werdiqaadasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
werdiqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) ijaaso qaadasho; nidaam ay dariiqada suufiyadu adeegsato oo ah in qofka dariiqada qaadanaya la siiyo werdi Qur'aan iyo dikri iskugu jira oo uu maalin walba akhriyo si uu dariiqada xubin uga noqdo. Muriidka maqaamka ayaa werdiqaadashada xerta u xilsaaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wardiqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) hab xertu adeegsato oo qofka loogu dhiibo tiro go'an oo werdi ah oo uu maalin walba akhriyo. Dariiqooyinku aadbay wardiqaadashada yagaanniin. Dh: werdiqaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waqtiqaadasho
m.f.dh eeg waaqtiqado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waqtiqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) si deggan u fikirid oo wax laga fiirsanayo xilli ku habboon siin. Kolba hawshu inta ay le'eg tahay ayay waqtiqaadashadu ku xidhan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weysaqaadasho
m.f.dh eeg weysaqaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysaqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) weyseysi lagu weysaysto biyo daahir ah. Weysaqaadasho la'aan salaadi kuma ansaxdo. Li: waysojab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garqaadasho
m.f.dh eeg garqaado. la-mid: garqaadad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) xakun ama gar kugu dhacday oggolaansho. Garqaadashadu waa geesinimo. Dh: xeerqaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidqaadasho
m.f.dh eeg jidqaado. la-mid: jidqaadad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weydaarasho
(Weydaarasha-da)
Gudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydaarasho
m.f.dh eeg weydaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weydaarasho
vl. n. crossing, passing by
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhanka kale u dhaafid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weydaarasho
de: crossing, passing by
initial: w
lx: weydaarasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: weydaarasho
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
neefqaadasho
m.dh (-faf ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Qaadashada hawo ama neefo kale, kuwaas oo ballaadhiya sambabada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darabqaadasho
m.f.dh eeg darabqaado. la-mid: darabdhaqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darabqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg darabdhaqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neef-qaadasho
m.dh (-faf ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Qaadashada hawo ama neefo kale, kuwaas oo ballaadhiya sambabada.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aaryo qaadasho
-qaadashada: (n) outing (aaw-ting); excursion (ikis-keer-shiri); a walk outdoors ~ aariyo qaadasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelmihaadsasho
m.f.dh eeg gelmihaadso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaarqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) socod mar ba marka ka danbaysa sii kordhaaya oo sii dheeraynaaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaaxasho
m.f.dh eeg dibaaxo. la-mid: dubaaxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraacasho
m.l la-mid: diraacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakaadasho
m.f.dh eeg rakaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg rakaadad.
rakaadasho -da: (magac, dhedig, keli) xoolo, biyaha mar kale cabbid; dib u marid oo inta la ambabixin cabbid. Geel dhane jooga rakaadasho kama dhergo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siraadasho
m.f.dh eeg siraado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siraadasho
-da: (magac, dhedig, keli) iftiinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraarasho
m.f.dh eeg waraaro. la-mid: waraarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warqabasho
-da: (magac, dhedig, keli) warar duubid oo rikoodhgarayn. Dh: duubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulqaadasho
(Dulqaadasha-da)
Dhibaatada iyo xumaanta oo aan mid le'eg lagu gudin ee dhabarka loo rito oo dul loo yeesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulqaadasho
m.f.dh eeg dulqaado. la-mid: dulqaadad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulqaadasho
vl. n. patience, forebearance, pardon, forgiveness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) kolka qofku ximmilaad muujiyo oo dhibaatooyinka u adkaysto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulqaadasho
a: dulqaadad (ka) [vn-m]
de: patience, forebearance, pardon, forgiveness
lx: dulqaadasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: dulqaadasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harqaamasho
m.f.dh eeg harqaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubqaadasho
m.dh Diyaar garowga iyo qalab uruursiga cid dagaal geli rabta ay samayso. la-mid: hubqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) qalabka lagu dagaallamo qaadasho; gaashaanqaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waydaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhanka kale u dhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weegaarasho
m.dh la-mid: maageerasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weegaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg waageerad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejigarasho
m.f.dh eeg wejigaro. la-mid: wejigarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejigarasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof aad garanayso cid kale uga eexasho oo uga sadburin. Weligaa wejigarasho ha ku shaqayn.
wejigarasho -da: (magac, dhedig, keli) maamin oo wejigiisa in yar garasho. Ninkan wejigarasho mooyee aqoon badani nagama haxayso. Dh: aqoonin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydiisasho
-da: (magac, dhedig, keli) weydiisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xilqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) xil masuuliyadeed qaadid oo dhabarka u ridasho. Dh: xilqaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caalqaadasho
(Caalqaadasha-da)
Wax iska dhicin iyo dagaal gabid; isdhiibid; iscaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalqaadasho
m.f.dh eeg caalqaado. la-mid: caalqaadad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax iska dhicin la'aan; is dhiibis. Dh: isdhiibid, iscaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulqaadasho
m.f.dh eeg dhulqaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ferdanaansho
m.l/dh la-mid: ferdanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idanqaadasho
m.f.dh eeg idanqaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idanqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) fasax iyo oggolaansho weydiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybqaadasho
m.f.dh eeg qaybqaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeggaybgal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talaqaadasho
m.f.dh eeg talaqaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) talo laguu sheegay ku qancid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydaarsasho
m.f.dh eeg weydaarso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weydaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysato wax kale ku beddelesho oo cid kale kaga doorsasho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Amar qaadasho
Ubbidienza
Obeyance
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddicadsasho
m.f.dh eeg geddicadso. la-mid: geddicadsad, geddicadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaarqaadasho
m.f.dh eeg abbaarqaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaarqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) qiyaasqaadasho iyo hubinta meel iyo yool loo socdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerdulacsasho
m.dh la-mid: beerdulucsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhwaadhsasho
-da: (magac, dhedig, keli) waaaxwaaxso oo sidii wax la guday u soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilaabasho
(Bilaabasha-da)
Bilaw yeelasho; abuurmid; curasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilaabasho
m.f.dh eeg bilaabo. la-mid: billaabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilaabasho
vl. n. beginning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bilaabasho
-bilaabashada: (n) commencement (ko-mensi-ment); beginning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaabasho
-da: (magac, dhedig, keli) arrin ama wax kale ka shaqayntii gudagalid. Kol haddii amar lagu siiyay bilaabashada hawsha adaa ikhtiyaar u leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bilaabasho
de: beginning
lx: bilaabasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: bilaabasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaalasho
(Dabaalasha-da)
Biyaha dhexdooda marmarid sida kalluunka iyadoo aan waxba la qabsan, cagahana dhulka lagu hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaalasho
m.f.dh eeg dabaalo. la-mid: dabaalad, dabbaalad, dabbaalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaalasho
vl. n. act of swimming
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabaalasho
- dabaalashada: (n) the act of swimming
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dabaalad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaalasho
de: act of swimming
lx: dabaalasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dabaalasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dednaansho
m.l/dh la-mid: dednaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dednaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dednaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diqdiqasho
m.f.dh eeg diqdiqo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diqdiqasho
-da: (magac, dhedig, keli) si isdabajoog ah u gurgurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirdirasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka aad qof u adegsanaysid si celcelis ah. Dirdirasho ayaad ilmaha yar ku kadeeday ee ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diriqsasho
(Diriqsasha-da)
Xoog ku marsasho; xoog ku qaadasho; iska marooqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diriqsasho
m.f.dh eeg diriqso. la-mid: diriqsad, diriqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaxasho
m.dh la-mid: dibaaxasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duraamasho
-da: (magac, dhedig, keli) baryo is jilcini ku jirto. Dh: durraansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedaysasho
m.f.dh eeg eedayso. la-mid: eedaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale denbi ku soo oogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaamasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku hareeraysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaacasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax weydiisasho. Ninkaasi garasho iyo garaacasho toona ma laha. Dh: baryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddicadso
f.mg3 (-saday, -satay) Caloosha oo sarraysa, seexasho (qof).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geddisasho
(Geddisasha-da)
Alaabo ganacsi ah iibsasho, rogrogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddisasho
m.f.dh eeg geddiso. la-mid: gaddisad, gaddisasho, geddisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geddisasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaab ka ganacsasho; baayacmushtar samaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handadasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax doonasho; weyddiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higaagasho
m.f.dh eeg higaago. la-mid: higaagad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiraabasho
(Hiraabasha-da)
Cunnada hiraabta oo bisha soonqaad cunid; suxuurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiraabasho
m.f.dh eeg hiraabo. la-mid: hiraabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraabasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hiraabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horqabasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo ama dad ka horrayn oo halkay mari lahaayeen u horseedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeldisasho
m.dh la-mid: jildisasho.

jeldiyasho
m.dh la-mid: jildisasho.