weydow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Nafley weyd noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydow
(fal) caataw oo wax hilib yar nogo. Kol haddaad caafimaadqabto iska weydow.
weydow -ga: (magac, lab, keli) eeg weydoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydaw
(fal) weyd aan hilib badan lahayn nogo. Weydaw buurnidu ma fiicnee. Dh: dhuubo.
weydaw -ga: (magac, lab, keli) eeg weydoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weynow
f.mg3 (-naaday, -naatay) 1. Nafley wax weyn noqosho. 2. La w.: wax weyn cid ugu muuqasho. 3. Isla w.: qab iyo kibir isu yeelid. 4. Iskala w.: qof cid iska sarreysiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weynow
f.mg3 (-naaday, -naatay) 1. Nafley wax weyn noqosho. 2. La w.: wax weyn cid ugu muuqasho. 3. Isla w.: qab iyo kibir isu yeelid. 4. Iskala w.: qof cid iska sarreysiin. m.f.dh, weynaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weynow
inch. v. grow, become bigger, get enlarged; become important
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weynow
de: grow, become bigger, get enlarged; [ext.] become important
initial: w
lx: weynow
pd: (weynaaday)
ps: v3a=inch
key: weynow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydoobid
m.f.dh eeg weydow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
faint
a., suuxsan, weydsan; v.i., weydow, suux.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
grow
v.i., bax, soo bax; the grass grows, geeduhu waa baxaan; that boy grows bigger every day, inankaasi maalin walba waa korayaa; grow in grace, karaamad ku kor; I shall grow here, if I stay longer, halkaan waan ku kori, haddii aan sii joogo or fadhiyo or haddi aan kusii raago; the tree grows again, geedku waa sii baxayaa; he grows better, waa sii wanaagsanaanayaa, or wiil wanaagsan buu noqonayaa; he grows big, waa korayaa; he grows childish, waa caruurowbayaa; the water grows cold, biyuhu waa qabowbayaa; the rice grows dear, bariisku waa ganac adkaanayaa; I grow easy, hawlyari baan qabaa; that boy grows fat in flesh, inankaasi waa shishlaanayaa; that small girl grows handsome, gabadhaa yari wa qurux badnaanaysaa; he grows lazy, caajis buu noqonayaa; it grows late, waa raagaysaa; he grows lean, waa weydowbayaa; the money grows less, lacagti waa dhinmaysaa; you grow old, waa gabowbaysaa; we grow poor, waa dagagowbaynaa; that man grows rich, ninkaasi hodanowbayaa; that boil grows ripe, dullaxaasi waa bislaanayaa; the days grow short, dharaaruhu waa dhinmayaan; grow long, waa dheeraanayaan; that boy grows sleepy, wiilkaasi waa luloonayaa; he grows stupid, doqon buu noqonayaa, or waa doqonowbayaa, or doqonimuu ku korayaa; he grows strong, waa xoogaysanayaa or itaalaysanayaa; the lion grows tame, libaaxu af yaqaan buu noqonayaa; he grows ugly, wiilki waa fool xumaanayaa; I grow weary with the boys, inamada waa ku daalayaa; he grows well, waa bogsanayaa; the fire goes out, oogti waa baxaysaa; that cloth goes out of use, dharkaasi waa idlaanaysaa; grow up, bax.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
languish
v.i., caatow, weydow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
lean
n., (of meat) jiidh, -ki, jimidh, -ki.
lean (animal), n., abax, -i; a., abax ah; be lean, abax; v.c., abaxi.
lean, a., caataysan, weydsan; be lean, caatow, weydow; v.c., weydee.
lean, v.tr., (incline) tiiri, cuski; v.i., tiirso, cusko; lean upon, ku tiiri, ku tiirso.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
pine
v.i., (languish) weydow; v.tr., weyday; v.r., is weyday.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
swoon
v.., suux, weydow; n., suuxdin, -ti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weydoob
inch. v. get thin, become emaciated
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weydoob
de: get thin, become emaciated Alt sp: weydow
initial: w
lx: weydoob
pd: (weydoobay)
ps: v1=inch
key: weydoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weyd
(Weyd-da)
Caato; xayeesi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyd
m.dh.kh W. ah: nafley caato ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weyd
m.dh.kh W. ah: nafley caato ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weyd
f. n., [abstract] (adj.): thinness, wasting away; emaciated, very thin ~ skinny
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weyd
-ah: (adj) lean (liin); poor quality; skinny (iskini); thin (thiin); slim (is-lim) ~ caato. Ex: neef weyd ah; a lean animal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weyd
(tilmaame) caato aan hilib lahayn ah. Neef weyd ah ayay noo qaleen. Dh: wayd.
weyd -da: (magac, dhedig, kel) dhuubni aan hilib badan la socon. Wiilku waa weyd caafimaad qabta. weydaar -ka: (magac, lab, keli) dhanka loo jeedo maahee dhanka kale. Dh: duwanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weyd
bw: jay, macaluul
de: thinness, wasting away; [atr.] emaciated, very thin ~ skinny
initial: w
lx: weyd
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
syn: caato
key: weyd
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bedow
-ga: (magac, lab, keli) qof jooga meel aanu waxba ka garanayn, qof magaalo aan horay u arag. Nin magaalo joog ah haddii adhi la raaciyo bedow ayuu noqon. Dh: badaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Eed gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eedow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Eed gelid. m.f.dh, eedoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedow
(fal) gaboodfal geyso; qalad xeerku kuu qabto gelid.
eedow -ga: (magac, lab, keli) gef samayn iyo eedoobid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
endow
/indaw/ (v) 1. u-hibeyn (v) 2. lugu-manaystay (hibo-loo siiyey, siiba wax dabiici ah, sida quruxda, caqliga iwm). e.g. He was endowed with great intelligence.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Eymow
name-m hunter; skilled
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feydo
feydo¹: m.dh la-mid: faa'iido.
feydo²: f.g3 (-ytay, -ydatay) Qayb jirka ka mid ah maro ka qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feydo
f.g3 (-ytay, -ydatay) Qayb jirka ka mid ah maro ka qaadid. m.f.dh, feydasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feydo
v. strip, show (off) part of one's body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feydo
(fal) marada soo laabo. Dh: xaydo, faydo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feydo
de: strip, show (off) part of one's body
lx: feydo
pd: (feydtay)
ps: v3b=
key: feydo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedow
m.l la-mid: gadow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gedow
m. n. hoop for woven container
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gedow
de: hoop for woven container
lx: gedow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: gadow
key: gedow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ka g.: fal dhameystirkiisa awood u waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geyow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ka g.: fal dhameystirkiisa awood u waayid. m.f.dh, geyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qeydo
(Qeyda-da)
Qaanuun; sharci; xeer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qeydo
m.dh 1. Qaynuun. 2. Ogaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qeydo
f. n. law
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qeydo
cf: qaanuun, sharci, xeer
de: law
lx: qeydo
pd: (/da)
ps: n-f
key: qeydo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wegdo
(Wegda-da)
Qaabxumo yar oo lugaha gasha oo ay gadow ama labo qaanso oo afafka isku haya u ekaadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wegdo
m.dh la-mid: wagdo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wegdo
m. n., [collective] bow-legs, bandy-legs
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wegdo
- wegdaha: (n) bowlegs (bowleegis) ~ hogfo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wegdo
-ha: (magacwadareed) eeg wagdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wegdo
de: bow-legs, bandy-legs
initial: w
lx: wegdo
pd: (/ha)
ps: n-m-col
key: wegdo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weyso
(Weysa-da)
Weeso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyso
m.dh la-mid: weeso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weyso
f. n. water for ablution; ablution before prayer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weyso
-weysada: (n) [Islamic religion] ablution (a-buluu-shin); a purification that must be performed before someone does their prayer ~ weeso, wayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weyso
-da: (magac, dhedig, keli) weel ubbo ah ama geed laga qoro oo lagu shubto biyo lagu darabyeesho ama lagu weyseysto. Weyso biyo iigu soo shub aan weyseystee. Dh: wayso.
weyso -da: (magac, dhedig, keli) maydhidda xubno uu sharcigu inna faray in la maydho kolka la rabo in la tukado ama Qur'aan la akhriyo.
weyso -da: (magac, dhedig, keli) biyaha lagu weysaysto.
weyso-da: (magac, dhedig, keli) daahir lagu tukan karo ahaan. Qof aan weyso qabin salaadi kama ansaxdo. Dh: weeso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weyso
de: water for ablution; ablution before prayer
initial: w
lx: weyso
pd: (/da)
ps: n6-f
see: weeso
key: weyso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weyto
f. n., [compound] lack (of something), absence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weyto
-weytada: (n) 1. lack (laak); scarcity (iskeer-sati); shortage (shoor-teeyj) Ex: cuno weyto; food scarcity (shortage) 2. failure to find
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weyto
de: lack (of s.t.), absence Used with other nouns
initial: w
lx: weyto
pd: (/da)
ps: n0-f-cmp
xe: the absence of grass
xv: wey ~ waay
key: weyto
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
widow
/widhow/ (n) carmalo (haweeneyda ninkeedii dhintay).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
widow
n., carmali, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeydo
f.g3 (-ytay, -ydatay) Maro dacalkeeda hoose kor u qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeydo
f.g3 (-ytay, -ydatay) Maro dacalkeeda hoose kor u qaadasho. m.f.dh, xeydasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeydo
v. tuck up one's skirt ~ clothing (for running, etc.); gird up one's loins
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeydo
(fal) guntiga gaabso; marada laabo oo tafaha bannee. Macawista daadka ka xeydo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xeydo
de: tuck up one's skirt ~ clothing (for running, etc.); gird up one's loins
initial: x
lx: xeydo
nt: xeydasho (/da) [vn-f]
pd: (xeydtay)
ps: v3b=tr
key: xeydo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beynow
beynow! (ereycodeed) la yidhaahdo marka wax madmadow ku jiro la is weydiinayo. Beynow! dhegadameeraad lagu maqal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deddow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax deddo hayso noqosho. la-mid: daddow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deddow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax deddo hayso noqosho. m.f.dh, deddoobid. la-mid: daddow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deddow
(fal) eeg deddoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deymow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax deyn galay noqosho. la-mid: deynow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deymow
inch. v. become indebted, be in debt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deymow
(fal) eeg oo fiiri. Salaanta hore midigta deymow. Dh: daymoo, jalleec.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deymow
de: become indebted, be in debt
lx: deymow
pd: (deymoobay)
ps: v1=inch
key: deymow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deynow
f.mg1 (-noobay, -noowday; -noobi) la-mid: deymow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deynow
(fal) deyn ha lagugu yeesho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eeddow
-ga: (magac, lab, keli) jeex yar oo ka falliidhma ciddiyaha dhinacyadooda oo kolka la taabto xanuun badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax geeda badan yeeshay noqosho (dhul).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedow
inch. v. be covered with vegetation; become green
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geedow
name-m he who born an area full of trees
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedow
(fal) geedo noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedow
a: geedoob
de: be covered with vegetation; become green
lx: geedow
pd: (geedoobay)
ps: v1=inch
key: geedow
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
meadow
/medhow/ (n) dhul ama beer daaq loogu tala galay (dhul seere ah).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
meadow
n., dooxo, -adi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waydaw
(fal) weyd aan hilib badan lahayn noqo. Waydaw buurnidu ma fiicnee. Dh: dhuubo.
waydaw -ga: (magac, lab, keli) eeg waydoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydee
f.g2 (-deeyay, -deysay) 1. Arrin sahlasho. 2. Wax caato ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weydee
v. cause to become thin ~ waste away; make lose a lot of weight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydee
(fal) itaal darraysii; taag darraysii, wax weyd ah ka dhig. Ninkaan taada weynayn waydee tiisa. Dh: waydee, waydey, dhuubnee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weydee
cf: caatee
de: cause to become thin ~ waste away; make lose a lot of weight
initial: w
lx: weydee
pd: (weydeeyey)
ps: v2b=tr
key: weydee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydey
(fal) eeg weydee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weydii
ditransitive v. ask, inquire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weydii
-yey / say: (v) ) ask (aask); inquire (in-ku-waayer); ask questions; make inquiries ~ weyddii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydii
(fal) warso oo su'aal u jeedi. Inaan weli ku jecelahay weydii dadkaba qaar. Dh: su'aal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weydii
de: ask, inquire
initial: w
lx: weydii
pd: (weydiiyey)
ps: v2a=ditr
see: weyddii (and related forms)
key: weydii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weydin
(waa + idin).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weydin
class, vl. pron. you all are ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weydin
de: you all are ... = waa + idin ~ aydin
initial: w
lx: weydin
pd: (waydin)
ps: class + vpro
key: weydin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weynaw
(fal) duco u dhiganta kor oo koboc oo wax wayn nogo. Weynaw oo waayo joogjoog.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
window
/windhow/ (n) daaqad, dariishad.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
window
n., daaqad, -di; (of a Somali hut, a kind of hole) food, -ki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beymadow
-ga: (magac, lab, keli) midab ku badan yahay bey madow. Beymadow midab beymadow ah buu masku lahaa. Dh: lafcir, buluug.