wejitub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wejitub
(Wejitub-ka)
Wejiga oo la urursho, jirxumayn darteed; weji-macbuusnimo; wejikaduud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejitub
wejitub¹: m.l Wejimacbuus; wejikaduud.
wejitub²: f.mg1 (-bay, -btay) Jirxumayn darteed cid wejiga u kaduudid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wejitub
wejitub¹: m.l Wejimacbuus; wejikaduud.
wejitub²: f.mg1 (-bay, -btay) Jirxumayn darteed cid wejiga u kaduudid. m.f.dh, wejitubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wejitub
m. n., [compound] angry expression
wejitub v. look angry, frown
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejitub
-ka: (magac, lab, keli) eeg wajikaduud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wajitub
-ka: (magac, lab, keli) eeg wajikaduud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biriir
(Biriir-ta)
1. Wejiga bartankiisa: salaan.
2. Wejitub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giir
(Giir-ka)
1. (midab) isku dhafan; baraashirix.
2. Surka xaggiisa danbe; jeego; qadaad.
3. Joof; gan; bulbul.
4. Biriir; wejitub; fooltub.
5. Dhibco ama baro yaryar oo wejiga ku yaal; furuqdhoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jirxumo
(Jirxuma-da)
Wejitub iyo caro layska muujiyo, si cid lagu fogeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giir
giir¹: m.l 1. Madow iyo caddaan si isle'eg isuga jira; jiir. 2. Dhogor dhaadheer oo orgida, dameeraha, biciidka iyo wixi lamida tunkooda ka baxda. 3. Wejitub; biriir; u furuqdhoon.
giir²: f.g1 (-ray, -rtay) Midabbo kala duwan wax u yeelid; giir u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirxun
f.mg4 (-umaa, -umayd) 1. Wax caato iyo nafaqdarro hayso ahaansho. 2. Wax camal xun ahaansho (qof). 3. Wejitub iyo caro layska muujiyo, si cid lagu fogeeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
giir
giir¹: m.l 1. Madow iyo caddaan si isle'eg isuga jira; jiir. 2. Dhogor dhaadheer oo orgida, dameeraha, biciidka iyo wixi lamida tunkooda ka baxda. 3. Wejitub; biriir; u furuqdhoon.
giir²: f.g1 (-ray, -rtay) Midabbo kala duwan wax u yeelid; giir u yeelid. m.f.dh, giirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jirxun
f.mg4 (-umaa, -umayd) 1. Wax caato iyo nafaqdarro hayso ahaansho. 2. Wax camal xun ahaansho (qof). 3. Wejitub iyo caro layska muujiyo, si cid lagu fogeeyo. m.f.dh, jirxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biriir
-ka: (magac, lab, keli) dubnax iyo dareen walaalnimo. Bakhaylkaan biriir yaabahayn, waa bakhtoo kale'e. Dh: caro, cadho, hiil.
biriir-ka: (magac, lab, keli) shishlaan aan isdhimin. Bidhiidh iyo ninkii xoog leh bay bah isku raacaane. biriir -ka: (magac, lab, keli) badhtanka wejiga: xero wadaagaha wejiga. Biriir qurxoon iyo waxaa la arkaa qosol fariiddoone. Dh: bidhiidh, salaan.
biriir-ka: (magac, lab, keli) wejiga oo la ururiyo. Dh: jirxumo, wejikaduud, wejitub.
biriir -ta: (magac, dhedig, keli) muuqaal didmo iyo foojignaan ah. Orgigu bahal buu arkayoo biriirtuu kiciyay.
biriir -ta: (magac, dhedig, keli) eegmo fariidnimo iyo weji gureex. Cabdi waa wiil biriir qurxoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biriiryow
-ga: (magac, lab, keli) ficil iyo hiilin ay kuu galaan dad aad tolliimo wadaagtaan biriiryowga xigaal iyo hadaad bah iyo ciil waydo.
biriiryow: -ga: (magac, lab, keli) weji tubid cadho ama xumaan darteed wejiga loo ururiyo oo loo xumeeyo. Dh: wejitubid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wejitub_1
cf: wejimacbuus
de: angry expression
hm: 1
initial: w
lx: wejitub
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: wejitub_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wejitub_2
cf: biriir
de: look angry, frown
hm: 2
initial: w
lx: wejitub
pd: (wejitubay)
ps: v1=intr
key: wejitub_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wejitubid
(Wejitubid-da)
Cid wejiga u xumayn; weji-macbuus iska dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejitubid
m.f.dh eeg wejitub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejitubid
-da: (magac, dhedig, keli) wejimacbuus iska dhigid; cid wejiga u xumayn u ururin o xumayn. Wejitubidda iska daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wejifur
(Wejifur-ka)
Hadiyad gabadha la arooso la siiyo, oo ninka wax aroosay uu siiyo (kolka laysu guri geeyo oo ay dharka arooska dhigayso).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejifur
m.l Hadiyad gabdhaha la arooso uu siiyo ninka wax aroosay kolka la gurigeeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wejifur
m.l Hadiyad gabdhaha la arooso uu siiyo ninka wax aroosay kolka la gurigeeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wejifur
m. n., [compound] final gift given to the bride by the groom
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejifur
-ka: (magac, lab, keli) hadiyad caruusku caruusadda siiyo habeenka dadab galka. Wejifur waa furaha qoyska.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wejifur
cf: gabbaati, hadiyad, yarad {S}
de: final gift given to the bride by the groom Lit: open or uncover the face
initial: w
lx: wejifur
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: wejifur
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wejikuus
v., [compound] frown
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wejikuus
de: frown
initial: w
lx: wejikuus
pd: (wejikuusay)
ps: v1=cmp
key: wejikuus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejixumi
da: (magac, dhedig, keli) guddoon la'aan iyo wejicabuusnimo. Dadka wejixumi lagu ma qaabilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejixumo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg wejixumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weji
(Weji-ga)
Madaxa dadka intiisa horay u soo jeedda oo u dhexaysa foodda taniyo lafta garka iyo dhegta taniyo dhegta kale, oo indhaha iyo sanka iyo afku ku yaalliin; fool; jaah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weji
m.l (-iyo, m.dh) Madaxa dadka intiisa horay u soo jeedda ee u dhexeysa foodda ilaa iyo lafta garka, dhegta ilaa dhegta kale oo indhaha, sanka iyo afku ku yaalliin; fool; jaah. la-mid: waji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weji
m.l (-iyo, m.dh) Madaxa dadka intiisa horay u soo jeedda ee u dhexeysa foodda ilaa iyo lafta garka, dhegta ilaa dhegta kale oo indhaha, sanka iyo afku ku yaalliin; fool; jaah. la-mid: waji.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Weji
Phase
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Weji
Face
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weji
m. n. face; aspect; state {chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weji
-ga: (n) face (feeys) ~ waji, fool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weji
-ga: (magac, lab, keli) inta hore ee madaxa ee u dhaxaysa dhegta midig illaa dhegta bidix iyo gadhka illaa foodda. Dh: waji. Wa: wejiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weji
a: waji
bw: Arabic
de: face; aspect; [ext.] state {chemistry}
initial: w
lx: weji
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: weji
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
weji
وجه
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejih
f.g1 (-hay, -hday) 1. Wax qaabilid. 2. Meel ama cid abbaarid. la-mid: waajah, wajih.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wejih
f.g1 (-hay, -hday) 1. Wax qaabilid. 2. Meel ama cid abbaarid. m.f.dh, wejihid. la-mid: waajah, wajih.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wejih
v. face (toward); confront
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wejih
-ay / day: (v) face (feeys); encounter (in-kaawn-tar); confront (kon-faroont) ~ waajih
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejih
(fal) foolkafool uga hor teg. Dacwadda wejh oo ha cabsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wejih
de: face (toward); confront
initial: w
lx: wejih
nt: wejihid (da) [vn-f]
pd: (wejihay / wejihday)
ps: v1=tr
key: wejih
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejihi
f.lg2 (-iyay, -isay) 1. Wax, wax kale qaabisiin. 2. Cid meel ama cid kale aaddin. la-mid: waajihi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wejihi
f.lg2 (-iyay, -isay) 1. Wax, wax kale qaabisiin. 2. Cid meel ama cid kale aaddin. m.f.dh wejihin. la-mid: waajihi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wejihi
ditransitive v. cause someone to confront something; turn something to, face someone toward
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejihi
(fal) labo shey iska hor keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wejihi
cf: jeedi
de: cause s.o. to confront s.t.; turn s.t. to, face s.o. toward
initial: w
lx: wejihi
pd: (wejihiyey)
ps: v2a=ditr
key: wejihi
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Weji-ga
figure, visage.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejibax
-a: (magac, lab, keli) weji aan furfurnayn oo kolka qof la arko la duuduubo; weji kuudud. Wejibax ayaa ku dhacay gabadhii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wejihid
(Wejihid-da)
Wajihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejihid
m.f.dh eeg wejih. la-mid: waajihid, wajahid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejihid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg wajahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejihin
m.f.dh la-mid: waajihin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wejiine
(Wejiina-ha)
Wajiine.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wejiine
m.l la-mid: wajiine.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Wejiine
m. n. part of the dry season
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejiine
-ha: (magac, lab, keli) xilli dabayleed qabow oo roob jirey kala kaxaysa. Wejiinaha ka guur baan lahaa wiil kalaa dhalane. Dh: wajiine.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Wejiine
bw: Wajiine
cf: Jiilaal; musareen
de: part of the dry season
initial: w
lx: Wejiine
pd: (/ha)
ps: n-m-time
key: Wejiine
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weji buur
v. frown
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weji kuus
v. frown
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weji_buur
de: frown
initial: w
lx: weji buur
pd: (buuray)
ps: v1=expr
key: weji_buur
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weji_kuus
de: frown
initial: w
lx: weji kuus
pd: (wejikuusay)
ps: v1=expr
key: weji_kuus
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wejibbuur
v., [compound] frown
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wejibbuur
de: frown
initial: w
lx: wejibbuur
pd: (wejibbuuray)
ps: v1=cmp
key: wejibbuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejifurid
-da: (magac, dhedig, keli) hadiyaddii wejifurka siin. Hadiyad qaali ah ugu talagal wejifuridda carooskaaga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejigabax
-a: (magac, lab, keli) khaso iyo bahdilaad cid loo geysto. Odayadii wejigabax ayay la soo noqdeen. Dh: yaxyax.
wejigabax -a: (magac, lab, keli) hongow meel wax laga rajaynayay lagu hongoobo. xafiiskii wejigabax ayaan kala soo noqday. Dh: hongow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejixumee
(fal) cid kale waji aan wanaagsanayn ku qaabbil.