig
-ta: (magac, dhedig, keli) duud jiq ah oo geedo badan. Dh: jiq, cuun, hurrun, kayn, duud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hirrig
de: forest, thickly wooded place
lx: hirrig
pd: (-ta)
ps: n-f
key: hirrig
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
indigo
indigo, n.m. - buluug (midab).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
indigo
n., sibaq madow cadaan ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irkigi
(fal) cid kale, ka yaabi; wax ka yaabiya ku samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirrig
-ga: (magac, lab, keli) diidmo iyo dafiraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiriig
(Tiriig-ga)
1. Iftiinka nalka.
2. Koronto, jac, danab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiriig
m.l (-gyo, m.l) 1. Koronto. 2. Siraad gaas lagu shubo oo la neefiyo oo iftiin xoog badan bixiyo. 3. T. ah: xarig saddex dhudood ah oo isku soohan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiriig
m.l (-gyo, m.l) 1. Koronto. 2. Siraad gaas lagu shubo oo la neefiyo oo iftiin xoog badan bixiyo. 3. T. ah: xarig saddex dhudood ah oo isku soohan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiriig
m. n. electric light, torch
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Tiriig
name-f electric light, torch; lit: sultry beauty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Tiriig
magac loo baxsho gabadh iftiin looga magac dhigay qurux awgeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiriig
-ga: (magac, lab, keli) iftiinka iyo kaaha ka baxa meel.
tiriig-ga: (magac, lab, keli) nalka korontada ku shaqeeya. Tiriiga gubtay ka saar aqalka.
tiriig-ga: (magac, lab, keli) qalab iftiin leh oo gur yaha lagu siraado wuxuu leeyahay meel gaaska lagaga shubo iyo dubaalad cad oo aad u iftiinta marka la shido. Dh: maashoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiriig
cf: iftiin; nal
de: electric light, torch
initial: t
lx: tiriig
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: tiriig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirrig
(fal) fiddig. Tirrig ayuu noqday bakhtigu