wilaanwili
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wilaanwili
(fal) wax culus rogrog oo qalaaba geddi. Dhagaxa wilaanwili. Dh: rorog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilindillayn
-ta: (magac, dhedig, keli) giraangirin wax wareegsan duurin oo dhulka sida shaagga u eryesho. Taayirka dilindillayn ayaan halkan ku keenay. Dh: wilaanwilin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilindillee
(fal) wilaanwili oo giraangir. Giraanta dilindillee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilindillo
-da: (magac, dhedig, keli) wilaanwilinta wax sida giraanta u wareega. Wax geerer waawayn lihi dilindillada kuma fiicna. Dh: giraangir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dululuc
-a: (magac, lab, keli) dhul sii kala hooseeya. Dululuca mari foostada giraamaha leh oo wilaanwili.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garangari
(fal) wax wareegsan wilaanwili. Shaagga dhankaa u garangari. Dh: giraangiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballegday
(fal) wax aad riixayso, rogrog si aad meel kale u geyso. Dh: wilaanwili, labalegday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballegdayn
-ta: (magac, dhedig, keli) galgalasho kolba dhan la isku rogo. Nin bukaa laballegdayn badan. Dh: isrogrogid.
laballegdayn -ta: (magac, dhedig, keli) walax, wilaanwilin oo riixid. Foostadii labalegdayn ayaan tukaanka ku geeyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Wiliwili
name: Wiliwili, Willy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Wiliwili
de: Wiliwili, Willy
initial: w
lx: Wiliwili
ps: name-m
key: Wiliwili
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiliili
(fal) qabo oo si aad u ledegto isdhaafi adoo isdaba marinaya, Ninka wiliili oo beerka dhulka u saar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wilwile
-ha: (magac, lab, keli) ciyaar dhaqameed ragga u gaar ah oo ay Soomaalidu ciyaarto, gaar ahaan na laga ciyaaro Soomaalilaan, Jabuuti iyo gobollada Soomaaliyeed ee Itoobiya. Waxa bilawgeeda lahaa Cali Kalageeye, waxayna leedahay jiib iyo jabaq aad u qorxoon. Waa ciyaar dagaal astaan u ah. Qalabka lagu ciyaaro waxaa ka mid ah waran, gaashaan iyo billaawe oo 'saddexan' loo yaqaan. Inta uu raggu ciyaarayo, waxa safsaf u daba joogsada haweenka oo ku celceliya ereyo ammaan iyo dhiirrigelin ah. Dh: wilwilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wilwilo
-ha: (magac, lab, keli) eeg wilwile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cilaacil
(Cilaaci-sha)
Lafaha yaryar oo cagta middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilaacil
m.dh (-lo ml.) Lafaha yaryar oo raafafka xooluhu ku jira middood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cilaacil
f. n. small bone of the foot ~ hand (e.g., metatarsus)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cilaacil
-cilaacisha: (n)[Pl. cilaacilo-ha] palm (paam) of hand ~ sacab, calaacal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilaacil
-sha: (magac, dhedig, keli) lafaha yaryar ee cagaha middood. Cilaalcisha ayaa i jaban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cilaacil
de: small bone of the foot ~ hand (e.g., metatarsus)
lx: cilaacil
pd: (/sha)
ps: n2-f
key: cilaacil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walanwal
-ka: (magac, lab, keli) laydh qabow oo gellinka dambe soo dhacda oo ay socotadu raacdo. Walanwalka aan yar sugno.
walanwal -ka: (magac, lab, keli) karidda iyo labarogmadka biyo aad u kululaada. Biyuhu waa walanwale ha ku guban. Dh: walawal.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Wiliwlli
Willy-willy
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CILAAN-ARI
(Ellan-eri) N,S Hibiscus aponeurus Sprague & Hutch. Malvaceae.
S Indigofera arrecta A. Rich. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaandali
(fal) cid kale, si xannaano iyo dhawris leh u daaddihi. Dalaandali wixii taagdaran oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaangali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dildilleyn. la-mid: galgali.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galaangali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dildilleyn. m.f.dh, galaangalin. la-mid: galgali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giraangiri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: garangari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giraangiri
(fal) wilaanwili oo rogrog; sida giraanta u wareeji ama u kaxee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaanhali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Hawl si degdeg ah u qabasho.2.Halaanhal tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilmaansii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: halmaansii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilmaansii
ditransitive v. make someone forget something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hilmaansii
-yey I say: (v) cause someone to forget or be unable to remember ~ ilowsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilmaansii
(fal) xusuusasho u diid; illowsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilmaansii
de: make s.o. forget s.t.
lx: hilmaansii
pd: (hilmaansiiyey)
ps: v2a=ditr
see: halmaansii
key: hilmaansii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miraanmiri
-da: (magac, dhedig, keli) geed'abaareed waaweynaada oo midho yaryar oo cascas baxsha oo waddooyinka magaalooyinka lagu bio oo lagu qurxiyo. Dh: miraamiri, geed-hindi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulaanquli
(fal) gawrac oo qulaanqulshaha goo. Neefka si fiican u qulaanquli. Dh: gawrac.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CILAAN-JINNI
(Ilan-jimi). S Indigofera arrecta A. Rich. Papilionaceae.
S Crotalaria pycnostachya Benth. Papilionaceae.
S Cassia fallacina Chiov. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CILAAN-XINNI
(Ilan-hini) N Lawsonia inermis L. Lytheraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaancalid
m.dh la-mid: calaacalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaanjiyid
(Calaanjiyid-da)
Si calaanji ah wax u qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaanjiyid
m.f.dh eeg calaanji². la-mid: calaanji¹, calaanjin, calaanjis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaandalid
m.f.dh eeg dalaandal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaandalid
-da: (magac, dhedig, keli) socod dheer oo dhib badan socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaandalin
-ta: (magacn dhedig, keli) cid kale, si xannaano iyo dhawris leh u daaddihin. Dalaandali wixii taagdaran oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiwaangeli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax diiwaan ku qorid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiwaangeli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax diiwaan ku qorid. m.f.dh, diiwaangelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiwaangeli
v., [compound] register
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiwaangeli
(fal) diiwaanka ku qor. Diiwaangeli magacaaga iyo sooyaalkagaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiwaangeli
de: register
lx: diiwaangeli
pd: (diiwaangeliyey)
ps: v2a=cmp
key: diiwaangeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaanfalid
m.f.dh eeg falaanfal². la-mid: falaanfulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaanfulid
m.dh la-mid: falaanfalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaanjiyid
m.dh la-mid: falaanjin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaangalin
m.f.dh eeg galaangali. la-mid: galaangalis, galgalin, galgalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaangalis
m.l la-mid: galaangalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giraangirid
f.dh la-mid: garangarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giraangirin
m.dh la-mid: garangarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giraangirin
-ta: (magac, dhedig, keli) wilaanwillin oo rogrogid ku samayn. Dh: warwareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giraangiris
m.l la-mid: garangarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaanhalid
m.f.dh eeg halaanhal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaanhalin
m.f.dh eeg halaanhali. la-mid: halaanhalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaanhalin
-ta: (magac, hedig, keli) hawl si degdeg ah u qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaanhalis
m.l la-mid: halaanhalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaanhalis
-ta: (magac, dhedig, keli) calaacalid; cataabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilmaansiin
m.dh la-mid: halmaansiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilmaansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xusuusasho u diidid; in la garwaaqsado seejin; illowsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiraanhirid
m.dh la-mid: hiraahirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulaanqulin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qulaamin.
qulaanqulin-ta: (magac, dhedig, keli) gawricid oo qulaanqushaha goyn. Dh: gawricid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulaanqulis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid aad u liidata, qulaamin.
qulaanqulis-ta: (magac, dhedig, keli) qulaanqusha goyn; gawricis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaancelin
-ta: (magac, dhedig, keli) jawaabta la celiyo marka lagu salaamo.