werfid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Werfid
(Werfid-da)
Harjadid; haarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
werfid
m.dh la-mid: warfid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
werfid
-da: (magac, dhedig, keli) harjadid; haarid, wareejin lagu sameeyo shay adigoo dhinacyada u warwareejinaya. Werfid bay ku sameeyeen kii yaraa oo wixii uu caano dhamay wuu matagay. Dh: wadhfin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warfid
m.f.dh eeg wąraf². la-mid: werfid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warfid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog u lulmid. Dh: wadhfid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
welfid
-da: (magac, dhedig, keli) shay barasho oo inaad mar walba doonto noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wirfid
(Wirfid-da)
Wax wirfaya noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wirfid
-da: (magac, dhedig, keli) lulmasho oo si xoog ah u wareegid. Inanta yari wirfiddii leexada ayay ku wareertay. Dh: wadhfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haarid
(Haarid-da)
Dhuldhac diidid; werfid; harjadid; madaxdhulladhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harjadid
(Harjadid-da)
Werfid; mintidid; dadaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miryaadid
(Miryaadid-da)
Wax miryaadaya noqosho; harjadid; werfid; haarid; (ama maryaadid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miryaadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax miryaadaya oo xanuun la waalan noqosho. Dh: werfid, harjedid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
perfide
perfide, adj. - qof aan qawl lahayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
perfidy
/perfadhi/ (n) khayaano ~ dhagar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weri
f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: wari.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weri
f.mg2 (-iyay, -isay) War cusub tebin. m.f.dh, werin. la-mid: wari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weri
v. repeat (what one was told), spread news
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weri
-yey / say: (v) tell (teel); report (ri-poort); convey (kon-veey); relay information; carry a report; make known ~ wari, tebi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weri
(fal) war ama macluumo kale ciddii sheegtay ka soo tebi oo inta kale u gudbi; warka tebi oo cid kale gaadhsii. Hadalka dadka kale u weri. Dh: sheeg, dheh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weri
de: repeat (what one was told), spread news
initial: w
lx: weri
pd: (weriyey)
ps: v2a=intr
see: wari (and related forms)
key: weri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
defid
-da: (magac, dhedig, keli) in yar qaboobid. Cuntadu defidda ayay ku macaan tahay. Dh: qaboobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eefid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qaybsanayo saami ka helid. Dh: eefis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ergid
(Ergid-da)
Ereg u bixin, u dhiibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergid
m.f.dh eeg ereg².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergid
-da: (magac, lab, keli) neef xoolo ah ama wax kale, ereg u bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eryid
(Eryid-da)
Aad uga dabo ordid, in la fogeeyo ama la qabto ama wax la yeelo darteed; ceyrin, cagaajin; dibad u dirid; nicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eryid
m.f.dh eeg eri³. la-mid: eri², erin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eryid
vl. n. dismissing, 'firing', excluding; driving out, sending ~ chasing away
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Eryid
Destituzione
Dismissal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eryid
-da: (magac, dhedig, keli) caydhin ama fogayn; aad uga daba'ordid, si loo fogeeyo ama la qabto ama wax la yeelo.
eryid -da: (magac, dhedig, keli) «ka ~» shaqo ama martabo uu lahaa ka caydhin. Qofkii an shaqaysanayn waxa u soo baxday eryid. Dh: caydhin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eryid
de: dismissing, 'firing', excluding; driving out, sending ~ chasing away
lx: eryid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: eryid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gefid
(Gefid-da)
1. Wixii toosnaa oo la rabey in la sameeyo haleeli waayid; seegid.
2. Wax gardarro ah ama xumaato ah, ku kicid; falid, yeelid; gaboodfalid: (ama gafid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gefid
m.dh la-mid: gafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gefid
-da: (magac, dhedig, keli) wixii toosnaa oo la rabay in la sameeyo seegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warfi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax inta gacanta lagu qabto wareejin. 2. Wax tuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
warfi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax inta gacanta lagu qabto wareejin. 2. Wax tuurid. m.f.dh, warfin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warfi
v. hurl, throw something with force
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warfi
(fal) eeg wadhfi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warfi
de: hurl, throw s.t. with force
initial: w
lx: warfi
pd: (warfiyey)
ps: v2a=tr
key: warfi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warid
(Warid-da)
Dhar ama wax la mid ah oo qoyan, meel qorrax ah ku kala bixin, ku engejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warid
m.f.dh eeg war4.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warid
-da: (magac, dhedig, keli) kala bixin oo dhar ama wax la mid ah meel qorrax ah ku laydhin. Waridda dharka ani igu daa adna dheriga. Dh: warid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wedid
(Wedid-da)
Wed u noqosho; naf ka qabasho; dilid; (ama wadid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wedid
m.f.dh eeg wed².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wedid
-da: (magac, dhedig, keli) dhimashadiisa. sabab u noqosho; dhimasho u horseedid. Miinadu waxay qayb ka tahay wedidda kumayaal carruur ah. Dh: hodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
welfi
(fal) cid shay bar oo inuu mar walba ku noqnoqdo sabab u noqo. Ninka casharka jecleysii oo ku welfi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Werdi
(Werdi-ga)
Magacyada Ilaah ama salli ama hadallo kale oo wanaagsan oo la xuso, iyadoo tusbax lagu tirinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
werdi
werdi¹: m.l Ku celcelinta ereyo Alle loogu dhowaanayo. la-mid: wardi.
werdi²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Ereyo Ilaah loogu dhowaanayo ku celcelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
werdi
werdi¹: m.l Ku celcelinta ereyo Alle loogu dhowaanayo. la-mid: wardi.
werdi²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Ereyo Ilaah loogu dhowaanayo ku celcelin. m.f.dh, werdiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
werdi
m. n. prayer (repeating the name of God ~ holy words on the Muslim rosary ~ prayer beads)
werdi v. pray the Muslim rosary, recite prayers on prayer beads
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
werdi
-ey / say: (v) praise Allah [God] ~ wardi, tasbiixso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
werdi
-ga: (magac, lab, keli) magacyada Eebbe, salliga Rasuulka iyo ducooyin la akhriyo gaar ahaan salaadaha ka dib oo Eebbe lagu xuso iyadoo tusbax ama faraha lagu tirinayo. Dh: wardi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Werin
(Werin-ta)
Hadal cid kale leedahay soo qaadid, sheegid, cid kale gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
werin
m.dh la-mid: warin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
werin
-ta: (magac, dhedig, keli) war ama macluumo kale ciddii sheegtay ka soo tebi oo inta kale u gudbi; warka tebi oo cid kale gaadhsii. weris': magac hablaha loo bixiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weris
m.l 1. la-mid: waris. Nooc ka mid ah dhirta. 2. la-mid: waris. Dhoobo loo adeegsado si loo midibeeyo dharka ama timaha. 3. la-mid: warin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Weris
pr. n., [feminine] Weris
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weris
vl. n. reporting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg werin.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
weris
تقرير
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wirfi
v. swing something round and around
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wirfi
(fal) xadhig, maro ama wax kale, afka intaad qabato, hawada dhexdeeda xoog ugu wareeji. Marada wirfi ha lagu arkee. Dh: wadhfi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wirfi
cf: wareeji
de: swing s.t. round and around
initial: w
lx: wirfi
pd: (wirfiyey)
ps: v2a=tr
key: wirfi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yerid
(Yerid-ka)
Xanuun afka ku dhaca oo ilkaha iyo cirridka waxyeela (ama yirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yerid
m.l 1. la-mid: yirid. Cudur ku dhaca ilkaha oo cirridka waxyeela. 2. Y. ah: nin doob ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yerid
m.l 1. la-mid: yirid. Cudur ku dhaca ilkaha oo cirridka waxyeela. 2. Y. ah: nin doob ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yerid
m. n. gingivitis, disease of the mouth ~ gums
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yerid
-da: (magac, dhedig, keli) wax yar ahaan. Geeljire yerid soo wada mar. Dh: yarid; yaraan.
yerid -ka: (magac, lab, keli) wiilka reeka ugu yar markuu weynaado. Inankani ma yeridkii idiinku yaraabaa?
yerid -ka: (magac, lab, keli) xanuun afka ku dhaca oo ilkaha iyo cirridka waxyeela. Yerid baa carruurtii afka ka galay. Dh: yirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yerid
de: gingivitis, disease of the mouth ~ gums
initial: y
lx: yerid
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: yerid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carfid
(Carfid-da)
Ur udgoon soo saarid, ka soo bixid, yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carfid
m.f.dh eeg caraf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carfid
-da: (magac, dhedig, keli) ur udgoon soo saarid ama yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dersid
(Dersid-da)
1. Degmada isu dhowaansho; is xigid; deris noqosho.
2. Barasho; baarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dersid
m.f.dh eeg deris².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dersid
vl. n. studying, learning; lecture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dersid
-da: (magac, dhedig, keli) marka xog badan la raadinayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dersid
de: studying, learning; lecture
lx: dersid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: dersid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ferdid
m.f.dh eeg fered².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gedfid
(Gedfid-da)
Gedef u yeelid; dahaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedfid
m.dh la-mid: gadfid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedfid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dusha ka ilaalin oo dahaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leefid
(Leefid-da)
Carrabka wax ku tirid, ama ku tirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefid
m.f.dh eeg leef.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Leefid
Corrosion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefid
-da: (magac, dhedig, keli) carrabka wax ku tirid; wax ama meel, carrabka dul marin. Dh: leefis. Wa: leefleefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meriid
(Meriid-ka)
1. Geed aad u weynaada oo sunta meriidka laga liso.
2. Sun, fallaaraha iyo warmaha iyo lagu dhoobo oo wax lagu laayo; sun; waabaayo; (ama mariid, maliid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meriid
m.l la-mid: mariid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meriid
m. n., [collective] large tree species, from which arrow-poison is extracted; poison extracted from this tree
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meriid
-ka: (n) poison, especially used in an arrowhead ~ mariid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meriid
-ka: (magac, lab, keli) nooc sun dhirta laga sameeyo ah oo la mariyo gucunka leebka iyo warmihii lagu dagaalami jiray. Dh: sun, daxal.
meriid -ka: (magac, lab, keli) xidid halbowle ah oo dhuunta ku yaala. Dh: xawlalmariid, halbawle.
meriid -ka: (magac, lab, keli) geed aad u weynaada oo laga liso sunta mariidka. Dh: waabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meriid
de: tree sp., from which arrow-poison is extracted; poison extracted from this tree
lx: meriid
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: meriid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefid
-da: (magac, dhedig, keli) soo urid oo hawe qudhmuun soo dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Telfid
(Telfid-da)
Waxaan caaqibo danbe lahayn noqosho; halaag ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
telfid
m.f.dh eeg telef².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
telfid
vl. n. state of being close to being finished ~ to dying
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
telfid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg telefid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
telfid
de: state of being close to being finished ~ to dying
initial: t
lx: telfid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: telfid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walfid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la barto ku mamid oo mar walba heliddiisa ku dadaalid. Hamuuntu waa walfid fool xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waqfid
(Waqfid-da)
Waqaf ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waqfid
m.f.dh eeg waqaf².