wiifid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiifid
(Wiifid-da)
Sida wiifowga u wareegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiifid
m.f.dh eeg wiif.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiifid
-da: (magac, dhedig, keli) sida wiifowga u wareegid; leexo wareejin.
wiifid-da: (magac, dhedig, keli) dhaxag tuurid oo si xawli ah wax u shiidid. Carruureey wiifidda dhaxa naga daaya. Dh: aa'id, tuuris, shiidis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiifi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Sida wiifowgii u wareegin. 2. Aad u orodsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wiifi
v. spin, make go round and around; cause to run quickly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wiifi
de: spin, make go round and around; cause to run quickly
initial: w
lx: wiifi
pd: (wiifiyey)
ps: v2a=tr
key: wiifi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biifid
(Biifid-da)
1. Biyo ku darid; qoyn.
2. Qurxin; caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biifid
m.f.dh eeg biif². la-mid: biif¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ishu qabato oo loo bogo ka dhigid. Biifid kaddib dharka xaree. Dh: qurxin, caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiifid
(Hiifid-da)
Eed saarid; canaanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiifid
m.f.dh eeg hiif². la-mid: huufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiifid
-da: (magac, dhedig, keli) canaanasho iyo haaraamid karhid iyo dulqaad la'aani ku jirto. Dh: nicid. Li: dulqaadasho.
hiifid-da: (magac, dhedig, keli) canaanasho; eed saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiifid
(Jiifid-da)
1. Dhacadiid ama dhabbac ama dhinac u oollaansho.
2. Hurdid; seexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiifid
m.f.dh eeg jiif². la-mid: jiif¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liifid
(Liifid-da)
Liif cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liifid
m.f.dh eeg liif². la-mid: luufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liifid
-da: (magac, dhedig, keli) xadhig, dun ama wax la mid ah, furfurid oo liifaf u kala saarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiifid
(Tiifid-da)
Kol keliya sarid ama mudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiifid
m.f.dh eeg tiif².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiifid
-da: (magac, dhedig, keli) sarid; kol keliya sarida. Tiifida nabarka ha badin. Dh: tiifis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiifin
m.f.dh eeg wiifi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiigid
-da: (magac, dhedig, keli) waxyeello badan u geysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiiqid
(Wiiqid-da)
Waxyeello gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiiqid
m.f.dh eeg wiiq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wirfid
(Wirfid-da)
Wax wirfaya noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wirfid
-da: (magac, dhedig, keli) lulmasho oo si xoog ah u wareegid. Inanta yari wirfiddii leexada ayay ku wareertay. Dh: wadhfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iniifid
(Iniifid-da)
(ku iniifid) aan laga dheerayn, lagana gaabin ee qarka qarka loo saaray; le'ekeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liifmid
m.f.dh eeg liifan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liifmid
-da: (magac, dhedig, keli) xadhiq, dun ama wax la mid ah, furfurmid oo liifaf u kala bixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
widhfid
-da: (magac, dhedig, keli) dhagax ama rasaas dhan walba u aan'id.
widhfid-da: (magac, dhedig, keli) wax xoog u lulmaha ahaansho. Ubadku widhfidda way ku beerfadhaqoobaa. Dh: lulmid, wadhfid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiiqmid
(Wiiqmid-da)
Wax wiiqan ama la wiiqay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiiqmid
m.f.dh eeg wiiqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiiqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wiigan ama la wiiqay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ifid
(Ifid-da)
Iftiin wax lagu arko yeelasho, ilays soo saarid; iftiimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ifid
m.f.dh eeg if².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ifid
-da: (magac, dhedig, keli) ilays bixin, iftiin bixin. Dh: iftiimid, nuurid, siraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiif
f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Sida wiifowgii u wareeg. 2. Aad u orod.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wiif
v. go round and round (like a merry-go-round), spin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiif
(fal) shiid oo dhagax xoog ugu tuur. Dhagax ku wiif hadduu ku dayn waayo. Dh: shiid.
wiif: (fal) sida wiifowga u wareeg.
wiif: (ereycodeed) tusmeeya guuxa iyo codka dhagaxa ama rasaasta la tuuro. Dhagax wiif le maahee wax kale lama maqlayn. Dh: xuuf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wiif
cf: wareeg
de: go round and round (like a merry-go-round), spin
initial: w
lx: wiif
pd: (wiifay)
ps: v1=intr
key: wiif
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifi
(fal) biyo yar ku rush. Soo biifi hadhuudhka aan tunne. Dh: qoo, rush, bilbil.
biifi: (fal) wax qurxi oo bil.
biifi-ka: (magac, lab, keli) wax ishu qabanayso oo quruxsan. Biifi baa ka muuqda dushiisa. Dh: qurux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cifid
m.dh la-mid: cifasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iidid
(Iidid-da)
Maalmaha Iidda ah ka qaybgelid; (ama ciidid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iidid
m.dh la-mid: ciidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iidid
-da: (magac, dhedig, keli) farxadda iidda ka qaybgelid oo muujin. Dh: dabbaaldegid, damaashaadid, ciidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iilid
(Iilid-da)
Barbar u leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iilid
m.f.dh eeg iil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iilid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac u leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiifi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid meel seexin. 2. Shay dhinac meel u dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiifi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid meel seexin. 2. Shay dhinac meel u dhigid. m.f.dh, jiifin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiifi
v. lay someone down, put to bed; knock down, throw down
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiifi
-yey / say: (v) 1. cause to lie down; lay (leey). 2. bed down; put or send to bed; bed (beedh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiifi
(fal) seexi, hurdo gee. Dh: seexi. Li: toosi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiifi
de: lay s.o. down, put to bed; knock down, throw down
lx: jiifi
pd: (jiifiyey)
ps: v2a=tr
key: jiifi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rifid
(Rifid-da)
1. Wax baal leh, ama timo leh, mid mid uga siibid, uga gurid, uga googgoyn.
2. Qof lala dirirayo oo la legdey, sida wax la rifa hayo u gelid, u camcamin, u camajuujin, u rafaadin.
3. Tahar ama hilib adag si calaanji ah, u googgoosasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rifid
m.f.dh eeg rif.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rifid
Corrasion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rifid
-da: (n) plucking (palaak-ing); the act of plucking ~ kidfid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rifid
-da: (magac, dhedig, keli) baalal ama dhogor ka gurid oo ka xoodhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sifid
m.f.dh eeg sif.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sifid
-da: (magac, dhedig, keli) saf saf ka dhigid; sarcid; safid.
sifid-da: (magac, dhedig, keli) eeg sifayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tifid
(Tifid-da)
Liilammada dunta maro ama wax kale, ka samaysan yihiin, mid mid u bixbixin, u siibsiibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tifid
m.f.dh eeg tif³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tifid
-da: (magac, dhedig, keli) liilmidda dunta iyo wixii la mid ah oo xabbadxabbad loo saaro. Dh: siisiibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wicid
(Wicid-da)
1. (cid, ...) u dhawaaqid, u yeerid.
2. Wax sabab u noqosho; keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wicid
m.f.dh eeg wac². la-mid: wicitaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wicid
vl. n. call, invitation, summons
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wicid
-da: (n) the act of calling (kool-ing) ~ u yeerid
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Wicid
Chiamata
Call
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wicid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale u yeedhid. Telefoonkayga waad haysaa oo adiga uun baan wicid kaa sugayaa. Dh: yeedhid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wicid
de: call, invitation, summons rw: wac
initial: w
lx: wicid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: wicid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiisi
-ga: (magac, lab, keli) eeg wiirsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wirfi
v. swing something round and around
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wirfi
(fal) xadhig, maro ama wax kale, afka intaad qabato, hawada dhexdeeda xoog ugu wareeji. Marada wirfi ha lagu arkee. Dh: wadhfi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wirfi
cf: wareeji
de: swing s.t. round and around
initial: w
lx: wirfi
pd: (wirfiyey)
ps: v2a=tr
key: wirfi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biicid
-da: (magac, dhedig, keli) gardarraysi iyo dandaansi. Biicidda waa lagu dhintaa. Dh: biicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biifis
-ta: (magac, dhedig, keli) biifid ku samayn. Biifiska ka jooji waad caddaysaye. Dh: qurxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biilid
m.f.dh eeg biil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilid
-da: (magac, dhedig, keli) masruuf siin. Dh: quudin, biilin, biilis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biiqid
m.f.dh eeg biiq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiqid
-da: (magac, dhedig, keli) intii hore ka naaqusmid, ka yaraansho. Biiqidda iyo kala jabka dadka maxaa sababay: Dh: biigis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biirid
(Biirid-da)
Inyar inyar u soo kordhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirid
m.f.dh eeg biir³. la-mid: biiris².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Biirid
Accumulo
Accrual
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirid
-da: (magac, dhedig, keli) ku darsamid. Kut biiridda mucaaradku xukuumadda waa bilow cusub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciidid
m.f.dh eeg ciid². la-mid: iidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidid
-da: (magac, dhedig, keli) ciid ka qaybgelid. Dh: iidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilid
(Ciilid-da)
1. Ciil ka keenid, ku abuurid, badid.
2. Hoos aadid, dhicid, shiiqid, sii baabbi'id; ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilid
m.f.dh eeg ciil².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciilid
Opprimere
Oppression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilid
-da: (magac, dhedig, keli) ciil iyo cadho ku reebid; ciil ka keened.
ciilid -da: (magac, dhedig, keli) aad u shiiqid oo baabi'id; hoos u dhicid. Dh: shiiqid, baabi'id, ciirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciimid
f. n. tip, gratuity; alms
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciimid
de: tip, gratuity; alms
lx: ciimid
pd: (-da)
ps: n1-f, n2-f
syn: baqshiish
key: ciimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciirid
(Ciirid-da)
Sii baabbi'id, sii dhicid, hoos aadid, ciilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirid
m.f.dh eeg ciir³. la-mid: ciir¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirid
-da: (magac, dhedig, keli) culays daraaddii, dhinac u liicid ama u dullaamid. Dh: liicid, dheelliyid, ciiris.
ciirid -da: (magac, dhedig, keli) buuxdhaafitaan; tirabadi awgeed oo meel la kala joogsado la waayo. Dh: buuxdhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diidid
(Diidid-da)
1. Miyirdaboolan wax yar qof haya oo lala dhaco, tabaryari ama dhiigga oo aan si wanaagsan maskaxda u gaarin, darteed.
2. (-) Oggolaansho laga waayid; nicid; yeeli waayid; siin ama bixin waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diidid
diidid¹: m.f.dh eeg diid².
diidid²: m.dh (daawo) Suuxid muddo gaaban oo ay keentay dhiigga maskaxda taga oo yaraaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįidid
m.f.dh eeg dįid. la-mid: dįidis, dįidmo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diidid
m.dh (daaw.) Suuxid muddo gaaban oo ay keentay dhiigga maskaxda taga oo yaraaday.