wiirowiire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiirowiire
-ha: (magac, lab, keli) eeg wiirawiire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiirawiire
(Wiirawiira-ha)
1. Harkii kolka qorraxdu garna diiddo.
2. Dhibaato kasta oo kulul; (ama wiirawiiro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiirawiire
m.l 1. (c.fal.) Harkii kolka qorraxdu dhinacna diiddo. 2. Dhibaato kasta oo kulul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wiirawiire
m. n. hottest part of the day (when sun is at its zenith)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiirawiire
-ha: (magac, lab, keli) baaxadsoore aad u kulul oo duhurka iyo casarka u dhexeeya. Wirawiire Giriyaad lama maro.
wiirawiire-ha: (magac, lab, keli) dhib kasta oo kululayl iyo rafaad leh; wiirawiiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wiirawiire
de: hottest part of the day (when sun is at its zenith) See also: wiirawiiro
initial: w
lx: wiirawiire
pd: (/ha)
ps: n0-m
key: wiirawiire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiirowiiro
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar dhaqameed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiirawiiro
(Wiirawiira-ha)
Wiirawiire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiirawiiro
m.l 1. Nooc shimbirada ka mid ah. 2. Nooc ciyaaraha ka mid ah; wiiro. 3. la-mid: wiirawiire.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wiirawiiro
m.l 1. Nooc shimbirada ka mid ah. 2. Nooc ciyaaraha ka mid ah; wiiro. 3. la-mid: wiirawiire.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wiirawiiro
m. n., [abstract] hardship, serious difficulty, painful situation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiirawiiro
-ha: (magac, lab, keli) eeg wiirawiire.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wiirawiiro
de: hardship, serious difficulty, painful situation See also: wiirawiire
initial: w
lx: wiirawiiro
pd: (/ha)
ps: n0-m-abs
key: wiirawiiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiriiri
(Wiriiri-ga)
Jiraca qaarki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiriiri
m.l 1. Jiraca qaarkii; xasharaad dadka qaniina; dhuxunkureeb. 2. Qof w. ah: qof caaro fudud ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wiriiri
m.l 1. Jiraca qaarkii; xasharaad dadka qaniina; dhuxunkureeb. 2. Qof w. ah: qof caaro fudud ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wiriiri
m. n. very small black ant species with a painful bite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wiriiri
-ga: (n) kind of ant having a painful bite ~ jirac, jinac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiriiri
(tilmaame) caddaan dayax oo saafi ah oo wax walba la arki karo. Caawa waa caddo wiriiri ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wiriiri
bw: jinac ~ jirac {C & S}
de: very small black ant sp., with a painful bite
initial: w
lx: wiriiri
pd: (/ga)
ps: n2a-m, n7-m
syn: dhuxulkurreeb
key: wiriiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirciir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Sabbayn; daandaamid; dheeldheelid. 2. Gaasirid, isdhimid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciirciir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Sabbayn; daandaamid; dheeldheelid. 2. Gaasirid, isdhimid. m.f.dh, ciirciirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciirciir
v. be unstable, be unbalanced; be filled to the brim, overflow
ciirciir v. pitch, toss (of a ship); stagger, reel (of a person); vacillate (of prices); decrease, diminish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirciir
(fal) miisaanku ha kaa lumo oo kolba dhinnac u dheelli.
ciirciir -ka: (magac, lab, keli) dheeldheelliyid oo dhicid kolba ku dhawaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirdiir
(Diirdiir-ta)
1. Jaad ugaarta kamid ah oo diillimo leh.
2. Balanbaallis, nirgadhoob, iyo cayayaan kaloo badan oo duula oo aan weli dillaacin; waxay u eg tahay dixiri, badanaa dhogor leh iyo oogo dhawr iyo toban xubnood leh; Sida cayayaanka kale, lix lugood oo run ah oo laboba iska soo horjeeddo, bay lee dahay; (ama diir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirdiir
diirdiir¹: m.l (-rro, m.dh) Jaad ugaarta ka mid ah oo diillimo leh; goodir.
diirdiir²: m.dh Cayayaan yar oo jilicsan, leh duf badan, wuxuu ku dulnoolyahay dhirta, aakhirutaankana wuxuu noqdaa balanbaalis, nirgadhoob iyo wixi lamida. la-mid: diir².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diirdiir
diirdiir¹: m.l (-rro, m.dh) Jaad ugaarta ka mid ah oo diillimo leh; goodir.
diirdiir²: m.dh Cayayaan yar oo jilicsan, leh duf badan, wuxuu ku dulnoolyahay dhirta, aakhirutaankana wuxuu noqdaa balanbaalis, nirgadhoob iyo wixi lamida. la-mid: diir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diirdiir
f. n. antelope species
diirdiir [feminine] n. caterpillar, grub, worm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diirdiir
-ta: (n) caterpillar (kata-pilar) ~ dirindiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirdiir
(fal) wax badan diirka ka qaadqaad.
diirdiir-ta: (magac, dhedig, keli) dirxi tigaadda iyo sarciga ku dhasha oo aad u waxyeelleeya. Sannadka ay diirdiiri dhalato dhulku wuu abaaroobaa Dh: diir, dirindir.
diirdiir -ta: (magac, dhedig, keli) nooc ugaadha ka mid ah oo diillimo dhaadheer leh. Diirdiirtu waxay la bah tahay bayracda iyo deeradeerada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diirdiir
de: silk worm
lx: diirdiir
pd: (-da)
ps: np-f
key: diirdiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirgiir
giirgiir¹: m.l Midab ay yeeshaan lo'da iyo riyaha oo baro dambas madow ah oo meelo kala duwan oogada kaga yaal.
giirgiir²: f.g1 (-ray, -rtay) Midabayn aan habaysanayn; giir badan u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
giirgiir
f.g1 (-ray, -rtay) Midabayn aan habaysanayn; giir badan u yeelid. m.f.dh, giirgiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giirgiir
-ka: (magac, lab, keli) neef ama wax kale oo caarcaar madow leh; liinliin madow leh.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qiirqiir
Critical
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiirfiiri
v. keep on looking at, examine, browse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiirfiiri
-yey say: (v) look around, look through something casually; browse (baraaws)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiirfiiri
(fal) eeg oo kolba eeg; wax yaabo badan kolba mid eeg. Dh: jaljalleec, indha'indhee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiirfiiri
de: keep on looking at, examine, browse
lx: fiirfiiri
pd: (fiirfiiriyey)
ps: v2a=pl
key: fiirfiiri
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hir miire
Wave filter
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiraciiro
m.dh la-mid: carceero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciiraciiro
-da: (magac, dhedig, keli) midabka ciiryaamada oo kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qiiraqiiro
(Qiiraqiira-da)
Meel ama si adag ama ciriiri ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiiraqiiro
m.dh Xaalad adag ama halis ah oo ay cidi ku sugnaato. la-mid: qirinqiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qiiraqiiro
f. n. narrow place, difficult passage ~ situation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiiraqiiro
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo cidhiidhi badan. Qiiragiiro ayaan ku soo baxnay Dh: dirqi, tacab, qirqiir.
qiiraqiiro-da: (magac, dhedig, keli) eeg qüilgiil.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qiiraqiiro
de: narrow place, difficult passage ~ situation
lx: qiiraqiiro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qiiraqiiro
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ferroviaire
ferroviaire, adj. - ku saabsan xadiidka tareenku maro,