weyraxin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weyraxin
(Weyraxin-ta)
Weyrax ka doonid, ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyraxin
m.f.dh eeg weyraxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weyraxin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef weyrax ku ridid oo ka gadoodsiin. Weraxinta lo'du way khatar badan tahay. Dh: weyraxis,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyraxi
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo ama dad weyrax ka keenid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weyraxi
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo ama dad weyrax ka keenid. m.f.dh, weyraxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weyraxi
v. drive (an animal) to frenzy; make someone mad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weyraxi
(fal) ka cadhaysii neef ilmihiisa duljooga adoo iska dhigaya wax ka cunaya. Saca weyraxi. Dh: weyrixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weyraxi
de: drive (an animal) to frenzy; [ext.] make s.o. mad
initial: w
lx: weyraxi
pd: (weyraxiyey)
ps: v2a=tr
key: weyraxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weyraxid
(Weyraxid-da)
Weyrax gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyraxid
m.f.dh eeg weyrax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weyraxid
-da: (magac, dhedig, keli) wayrax ku jirid oo ilmo aad dhashay cadaw si xoog ah uga daaficid. Dh: gedoodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weyraxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg weyraxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyraxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Dad ama xoolo wax weyraxay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weyraxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Dad ama xoolo wax weyraxay ahaansho. m.f.dh, weyraxsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weyraxsan
der. [adjective] enraged, infuriated (of person ~ animal)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weyraxsan
-aa/ayd: (adj) a frenetic; frenzied (fareen-zidh); frantic (faraan-tk); furious (fiyuu-riyas) ~ xamaasaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weyraxsan
(tilmaame) weyrax ku jira oo aad u carsan ah. Sac weyraxsan ayaa qof gees geliyay Dh: gadoodsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weyraxsan
de: enraged, infuriated (of person ~ animal)
initial: w
lx: weyraxsan
pd: (weyraxsanaa)
ps: adj-der
key: weyraxsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weyrax
(Weyrax-a)
1. Dagaalka xoolaha dhalay ay dagaallamaan kolka la maago ama ay dhashooda u baqaan.
2. Neefka la caayo dagaalkiisa.
3. Caro; dhirif; gadood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyrax
weyrax¹: m.l 1. Dagaalka xoolaha dhalay (lo') oo ay dagaallamaan kolkay ubadkooda u baqaan. 2. Caro; gedood.
weyrax²: f.g1 (-xay, -xday) Neef xoolo ah oo dhalay markuu dhashiisa u baqo gadoodid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weyrax
weyrax¹: m.l 1. Dagaalka xoolaha dhalay (lo') oo ay dagaallamaan kolkay ubadkooda u baqaan. 2. Caro; gedood.
weyrax²: f.g1 (-xay, -xday) Neef xoolo ah oo dhalay markuu dhashiisa u baqo gadoodid. m.f.dh, weyraxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weyrax
m. n.; [ext. atr.]: frenzy ~ fury (in animals); rabid
weyrax [inchoative] v. become frenzied, fly into a rage (of animal ~ person)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weyrax
-ay / day: (v) get angry; go wild; ramp (raamp) usually used for animals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Weyrax
magac loo bixiyo wiil kolkii uu yaraa hooyadii oohin iyo geydh ku kadeeday ama ay hooyadii ay jacayl badan u qabtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weyrax
(fal) ilmo yar ood dhashay jacayl darteed ku dulwareeg oo cadaw ka ilaali. Dh: gedood.
weyrax -a: (magac, lab, keli) dagaal ay xayawaanka dhalaayi dhashooda ku difaacaan iyagoo jacaylka ay u qabaan muujinaya. Dh: gedood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayraxi
(fal) ka cadhaysii neef ilmihiisa duljooga adoo iska dhigaya wax ka qaadanaya. Saca wayraxi. Dh: wayrixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayraxid
-da: (magac, dhedig, keli) wayrax ku jirid oo ilmo aad dhashay cadaw si xoog ah uga daaficid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weyrax_1
de: frenzy ~ fury (in animals); [ext. atr.] rabid
hm: 1
initial: w
lx: weyrax
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: weyrax_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weyrax_2
de: become frenzied, fly into a rage (of animal ~ person)
hm: 2
initial: w
lx: weyrax
pd: (weyraxay)
ps: v1=inch
key: weyrax_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weeraamin
m.f.dh eeg weeraami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weeraamin
-ta: (magac, dhedig, keli) si aan xoog ahayn u walhin oo kolba dhinac u yara lulid. Weeraaminta kodhaha subagga ayaa ku urura. Dh: wadhaamin, weedhaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weydaarin
(Weydaarin-ta)
Gudbin; dhaafin; mootin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydaarin
m.f.dh weydaari.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weydaarin
-ta: (n) transposition (taraanispozishin); conversion (con-veer shin) ~ isweydaarin, isdhaafin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax soo socda wax kale ka horgeyn oo dhanka kale u dhaafin. Wax is weydiin ma xumee wax is weydaarin baa daran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Werin
(Werin-ta)
Hadal cid kale leedahay soo qaadid, sheegid, cid kale gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
werin
m.dh la-mid: warin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
werin
-ta: (magac, dhedig, keli) war ama macluumo kale ciddii sheegtay ka soo tebi oo inta kale u gudbi; warka tebi oo cid kale gaadhsii. weris': magac hablaha loo bixiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceyrin
(Ceyrin-ta)
Eryid; fogeyn; buubin; cagaajin; cirdayn; burin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceyrin
m.f.dh eeg cayri. la-mid: cayris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceyrin
-ta: (magac, dhedig, keli) beryid; meel ka fogayn. Dh: cayrin, caydhin, firxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deyran
(tilmaame) meel deyr ku xiranyahay. Aqalku wuu deyran yahay dul iyo hoosba.
deyran: (ereydhawaaq) dadku ku dhawaaqo marka xoolo lumaan ama wax xun la sheego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deyrin
-ta: (magac, dhedig, keli) iska fogayn, oo iska takoorid, iska caymadin. Nimuu dayriyay maanta berituu la dersaa. Fogayn, soo dhawayn dayri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meyrax
-da: (magac, dhedig, keli) jillaw jilicsan oo u dhaxaysa diirka iyo lafta laamaha geedaha oo inta la calaliyo ama la tumo xadhko iyo dufka kebdaha laga sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Wayrax
magac loo bixiyo wiil kolkii uu yaraa hooyadi oohin iyo geydh ku kadeeday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayrax
(fal) ilmo yar ood dhashay jacayl darteed ku dulwareeg oo cadaw ka ilaali. Curadkaaga ku dul wayrax.
wayrax -a: (magac, lab, keli) dagaalka ay xayawaanka dhalaayi dhashooda ku difaacaan iyagoo jacaylka ay u qabaan muujinaya. Saca wayraxa ka daa yuun ku diline.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyaan
qr.dd la-mid: weeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weydin
(waa + idin).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weydin
class, vl. pron. you all are ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weydin
de: you all are ... = waa + idin ~ aydin
initial: w
lx: weydin
pd: (waydin)
ps: class + vpro
key: weydin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weynan
-ka: (n) greatness (gareeyt-nes); largeness (laarji-nes); enormity (inoor-mati), immensity (imen-siti) ~ weyni, weynaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weynin
m.l la-mid: weynaan.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
WEYRIF
Cenchrus biflorus 10
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysan
(tilmaame) mid la waayey; waayid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ceyriin
-ka: (n) raw (roo); uncooked (an-kuukt); crude (kuruudh) ~ qayriin, ceedhiin, ceeriin, cayriin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deyraan
m.l Dabaysha, firada, heerka iyo wixi lamida oo ka soo hormara roob di'i raba.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Keratin
Karatiin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
refrain
/rifreyn/ (v) 1. iska-deyn (ka waantoobid) (n) 2. dhammaadka bog kasta ee heesta (meesha beyd kasta lugu soo gooyo, oo badanaa isku si ah).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
refrain
v.tr., (repress) jarra bar, tababar, camal xun is karaw.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
terrain
/tareyn/ (n) dhul (carro, siiba kolka laga hadlayo qaabka dhulka sida dul, bannaan, dooxo, bacaad iwm).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
terrain
terrain, n.m. - dhul banaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayrixi
(fal) eeg wayraxi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weydiin
-ta: (n) question (kuwe-shiri); query (kuweeri); questionnaire (kuwe-shin-neer); the act of asking ~ weyddiin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Weydiin
Richiesta
Request
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydiin
-ta: (magac, dhedig, keli) su'aal. Imtixaankii weydiin adag ayaa ku jirtay.
weydiin -ta: (magac, dhedig, keli) su'aalid. Weydiin xumi jawaab ma leh. Dh: su'aalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weynaan
(Weynaan-ta)
Wax weyn ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weynaan
m.f.dh eeg weyn. la-mid: weynaansho, weynin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weynaan
f. n., [abstract] size, bigness, largeness, greatness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weynaan
-ta: (n) greatness (gareeyt-nes); largeness (laarji-nes); hugeness (hiyuuj-nes); enormity (inoor-mati), immensity (imen-siti) ~ weyni, weynan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weynaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax weyn ahaan. Weynaanta Eebbahaan waxba lala simaynoow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weynaan
a: weynaansho (/ha) [n-m-st]
de: size, bigness, largeness, greatness
initial: w
lx: weynaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: weynaan
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weynayn
m.dh (fiisikis) Summad M. Cabbirka xaddiga uu qalab obtikaad kordhiyo ama yareeyo xajmiga huumaagga. Waana saamiga baaxadda huumaagga iyo baaxadda walaxda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid u weysayn. Weysaynta carruurta ha ku raagin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weysiin
m.dh la-mid: waasiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale wax ay rabtay seejin. Weysiinta imtixaanku waa qalad weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beygagin
m.dh la-mid: baydadin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
terrapin
/terapin/ (n) qubo-yar (qubada keeda yar, ee badda ku nool).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warra'in
m.f.dh eeg warra'i. la-mid: warra'is.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wayaayin
m.dh (-nno, m.dh) Meel bannaan ah oo aan dhir lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayaayin
-da: (magac, dhedig, kel) meel bannaan ah oo aan dhir lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wedaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg waydaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weerarid
(Weerarid-da)
Weerar ku dhufasho, ku qaadid, ku sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weerarid
m.f.dh eeg weerar². la-mid: weerarniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weerarid
-da: (magac, dhedig, keli) dagaal ku qaadid oo cadawga kaga horrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weyddiin
(Weyddiin-ta)
Qof hadal u jeedin si jawaab looga helo; su'aalid; warin; warsad; haybin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyddiin
m.f.dh eeg weyddii. la-mid: weyddis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weyddiin
vl. n. inquiry, asking
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weyddiin
-ta: (n) question (kuwe-shin); query (kuweeri); questionnaire (kuwe-shin-neer); the act of asking ~ weydiin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weyddiin
de: inquiry, asking
initial: w
lx: weyddiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: weyddiin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
weyddiin
سُؤَال، اسْتِفْهام
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayrabixin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad saarid oo dagaal u kaxayn. Nin geesiga ahi qayrabixinta dadka wuu yaqaan.
qayrabixin-ta: (magac, dhedig, keli) kala kaxayn oo shinnida yar yar maamul iyo amiir gaar ah u samayn oo dhan u saarid. Qayrabixintu waa hab shinnidu ku camalfasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weerarniin
m.l la-mid: weerarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weerarniin
-ka: (magac, lab, keli) cid kale weerar ku qaadniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydhaamin
m.f.dh eeg weydhaami. la-mid: weydhaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysaburin
-ta: (magac, dhedig, keli) weyso jebin; wax ay weysadu ku jabto la imasho. Haddaad cilmi u lahayn weysaburin iyo weysaqabid dadka weydii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceydbixin
m.f.dh eeg ceydbixi. la-mid: ceydbixis.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Degrading
Hoosu dhigid, dejin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deymbixin
m.dh Darka deynta laga qaato ee bankiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deynbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qof uu dib isaga bixiyo amaahdii lagu lahaa ama uu qofku cid kale amaah siiyo. Dh: qaanbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ereybixin
ereybixin¹: m.f.dh eeg ereybixi.
ereybixin²: m.dh 1. (naxwe) Siinta magac u gaar ah laa siiyo farsamo; fikrad, cilmiyeed iyo wixi lamida. 2. Wadajirka ereyo u gaar ah hal bed aqooneed ama farsamo.