welfid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
welfid
-da: (magac, dhedig, keli) shay barasho oo inaad mar walba doonto noqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
welfi
(fal) cid shay bar oo inuu mar walba ku noqnoqdo sabab u noqo. Ninka casharka jecleysii oo ku welfi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Telfid
(Telfid-da)
Waxaan caaqibo danbe lahayn noqosho; halaag ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
telfid
m.f.dh eeg telef².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
telfid
vl. n. state of being close to being finished ~ to dying
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
telfid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg telefid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
telfid
de: state of being close to being finished ~ to dying
initial: t
lx: telfid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: telfid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walfid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la barto ku mamid oo mar walba heliddiisa ku dadaalid. Hamuuntu waa walfid fool xun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
welfin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid shay bar oo inuu mar walba ku noqdo ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Werfid
(Werfid-da)
Harjadid; haarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
werfid
m.dh la-mid: warfid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
werfid
-da: (magac, dhedig, keli) harjadid; haarid, wareejin lagu sameeyo shay adigoo dhinacyada u warwareejinaya. Werfid bay ku sameeyeen kii yaraa oo wixii uu caano dhamay wuu matagay. Dh: wadhfin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarid
-da: (magac, dhedig, keli) calaamad wejiga ama dhabarka lagaga dhigo ilmaha dhashay ama wanka adhiga lagu darayo ee sumalka.
haarid -da: (magac, dhedig, keli) dhuldhac ama welfid maanka la iska qaado. Dh: harjadid, welfid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
telefid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan faa'iido dambe lahayn noqosho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
weld
/weldh/ (v) alxamid (isku-alxamid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weli
1. Taniyo haddeer.
2. Taniyo waagii.
3. Kol kale; haddana; misna.
4. (Weli-ga) qof mu'min ah oo Ilaah ka baqa; qof Ilaah u dhow; qof karaamo leh; qof amran.
Weli- (sida weligey; weligeed) kolna; marna; abid-; waq-.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weli
weli¹: m.l (-iyo/awliyo, m.dh) 1. Qof mu'min ah oo Ilaah ka baqa. 2. Qof ay saaran tahay mas'uuliyadda xaas meel deggan. la-mid: wali.
weli²: m.fk 1. Ilaa hadda. 2. kol kale; haddana; misana. 3. Waa w.gay: abidkay, kolna.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weli
weli¹: m.l (-iyo/awliyo, m.dh) 1. Qof mu'min ah oo Ilaah ka baqa. 2. Qof ay saaran tahay mas'uuliyadda xaas meel deggan. la-mid: wali.
weli²: m.fk 1. Ilaa hadda. 2. kol kale; haddana; misana. 3. Waa w.gay: abidkay, kolna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weli
m. n., adv., time: still, yet, ever
weli m. n. saint, holy man, person blessed by God; one who exercises paternal authority (father, guardian)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Weli
1) encore, 2) toujours, 3) jamais.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weli
(adv) still (istiil); yet (yet); until. ~ tan iyo markii. Ex: weli ma sugeysaa? are you still waiting?
weli -ga: (n) 1. next of kin, especially one who is authorized to give someone away a bride ~ wali 2. guardian (gaadi-yan) ~ musuul ka ah. 3. virtuous person; glorified person; saint (seeynt) ~ shakhsi karaamaysan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Weli
Ancora
Not yet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weli
(falkaabe) macnihiisu yahay, ilaa hadda. Axmad ma iman weli.
weli -ga: (magac, lab, keli) qof mu'min ah oo Ilaahay ka cabsooda oo karaamo leh. Weli daacadaan ahay.
weli-ga: (magac, lab, keli) qofka lab ee gabadh la guursanayo bixiya oo aan la'aantiis la meherin karin.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
weli
لا يزال، أَبَد و مع ذلك
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
defid
-da: (magac, dhedig, keli) in yar qaboobid. Cuntadu defidda ayay ku macaan tahay. Dh: qaboobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eefid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qaybsanayo saami ka helid. Dh: eefis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gefid
(Gefid-da)
1. Wixii toosnaa oo la rabey in la sameeyo haleeli waayid; seegid.
2. Wax gardarro ah ama xumaato ah, ku kicid; falid, yeelid; gaboodfalid: (ama gafid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gefid
m.dh la-mid: gafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gefid
-da: (magac, dhedig, keli) wixii toosnaa oo la rabay in la sameeyo seegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelid
(Gelid-da)
Wax dhexdi ama gudihi gaarid, tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelid
m.f.dh eeg gal³. la-mid: galmo, galniin, gelis², gelitaan, gelniin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gelid
vl. n. entry, entrance, act of entering
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gelid
-da: (n) the act of entering ~ gelis-ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelid
-da: (magac, dhedig, keli) gudaha gelid oo dhexda tegid. Gelidda xeryaha ciidanku amar la'aan waa halis. Li: bixid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gelid
de: entry, entrance, act of entering
lx: gelid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: gelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Helid
(Helid-da)
Wax la waayey ama lumay la kodlid, arkid, keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
helid
m.f.dh eeg hel.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
helid
-da: (n) the act of finding, obtaining or receiving ~ helitaan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
HELID
Ricevere
To receive
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Helid
Ricevimento
Reception
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
helid
-da: (magac, dhedig, keli) cudur, dhibaato iyo wixii la mid ah, ku dhicid; helis.
helid -da: (magac, dhedig, keli) roob, ku di'id; helis.
helid-da: (magac, dhedig, keli) tuugo, cadaw iyo wixii la mid ah, la kulmid; helis.
helid-da: (magac, dhedig, keli) wax la waayey ama hore u lumay la kulmid, arkid, keenid; helis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wedid
(Wedid-da)
Wed u noqosho; naf ka qabasho; dilid; (ama wadid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wedid
m.f.dh eeg wed².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wedid
-da: (magac, dhedig, keli) dhimashadiisa. sabab u noqosho; dhimasho u horseedid. Miinadu waxay qayb ka tahay wedidda kumayaal carruur ah. Dh: hodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weled
(Weled-ka)
1. Beeryarada oo bukoota; beeryaro.
2. Wille.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weled
m.l 1. Beeryarada oo jirrata aadna u bararta. 2. (awlaad, m.dh) Ilmo la dhalay. 3. Kasha badarka lagu tumo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weled
m.l 1. Beeryarada oo jirrata aadna u bararta. 2. (awlaad, m.dh) Ilmo la dhalay. 3. Kasha badarka lagu tumo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weled
m. n. enlargement of the spleen, splenomegaly
weled m. n. pestle ~ stone used for grinding food to a paste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weled
-ka: (magac, lab, keli) uurjiifta libaax-badeedka; haawilood. Weled baan ka helay libaax badeedkii.
weled -ka: (magac, lab, keli) beeryarada oo bukoota.
weled -ka: (magac, lab, keli) dhagaxa kore ee mixdinka; dhagaxa la dul dhigo dhagax ridqinka ee la marmariyo ee shuurada lagu ridqo. Weled iyo dhagax shuuro ayaa wax lagu ridqaa. Dh: wille.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balfid
m.dh la-mid: bąlfin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calfid
m.f.dh eeg calaf³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calfid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dheefsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gedfid
(Gedfid-da)
Gedef u yeelid; dahaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedfid
m.dh la-mid: gadfid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedfid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dusha ka ilaalin oo dahaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gulfid
(Gulfid-da)
Guluf ku duulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulfid
m.f.dh eeg guluf². la-mid: guluf¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulfid
-da: (magac, dhedig, keli) guluf ku duulid; weerar weyn ku qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kelfis
-ka: (magac, lab, keli) hawl ama socod ka nasasho; waqti yar oo ka neefsi hawleed loo qorsheeyo. Dh: hakad, bojis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Leefid
(Leefid-da)
Carrabka wax ku tirid, ama ku tirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefid
m.f.dh eeg leef.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Leefid
Corrosion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefid
-da: (magac, dhedig, keli) carrabka wax ku tirid; wax ama meel, carrabka dul marin. Dh: leefis. Wa: leefleefid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Melgid
(Melgid-da)
Meleg u noqosho; wedki joogid; sababid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
melgid
m.dh la-mid: malgid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
melgid
-da: (magac, dhedig, keli) harag ka saarid. Melgidda neefka horey ugu dhaqso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefid
-da: (magac, dhedig, keli) soo urid oo hawe qudhmuun soo dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waliid
(Waliid-ka)
Jiritaan; dhalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waliid
m. n. birth, existence
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Waliid
name-m new born son; product
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waliid
-ka: (magac, lab, keli) jiritaan; dhalasho.
waliid -ka: (magac, lab, keli) qof kula dhashay ama aad dhashay ka uu sii dhalo eed awawga u tahay. Waliid ma leedahay walaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waliid
bw: Arabic
cf: dhalasho; jiritaan
de: birth, existence
initial: w
lx: waliid
pd: (-ka)
ps: n-m
key: waliid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waqfid
(Waqfid-da)
Waqaf ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waqfid
m.f.dh eeg waqaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waqfid
-da: (magac, dhedig, keli) hanti ma guuraan ah sida aqal, jago iyo wixii la mid ah, ilaahay dartii ula bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warfid
m.f.dh eeg wąraf². la-mid: werfid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warfid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog u lulmid. Dh: wadhfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weerid
m.f.dh eeg weer³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weerid
-da: (magac, dhedig, keli) cid weer u xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiifid
(Wiifid-da)
Sida wiifowga u wareegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiifid
m.f.dh eeg wiif.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiifid
-da: (magac, dhedig, keli) sida wiifowga u wareegid; leexo wareejin.
wiifid-da: (magac, dhedig, keli) dhaxag tuurid oo si xawli ah wax u shiidid. Carruureey wiifidda dhaxa naga daaya. Dh: aa'id, tuuris, shiidis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wirfid
(Wirfid-da)
Wax wirfaya noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wirfid
-da: (magac, dhedig, keli) lulmasho oo si xoog ah u wareegid. Inanta yari wirfiddii leexada ayay ku wareertay. Dh: wadhfid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waalifid
-da: (magac, dhedig, keli) qabatimid; caadaysasho. Kii yaraa waalifid baa ku dhacday oo qaad iyo sigaar ayuu daba ordaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Welwelid
(Welwelid-da)
Walbahaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
welwelid
m.dh la-mid: walwalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
welwelid
vl. n. worrying, agitation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
welwelid
-da: (magac, dhedig, keli) walaac iyo caloolyaw nafta ku abuurid oo wax soo socda sida uu noqon doona ka uurkutaalloobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
welwelid
de: worrying, agitation
initial: w
lx: welwelid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: welwelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
allifid
m.f.dh eeg allif². la-mid: allif¹, allifaad (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
allifid
-da: (n) creation (kiriyeey-shin); invention (inveenshen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
allifid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg allifaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belelid
(Belelid-da)
Belel yeelasho; belbelid; ololid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belelid
m.dh la-mid: belbelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belelid
-da: (magac, dhedig, keli) shidmid iyo ololid. Belelidda dabkuba waa markuu ololka dheeriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheefid
(Dheefid-da)
(ka dheefid) Waxtar ka helid; faa'ido ka helid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
melegid
-da: (magac, dhedig, keli) dilid oo nafta ka qaadid. Melegiddu waa dembi weyn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
perfide
perfide, adj. - qof aan qawl lahayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
perfidy
/perfadhi/ (n) khayaano ~ dhagar.