were
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
were
/war/ be oo fal tagay ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
we're
/wir/ 'we are' oo la soo gaabiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weref
(Weref-ka)
Harjad; madaxdhulladhac; galgalad; haar°; (ama waraf).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weref
weref¹: m.l la-mid: wąraf¹.
weref²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: wąraf².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weref
m. n. sling (for a slingshot); catapult
weref m. n., [abstract] restlessness due to pain, rage, zeal ~ enthusiasm
weref [inchoative] v. become restless due to emotion ~ pain, show disquiet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weref
-ka: (n) slingshot (isling-shat); sling (isling); catapult (kata-poolt) ~ wadhaf, waraf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weref
-ka: (magac, lab, keli) harjad; haar, galgalad; madaxdhulladhac; waraf.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
where
/weer/ (pron) halkee (meeshee).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
where
ad., xaggee? mee? meeyay? (mas.), meeday? (fem.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haar
1. (Haar-ka) Dhuldhacdiid; weref; harjad; madaxdhulladhac.
2. (Haar-ta) a) Raadka nabarka iyo dhaawacu oogada ku reebaan. b) Kob diiran oo aan timo, kd., ku oollin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harjad
(Harjad-ka)
1. Haar iyo weref; madaxdhulladhac; mintid; dadaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miryaad
(Miryaad-ka)
Xanuun ama wax kale oo saamays weyn leh oo miyirka iyo wax-garashada wax u dhima, oo lala meermeero; harjad; weref; haar; (ama maryaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraf
(Waraf-ka)
1. Qalab waayadii hore lagu isticmaali jirey oo dhagxanta lagu tuuri jirey; wuxuu ka samaysan yahay cad yar oo harag ah iyo xargo labada dhinac kaga xiran; inta dhagaxa cadka haragga ah la kor saaro, oo labada xarig afkooda gacanta lagu qabto baa xoog loo wirfiyaa oo dabadeed xarigga dhud la sii daayaa, si dhagaxu isagoo tuuryo ah oo xoog u xiima haya, meeshii lala rabey ugu dhaco.
2. () Weref.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraf
waraf: m.l (-fyo, m.dh) Xarig qaylo dheer oo lagu ilaalsho beeraha; qawle; jacle; jeedalqawle.
wąraf¹: m.l Welwel ama xanuun lala seexan waayay. la-mid: weref¹.
wąraf²: f.mg1 (-rfay, -rafday; -rfi) Welwel ama xanuun la seexan waayid. la-mid: weref².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaayeen
v., pl., simple past tense: they were
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahayd
v., sg., simple past tense: you were / she ~ it [fem.] was ...
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaydeen
v., pl., simple past tense: you all were
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahayn
v., pl., simple past tense: we were
ahayn v., neg., simple past tense: was ~ were not
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqoonayeen
v., pl., past progressive form: they knew, they were recognizing (it)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqoonaynay
v., pl., past progressive form: we knew / we were recognizing (it)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqooneynin
v., neg. past progressive form: do / does not know; was / were not recognizing
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqooneyseen
v., pl., past progressive form: you knew / you were recognizing (it)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caymo
v. take refuge, be secure, be safe
caymo [feminine] n. remainder, remnant of one's livestock ~ goods saved when the rest were lost ~ stolen; safety, security
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imanayeen
v., pl., past progressive form: they were coming
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imanaynay
v., pl., past progressive form: we were coming
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imanaynin
v., neg., progressive v. form: was / were not coming
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imanaysay
v., sg., past progressive form: you were coming / she was coming
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ère
ère, n.f. - muddo taariikheed.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wee
/wii/ (adj) 1. gaban ah (yar ah) (adj) 2. waqti-hore ah (goor-hore ah).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wer
(fal) erey diidmo ah oo qof lagu cabsiiyo. Wer baan ku idhi arrintan haddaad ku kacdo. Dh: car, wir.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bére
v.tr. - cabbid, dhamid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
here
/hiyer/ (adv) halkan (meeshaan). e.g. I hate staying here.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hère
hère, n.m. - faqri; caydh.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
here
ad., xaggaan, halkan, meeshan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mere
/mir/merest;(adj) in aan ka badnayn (in yar).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mère
mère, n.f. - hooyo
mère célibataire - hooyo aan nin lahayn; leh caruur aan aabbo lahayn.
mère patrie - dhulka hooyo.
idée-mère - Fikradda saldhigga ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
père
père, n.m. - aabe; ninka wax dhala ee caruur leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weri
f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: wari.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weri
f.mg2 (-iyay, -isay) War cusub tebin. m.f.dh, werin. la-mid: wari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weri
v. repeat (what one was told), spread news
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weri
-yey / say: (v) tell (teel); report (ri-poort); convey (kon-veey); relay information; carry a report; make known ~ wari, tebi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weri
(fal) war ama macluumo kale ciddii sheegtay ka soo tebi oo inta kale u gudbi; warka tebi oo cid kale gaadhsii. Hadalka dadka kale u weri. Dh: sheeg, dheh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weri
de: repeat (what one was told), spread news
initial: w
lx: weri
pd: (weriyey)
ps: v2a=intr
see: wari (and related forms)
key: weri
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wire
/wayar/ (n) silig; fiilo.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Wire
Silig
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
wire
n., xasaw, -di.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
swerve
/swerv/ (v) 1. weecasho (leexasho, bayrid) (n) 2. leexad, (weecad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weriye
m.l la-mid: wariye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weriye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qofka wararka tebiya. la-mid: wariye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weriye
-ha: (magac, lab, koli) qof wararka raadintooda, tebintooda iyo ka faalloodkooda ka shaqeeya oo aqoonna u leh. Dh: wariye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
werwer
werwer¹: m.l la-mid: walwal¹.
werwer²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: walwal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
werwer
v. worry; be concerned, anxious ~ worried
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
werwer
-ka: (magac, lab, keli) eeg welwel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
werwer
de: worry; be concerned, anxious ~ worried
initial: w
lx: werwer
pd: (werweray)
ps: v1=intr
see: welwel (and related forms)
key: werwer
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
aèreo
s.m. - dayaarad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
avere
v.tr. - lahaansho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
aware
/aweer/ (adj) 1. aqoonsanaan, yaqiinsanaan, (wax aad dareensantahay). e.g. |am fully aware of my responsibilities. 2. ogaan, ka war-hayn (wax aad ogtahay). e.g. I was not aware of this news.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
aware
/aweer/ (adj) ogsyng.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Berde
(Berda-ha)
Geed weyn oo weligii cagaaran oo miro la cuno leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
berde
m. n., [collective] wild fig species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
berde
-berdaha: (n) a wild plant with edible fruits ~ barde
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berde
-ha: (magac, lab, keli) geed ka mid ah dhirta waaweyn ee Soomaalida oo weligii cagaaran, midho la cunana leh. Miro berde duuduub baa lagu liqaa. Dh: barde.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
berde
de: wild fig sp.
lx: berde
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: berde
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bière
bière, n.f. - Biire; Nooc khamri ah;
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cerne
cerne, n.f. - Xarxariiqa ama laalaabyaha indhaba Hoostooda ku dhasha Marka qofku daalan yahay.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
degré
degré, n.m. (mesure d'angle) - Qiyaas lagu giyaaso xaglaha; digrii.
marche - Jaranjaro
niveau - Heer.
degré d'instruction - Wax la qori karo lana akhriyi karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dereb
m.l Dhul ciiddiisu isugu jirto ciid madow iyo ciid cad oo daaqa iyo beerashada ku wanaagsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dereb
m.l Dhul ciiddiisu isugu jirto ciid madow iyo ciid cad oo daaqa iyo beerashada ku wanaagsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dereb
-ta: (magac, dhedig, keli) saan maas ah oo ay hooyadu isaga dhigto kaadida ilmaha yar ee ay xanbaarsan tahay. Dh: dhereb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dereg
m.l Daryeel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deren
v. hinder, impede, prevent
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deres
v. study; learn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
deres
a: deris
de: study; learn
lx: deres
pd: (dersay)
ps: v1=
syn: baro
xv: Arabic
key: deres
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
eerie
/iiri/ (adj) baqdin leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fered
fered¹: m.l 1. Wax wanaagsan oo khayr leh. Tusaale: “Fered Alla ha kuu furo”. 2. Inkaar, habaar.
fered²: f.g1 (-rday, -redday) Qof inkaar la helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fered
m.l 1. Wax wanaagsan oo khayr leh. Tusaale: Fered Alla ha kuu furo. 2. Inkaar, habaar.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fèrie
s.f. pl. - maalmaha fasaxa.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
férié
férié, adj. - fasax.
jour férié - maalin fasax ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ferme
ferme, adj. - adkaan; adag; qalafsan; xidhan; adag oon dhaqdhaqaaqayn; xoog leh
ferme, n.f. - beer (lagu beero xabuubka, heeda iwm) ama daaq ka baxo oo xoolaha la daajiyo.
ferme d'état - beerta dawladda.
ferme collective - beerta iskaashatada
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
frère
frère, n.m. - walaal.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
genre
genre, n.m. - nooc; qayb; laan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gerbe
gerbe, n.f. - xidhmo (ubax iwm).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gérer
gérer, v. - maamulid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gèrme
s.m. - jeermi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
germe
germe, n.m. - bilawga noolasha; jeermi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geyre
(Geyra-ha)
Dabayl qabow oo xagga badda ka timaadda; cooli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geyre
m.l 1. Dabeyl qabow oo soo dhacda galabnimada xilliga xagaaga. 2. Neecaw udgoon, muddo yar socota, oo galabnimada wakhtiga kulaylaha ka timaadda xagga badda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geyre
m. n. cold wind coming from the sea
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Geyre
nickname; name-m cold wind coming from the sea. Lit: he who was born while such wind is blowing; nickname: anger, rage. Lit: temperamental man. Syn: Geyro
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geyre
-geyraha: (n) cold breeze or wind that blows in the night
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geyre
de: cold wind coming from the sea
lx: geyre
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: geyre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heere
-ha: (magac, lab, keli) magac guud oo lagu yidhaa wax kasta oo halis geysan kara. Dh: dhible, waxyeelleeye.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
herbe
herbe, n.f. - doog; doogga ay xooluhu daaqaan.
mauvaise herbe - haramo (gashinka beerta ama dhirta ka hoos baxa).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
herse
herse, n.f. - ganjeelo weyn oo wax lagu xidho sida albaabada
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
heure
heure, n.f. - saacad; waqti; saacad sheegista baa lagu isticmaala.
il est cinq heures - waa 5 (shan) saac.
d'heure en heure - saacad walba; saacad kasta; saacadiiba mar.
heures supplémentaires - shaqayn waqti dheeraad ah.
laisser passer l'heure - iska indhatirid.
heure de travail - waqti shaqo.
quelle heure est-il? - meeqa saac?
3 heures et quart - waa saddexdii iyo rubuc.
4 heures et demi - waa afartii iyo badh.
8 heures moins le quart - waa siddeedii oo rubuc dhimman.
à l'heure - markeed (goorteed; jeerkeeda).
heure du repas - saacadda qadada.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ibère
ibère, adj. - reer Isbaaniya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeres
-ka: (magac, lab) bir afbanaan dhexdana bir yari ugu jirto oo daba la qabto leh oo iskuullada, kaniisadaha iyo wixii la mid ah loo garaaco si dadka la iskugu yeedho. Dh: jeles, dawan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lèpre
s.f. e m. - bakayle.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lèpre
lèpre, n.f. - Juudaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lèvre
lèvre, n.f. - Debin; bushin.