weydaarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydaarad
-ka: (magac, lab, keli) weydaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weydaarid
(Weydaarid-da)
Weydaar ama talantaalli u xirid; isdhaaf u xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydaarid
m.f.dh eeg weydaar². la-mid: weydaar¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydaarsan
f.g4 (-naa, -nayd) Wax, wax kale dhaafsan ahaansho.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Rotation
Is weydaarad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weydaar
(Weydaar-ka)
Isdhaaf; gudub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydaar
weydaar¹: m.l Isdhaaf; gudub. la-mid: weydaarid.
weydaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Neef geel ah jeenigiisa iyo lugtiisa talantaalli u xirid ama isdhaaf u xirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weydaar
weydaar¹: m.l Isdhaaf; gudub.
weydaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Neef geel ah jeenigiisa iyo lugtiisa talantaalli u xirid ama isdhaaf u xirid. m.f.dh, weydaarid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Weydaar
Inverse
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weydaar
m. n. crossing, passing by
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weydaar
-ka: (n) in the opposite position ~ isdhaaf, isweydaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydaar
-ka: (magac, lab, keli) isdhaaf; gudub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weydaar
cf: gudub; dhaaf
de: crossing, passing by
initial: w
lx: weydaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: weydaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydaari
f.lg2 (-iyay, -isay) 1. Dhaafi; gudbi. 2. Is w.: is dhaafin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weydaari
f.lg2 (-iyay, -isay) 1. Dhaafi; gudbi. 2. Is w.: is dhaafin. m.f.dh, weydaarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weydaari
ditransitive v. cause to cross ~ lay something across something else; cause to pass by; cause to miss; convert
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weydaari
-yey / say: (v) 1. reverse the position or order; transpose (taraanispows); interchange 2. pass on, pass down ~ isweydaari, gudbi, isdhaafi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydaari
(fal) isdhaafi oo laba shay isku beddel. Dh: waydaari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weydaari
de: cause to cross ~ lay s.t. across s.t. else; cause to pass by; cause to miss; [ext.] convert
initial: w
lx: weydaari
pd: (weydaariyey)
ps: v2a=ditr
key: weydaari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydaaro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Wax dhaafid. 2. Wax dabamarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weydaaro
v. change; miss, fail to obtain ~ find
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydaaro
(fal) dhaaf oo dhanka kale ka mar. Waar na weydaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weydaaro
de: change; miss, fail to obtain ~ find
initial: w
lx: weydaaro
pd: (weydaartay)
ps: v3b=tr
key: weydaaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weegaarad
-ka: (magac, lab, keli) deyr ama ijaar ku meersasho. Weegeeradka bootada ruqso u qaado. Dh: maageerad: ijaarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weydaarin
(Weydaarin-ta)
Gudbin; dhaafin; mootin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydaarin
m.f.dh weydaari.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weydaarin
-ta: (n) transposition (taraanispozishin); conversion (con-veer shin) ~ isweydaarin, isdhaafin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax soo socda wax kale ka horgeyn oo dhanka kale u dhaafin. Wax is weydiin ma xumee wax is weydaarin baa daran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg weydaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydaarsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg waydaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydaarso
f.lg3 (-saday, -satay) Wax, wax kale dhaafsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weydaarso
-weydaarsaday / weydaarsatay: (v) trade (tareeydh); swap (iswaap); make an exchange of one thing for another; barter ~ dhaafso, ku doorso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weydaarasho
(Weydaarasha-da)
Gudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydaarasho
m.f.dh eeg weydaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weydaarasho
vl. n. crossing, passing by
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhanka kale u dhaafid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weydaarasho
de: crossing, passing by
initial: w
lx: weydaarasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: weydaarasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daarad
(Daarad-da)
Ardaa kor ka awdan oo aqalka ku dhegsan oo harsad iyo dano kaleba lagu qabsado; daash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daarad
m.dh (-do, m.l) 1. Qolka fadhiga ee guriga. 2. Barxadda guriga hortiisa ku taal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daarad
m.dh (-do, m.l) 1. Qolka fadhiga ee guriga. 2. Barxadda guriga hortiisa ku taal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daarad
f. n. fence, compound, veranda
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daarad
-da: (n) courtyard (koort-yaadh)-, yard (yaadh); balcony (baal-kani), porch (poorj) ~ deyr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daarad
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka bannaan ee qololka hortooda ah ee aan waxba ka dhisnayn ee badanaa lagu leydhsadaa marka qololka laga soo baxo. Boqor daaraddii laguma xanto. Dh: ardaa, barxad.
daarad-ka: (magac, lab, keli) weel qiyaas leh oo ka samaysan caw oo lagu miiso midhaha beeraha. Daarad baa loogu miisay hadhuudhkii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daarad
cf: daash
de: fence, compound, veranda
lx: daarad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: daarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eydaar
-ta: (magac, dhedig, keli) hal sidkeegii soo dhoweysay. Dh: fooladka.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
idaarad
-da: (n) management (maa-najment); administration (adh-minis-tareeyshen) ~ maamul-ka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waydaar
m.l (-rro, m.dh) Waddo yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weedaar
m.l (-rro, m.dh) Waddo dheer oo isku xirta laba beelood ama laba ceel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayaarad
m.dh la-mid: dayuurad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayaarad
-da: (n) airplane (eer-paleeynn); aeroplane (eero-paleeyn); aircraft (eer-karaaft); airliner (eer-laayner) ~ dayuurad, diyaarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaarad
-da: (magac, dhedig, keli) gaadiidka cirka duula kan ugu caansan. Dayaaradda xiimiyeey xaawaay; xaggaa bari ma isku raacnaa. Dh: dayuurad, diyaarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diyaarad
(Diyaarad-da)
Dayuurad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaarad
m.dh la-mid: dayuurad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diyaarad
f. n. airplane
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diyaarad
-da: (n) airplane (eer-paleeynn); aeroplane (eero-paleeyn); aircraft (eer-karaaft); airliner (eer-laayner); plane (paleeyn) ~ dayuurad, dayaarad. Ex: waa markii u horaysay uu diyaarad raaco; that was his first flight in an airplane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaarad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dayaarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diyaarad
a: dayuurad
de: airplane
lx: diyaarad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: diyaarad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
diyaarad
طَيَّارَة، طَائِرَة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayaarad
-da: (magac, dhedig, keli) kaabadda agalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heydaaro
(Heydaara-da)
Heydaarto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heydaaro
f. n. accusation; grudge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heydaaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg haydaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heydaaro
a: haydaarto ~ heydaarto
de: accusation; grudge
lx: heydaaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: heydaaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodaarad
-da: (magac, dhedig, keli) jabbaarad, haybad iyo cabqariyad uu qof dad ku hoggaamiyo. Nin hodaarad leh ayaa dad hoggaamin kara. Dh: hodaadhad, karti, haybad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iddaarad
f. n. administration
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iddaarad
bw: Arabic
de: administration
lx: iddaarad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: iddaaro
key: iddaarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaarad
-da: (magac, dhedig, keli) uudka sabuulka lagu urursho ee lagu tumo. Dh: uud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaarad
-ka: (magac, lab, keli) siyaarasho.
siyaarad -ka: (magac, lab, keli) xus u samayn; siyaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraarad
m.l (-do, m.l) la-mid: waraarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wasaarad
(Wasaarad-da)
Qaybaha waaweyn oo taliska qaranku u qaybsamo oo wasiir u madax yahay, middood; (ama wasaaro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wasaarad
m.dh (-do, m.l) Qaybaha waaweyn ee taliska dawlad u qaybsamo oo wasiir u madax yahay middood; wasaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wasaarad
m.dh (-do, m.l) Qaybaha waaweyn ee taliska dawlad u qaybsamo oo wasiir u madax yahay middood; wasaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wasaarad
f. n. ministry, department of government
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wasaarad
-da: (n) ministry (ministeri) wisaarad. Ex: Wasaaradda Difaaca, Ministry of Defence; Wasaaradda Waxbarashada, Ministry of Education; Wasaaradda Warshadaha, Ministry of Industry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasaarad
-da: (magac, dhedig, keli) qayb ka mid ah qaybaha xukuumadda oo maamulkeeda uu wasiir u sarreeyo; waax ka mid ah waaxaaha maammulka dawladda ugu sarreeya oo uu wasiir u madax yahay. Jaamacaddu waxay hoos tegtaa wasaaradda tacliinta sare iyo cilmibaadhista. Dh: wasaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wasaarad
bw: Arabic
de: ministry, department of government
initial: w
lx: wasaarad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: wasaarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waydaari
(fal) isdhaafi oo laba shay isku beddel. Dh: weydaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wedaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg waydaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydhaan
m.l (-nno, m.dh) Warwareegga ay sameeyso leexada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weylawad
-ka: (magac, lab, keli) geed yar oo sida xumbooda oo kale ah oon qudax lahayn. Weylowad xawd ka soo gooso aad magasha dareerisidee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysagad
-ka: (magac, lab, keli) cusboonaysiinta weysoqab laga shikiyay. Weysagad ayaan samaynayaa shiki i galay awgood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wisaarad
f. n. ministry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wisaarad
-da: (n) ministry (ministeri) ~ wasaarad. Ex: Wisaaradda Difaaca; Ministry of Defence. Wisaaradda Waxbarashada; Ministry of Education. Wisaaradda Warshadaha; Ministry of Industry
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wisaarad
de: ministry
initial: w
lx: wisaarad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: wasaarad
key: wisaarad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xadaarad
m.dh (-do, m.l) Heerka horumarka dhaqanka, dhaqaalaha, tegnoolajiyada iyo wixi lamida oo wada jira oo ummadi gaarto. la-mid: xaddaarad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xadaarad
m.dh (-do, m.l) Heerka horumarka dhaqanka, dhaqaalaha, tegnoolajiyada iyo wixi lamida oo wada jira oo ummadi gaarto. la-mid: xaddaarad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xadaarad
f. n. civilization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadaarad
-da: (magac, dhedig, keli) ilbaxnimo maskaxeed iyo horomar dhismo oo ay ummadi leedahay ama kol ay gaadhay. Dh: ilbaxnimo, xadaarad. Wa: xaddaarado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xadaarad
bw: Arabic
de: civilization Alt sp: xaddaarad
initial: x
lx: xadaarad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: xadaarad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heydaarto
(Heydaarta-da)
Haydaarto.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Keydfaraq
Voltage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meegaarad
-ka: (magac, lab, keli) wax gaar loo leeyahay xayndaab ku wareejisasho. Dh: dayrad. wareejisad, ijaarad, maageerad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seexaarad
m.dh (-do, m.l) la-mid: saxaarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seexaarad
-da: (magac, dhedig, keli) santuuq qori ka samaysan oo wax lagu gurto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waydaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax soo socda wax kale ka horgeyn oo dhanka kale u dhaafin. Wax is waydiin ma xumee wax is waydaarin baa daran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waydaarsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg waydaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weegaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) la-mid: maageeran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weegaaran
(tilmaame) deyr ama ijaar ku meegaarsan ah. Booto weegaaran ayaan iibsaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weegaarid
m.dh la-mid: maageerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weegaarid
-da: (magac, dhedig, keli) deyr ama ijaar ku meerin; miir ku wareejin. Dh: waageerid, meegaarid.