weysaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysaysi
-ga: (magac, lab, keli) si sharci ah u weysaysasho. Weysaysiga biyaha waa la yaryareeyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weesaysi
(Weesaysi-ga)
Weesaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weesaysi
m.l la-mid: weesaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weesaysi
-ga: (magac, lab, keli) weysaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weynaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax wayn ka dhigasho. Surwaalku hadduu ku le'eg yahay weynaysi uma baahna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weysayso
f.mg3 (-stay, -satay) Cid weysaqaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weysayso
f.mg3 (-stay, -satay) Cid weysaqaadasho. m.f.dh, weysaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weysayso
v.auto: make a ritual ablution before praying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weysayso
-weysaystay / weysaysatay: (v) wash or cleanse the body before prayer; make ablution (a-buluu-shin) ~ weesaysa qaado, waysayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysayso
(fal) weyso qaado oo xubnaha loogu talagalay weysada maydh. Kac soo weysayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weysayso
a: weesayso
de: make a ritual ablution before praying
initial: w
lx: weysayso
pd: (weysaytay)
ps: v3b=auto
see: weeso
key: weysayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebageysi
-ga: (magac, lab, keli) hawl kuu socotay, soo afjarasho.
gebageysi -ga: (magac, lab, keli) sababo sharcigu banneeyay aawadood, carro ku weysaysi oo salaad ku bannaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxaysad
-ka: (magac, lab, keli) weysaysi fudud oo halhal ah waysaysasho gaar ahaan kolka horay loo weysaqabay ee la jadiidinayo. kubbaayad biyo ah ayaa waaxaysadka kugu filan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weesaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) weysaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysagade
-ha: (magac, lab, keli) geed yar.
weysagade -ha: (magac, lab, keli) qof aan weyso qabin oo weysaysi samaynaya. Weysagade ayaa weysadiinnii haysta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysagadid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg weysaburin.
weysagadid -da: (magac, dhedig, keli) eeg weysaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysaqab
-ka: (magac, lab, keli) daahir ahaansho wixii weysada burinaayay aanay kugu iman. Masaajidka waysaqab ku ictikaaf. Dh: weysaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysaysad
-ka: (magac, lab, keli) si sharciga waafaqsan u weysa qaadasho. Masaajiddu waxay leeyihiin meelo weysaysadka loogu talagalay. Dh: weysaysasho, weysaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weesays
-ka: (magac, lab, keli) weyso qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid u weysayn. Weysaynta carruurta ha ku raagin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weesayso
f.mg3 (-stay, -satay) Salaad ka hor weeso qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weesayso
f.mg3 (-stay, -satay) Salaad ka hor weeso qaadasho. m.f.dh, weesaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weesayso
v.auto: wash up ~ make one's ritual ablutions before praying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weesayso
-weesaystay / weeysaysatay: (v) wash or cleanse the body before prayer; make ablution (a-buluu-shin) ~ weeysa qaado, weysayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weesayso
(fal) weyso qaado; weysayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weesayso
de: wash up ~ make one's ritual ablutions before praying
initial: w
lx: weesayso
nt: weesaysad (ka) [vn-m], weesaysasho (/da) [vn-f], weesaysi (ga) [vn-m]
pd: (weesaystay)
ps: v3b=auto
key: weesayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weesaysad
(Weesaysad-ka)
Weesaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weesaysad
m.l la-mid: weesaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weesaysad
-ka: (magac, lab, keli) weysaysi; weysaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydaarsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg waydaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyneysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: weynee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weysaysasho
m.f.dh eeg weysayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg weysaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysan
(tilmaame) mid la waayey; waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weysii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: waasii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eedaysi
(Eedaysi-ga)
Eed isu qabsi; garramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaysi
m.l la-mid: eedaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eedaysi
m. n. accusation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaysi
-ga: (magac, lab, keli) cid kale, denbi ku eedayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eedaysi
de: accusation
lx: eedaysi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: eedaysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eexaysi
(Eexaysi-ga)
Eexaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eexaysi
m.l la-mid: eexaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eexaysi
m. n. favoritism, bias
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg eexaysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eexaysi
de: favoritism, bias
lx: eexaysi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: eexaysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teysali
m.dh (-iyaal, m.l/dh) Jaad ka mid ah geedaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraysi
(Waraysi-ga)
Waraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraysi
m.l la-mid: waraysasho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Waraysi
Intervista
Interview
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraysi
-ga: (magac, lab, keli) su'aalo la weydiiyo cid xog'ogaal ah. Waraysi ayaa lala yeeshay dadkii qaamuuska qoray. Dh: waraysasho, waydiimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weesayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid u weysayn. Weesaynta carruurta ha ku raagin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weynayn
m.dh (fiisikis) Summad M. Cabbirka xaddiga uu qalab obtikaad kordhiyo ama yareeyo xajmiga huumaagga. Waana saamiga baaxadda huumaagga iyo baaxadda walaxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyneys
m.l la-mid: weyneyn¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weyneys
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg weyneyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyraxi
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo ama dad weyrax ka keenid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weyraxi
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo ama dad weyrax ka keenid. m.f.dh, weyraxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weyraxi
v. drive (an animal) to frenzy; make someone mad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weyraxi
(fal) ka cadhaysii neef ilmihiisa duljooga adoo iska dhigaya wax ka cunaya. Saca weyraxi. Dh: weyrixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weyraxi
de: drive (an animal) to frenzy; [ext.] make s.o. mad
initial: w
lx: weyraxi
pd: (weyraxiyey)
ps: v2a=tr
key: weyraxi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayaysi
-ga: (magac, lab, keli) qof aan hilib lahayn oo wayd ah. Xayaysi la lama borotomo. Dh: caato, xiidxiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xeraysi
(Xeraysi-ga)
Xeraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeraysi
m.l la-mid: xeraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeraysi
-ga: (magac, lab, keli) meel ku xeraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasaysi
m.l la-mid: baasaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baasaysi
m.l Wax shar leh aaminid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baasaysi
- ga: (n) pessimism (pese miizem); a negative approach ~ baase-ha
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasaysi
-ga: (magac, lab, keli) rumayn la rumeeyo in shay uu mar walba xumaan horseed u yahay. Baasaysiga qambaarku waa xujo aan daliil loo hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baybaysi
m.l la-mid: baybaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baybaysi
-da: (magac, dhedig, keli) dacwad aan wada run ahayn. Baybaysiga ha rumaysanin ee hubi waxan ku sheegay. Dh: bihinbihis.
baybaysi -ga: (magac, lab, keli) ku jeestayn ama ku tiiqtiiqsi. Baybaysiga iga daa. Dh: tiiqtiiqsi.
baybaysi -ga: (magac, lab, keli) oohin ama wax jeclaan aan run ahayn baruurteeda aadka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beelaysi
(Beelaysi-ga)
Gumeysi, isticmaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beelaysi
m.l la-mid: beelaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beelaysi
vl. n. community, settlement; colonization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelaysi
-ga: (magac, lab, keli) beelbeel isu raacis, isbahaysi samaysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beelaysi
de: community, settlement; colonization
lx: beelaysi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: beelaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax laguu sheegay beenaysasho. Beenaysiga maxaa keenay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beybeysi
-ga: (magac, lab, keli) oohin been ah oo looga jeedo beerlaxowsi is bihinbihis ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeclaysi
m.l la-mid: jeclaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leexaysi
(Leexaysi-ga)
Leexaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexaysi
m.l la-mid: leexaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg leexaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leyleysi
m.l la-mid: leyleysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leyleysi
-ga: (magac, lab, keli) leyleysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meeraysi
-ga: (n) the act of revolving; orbital motion; circling; rotation (rooteeyshan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeraysi
-ga: (magac, lab, keli) wareegaysi; meertaysi. Meeraalaysiga waa lagu wareeraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetaysi
m.l la-mid: seetaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg waaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydaari
f.lg2 (-iyay, -isay) 1. Dhaafi; gudbi. 2. Is w.: is dhaafin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weydaari
f.lg2 (-iyay, -isay) 1. Dhaafi; gudbi. 2. Is w.: is dhaafin. m.f.dh, weydaarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weydaari
ditransitive v. cause to cross ~ lay something across something else; cause to pass by; cause to miss; convert
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weydaari
-yey / say: (v) 1. reverse the position or order; transpose (taraanispows); interchange 2. pass on, pass down ~ isweydaari, gudbi, isdhaafi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydaari
(fal) isdhaafi oo laba shay isku beddel. Dh: waydaari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weydaari
de: cause to cross ~ lay s.t. across s.t. else; cause to pass by; cause to miss; [ext.] convert
initial: w
lx: weydaari
pd: (weydaariyey)
ps: v2a=ditr
key: weydaari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydiisi
-ga: (magac, lab, keli) weyddiisasho. Weligaa weydiisiga yaree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyneyso
m.dh (-ooyin, m.l) (fiisikis) Qalab loogu talaggalay in uu weyneeyo hummagga walxo aad u sii yar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weyneyso
m.dh (-ooyin, m.l) (fiisikis) Qalab loogu talaggalay in uu weyneeyo hummagga walxo aad u sii yar.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Weyneyso
Microscope
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weyneyso
-weyneysada: (n) microscope (maay karaskoop); magnifier (mag-ni-faayer); magnifying glass ~ mikoroskoob, miikariskoob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weyneyso
(fal) wax weyn ka dhigo. Surwaalku hadduu kaa yaraado wayneyso. Dh: weyneyso. Li: yarayso.
weyneyso -da: (magac, dhedig, keli) qalab waxyaalaha yaryar ee aanay ishu arki karin lagu eego oo lagu arko. Wayneyso ayaa lagu arkaa jeermiska ili ma qabatayga ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weysaalo
(Weysaala-ha)
Waxyaalo diricnimo ku jirto oo qof falo; wacdaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weysaalo
m.l.w W. ah: waxyaalo diricnimo muujiya oo qof sameeyo, wacdaro.