wiirsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiirsasho
m.f.dh eeg wiirso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg wiirsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirsasho
m.f.dh eeg biirso. la-mid: biirsad, biirsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ku darsasho; iska kordhisasho. Biirsashda fasaxa la iskuma ogola. Dh: kororsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciirsasho
(Ciirsasha-da)
Kaalmo u doonasho; wax tar weyddiisasho; u irkasho; u aayid; ciirsi; ciirsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirsasho
m.f.dh eeg ciirso. la-mid: ciirsad, ciirsi (2).
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciirsasho
Cercare aiuto
To seek help
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmo iyo gargaar raadsasho. Dh: ciirsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirsasho
(Diirsasha-da)
Diirsimaad helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirsasho
m.f.dh eeg diirso. la-mid: diirsad, diirsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diirsasho
vl. n. warming oneself, warming something for oneself
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Diirsasho
Sollievo; scaldamento
Relief
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) arrin aad ku faraxdo.
diirsasho -da: (magac, dhedig, keli) marka aad dhaxantirato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diirsasho
a: diirsad (ka) [vn2-m]
de: warming oneself, warming s.t. for oneself
lx: diirsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: diirsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiirsasho
(Fiirsasha-da)
1. Daawasho; eegasho; u jeedasho.
2. (u fiirsasho) Fiiro weyn u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiirsasho
m.f.dh eeg fiirso. la-mid: fiirsad, fiirsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fiirsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miirsasho
m.dh la-mid: miyirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiirsasho
m.f.dh eeg tiirso. la-mid: tiirsimaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) «ku meel cuskad, ku tiirsad.
tiirsasho -da: (magac, dhedig, keli) gargaarsasho ama meel dhinaca ama dhabarka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitirsasho
m.f.dh eeg mitirso. la-mid: mitirsad, mitirsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miyirsasho
(Miyirsasha-da)
Miyir yeelasho, ku soo noqosho, suuxdin ama wax kale oo caqliga tebiya kaddib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miyirsasho
m.f.dh eeg miyirso. la-mid: miirsad, miirsasho, miirsi (2), miyirsad, miyirsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) is kala garasho; nayaayirasho; is kala garasho.
miyirsasho -da: (magac, dhedig, keli) is dejin oo aayar wax u wadid. Dh: kaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirasho
dįirasho: m.f.dh eeg diiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirasho
-da: (magac, dhedig, keli) diirka ka qaadasho; dubka sare ka xoodhin. Dh: hoolasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirsasho
m.f.dh eeg dirso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid meel u dirid. Qofka yar ayaa dirashada ku fiican.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirasho
m.f.dh eeg giiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giirasho
-da: (magac, dhedig, keli) wajiga giir ka kicin oo ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iibsasho
(Iibsasha-da)
Alaabta, kd., geddiska rogrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibsasho
m.f.dh eeg iibso. la-mid: iibsad, iibsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibsasho
vl. n. act of buying, purchase (for oneself)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iibsasho
-iibsashada: (n) the act of purchasing (peer-jaaysingf buying (baaying) ~ gadasho, iibsi-ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibsasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaab ama xoolo suuq la keenay, lacag ama wax kale ku beddelasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iibsasho
de: act of buying, purchase (for oneself)
lx: iibsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: iibsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiirasho
(Jiirasha-da)
(oogada nafleyda) xoog wax isaga keenid; docosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiirasho
m.f.dh eeg jiiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiirasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoog wax iskaga keened. Dh: ducasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirsasho
(Jirsasha-da)
Roob meel ka gelid; okorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirsasho
m.f.dh eeg jirso. la-mid: jirsad, jirsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) jir roobaad dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miisasho
(Miisasha-da)
Beegasho: miisaamasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miisasho
m.f.dh eeg miiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miisasho
-da: (magac, dhedig, keli) galaan iyo wax la mid ah wax ku miismiisasho. Miisasho ayaan ku mashquulay. Dh: beegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siisasho
m.f.dh eeg siiso².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siisasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysato wax kale ku baddalasho. Dh: baddalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tirsasho
(Tirsasha-da)
1. Iski u tirin; xisaabsasho.
2. (eed, ...) qabid; sheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirsasho
m.f.dh eeg tirso. la-mid: tirsi (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eed iyo xumaan iyo wixii la mid ah, ka sheegasho.
tirsasho-da: (magac, dhedig, keli) kow iyo labaysad, xisaabsasho, tirsad. Tirsashoda hore u dhamee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warsasho
m.f.dh eeg warso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale war iyo xog weydiin. Dadkii hore warsasho laguma gaadhayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiirasho
(Xiirasha-da)
Timaha iska xiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiirasho
m.f.dh eeg xiiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiirasho
-da: (magac, dhedig, keli) timo iska xiirid. Dh: timajarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajirsasho
m.dh la-mid: ajarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biicsasho
m.dh eeg biicso. la-mid: beecsad, beecsasho, beecsi, biicsad, biicsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biicsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax soo iibsasho. Biicsasho cidna lagama xigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diibsasho
m.f.dh eeg diibso. la-mid: diibsad, diibsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįifsasho
m.f.dh eeg dįifso. la-mid: dįifsad, dųufsad, dųufsasho, dųufsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diifsasho
-da: (magac, dhedig, keli) diif yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiidsasho
(Fiidsasha-da)
Meel joogid taniyo fiidkii; bid soo gelid; caweysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidsasho
m.f.dh eeg fiidso. la-mid: fiidsad, fiidsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidsasho
-da: (magac, dhedig, keli) inta ay fiidka ka gaadhayso, sugid ama u kaadsasho. Dh: fiidsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiiqsasho
(Fiiqsasha-da)
Caano ama biyo, kd., kabbo yar oo jiidan, sida kolka wax kulul la fuuda hayo oo kale, aayar aayar hadba u kabbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqsasho
m.f.dh eeg fiiqso. la-mid: fiiqsad, fiiqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) caano iyo wixii la mid ah, iyadoo lagu soo jiidayo neefta, Dh: fuuqsi, heemis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiigsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad doonaysid inaad taabtid ama gaadhid, si laballaxaadsi ah u tiigsad, u dabajjoogid. Dh: hiigsad, hiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiinsasho
(Hiinsasha-da)
(caano, kd.) in yar oo weel ku jirta, kol keliya fuuqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiinsasho
m.dh la-mid: heensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiinsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hiinsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiifsasho
(Jiifsasha-da)
1. Dhinac dhigasho;
2. Seexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiifsasho
m.f.dh eeg jiifso. la-mid: jiifsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiifsasho
-da: (magac, dhedig, keli) taagni ama fadhi ka dib, dhinaca dhulka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiiqsasho
(Jiiqsasha-da)
Xoog u sheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiiqsasho
m.f.dh eeg jiiqso. la-mid: jiiqsad, jiiqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liicsasho
m.f.dh eeg liicso. la-mid: liicsad, liicsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiiqsasho
m.f.dh eeg qiiqso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siinsasho
(Siinsasha-da)
Siin (duuf) iska keenid, iska bi'in; duufsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siinsasho
m.f.dh eeg siinso. la-mid: siinsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siinsasho
-da: (magac, dhedig, keli) siin ama duuf iska keenid, duufsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiigsasho
(Tiigsasha-da)
1. Wax durugsan gaariddood ku dadaalid; higsasho.
2. Gacantogaaleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiigsasho
m.f.dh eeg tiigso. la-mid: tiig (2), tiigaal, tiigsad, tiigsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiigsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax durugsan gaadhiddooda ku dedaalid.
tiigsasho-da: (magac, dhedig, keli) socod aad ku tiigsanayso wax kaa tegay. Safarkii iga tegay baan tiigsanayaaye waan kuu soo noqon. Dh: hiigsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowriirsasho
m.f.dh la-mid: gowriirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowriirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax ku kor foorarsasho oo qaandoodsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiraysasho
m.f.dh eeg ciirayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciiraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ciiro u samaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) aroorta hore meel u kicid. Dh: hiiraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiireysasho
(Hiireysasha-da)
Hiirtii meel aadid; jarmaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiireysasho
m.f.dh eeg hiireyso. la-mid: hiireysad, hiireysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafiirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) arrin inta aan la samayn oo la hubiyo lagana baaraandegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamiirsasho
m.dh la-mid: khamiirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waciidsasho
-da: (magac, dhedig, keli) gargaarsasho; gargaar ka dayasho. Dadku waciidasho way isku leeyihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiidaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wiidaysi; bildhaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiriirsasho
m.f.dh eeg xiriirso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiriirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si xiriir ah oo is dabasocod ah wax u wadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abtirsasho
(Abtirsasha-da)
Aabbeyaal iyo awooweyaal badan oo isku xiga magacyadood sheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtirsasho
m.f.dh eeg abtirso. la-mid: abtirsad, abtirsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) sheegista magacda nasabka aabbaha ku dhalay iyo aabbayaashiisii ka horreeyay. Abtirsashadu waa dhaqan soojireen ah. Dh: abtirsi, abtirsad, abnaq.