wiglo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiglo
(Wigla-da)
Wilgo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiglo
m.dh Cod maanseed lagu ciyaaro ciyaarta dhaantada; hirwo. la-mid: wilgo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wiglo
f. n. men's poem-dance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiglo
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar aad caan u ah oo inta badan dhulka soomaalida laga ciyaaro oo jiib iyo jabaq qurxoon leh rag iyo dumar baa lagu wada ciyaaraa. Waa haddaad waxgarad tahay haddii kale wiglada tumo. Dh: dhaanto, hirwo weglo.
wiglo: god maanseed lagu sarjaro maansada dhaantada lagu tunto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wiglo
de: men's poem-dance
initial: w
lx: wiglo
pd: (/da)
ps: n-f
see: wilgo
key: wiglo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Higlo
(Higla-da)
Geed dhirta waaweyn kamid ah oo aan qodax lahayn oo weligi cagaar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higlo
m.dh Geed dhirta waaweyn ka mid ah oo aan qodax lahayn, weligiis cagaaran, miro la cunana leh. la-mid: higley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
higlo
f. n. large thornless evergreen tree species
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HIGLO
(Higlu) S Cadaba heterotricha Hook. Capparidaceae.
C Cadaba mirabilis Gilg. Capparidaceae.
S,C? Maerua subcordata (Gilg) Dewolf. Capparidaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
higlo
-da: (magac, dhedig, keli) geed ka mid ah dhirta la harsado. Waa geed'abaareed weligiis cagaar ah oo ka mid ah dhirta waaweyn ee aan qodax lahayn. Waxa ka baxa midho nafaqo badan oo la yiraahdo 'heeli'. Geedkii higlo dheere, wuu innaga horreeyaaye, hoogtow hore u soo kac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
higlo
cf: heeli (its fruit)
de: large thornless evergreen tree sp.
lx: higlo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: higlo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weglo
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaaraha Soomaalida ee caanka ah midkood. Waa haddaad wax garad tahay haddii kale weglada tumo. Dh: dhaanto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiilo
m.dh Gabar u saansaan eg wiil.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Wiilo
nickname-f boyish; she who dresses or behaves like boys; tomboy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Wiilo
magac loo bixiyo gabadh wiil u eg ama keligeed rag la dhalatay ama raganimo laga filayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
willo
f.mg3 (-laday, -latay) 1. Wax dhaqaaq degdeg ah samayn. 2. Nafley didid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
willo
v. shake, tremble; vibrate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
willo
-ha: (magac, lab, keli) eeg wille.
willo: (fal) fako oo baxso; firxo. Ka willo cadawga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
willo
de: shake, tremble; [ext.] vibrate
initial: w
lx: willo
nt: willad (ka) [vn-m], willasho (/da) [vn-f]
pd: (willaday)
ps: v3a=intr
key: willo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wilgo
(Wilga-da)
Hees raggu qaado (ama wiglo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wilgo
m.dh la-mid: wiglo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wilgo
a: wiglo
cf: wilgee ~ wiglee
de: men's poem form, poetry that includes a dance step Contrast: gabay, geeraar, jiifto, masafo
initial: w
lx: wilgo
pd: (/da)
ps: n-f
key: wilgo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ciglio
s.m. (pl.f. ciglia) - baal (il).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diglow
(Diglow-ga)
Sharbad laysku dacarfaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diglow
m.l Cabbitaan laysku dacar falo oo laga sameeyo qashir bun oo la kariyey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diglow
m.l Cabbitaan laysku dacar falo oo laga sameeyo qashir bun oo la kariyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diglow
m. n. purgative
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diglow
de: purgative
lx: diglow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: sharbad
key: diglow
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
figlio
s.m. - cunug (ga), wiil.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gigolo
gigolo, n.m. - wiil dhalinyar oo naag ka weyni maamulato.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
miglio
s.m. - mayl, miil.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rigolo
rigolo, n.m. - qosol leh
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wiggle
/wigal/ (v) rux-ruxid (dhaqdhaqaajin).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wiglee
v. dance to the men's poem form
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wiglee
de: dance to the men's poem form
initial: w
lx: wiglee
pd: (wigleeyey)
ps: v2b=intr
see: wilgo
key: wiglee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilo
m.l.u Dulduleelka oogada nafleyda ku yaal oo dhididku ka soo baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilo
m.l.u Dulduleelka oogada nafleyda ku yaal oo dhididku ka soo baxa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilo
-ilaha: (n) sources (soorsis),
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
ILO
Laanta Shaqada adduunka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilo
-ha: (magacwadareed) kolmo biyaxabeed ku jiro oo saableyda duunyada lagu arko oo cuyuun ama ilcayn loo nisbeeyo; hawo xoolo gasha.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wig
/wig/ (n) buruko (timo been ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wil
m.l 1. Dharka dumarku xirtaan nooc ka mid ah oo khafiif ah. 2. Halka ay iska galaan misigta iyo bawdada. 3. Isha birteeda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wil
m.l 1. Dharka dumarku xirtaan nooc ka mid ah oo khafiif ah. 2. Halka ay iska galaan misigta iyo bawdada. 3. Isha birteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wil
-ka: (magac, lab, keli) dhinac, barbar, gees. Waar xoolaha adu ma lihide wil uga joogso.
wil-ka: (magac, lab, keli) dhar ay dumarku xidhaan oo duruuuc ah.
wil-ka: (magac, lab, keli) bawdada xaggeeda sare; halka bawdada iyo lafta dabaqanaantu iska galeen. Gabadhbaa wilka igu qaadday. Dh: sin.
wil-ka: (magac, lab, keli) Bu'da isha inta wax lagu arko. Dh: wiil,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilo
(Bila-ha)
Hadal-weynaha dhexdiisa, hadal yar oo la dhexgeliyo, haddii la doonona laga saari karo, astaamo bilaha qaabkooda leh oo midna horay laga geliyo (bil furan) midna gadaal (bil xiran); (...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilo
f.mg3 (bishay, bilatay) Bil dhalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilo
m. n., [collective] brackets, parentheses {punctuation}
bilo v. start ~ commence (of a lunar month)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilo
-bilaha: (n) bracket (baraakit); ( ) or [ ] ~ qawsayn, qaws
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cigo
f.mg3 (-gtay, -gatay) la-mid: cifo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cigo
v. acquire a replacement for something lost ~ destroyed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cigo
(fal) erey duco ah oo la macne ah, 'cawilcelin Rabbi ha ku siiyo'. Dh: barwaaqow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cigo
a: cifo
de: acquire a replacement for s.t. lost ~ destroyed
lx: cigo
pd: (cigtay)
ps: v3b=
key: cigo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digo
(Diga-da)
Xoolaha iyo bahallada, kd., xaarkooda iyo saaladooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digo
digo¹: m.dh 1. Saalo. 2. Saalo burburtay oo badan.
digo²: f.g/mg3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Aroos cid ugu wacasho. 2. (f.mg) Ku d.: col jabay, qof laga adkaaday iyo wixi lamida hadal lafajebis ah ku dhihid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
digo
digo¹: m.dh 1. Saalo. 2. Saalo burburtay oo badan.
digo²: f.g/mg3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Aroos cid ugu wacasho. 2. (f.mg) Ku d.: col jabay, qof laga adkaaday iyo wixi lamida hadal lafajebis ah ku dhihid. m.f.dh, digasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digo
v. announ (a wedding ceremony)
digo [feminine] n., [collective] dung
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
digo
-da: (n) dung (doong); manure (ma-nuur); muck (mak) ~ saalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digo
(fal) (ku ~) ku farax dhibaato cid ku dhacday. Dh: wiirso.
digo -da: (magac, dhedig, keli) saalada xooluhu dhigaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
figo
-da: (magac, dhedig, keli) ganaax aawadii, labada gacmood iyo labada lugood oo xagga dambe la iskugu keeno oo la isku xidho. Figo ayaa tuuggii loo xidhay. Dh: fiigo, miig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filo
f.g3 (-ishay, -ilatay) Wax malaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
filo
f.g3 (-ishay, -ilatay) Wax malaysasho. m.f.dh, filasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filo
v. expect
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
filo
-fishay/filatay: (v) hope (hoop), expect (ikis pakt), anticipate (aan tisi peeyt), await (a weeyt) ~ rajee
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
filo
s.m. dun, fiilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filo
(fal) quudarray; rajey; sug; dhawr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filo
de: expect
lx: filo
pd: (fishay)
ps: v3b=
key: filo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilo
(Hila-da)
Webiga, meelaha xooluhu ka cabbaan; malko.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilo
hilo¹: m.dh (-ooyin, m.l) Webiga meelaha xooluhu biyaha ka cabbaan.
hilo²: f.g/mg. 3 (-ishay, -ilatay) 1. (f.g) Weel afkiisa xarig ku dhuujisasho si aan wax uga daadan. 2. (f.mg) Ku h.: gaadiid xamuul culus saarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilo
v. pile up, heap up, accumulate for oneself
hilo [feminine] n. place on a river-bank where livestock are watered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilo
(fal) alaabo iyo wixii la mid ah, meel tuulo oo is duldhigdhigo.
hilo -da: (magac, dhedig, keli) meelo webiga ka mid ah oo ay xooluhu ka cabbaan. Dh: malko, dar, hulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
igbo
f.g3 (-baday, -batay) Cid dood u wakiilasho. la-mid: igmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
igmo
f.g3 (-maday, -matay) la-mid: igbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
igmo
(fal) gar ama hawl kale, cid u xilsaaro. Haddaad afka aqoon cid kale igmo Dh: wakiilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iigo
-da: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah. ligo ayuu naftiisii iyo taydiiba geliyey. Dh: cidhiidhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iilo
f.mg3 (iishay, iilatay) 1. U ii.: cid dhankeeda isu buurin. 2. Daciif noqosho. 3. Dhiibaato aan laga soo kaban karin la kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iilo
f.mg3 (iishay, iilatay) 1. U ii.: cid dhankeeda isu buurin. 2. Daciif noqosho. 3. Dhiibaato aan laga soo kaban karin la kulmid. m.f.dh, iilasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iilo
v. turn (oneself) aside
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iilo
(fal) waddada xaqa ah ka baydh; dhinac u leexo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iilo
de: turn (oneself) aside
lx: iilo
nt: iilasho (/da) [vn6-f]
pd: (iishay)
ps: v3b=
key: iilo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illo
f.g3 (-laday, -latay) Kabo gashasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illo
v. put on ~ try on (shoes)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
illo
cf: gasho
de: put on ~ try on (shoes)
lx: illo
pd: (illaday)
ps: v3a=tr
key: illo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jigo
(Jiga-da)
Meel la mari jirey ama wax la fali jirey, oo laga joogsado, la diido, laga maagto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jigo
jigo¹: m.dh Madaxa dadka iyo xayawaanka dhankiisa dambe, meesha ay iska galaan luqunta xaggeeda sare iyo madaxu; jeego.
jigo²: f.mg3 (-gtay, -gatay) Wiil yar xibintiisa taranka girgikeeda harag kadillaacsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jigo
m.dh Madaxa dadka iyo xayawaanka dhankiisa dambe, meesha ay iska galaan luqunta xaggeeda sare iyo madaxu; jeego.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jigo
f. n. hesitation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jigo
-da: (magac, dhedig, keli) meel hore loo mari jiray ama wax hore loo samayn jiray oo laga maago. Dh: maagis. Wa: jigooyin.
jigo -da: (magac, dhedig, keli) xanuun qaalmaha ugubka ah ku dhaca oo kolka ay rinto candho weyn oo xilligeedii gaadhin ka soo saara oo haddii laga gubi waayo candhada waxyeello gaadhsiiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jigo
de: hesitation
lx: jigo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jigo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
kilo
kilo, pref. - Kiilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ligo
-da: (magac, dhedig, keli) xero xoolo loo dhiso oo loo adkeeyo. Dh: qalwo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
milo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg miile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigo
m.dh Isu imaanshaha ciidan ay si nidaam ah meel isugu imaadaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rigo
m.dh Isu imaanshaha ciidan ay si nidaam ah meel isugu imaadaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rigo
rigada: (n) assemblage of soldiers or troops; line-up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigo
-da: (magac, dhedig, keli) isu imaanshaha ciidan ay si nidaam ah meel isugu imaadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sigo
f.mg3 (sigtay, sigatay) Halis u dhawaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sigo
f.mg3 (-gtay, -gatay) Halis u dhawaansho. m.f.dh, sigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sigo
v. have a narrow escape
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sigo
(fal) wax halis ah ama waxyaabo kale, wax yar u mar, in yar u jirso; u dhowow.