weyddiisasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weyddiisasho
(Weyddiisasha-da)
Su'aalasho; warsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyddiisasho
m.f.dh eeg weyddiiso. la-mid: weyddiisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydiisasho
-da: (magac, dhedig, keli) weydiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciirsasho
(Ciirsasha-da)
Kaalmo u doonasho; wax tar weyddiisasho; u irkasho; u aayid; ciirsi; ciirsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Codasho
(Codasho-da)
Hadal wax ku weyddiisasho; baryid; codsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalbid
(Dalbid-da)
Doonid; weyddiisasho, rabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doonid
(Doonid-da)
1. Rabid; damcid; maagid.
2. Raadin; goobid; jerin; baarid; baadiggoobid.
3. Gabar, guur darti, u weyddiisasho; alkumasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durraamasho
(Durraamasha-da)
1. (Ilaah, kd.) baryid; tuugid.
2. Wax weyddiisasho saraadi ku jirto; yu'asho; dhaawasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habarwacasho
(Habarwacasha-da)
Inta xagga habarta wax laga wadaago oo dhan u qayladhaansasho; gargaar iyo hiil weyddiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuugid
(Tuugid-da)
Wax weyddiisasho kulul; baryid; yaboohsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuugsasho
(Tuugsasha-da)
Wax weyddiisasho; baryootan; dewersi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alkumo
f.g3 (-untay, -umatay) Gabadh guur laga doonayo reerkooda weyddiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baayoco
f.mg3 (-yacday, -yacatay) Badeeco qiimaheeda weyddiisasho; gorgori. la-mid: baayaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bari
bari¹: m.l Jahada ay qoraxda ka soo baxdo.
bari²: m.dh 1. Cadka baruurta ah oo ka baxa dibka idaha. 2. (-iyo, m.l) Salka dadku ku fariisto. 3. (-iyo, m.l) Buruq.
bari³: f.g/mg1 (-ryay, -riday; -ryi) 1. (f.g) Cid wax ay leedahay ama ka mas'uul tahay si debecsan u weyddiisasho. 2. (f.mg) Habeen meel u hoyasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirso
f.mg3 (-saday, -satay) Cid kaalmo weyddiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciribso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Cid, ciirsi weyddiisasho. 2. Qof, cid ka horreysa tiigsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
codo
f.g3 (-otay, -odatay) Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
codso
f.g3 (codsaday, codsatay) Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duceyso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Eebbe khayr weyddiisasho. 2. Ka d.: cid duco ka kasbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durraamo
durraamo¹: m.dh.kh (-ooyin, m.l) D. ah: neef in lagu allebaryo loogu talaggalay.
durraamo²: f.g/lg3 (-aantay, -aamatay) 1. (f. g) Ilaah baryid. 2. (f.g/lg) Ka d./d.: wax weyddiisasho saraadii ku jirto; yu'asho; dhaawasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaarso
f.mg3 (-saday, -satay) Baadi xogteeda cid weyddiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Cid haybtiisa weyddiin. 2. Cid wax weyddiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyddiiso
f.lg3 (-stay, -satay) Wax loo baahanyahay cid ka baryid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weyddiiso
f.lg3 (-stay, -satay) Wax loo baahanyahay cid ka baryid. m.f.dh, weyddiisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weyddiiso
ditransitive v. request something of someone; ask ~ urge someone for something on behalf of oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weyddiiso
bw: sp: weydiiso
de: request s.t. of s.o.; ask ~ urge s.o. for s.t. on behalf of oneself
initial: w
lx: weyddiiso
nt: weyddiisad (ka) [vn-m], weyddiisasho (/da) [vn-f]
pd: (weyddiistay)
ps: v3b=ditr
key: weyddiiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geddisasho
(Geddisasha-da)
Alaabo ganacsi ah iibsasho, rogrogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddisasho
m.f.dh eeg geddiso. la-mid: gaddisad, gaddisasho, geddisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geddisasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaab ka ganacsasho; baayacmushtar samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weyddiisad
(Weyddiisad-ka)
Weyddiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weyddiisad
m.l la-mid: weyddiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydaarsasho
m.f.dh eeg weydaarso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysato wax kale ku beddelesho oo cid kale kaga doorsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weddiisad
-ka: (magac, lab, keli) cid wax waydiisasho. Weddiisadka walaalkaa ceeb maaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydiisad
-ka: (magac, lab, keli) su'aalasho: weyddiisasho. Weydiisadka walaalkaa lagugula yaabi maayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaddisasho
m.dh la-mid: geddisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaddisasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaabo ganacsi ah iibsasho; rogrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeldisasho
m.dh la-mid: jildisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diddinsasho
m.f.dh eeg diddinso. la-mid: diddinsad, diddinsi, dindinsad, dindinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diddinsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg diddinsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhiisasho
m.f.dh la-mid: fariisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fadhiisasho
vl. n. sitting down, being seated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhiisasho
-da: (magac, dhedig, keli) salka dhulka ama meel kale dhigid, adiga oo lugaha laabaya ama fidinaya. Dh: fariisasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fadhiisasho
de: sitting down, being seated
lx: fadhiisasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: fadhiisasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
fadhiisasho
قُعُودٍ، جُلُوس
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weydaarasho
(Weydaarasha-da)
Gudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydaarasho
m.f.dh eeg weydaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weydaarasho
vl. n. crossing, passing by
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhanka kale u dhaafid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weydaarasho
de: crossing, passing by
initial: w
lx: weydaarasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: weydaarasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weysaysasho
m.f.dh eeg weysayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg weysaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geydhaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) geydhe gurasho; midho qadhaadh oo wax lagu aslo oo gaydhe la yidhaahdo soo gurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waydaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysato wax kale ku beddelesho oo cid kale kaga doorsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejidhigasho
-da: (magac, dhedig. keli) abaaldhigasho. Wejidhigashadu adigiyo ubadkaagaba waa u dan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kelyaciirsasho
(Kelyaciirsasha-da)
Kelya'adayg iska doonid; geesi iska dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kelyaciirsasho
m.f.dh eeg kelyaciirso. la-mid: kelyaciirsad, kelyaciirsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kelyaciirsasho
-da: (magac, dhedig. keli) geesinimo iska doonid ama geesi iska dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayladdirsasho
m.dh la-mid: qayladdirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacdiidsasho
m.dh la-mid: dhacadiidsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhebidhisasho
m.dh la-mid: dhibidhisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhebidhisasho
-da: (magac, dhedig, keli) maraq saarka habeed ku saydhin oo jirriqsi iyo doob ridasho uu awrku sameeyo kolka uu cadhoodo Dh: dhibishaxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddicadsasho
m.f.dh eeg geddicadso. la-mid: geddicadsad, geddicadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabariisasho
m.f.dh eeg waabariiso. la-mid: waabberiiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydsanaansho
m.l/dh la-mid: weydsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceyrsasho
m.f.dh eeg cayrso. la-mid: ceyrsad, ceyrsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deynsasho
m.f.dh eeg deynso. la-mid: deynsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deynsasho
vl. n. borrowing for oneself, act of contracting a debt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deynsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg deynsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deynsasho
a: deynsad (ka) [vn2-m]
de: borrowing for oneself, act of contracting a debt
lx: deynsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: deynsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibsasho
(Dhibsasha-da)
Dhib ka dhigasho, u qaadasho; kahasho; qoonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibsasho
m.f.dh eeg dhibso. la-mid: dhibsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibsasho
vl. n. state of being annoyed, feeling irritated
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibsasho
a: dhibsad (ka) [vn2-m]
de: state of being annoyed, feeling irritated
lx: dhibsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dhibsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhifsasho
(Dhifsasha-da)
Wax meel ku yaal ama qof hayo, si degdeg iyo xoog leh u goosasho; xoog ku qaadasho; wax la boodid; (ama dhufsasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhifsasho
m.f.dh eeg dhifso. la-mid: dhifsad, dhiftin, dhufsad, dhufsasho, dhuftin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibasho
m.f.dh eeg dhiibo. la-mid: dhiibad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiibasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhiibad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqasho
m.f.dh eeg dhiiqo². la-mid: dhiiqad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqasho
-da: (magac, dhedig, kelo) dhiiqo dhoobo ah ama dhiriq ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diibsasho
m.f.dh eeg diibso. la-mid: diibsad, diibsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįifsasho
m.f.dh eeg dįifso. la-mid: dįifsad, dųufsad, dųufsasho, dųufsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diifsasho
-da: (magac, dhedig, keli) diif yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirsasho
(Diirsasha-da)
Diirsimaad helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirsasho
m.f.dh eeg diirso. la-mid: diirsad, diirsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diirsasho
vl. n. warming oneself, warming something for oneself
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Diirsasho
Sollievo; scaldamento
Relief
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) arrin aad ku faraxdo.
diirsasho -da: (magac, dhedig, keli) marka aad dhaxantirato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diirsasho
a: diirsad (ka) [vn2-m]
de: warming oneself, warming s.t. for oneself
lx: diirsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: diirsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
edebsasho
m.f.dh eeg edebso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
edebsasho
-da: (magac, dhedig, keli) anshax iyo akhlaaq suubban yeelasho. Dh: edebsad. edebsi -ga: (magac, lab, keli) eeg edebsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergisasho
m.f.dh eeg ergiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergisasho
-da: (magac, dhedig, keli) shey ama wax in muddo ah qof ka qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeedsasho
m.f.dh eeg jeedso. la-mid: jeedsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeedsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac kale, daymoosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaydsasho
(Kaydsasha-da)
Kayd ka dhigasho; kayd ahaan meel u dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaydsasho
m.f.dh eeg kaydso. la-mid: kaydsad, kaydsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaydsasho
-da: (magac, dhedig, keli) kayd meel dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wayigasho
m.dh la-mid: wayigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayigasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) wax la rabay in la qabto samayntiisa ka baaqasho.